Sunday, December 9, 2012

Boqorka Beesha Magaadle- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa munaasibad u qaabilay Boqorka Beesha Magaadle.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo ka hadlay halka xalka Soomaaliya ku jiro

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa munaasibad u qaabilay Boqorka Beesha Magaadle.
Munaasibaddaas oo lagu qabtay Hotel Kaah ee bariga Hargeysa, ayaa waxa a hadlay masuuliyiin kala duwan, waxaanu Guddoomiyaha Xisbigaas Faysal Cali Waraabe ka hadlay xalka Soomaaliya iyo halka uu ku jiro.
Faahfaahinta Warkaa ka daawo halkan;



Caleemo-Saarka Boqorka Beesha Magaadle oo ka dhacay Ceerigaabo.

March 8, 2010
By
 
 
Ceerigaabo(Qarannews) 14 Maddax-dhaqameedyo isugu jira Salaadiin iyo Boqorro ay hoggaaminayeen Suldaanka guud ee beelaha H/Yoonis Suldaan-Maxamed Xirsi Qani iyo Suldaanka guud ee Beelaha H/Yoonis-bari Suldaan-Rashiid Suldaan-Cali Ducaale, Madaxda laamaha dawladda heer-gobol iyo degmo, Cuqaasha, Guurtida, Waxgaradka kale, Aqoonyahanno, Haweenka, Marti-sharaf ka kala yimid gobollada Somaliland iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan ayaa isugu yimid munaasibaddan Caleemo-saarka Boqorkan oo ay yeesheen Beesha Magaadle Boqor-Maxamuud Sh-Cismaan Nuur (Timacadde) oo maanta lagu qabtay magaala-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.
Boqorkan oo ka soo jeeda Beesha faca weyn ee Magaadle ayaa dhowaan beesha uu ka dhashay kusoo doorteen in uu qabto xilka boqor-nimada ee maanta loo caleemo-saaray.
Munaasibaddan Caleemo-saarka Boqor-Maxamuud Sh-Cismaan Nuur (Timacadde) ee magaalada Ceerigaabo oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey ayaa waxa ugu horrayn ka hadlay halkaas Maayor-ka Ceerigaabo Ismaaciil X. Nuur, waxana uu Meeyarku ku dheeraaday taariikhda fog ee beeshani leedahay ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa “Taariikhda sida aynu ku hayno Boqor-Maxamuud maanta waa boqorkii 8-aad ee beesha magaadle yeelatay waxana ka horreeyey 7 boqor oo hore oo beeshani u soo talinayey”. Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi “Boqorkani waa mid guud ahaan beelaha reer Sh-Isixaaq gaarahaanna beelaha H/yoonis ixtiraam ka mudan, waayo waa beeshii Sh-Isaxaaq dhulka ugu yimid, kana guursadey Magaado oo boqorkii xilligaasi dhalay innaguna (Haba-Magaadle) aynu ka soo jeedno. Sidaas darteedna waannu soo dhowaynaynaa boqorkan”.
Chief-Caaqil-Axmed Xaaji Jaamac, Caaqil-Faarax Xaaji Cabdi, Caaqil-Jaamac Jibriil braahin iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Axmed Maxamed Axmed (Aaya-tullah) oo iyagu ka soo jeeda beesha soo dooratay boqorkan ayaa si aan kala leexasho lahayn waxay halkaas uga caddeeyeen beel ahaan shirar badan oo ay yeesheen kaddib in ay boqorkan soo doorteen, lana shaqayn doonaan, iyagoo Marti-sharafta munaasibaddan isugu timidna si weyn ugaga mahad celiyey sida wanaagsan ee ay uga ajiibeen marti-qaadkan iyo caleemo-saarka Boqor-Maxamuud Sh-Cismaan Nuur (Timacadde sidoo kalena Beelaha Reer Somaliland iyo Reer Sanaagba ay ka codsadeen boqorkan cusub in ay la shaqeeyaan.
Waxa iyaguna munaasibaddan ka hadlay xubno tiro badan oo isugu jira Cuqaal iyo Guurti ka soo kala jeeda dhammaan beelaha dega gobolka Sanaag, kuwaas oo iyaguna halkaas boqorkan iyo beeshiisaba uga soo jeediyey hadallo isugu jira bogaadin, talooyin, waano dardaaran iyo ducooyin intaba, sidoo kalena dhinacyadooda halkaas ka caddeeyey in ay boqorkan si buuxda ula shaqayn doonaan.
Intaasi kaddib, waxa Boqor-Maxamuud Sh-Cismaan Nuur (Timacadde) madaxa loo saaray duubkii (cimaamadda) boqornimadiisa oo ay si wada jir ah madaxa ugu geliyeen Suldaanka guud ee beelha H/Yoonis Suldaan-Maxamed Suldaan-Xirsi Qani iyo Suldaanka guud ee beelaha H/Yoonis-bari Suldaan-Rashiid Suldaan-Cali Ducaale.
Suldaan-Rashiid Suldaan-CAli Ducaale oo ku hadlayaye afka guud ahaan magaca salaadiinta safarka ku joogta gobolka Sanaag iyo madax-dhaqameedyada beelaha reer Sanaag ayaa hadal kooban oo uu halkaas ka jeediyey wuxu ku sheegey in ay boqorkan cusub kusoo dhowaynayaan guud ahaan golaha madax-dhaqameedyada Somaliland iyo gobolka Sanaag, isagoo suldaanku xusay in ay nasiib weyn u tahay boqorkan cusub tirade Salaadiinta iyo boqorrada faraha badan ee ka kala yimid dhammaan gobollada Somaliland ee ka soo qayb galay caleemo-saarkiisan, wuxuna sidoo kale suldaanku halkaas ka caddeeyey in ay boqorkan cusub si buuxda ula shaqayn doonaan, isagoo Eebbena uga baryey boqorkan cusub in uu u fududeeyo hawlaha loo igmadey.
Gebgebadii munaasibaddan waxa hadal kooban oo mahadnaq iyo ducu isugu jira ka soo jeediyey boqorka cusub ee lagu caleemo-saaray halkaas Boqor-Maxamuud Sh-Cismaan Nuur (Timacadde), wuxuna halkaas boqorkan cusubi ka sheegay in uu qaadan doono hadallada talooyinka iyo waanada ee halkaas looga soo jeediyey, sidoo kalena wuxu ballan qaaday in uu bulshadiisa ugu talin doono sinnaan iyo caddaalad.
Si kastaba ha ahaatee, munaasibaddan oo hadallo badan oo kaftan ahna laysaga tebinayey ayaa u muuqanaysey mid ay isugu yimaaddeen madax-dhaqameedyadii (Salaadiin iyo Boqorro) ugu badnaa ee lagu arko munaasibad noocan oo kale ah oo ka dhacda guud ahaan gobolka Sanaag.
Salaadiinta iyo Boqorrada Munaasibaddan ka soo qayb galayna waxay kala ahaayeen:-
  1. Suldaan-Maxamed Suldaan Xirsi Qani (Suldaanka guud ee Beelaha H/Yoonis).
  2. Suldaan-Rashiid Suldaan Cali Ducaale.
  3. Suldaan-Yuusuf Muxummad Xiirey.
  4. Suldaan-Nuur Faarax Xuseen.
  5. Suldaan-Aadan Yuusuf Nuur (Suul-cayn).
  6. Suldaan-C/raxmaan Cawaale Hurre.
  7. Suldaan-Maxamuud Cabdi C/laahi X. Aadan
  8. Suldaan-Cali Yuusuf Cabdi (Badda cas).
  9. Suldaan-Ismaaciil Nuur Wacays
10.Suldaan-Maxamed Axmed Cali-yare
11.Boqor-Axmed Cali Ducaale.
12.Boqor-Maxamed Nuux Aadan
13.Boqor-C/laahi Xaaji Xasan.
Source: Qarannews/Ceerigaabo
Comments are closed.

Beesha Magaadle Maxamed-Xiniftire Mahe Dir iyo Deegamadooda

Xigasho laga soo Guuriyay
http://magaadle.blogspot.ca/2012/04/inta-lafood-ee-ay-kala-baxdo-beesha.html#!/2012/04/inta-lafood-ee-ay-kala-baxdo-beesha.html


Marka hore waxaan ku bilaabay magaca illaahay sareeyoon weenaaye
Marka xigta Magaadle waa Maxamed-Xiniftire waxuu ka sii yahay Mahe Dir waxuuna ka sii yahay Dir waxuuna kasii yahay Dir Irir waxuu ka sii yahay Irir-Samaalle waxuu ka sii yahay IJI waxuu ka sii yahay Inna Xaam(haam) Xaam na waa Inna Nebi Nuux (nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee).
Taariikhda beesha magaadle waxaa loo kala saaraa mid qadiim ah ,mid dhexe iyo xadiis ah ama waqtiga hadda la joogo.

Beesha Magaadle waxay degaan ahaan degan tahay guud ahaan Somaliland , gaar ahaan tuulooyin ka tirsan goboladda Sanaag iyo Togdheer.

Sida Godcaanood oo ka tirsan degmadda Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag iyo tuulooyinka Qurilugud, Coodanle, Wadaamo-goo oo iyaguna ka tirsan Degmadda Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.

waxay leedahay laba Caaqil iyo hal Boqor beeshu oo kala ah;

1.Caaqil Faarax Xaaji Cabdi Ow-Daahir

2.Chief Caaqil Axmed-Rashiid Xaaji Jaamac Ow-Maxamed

3.Boqor Maxamuud Shiekh Osman Nuur (Timacade).



 --------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

Ceerigaabo=Beesha Magaadle oo Dooratay Boqor.
Written by Qaran News
Mar 04, 2010 at 02:19 AM
Ceerigaabo(Qarannews) Shir ballaadhan oo ay maanta isugu yimaaddeen Cuqaal, Guurti, Aqoonyahanno iyo Waxgaradka kale ee Beesha Magaadle ayaa waxa halkaas beeshani shaaca ka qaadeen in ay beel ahaan isla garteen samaysashada boqorkan, sidoo kalena Maxamuud Sheekh-Cismaan Nuur (Timacadde) ay u garteen una magcaabeen in uu noqdo Boqorka Beesha Magaadle, iyagoo sidoo kalena sheegay toddobaadka soo socda in ay caleemo-saari doonaan kuna caano-shubi doonaan



Image


Maxamuud Sheekh-Cismaan Nuur (Timacadde)

Muddo bil iyo badh gaadhaysa oo beeshani gudaha dalka iyo debeddiisaba shirar kala is daba joog ah ku yeelatay waxannu beel ahaan marka hore isla garannay oo isla oggolaannay iskuna raacnay in ay beeshu samaysato boqor. Kaas oo aannu u garannay Maxamuud Sheekh-Cismaan Nuur (Timacadde) in uu noqdo Boqorka Beesha Magaadle". Sidaas waxa yidhi Caaqil-Faarax Xaaji Cabdi oo ah caaqilka Beesha Magaadle. Wuxuna caaqilku intaas kusii daray. "Boqor-Maxamuud Sheekh-Cismaan Nuur (Timacadde) waxa la caleemo-saarayaa laguna caana-shubayaa maalinta taariikhdu tahay 07/03/2010".

Waxana Cuqaasha iyo Guurtida kale ee iyaguna shirkaas ka hadlay ka mid ahaa

- Guurti Nuur Xaaji Cabdi
- Guurti-Aadan Siciid Cabdi iyo
- Guurti-Cali Cabdi Daahir.
Dhinaca kalena Boqorkan la doortay oo ah nin dhallin yaro ah ayaa taariikh ahaan ah mid kazoo jeeda boqortooyo hore (Magaadle) oo isir ku leh intooda badan beelaha waaweyn ee Reer Sheekh-Isixaaq.

Source.Qarannews/Ceerigaabo

OLD ARTICALS: SUURE DIR CLANS NAMELY FIQI MUHUMMED AND AGOON (S.ABDALLE) CLANS WAR IN CENTRAL SOMALIA MUDUG AND GALGADUUD REGIONS WITH MAREEHAN AND SACAD

IRIN Wednesday, 17 December 2003


At least 60 people were killed and another 90 wounded in renewed fighting on Tuesday in the northwest of Galgadud Region, according to local sources in the regional capital, Dhusa-Mareb.
The latest fighting broke out on between the Darod subclan of the Marehan and the Dir subclan of Fiqi Muhumud, and was concentrated in and around the village of Herale, some 80 km northwest of Dhusa-Mareb, said Nur Mu'allim Dhere, a member of the Dir clan.


Last month Herale, which is populated by the Suure Dir-Fiqi Mahmud, was also the scene of serious fighting between the two sides which left over 50 people dead.


Nur told IRIN that in the latest clash, 18 fighters on his side had been killed and 29 wounded, while the other side suffered 25 deaths.

Sources in Abud Waaq, 40 km west of the Herale, where the Marehan have taken their casualties, told IRIN that at least 30 dead and 70 wounded had been brought in.
According to sources from a neutral clan in the area, what started out as "revenge killings" had now flared up into a "fully-fledged land war".


"Basically, the Marehan want the Fiqi Muhumud out of the area, and until one group gives up, the fighting will probably continue," the sources said, adding that heavy weapons had been used in Tuesday's fighting.


Intensive mediation efforts on the part of elders and religious leaders from neutral clans seem to have failed. "We have been unable to bring the two sides together to start talking," said Ilmi Hirsi, a clan elder. "However, we are persevering with our efforts and hope that cooler heads will prevail."
The situation was reported calm on Wednesday, with both sides burying their dead and taking the injured to hospitals.

SACAD HABAR GIDIR - SUURE DIR-SALEEBAN CABDALLE WAR

NAIROBI, 10 Jul 2003 (IRIN) - Two days of heavy fighting in the south of Mudug region, have left at least 43 people dead and over 90 injured, a local journalist in the regional capital Galkayo told IRIN on Thursday.
The fighting broke out on Tuesday between the Sa'ad, Habar Gedir subclan and the Dir, and was concentrated in and around the villages of Towfiq and Awle, some 200 km east of Galkayo, the journalist Dahir Abdulkadir Aflow said. The two villages are populated by the Dir.

The clashes were triggered by revenge killings for the deaths of two Sa'ad men in Galkayo last week, but the ensuing escalation of violence was also attributed to disagreements over water and grazing in the area, Aflow said. "It is more about water and grazing land right now."

"Unfortunately, this is something that happens when nomads in search of pasture and water collide with each other," he said. This particular clash between the two clans had been "exacerbated by the easy availability of heavy weapons".

"Previously they used spears or guns but now both sides are using technicals [battlewagons fitted with heavy machine guns]," he said. "In an area with little cover for concealment, the casualty figures are bound to be high."

He added that the casualty toll was likely to rise once the fighting stopped and both sides could take their wounded to hospitals.

Abdullahi Dayib of the Dir clan told IRIN that among those killed from his clan were three women and four children.

The fighting has reportedly displaced hundreds of families who have no access to wells or water points, Dayib said. He stressed the need for help, "but given the lack of roads and current insecurity in the area, I doubt if anyone will come to their aid".


Dagalkii AF Barwaaqo Reer Agoon Beesha Surre iyo Sacad

Ku dhawaad 50-ruux ayaa ku geeriyootay, tiro Boqol ruux kor u dhaafaysana way ku dhaawacantay dagaal shalay iyo dorraad ka dhacay tuulada Af-barwaaqo ee ka tirsan degmada Jariiban ee gobolka Mudug. Dagaalkan oo u dhexeeya maleeshiyooyin kala taabacsan beelaha Habargidir ee Sacad iyo Dir (Agoon) ayaa wuxuu ka bilowday aano qabiil iyo dilal horey u dhex maray labadaasi beel, kuwaasoo isu adeegsaday hubka waaweyn iyo kuwa fudud, waxaana la sheegayaa in dagaalkaas mindhiciro-dooxa ahi uu badankiis ka dhacay meel bannaan ah oo aysan jirin gabaad iyo meel kale oo rasaasta xooggan looga dhuunto, taasoo sababtay baa la yiri dhimashada iyo dhaawaca baaxaddaas laeg. Warku wuxuu sheegayaa in dhimashadu ay intii hore ka sii badan karto oo ay soo badanayaan dadka dhaawaca u dhimanaya, kuwaasoo dhiig bax iyo daawo la’aan u qur baxaya. Ma jiro ilaa iyo hadda cid nabadeyn ka dhex wadda labada dhinac ee dagaalamaya, marka laga reebo baaqyo afka kaliya ku kooban oo dhinaca saxaafadda loo sii marinayo, taasoo la og yahay in uusan dagaal ku joogsaneynin

Inter-clan fighting kills about 65 in Somalia

MOGADISHU - Fighting between rival clans in southern and central Somalia has killed around 65 people in the past week, residents and radio reports said on Sunday. Eyewitnesses said several hundred heavily armed militiamen had been fighting in the central Mudug region for the past few days, killing at least 45 people and injuring many more, mostly civilians.

The fighting between the Dir and Sacad clans spread to at least 10 villages within a 20 km (12 miles) radius of Galcaio, a town some 570 km (350 miles) north of the Somali capital Mogadishu. Panicked residents fled their houses as a result of heavy shelling on both sides.

It was not immediately clear what sparked the fighting. Some residents said it was linked to the recent killing of a Sacad businessman by members of the Dir tribe. A Sacad leader told Reuters the fighting appeared to be subsiding on Sunday morning, after tribal leaders agreed on a ceasefire. In the Lower Shabelleh region south of Mogadishu, around 20 people were killed when fighting broke out earlier this week between the Jiddoh and Jareer clans over grazing rights, VHF radio reports said.


The two clans normally coexist relatively peacefully, but years of drought have heightened tensions in the region. Somalia has had no central authority since 1991, when dictator Mohammed Siad Barre was overthrown. A transitional government sits in Mogadishu, but controls only parts of the capital and pockets elsewhere.


The rest of the Horn of Africa country is a patchwork of clan-based fiefdoms, ruled by rival warlords and their heavily armed militias. The climate of insecurity, economic turmoil and drought have disrupted Somalia's normal agricultural and herding patterns, and caused serious food shortages. Aid agencies have warned any further disruption could cause a major humanitarian crisis. – Reuters

Dec. 2003: A number of notable traditional leaders, supported by some prominent businessmen and women, leave Muqdisho to mediate warring clans in Galgudud region, central Somalia: an armed inter-clan conflict in Herale village (Dir against Marehan) on one hand and, the Murusade vs. Duduble in El-bur district




11 Jul 2003 – Clashes between two clans in central Somalia have claimed scores of lives since Tuesday. The fighting appears to be over access to natural resources. More than 50 people have died and 90 have been injured in clashes between two clans in the Mudug region of central Somalia. The fighting reportedly started when members of the Sa'ad sub-clan attacked the Saleeban Abdalle (Agoon) Dir clan for allegedly killing two of its members. But observers note that there was more to the clash than mere revenge. The senior United Nations relief official for Somalia Calum McLean says this is the second time in three months that there has been fighting in the area. "Now it's happened again," he said. "It's resource-based rather than political, you know, over grazing. It's over access to pasture and water." Observers say conflicts among the Sa'ad, Dir, and other nomadic groups over land and water for their cattle are not uncommon, but it is unusual for things to go so far. They say the easy availability of guns makes the death toll much higher than clashes in the past. The fighting comes at a time when Somali peace talks are being held in Kenya. Last year, representatives of clan-based factions signed a cease-fire while negotiations continued. The talks aim to end 12 years of civil war in Somalia. The country is split into areas ruled by warring clan leaders. For the past year, those warlords and other delegates have been in Kenya trying to resolve their differences, write a new constitution, and elect a new president and parliament. Mr. McLean says the United Nations agency is monitoring the situation in Mudug and urges Somali leaders to honor their commitments. "We're very alarmed by the escalation in the conflict and call for leaders to respect the ceasefire declaration," said Mr. McLean. United Nations sources report that the fighting.

Sa'ad, Habar Gedir subclan and the Dir

NAIROBI, 10 July (IRIN) - Two days of heavy fighting in the south of Mudug region, have left at least 43 people dead and over 90 injured, a local journalist in the regional capital Galkayo told IRIN on Thursday. The fighting broke out on Tuesday between the Sa'ad, Habar Gedir subclan and the Dir, and was concentrated in and around the villages of Towfiq and Awle, some 200 km east of Galkayo, the journalist Dahir Abdulkadir Aflow said. The two villages are populated by the Dir. The clashes were triggered by revenge killings for the deaths of two Sa'ad men in Galkayo last week, but the ensuing escalation of violence was also attributed to disagreements over water and grazing in the area, Aflow said. "It is more about water and grazing land right now." "Unfortunately, this is something that happens when nomads in search of pasture and water collide with each other," he said. This particular clash between the two clans had been "exacerbated by the easy availability of heavy weapons". "Previously they used spears or guns but now both sides are using technicals [battlewagons fitted with heavy machine guns]," he said. "In an area with little cover for concealment, the casualty figures are bound to be high." He added that the casualty toll was likely to rise once the fighting stopped and both sides could take their wounded to hospitals. Abdullahi Dayib of the Dir clan told IRIN that among those killed from his clan were three women and four children. The fighting has reportedly displaced hundreds of families who have no access to wells or water points, Dayib said.


NAIROBI, 30 Jan 2002 (IRIN) - About 40 people have been killed and 60 wounded in inter-clan fighting in the Mudug region of central Somalia, sources in the regional capital Galkayo told IRIN on Wednesday. The fighting was concentrated in and around the village of Afbarwaqo, some 200 km east of Galkayo, but has now died down. According to a local elder, Muhammad Salad Du'ale, the fighting - which broke out two weeks ago - occurred between the Sa'd sub-clan of the main Habar Gedir clan, and the (Saleeban Cabdalle Agoon)Dir clan. It was sparked off by revenge killings for the deaths of eight fishermen near Afbarwaqo, but the ensuing escalation of the violence was also attributable to the scarcity of water and grazing in the area, Du'ale said. He said neutral elders from Galkayo had managed to secure a ceasefire on Monday to allow for mediation to take place and to stop the fighting from spreading to other villages. "There has been no fighting in the last couple of days," Sheko Harir, a Dir elder, told IRIN from Galkayo. "The elders have met and talked to both sides, and direct talks between the belligerents are expected to begin soon." The violence has reportedly displaced hundreds of families, who have sought refuge in areas where "there is not a single well or water point", Sheko Harir said.


Hishiis kadhacay Magaalada Caabudwaaq iyo Arimaha Xeraale oo sii xumaanaysa. Dhuusamareeb Feb-19-04, Xeraale.com
Maanta oo ay Taariikhdu tahay 2-18-04 Ayaa Idaacada BBCda sheegtay " in heshiis wayn uu ka dhacay Magaalada Caabudwaaq, heshiiskaa oo dhexmaray Labo Beelood oo katirsan Beesha Mareexaan." Hadaba beelahaa hishiiyay ayaa Dagaalkoodii ahaa Midkii hakiyay Dagaalkii Beesha Mareexaan ay kula jirtay Beesha Faqi-Muxamed (Degaanka Xeraale).
Waxaan qadka Telefoonka kula hadalnay Odayaal waaweyn oo katirsan Beesha FaqiMuxamed oo jooga Magaalada Dhuusamareeb, waxayna inoo sheegeen in heshiiskaa uu ahaa mid ay Beesha Mareexaan ku heshiiyeen in ay midoobaan isla markaana ay howshoodii(Dagaalkoodii) meesha ay ka wataan.


Odayaashaasha waxay intaa ku dareen in Shalayto ay isku dhaceen ciidamo ilaalo ah kaasoo Qasaare iyo dhaawac u gaytay Beesha Mareexaan. Waxay kaloo intaas ku dareen in Ciidamada laba Beelood ay isku horfadhiyaan labo meelood oo isu muuqda, Waxayna yiraahdeen hadii aan lahelin cidkala dhexgala waxaa macquul ah in ay sifudud iskugu dhicaan ciidamada.


Ilaa iyo Iminka lama sheegin wax waan waan ah oo kadhexsocda labada beelood iyo wax hadal haya intaba. Inkastoo Beesha Mareexaan ay horey ugu gacan sayrtay Culumaa'udiinadii, Suldaamadii, Nabadoonadii, iyo waxgaradkii isugu Jiray Beelaha wada dega Gobolka Galguduud ayaa wax rajo waan waan ah aan wali laga heyn, Halka Beesha Faqi-Muxamed ay Diyaar u yihiin heshiisiin dhexmarta iyaga iyo Beesha Mareexaan.


Dadka Degan Dagaanka Xeraale iyo kuwii ka qaxay Dagaaladii Kadhacay Halkaa ayaa iyagu aad u dhibaataysan oo cabsi weyna kaqabo dagaalo kale oo halkaa kadhaca. Dad ka soo waramay Xaaladaha Dadkii ka qaxay Dagaaladaa ayaa aad aga deyriyay oo Sheegay Dadka qaarkood oo u badan Caruur iyo dumar ayaa Caafimaadkoodu aad u liitaa Waxayna yiraahdeen "hadii aan Hey'adaha Samafalka Aduunka soo gaarin Dadkaa Qatar weyn ayay ku sugan yihiin.

Maxamed Abdi. Xeraale.com/Dhuusamareeb Dad gaaraya ilaa iyo 3500 oo qof ayaa waxay ku dhibaataysan yihiin Degaanka Xeraale Iyo Degmooyinka Dariska La’ah. Muqdisho, Soomaaliya. Feb-4-04 Warar naga soo gaaray Degaanka Xeraale iyo Degmooyinka dariska la ah ayaa sheegaya in dad tiradooda ay gaareyso ilaa 3500 oo qof ay ku dhibaataysan yihiin Halkaas.

Dadkaas oo ka qaxay Dagaalo goos goos ah oo kadhacaya Degaankooda (Xeraale) ayaa ku kala daadsan Degmooyinka Boholo, Dhuusomareeb, Huurshe, Mayeeraan, Iyo Qod-qod.
Afhayeen u hadlay Dadkaasi ayaa waxa uu u sheegay qaarkamid ah warfidiyeenada in dadkan ay mudo Sedeed bilood ah qoxooti yihiin oo aanay jirin haba yaraatee wax hay’ad samofal Bini aadanimo ah u fidiyay dadkaasi. Waxaa uu Afhayeenka intaa ku daray in dadkaasi ay u badan yihiin Caruur iyo Dumar ay aad ugu baahan yihiin Daryeel Caafimaadka iyo Raashin ay cunaan.
Waxaa kalee uu afhayeenku u sheegay warfidiyeenada in hadii aanay Hay’adaha Samofalka Aduunka u soo Gurman dadkaan ay Halis ugu Jiraan Gaajo iyo Cuduro.


Dagaalladii kadhacay Deegaanka Xeraale ayaa ahaa mid aad iyo aad u foolxun oo sababay Dhimasho iyo Dhaawac aad u farabadan. Maxamed Ali oo ku magacdheer (Shabeel ) ayaa waxa uu warfidiyeenada u sheegay in Dagaalka kadhexeeya Beelahan uu sii daba dheeraanayo oo weliba Ciidamadooda ay weli is hor fadhiyaan jiida hore.


Wararka waxay intaasi ku darayaan in Waxgaradka iyo Ganacsatada kasoo jeeda Degaanada Dhuusamareeb, Cadaado, Guraceel iyo Ceeldheer oo isku dayeey inay soo Afjaraan coolaadaasi ay ku guuldareysteen oo sheegay in Beesha kasoo jeeda Caabudwaaq ay ka biyo diidsan yihiin Hishiisiin. Wax garadka iyo Ganacsatada ayaa sheegay in hadana ay ku rajo wayn yihiin inay soo Afjaraan dagaaladaasi. Cabdiraxmaan Abdi Muqdisho, Soomaliya





Nin S.Abdalle Ah Oo La dilay
Nin lagu dilay agagaarka Baar ubax Dagaalada Mudug Awgood Muqdisho, Somaliya. Waxaa maanta lagu dilay meel udhow baar ubax nin dhailnyaro ah oo lagu magacaabi jiray indhobohol Diiriye Faarax,dad ka agdhawaa meesha lagu dilay marxuumka waxay ii sheegeen in dhalinyaro hubaysane ay kala soo degeen baabuur uu saarnaa oo ahaa kuwa loo yaqaan BLka isla markiina waxay ku fureen rasaas ilaa ay naftu ka baxdo.
Waxaana la xaqiijiyay in arrintu tahay ninka ladilay beeshuu ka dhashay iyo kuwa wax dilay in dagaal kharaari ku dhexmaray Golol oo ka tirsan gobalka Mudug gaar ahaan degmada Jiriiban,taasoo dad badani maanta fajac ku noqotay in dagaalkii baadiyaha la keeno magaalada Muqdisho.waana markii u horaysay oo labadaa beelood ay dad isaga dilaan magaalada Xamar iyadoo dagaalkoodu usocday in ka badan afar sano. Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda degaanka Golol ayaa cambaareyey Dilkaas Foosha xun,waxayna codsadeen in si wadajira loo soo qabto kuwii gaystey dilkaas oo aan loo eegin haybtay yihiin lana horkeeno shareecada islaamka si loo yareeyo kuwa caadaystay in ay dadka walaalaha ah isku diraan oo dhibaato hor leh ka dhexabuuraan,iyadoo hore loogu guulaystay in xabadii ka dhexsocotay labada beelood la joojiyo wada hadalna uu uga socday magaalada Gaalkacyo ,Dhacdadaan oo aad mooddo inay dhabarjab ku tahay waxgaradkii waanwaanta ka waday gobalka Mudug. Xeraale.com




Faahfaahin ku saabsan dagaalkii lagu hoobtay ee Xeraale MOGADISHU, 16 Dec 2003 (MOL) -
Wararka naga soo gaaraya magaalada xeraale ee gobalka galgaduud waxay shegayaan in saakay saacaddu markay ahayd 6-dii subaxnimo waqtiga geeska afrika uu halkaas dagaal aad culusi ku dhexmaray labada beelood ee mareexaan iyo Fiqimuxumd(Dir), ka gadaal markii beeli soo qaaday duulaanka ayadoo aan ku qanacsanayn waan waan ay ka dhexwadeen masuuliyiin iyo waxgarad kale oo la degan degaanka .
Wararka lagu helayo fooniyaha waxay sheegayaan in ugu yaraan 45 qof ay ku dhinteen dagaalkaas, in ka badan 75 kalena ku dhaawacmeen, waxay kaloo sheegayaan wararku in dagaalka loo adeegsay hubkii dowladii hore oo ay kamid yihiin beebayaal iyo gawaarida gaashaaman, ayadoo mid ka mid ah beelaha halkaas ku dagalmaya ay maanta saxaafadda usheegtay inay ka qabsadeen waxay ugu yeereen kuwii soo duulay 4 beebe iyo hal dhesheeke, iyo ugu yaraan 20 qoryaha fududa.
Sida laga warqabo dagaal dad badani ku riiqdeen ayaa labadaas beelood ku dhexmarayay aagaas, kaasoo markiisii hore ka bilowday aano qabiil oo nin ganacsada ah lagu dilay magaalada Caabudwaaq, taasoo waxba kasuuroobi wayday dhexdhexaadin ay isku xilsaareen culumaaudiin iyo waxgarad isxilqaamay, dagaalka maanta ayaa lagu tilmaamay kii ugu kharasaaraha badnaa tan iyo intii ay beelahaasi coloobeen horaantii sanadkan.
Cabdi Xasan Mudugonline.com/Muqdisho



Xalad xeerale Conditions in Xeerale.
3/4/2004 2:38 PM UTC Massive Displacement in Central Region
NAIROBI, 24 Nov 2003 (IRIN) - Hundreds of families who were driven out of their homes by recent fighting in the Galgudud Region, central Somalia, are said to be living in "destitute" conditions. Local elders told IRIN the exodus was due to heavy fighting two weeks ago between the Darod subclan of the Marehan and the Dir subclan of Fiqi Mahmud. The clashes were concentrated in and around the village of Herale, some 80 km northwest of Dhusa-Marreb, the regional capital. Many of these 2,000 or so families were now living in the open, with little or no food, Abdiqani Shaykh Yusuf, a Dir elder said. "Many of them have lost all their livestock and now depend on the goodwill of the people of Dhusa-Marreb." The plight of the displaced is compounded by the prevailing drought in the area. "There have been no rains this year in Dhusa-Marreb and the surrounding areas," Yusuf Hasan Iyow, the governor of Galgudud, told IRIN on Monday. "The residents are hardly better off than the displaced," he added. "Most people here depend on livestock, which is dying now, because of the drought. Even business people are being affected." He said there was no aid agencies in the area helping either the displaced or the residents affected by the drought. Moreover, due to their weakened state, many of the displaced, particularly the young and elderly, were succumbing to disease, Abdirahman Ali, a health worker in Dhusa-Marreb, told IRIN. "Diarrhoea, malaria and respiratory infections are the most common diseases, and we are also seeing cases of very severely malnourished children," he said. "If they don't get help very soon, it may be too late." Meanwhile, mediation efforts are under way to resolve the conflict, Iyow told IRIN. "We have asked prominent elders and intellectuals from both sides to come from Mogadishu to help in the mediation," he said. He was hopeful that "this time round we will succeed, but it has been a very difficult meditation up to now." Posted on Monday 24th November at 11:59:55 Somali Puts Faith in High Court





WAR-SAXAAFADEED ANNAGA oo ah aqoonyahanno iyo indheergarad ka tirsan beelaha Sacad (Habargidir) iyo Surre (Dir Koonfurreed) oo ku kalsoon in aanu ka tarjumayno rabitaanka xubnaha beelaha aanu ka soo jeedno ee ku sugan dalka Canada; dareensan burburkii iyo dhibaatooyinkii ay ummadda Soomaaliyeed ka dhaxashay dagaal beeleedyadii ka dhacayey deegaanada dalkeenna; qadarinayna cawaaqib-xumada ka dhalan karta colaad baahda oo aan degdeg loo soo afjarin; xusuusan waajibka Islaamiga ah ee naga saaran ka qayb qaadashada xalinta khilaafaadka dadkeenna; dhowrayna duruufaha adag ee uu dalkeennu guud ahaan ku sugan yahay:
WAXAAN si buuxda u cadaynaynaa in aanu ka soo horjeedno dagaalka ka dhacay degmada Gaalkacyo, dagaalkaas oo laga dhaxlay dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur saameeyey dad iyo duunyaba; WAXAAN tacsi u diraynaa qoysaskii walaalaha ahaa ee waxyeeladu ka soo gaartay dhibaatadaasi; WAXAAN ugu baaqaynaa shacbiga deegaankaas wada deggen ee colaadu dhex martay xabad joojin, deegaankana laga saaro hubka waaweyn, isla markaasna si degdeg ah xal dhab ah looga gaaro khilaafka; WAXAAN ku dhiirigalinaynaa oday-dhaqameedyada, indheergaradka,aqoonyahanada, iyo culima’udiinka ka soo jeeda deegaankaasi in ay dardar galiyaan soo afjarida khilaafkan waxyeelada farabadan gaarsiiyey shacbi danyar ah duruuftii dowlad la’aanta iyo abaartu ugu darsantay colaadan sokeeye.
WAXAAN ugu baaqaynaa in ay hay’adaha caalamiga ah gargaar degdeg ah ugu fidiyaan shacbiga deegaankaas ka soo baro-kacay iyo kuwa biyo la’aanta u liita.
BEESHA SACAD (HABARGIDIR) BEESHA SURRE (DIR KOONFUREED) Mahad Cali Xaashi Nasir Cabdi Baalle Nuuradiin Maxamed Maxamuud Maxamed Cali Aadan Cusmaan Ducale Kaahiye Saciid Axmed (Siciid Soona) Diini Nuur Shaadali (Jucufo) Abshir Diini Xassan Abshir Xildhibaan Mahad Cabdalle Cawad Dr. Cabduqaadir Maxamuud Guuleed Dr. Cismaan Yuusuf Maxamed (Jirfe) Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Cilmi Sh. Mahad Max’ed Cali Wardheere Sh. Maxamed Sh. Cabdulaahi Maxbuub Cabdulaahi Xasan Aadan Jibriil Maxamed Siciid Dr. Axmed Xuseen Gurey

Dagaal culus oo subaxnimadii maanta ka bilowday tuulada Xeraale oo ka tirsan degmada Cabuud Waaq ee gobolka Galgaduud ayaa sababay dhimashada dad tiradooda lagu qiyaasay 45 qofood, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo aan la sheegin.
Dagaalladaan oo u dhaxeeya labo beelood oo halkaasi wada degan ayaa ka bilowday barkad biyaha laga cabo, iyadoo ay ka qeyb qaateen baabuurta dagaalka oo ay ku jiraan kuwo gaashaaman Afhayeen u hadlay beesha Mareexaan oo ay soo xiganeysay idaacadda Jubba ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen degmada Cabuud Waaq, balse dagaallo teel teel ah ay ka soconayaan daafaha degmadaas, haseyeeshee ma jiraan warar caddeynaya hadalka sheegashada ah ee ka soo yeeray af-hayeenkaas. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in culumaa’udiin iyo odayaal ka kala tirsan labada beelood ay ku baaqeen in ay labada dhinac joojiyaan xabadda oo ay wada hadal ku dhameystaan khilaafaadkooda. Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Weli Axmed Nuur oo ka mid ah waxgaradkaas ayaa isaga oo ku sugan Buulo Xaawo waxaa uu labada dhinacba ugu baaqay in ay joojiyaan dagaallada iyaga oo ixtiraamaya bisha barakeysan ee Ramadaan oo ay muslimiintu sooman yihiin.


Welcome To HornAfrik Online
Inter-Clan Clashes In Central Somalia.
At least 12 people were killed and 29 were wounded in the fighting. March 01, 2004 HornAfrik. Mogadishu Somalia At least 12 people were killed and 29 were wounded after fighting erupted between militias from rival clans in the village of Herale in central Somalia on Sunday, elders said. Village elder Ahmed Osman, contacted by radio on Sunday, described the fighting as "intense" and said that residents had fled Herale by the time the violence subsided in the afternoon, but with no ceasefire agreement.

The fighting pitted the Marehan against the Dir clans, who have previously lived side by side peacefully in Abudwaaq, a district in Somalia's Galgudud region. The latest clashes are part of tit-for-tat confrontations resulting from the April 2003 murder of a Marehan elder, allegedly by Dir clansmen.
The Dir are affiliated with the Southern Somalia National Movement (SSNM) of several sub-clan factions, while the Marehan belong to another factional grouping, the Somalia National Front (SNF). Both were among 27 factions that signed a ceasefire agreement in Kenya on October 27, 2002, to stop all hostilities in the war-torn Horn of Africa nation. Somalia plunged into clan warfare and has not had a recognized government since 1991 when the dictator Mohamed Siad Barre was toppled. Peace talks are continuing in Kenya
Afhayeenka ururka SSNM Md.Awliyo oo faahfaahin ka bixiyay dagaalkii Xeraale. Afhayeenka ururka SSNM Cabdullaahi Xuseen Aybakar kuna magacdheer AWLIYO ayaa ka waramay siduu udhacay dagaalkii dhexmaray beelaha Mareexaan iyo Fiqi Muxumed waxuuna yiri isagoo u waramayay saxaafadda: Goor hore oo ah subaxnimadii taariikhdu ahayd Febraayo 29,ayaa maleeshiyada beesha Mareexaan waxay sidii caadadu uahayd duulaan gardarao ah ku soo ekeeyeen dhammmaan wadooyinka laga galo magaalda xeraale,duulaankaas oo sida laga warqabo ujeedadiisu ahayd sidii loo baro kicin lahaa loona xasuuqi lahaa beesha Reer Fiqi Muxumed oo ku caana dad ehlu diina oo waliggod cid ku gardaraysan.Haddaba siday qabto diinta Muqadaska ah waxay ku qasbanaadeen inay reer Xeraale Difacdaan Maatadooda,Maalkooda iyo xurmada ilaahay u abuuray adoonkiisa oo ah inuuna wax dulmin isna qaadan dulmi. Haddaba markii uu dagaalku socday uga yaraan 5 saac waxay dantu ku qasabtay kuwii soo duulay ee dulmi wadayaasha ahaa inay cagaha wax ka dayaan iyagoo ku hungoobay hamigoodii ahaa inay xasuuq gaystaan isla markaana deegaan hantiyaan,beesha mareexaan oo ku caan baxday inay isku raacaan gardarada iyo duulaan lagu qaado dad kale sida ay ka marqaati kacayso taariikhdu oo 21kii sano oo ay dalka hogaaminayaan waxay soomaali u gaystaan la wada ogyahay, Waxuu afhayeenku xaqiijiyay oo uu yiri.waxaa halgamayaashii xaq udirirka ka shahiiday hal mujaahid halka labo kale ay ka dhaawacmeen oo dhaawacoodu mid khafiif yahay halka daaquudyada waa siduu hadalka udhigaye ay ka dhinteen 12 nin ugu yaraana ka dhaawcmeen 19 daaquud labo baabuur oo ah kuwa dagaalkana looga gubay dulmiwadayaasha mareexaan,Md.Awliyo waxaa caalamka iyo inta jecel nabada ugu baaqay in si wadajir ah loogu guntado sidii loo joojin lahaa gardarada iyo gumaadka ay wadaan beesha Mareexaan oo xitaa markii looga soo baro kacay degaanada lala degi jiray ee ku teedsanaa balanabal iyo Caabudwaaq ina hadda wadaan Isir sifayn (ethnic cleansing) ku aadan reer Fiqi Muxumed ayuu yiri afhayeenku. Waxuu kaloo afhayeenka SSNM aduunka caalamka ka codsaday in si degdeg gurmad loola soo gaaro qoysas badan oo ku baro kacay duulaankaas,iyagoo dadkaasi ayna haysan biyo iyo baad oo degaankii laga cabi jiray ay saameeyeen degaalkaas joogtada ah oo ay soo qaadayaan beesha Mareexaan.
(Posted by guest: Boobe)



















Blog Archive