Tuesday, January 9, 2018

Taariikh Kooban Oo Ku Saabsan Beel Waynta JAARSO

Taariikh Kooban Oo Ku Saabsan Beel Waynta JAARSO









Jaarso waa qabiil soomaaliyeed kana mid ah bahwaynta Direed , qabiilka jaarso wuxuu ka mid yahay beelaha soomaaliyeed ee ku nool Ethiopia kuwa ugu badan dad ahaan iyo dhul ahaanba

.

Umada Jaarso waa umad taariikh wayn ku leh Geeska Afrika waana qabiilkii soomaaliyeed ee ugu hor yeeshay boqortooyo maamuli jirtay in badan oo ka mid ah wadanka Ethiopian Waxaana la odhan jiray JAASRO SULTANATE, boqortooyadani waxay kulmin jirtay oo hoos imaan jiray iyaguna dhawr boqortooyo oo caanka ah Geeska Afrika ilaa hadana taariikhdooda lagu barto kuliyadaha,jaamacadaha iyo schoolada wadanka Ethiopia waxaana ka mid ahayd boqortooyadii waynayd ee la odhan jiray SULTANATE OF DAWARO ( Dawaro Waa Jilib ka mid beesha Jaarsi ).

waxyaalaha in la xuso ubaahan ama ay ku faanaan umada Jaarso waxaa ka midka ah oo taariikhda u gashay beesha jaarso ay ahayd qabiilkii soomaaliyeed ee ugu horeeyay kaasoo dagaal fool ka fool ah la galay dawlad ay xabashi lee tahay, Beesha Jaarso waxaa kale oo ay lee tahay misena ay ku faani kartaa xeer soo jireen misena caan ah kaas oo  ay isku maamulaan, xeerkaas oo la yidhaahdo Xeerka Jaarso kaasoo lagu aas aasay Tuulada Tuli Cagaagane.


Beesha jaarso waxay ku fadhidaa dhul aad u balaadhan oo ka mid ah dalka Ethiopia, waxayna ku xoogan yihiin Ismaamulka Somalida Ethiopia iyo Kan Oromada, Umada Jaarso waa umad ku hadasho laba af oo kala ah Afka Somaliga iyo Afka Oromada, markaan lee nahay afka oromada inta ku hadasha waxaa lagu qiyaasaa inay dhan yihiin 45% inta ku hadasha afka somaligana waxaa lagu qiyaasaa inay dhan yihiin 55% , beesha jaarso waa beel nabad jecel isla markaana aad u ixtiraamta umada ay wada degaan taasina waa dabeecadaha ay ku caanka yihiin.

Beesha Jaarso deegaanada ay ku nool yihiin waxaa ka mid ah :
             1. Degmada Jigjiga
             2. Degmada Jinacsani
             3. Degmada Ajasa Koora
             4. Degmada Baabili
             5. Degmada Gursum
             6. Degmada Hawaday
             7. Harar,Haramaya,Diridawa,Naserat,Baali,Dhangago
             8. Degmada Tuli Guuled
             9. Waxay Kale oo Ay Ku Nool Yihin Qaybo Badan Oo Ka Mid Ah Kililka Oromada
            10. Gobolka Liibaan
Hadaan usoo noqono beeshu waxay ka kooban tahay lix (6) jilib oo waa wayn waxayna kala Yihiin:
1. Wara dhaqo            ( Reer Dhaqo )
2. Wara sayo              ( Reer Sayo)
3. Walaabi
4. Wara Oogo           (Reer Oogo)
5.  Dawaro
6. Oroma
Erayga  Waro waa eray oromo ah wuxuuna la mid yahay  Reer
1. Wara Dhaqo iyaduna waxay usii kala baxdaa  Tobadaba (7) Jilib.
  • Wara Yan’a
  • Wara Yaanyo Igo
  •  Wara Maxamed
  • Wara Yaanyo Guyo
  • Wara Akaako
  •  Wara Areelo
2. Wara Sayo iyaduna waxay ukala baxdaa sadex (3) jilib oo waa Wayn
  •  Wara Buuko
  •   Abiye
  •  Oroma
3. Walaabi waxay ukala baxdaa sadex (3) jilib oo waa Wayn
  •  Wara Cusmaan
  •  Wara Cumar
  •  Baalcad
4. Dawaro
5. Wara Oogo
6. Orama

F.G. Fadlan wixii Talo iyo Tusaaleba Ah ama Sixid Aad Iga Saxaysid Wixii Ka Qaldan Qoraalkan iigu Soo Hagaaji Ciwaankan  jaarsocommunity@hotmail.com

Blog Archive