Tuesday, March 14, 2017

Suldaanka Beelaha Direed (Suure) Oo Lagu Caleema Saaray Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari (Sawiro)

Suldaanka Beelaha Direed Oo Lagu Caleema Saaray Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari (Sawiro)

Waxaa shaley magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu qabtay munaasabad lagu caleema saarayey Suldaanka beelaha Direed ee gobolka Bari ee deegaanada maamulka Puntland Suldaan Cali Maxamuud Ismaaciil.
Xafladda caleema saarka oo lagu qabtay Hotel Gacayte ayaa waxaa ka soo qayb galay Culimaa’uddiin,, waxgarad, Ganacsato iyo aqoonyahanno isaga kala yimid gobolka Bari iyo guud ahaan deegaanada maamulka Puntland.
0123456789101112131415
 

Caleemo Saarka Suldaanka Beesha Akisho Madaxweyn Direed Daawasho Fiircan ( Akisho AK 47)

 
 
 
 

Caleemo Saarka Ugaaska Beesha Ciise Madoobe Direed ( Ugaaka Boqolka)


Beesha Wardey Madaxweyn Direed ( Somali Warday Clan) Sawiro


Ugaaska Madigaan


Caleemo Saarka Ugaaska Beesha Qubeys (Surre Beesha Direed)

Daawo Sawirada Caleemo Saarka Suldaanka Beesha Qubeys iyo Gudomiye ku Xigeenka Barlamaanka Galmudug oo ka Qeyb Galay’



Degmada Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug Waxaa lagu soo Afjaray Caleemo Saarka Suldaanka Cusub ee yeelaneyso Beesha Qubeys ee kamid ah Beelaha Dega Galmudug,
Xaflada Ayaa ka Dhacday Bartamaha Magaalada Waxana ka Qeyb Galay Gudomiye ku Xigeenka Barlamaanka Galmudug Xareed Cali iyo Madaxweynihii Hore ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo Wasiirka Waxbarasha galmudug Sidoo kale Waxaa Qeeb ka ahaa Wafdi Balaaran oo Xildhibaano ah,
Goob Banaanka Magaalada ayaa lagu soo Dhaweeyay iyadoo Soo Dhaweyntooda Wafdiga ay Ka Qeyb Qaateen Arday iyo Shacabka Magaalada,
Soo Dhaweyn kadib Waxaa Bilaabatay Xaflada Waxana Halkaasi ka Hadlay Madaxda kala Duwan ee Goobta ku Sugneyd kuwaasi oo Hambalyo u Diray ugaaska Cusub iyagoo ale ugu Baryay in uu Noqdo Mid Shacabka isku Mideeya kuwa Galmudug iyo Kuwa Beesha uu Matalo,
Dhanka kale Masuuliyiinta Gobolka iyo ugaaska Cusub Ayaa Dhankooda Goobta ka Hadlay Waxayna ugu Horeyn u Mahadceliyeen Masuuliyiinta Waqtigooda u Horay iyagoo intaasi kadib Jeediyay Hadalo ku Aadan Soo Jireenka Ugaaska iyo Hanaanka uu soo Maray,
ugaaska oo Dhankiisa Hadlay Waxa uu Balanqaaday in uu Noqondoono Ugaas Guud oo Waxweyn ka Badala Hormarka iyo Wada Jirka Shacabka Galmudug Gaar Ahaan Beesha Qubeys,
Halkan Hoose Sawirada
suldan1 suldan2 suldan3 suldan4 suldan5 suldan6 suldan7 suldan8 suldan9 suldan10 suldan11 suldan12 suldan13 suldan14 suldan15 suldan16 suldan17 suldan18 suldan19 suldan20 suldan21 suldan22 suldan23 suldan24 suldan25

Caleemo Saarka Ugaaska Beesha Layiile Madaxweyn Direed Ee Dalka Ethiopia



ugaaska-beesha-layiile-ugaas-xuseen-cismaan-xasan

beesha-layiile
coofle111



caydaruuus-weeyaan



coofle3333333333333333333


Ugaaska Beesha LAYIILE Oo Si Meeqaam Sare Ah Loogu Caleemo Saaray Dalka Ethiopia Iyo Khudbadihii Laga Jeediyay. DAAWASHO-WACAN
September 12, 2016 - Written by Mustafe Jannaale
Diridhaba(Hayaannews):Ugaaska Beesha LAYIILE ee Direed Ugaas Xuseen Cismaan Xasan ayaa lagu Caleemo-saaray Magaalada Diridhaba ee dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Munaasibadii loo sameeyey Caleemo-Saarka ayaa si meeqaam sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qeybgalay Salaadiin,Garaado, Odayaal, Dhalinyaro, Ganacsato, Waxgarad,Haween iyo marti sharaf kale oo tiro baddan.
Dhamaanba dadkii ka hadlay Xaflada Caleemo Saarku waxay si weyn u taageereen Maamulka dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar,iyaga oo ku bogaadiyay horumarka, Nabad-gelyada iyo maamulka suuban ee uu ku hogaaminayo.

Ugaaska Beesha LAYIILE ee Direed Ugaas Xuseen Cismaan Xasan oo Munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu u u mahad-celiyay dhamaan-ba marti sharafatii ka soo qeybgashay Caleemo-saarkiisa.
“Waxaan halkan ka bogaadinayaa Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar, oo horumar muuqdaa gaadhsiiyay ismaamulka dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia,”.Ayuu yidhi.
HALKAN HOOSE KA DAAWO FIIDYOWGA.



Caleemo Saarka Ugaaska Beesha Layiile Madaxweyn Dir

https://www.youtube.com/watch?v=N5LM2ZBKhAs


https://www.youtube.com/watch?v=kU0pQqze0gc



https://www.youtube.com/watch?v=n-6ODgyp4DU&spfreload=5

Wareysi Dheer oo aan Layeelanay Mudane Warsame oo Dalka Itobiya ku xeel dheer.
Su'aal Dirsame : Bal dhalinta reer konfurta Direed een kala aqoon reer tolkood wax uga sheeg Madaxweyn Dirka Galbeedka Somalia. Dhamaan Dirka dagan konfurta markii ay maqlaan Madaxweyne wexey la soo boodaan inta badan laba hobol oo Wabari ku jiray, sida Baxsan iyo Cabdi Muxummed Amiin Gabyaga, heesaga, wadaniga weyn. Dhalinta waxa kale eey yaqaanan atirisho Faynus Sheikh Dahir, siiba kuwa majajilada ruwayadaha daawada. Laakin dalkas Somali Galbeed iyo deeganada ma yaqaanan dhalinyarada reer Xamarka ah sideyda, bal waxa nooga sheeg, Madaxweyn Dir itaad Ka aragtay ?
Sida ay u kala baxaan noo sheeg horta ?
Mudane Warsame Jawaab: Marxaba anigoo hadalka soo koobi doona. Saad ogsontahay Dir wuxuu dhalay 4 wiil oo kala ha:
1)Madaxweyn
2)Maahe Dir-Isaaq;Biimaal;gadsan; dabruube iyo Bajimaal
3)Madoobe Dir-waa Ciise iyo beelo soo raaca oo isaga ladhashay lana dagan
4)Dir-Mandalluuga koonfurta dagan (sida Makahiilka, Nuure, Buufow, Reer Majuun, Reer xasan) iyo Gadabuursi (beel weynta Samaroon Saciid)
Horta Madaxweyn uma dhalan anigu (waxaan Ka soo Jeedaa Surre Dir). Laakin aad iyo aad ayaan u baaray, oo ku darsay beeshan balaaran ee Madaxweyne Direed. Dhowr safar oon Somalia, Kenya iyo Etioobiya meelaha ay dagaan ayaan ku soo maray, kadibna waxaan baaray oo yara raad raacay buugagta ay qoreen reer galbeedka. Marka, waxad odhan kartaa wax woogan ogahay, laakin cudurdaar, hadii aan wax is dhaf dhafiyo ha la ii dulqaato, hana la i saxo hadoow, oo foorumku waa furan yahay iyo comments kuba.

Madaxweyn wuxuu Dhalay:

  1. Maxamed
  2. Ali
  3. Yaxye
  4. Hordare


  1. Maxammed iyo Ali madaxweyn ayyeenu inta badan aan maqalnaa oo kala ah:
  • Gurgure (maxammed)
  • Akisho
  • Gariire
  • Guure
  • Waro Waro
  • Obo
  • Reer Aw saciid
  • Layiile
  • Madigaan
  • Iyo Barsuug
  • Reer Dayo ( Wardaay)
  • Jiido Geedle Cali Madaxweyn ( Wajis iyo Sifir)-Qoryoolley area.
2. Hordare waa sadex (Etiyoobiya iyo jubada Hoose)
  • Alaabweyn
  • Ijaaje
  • Khayre



3. Yaxye waa reer zona Jubbada Hoose North of Kismayo & wamo
  • Dheere Madaxweyn
Waxa kale oo Jira beelah oo Waqooyi Galbeed iyo Itobia dagan:
  • Dalbis
  • Leyiille
  • Dayle
  • Guurejenno
Su'aal Dirsame :Deegaanada Bal noo kala sheeg, Mudane DIRSAME?
Horta madaxweyn Dirku waxaa uu deegan ahaan, asasiyan uga yimaadaa Galbeedka Somaliyada Itoobiyo Guumeysato siiba laga bilaabo Erer, Harrar, Shiniile, ilaa Qabri Bayax. Laakin laga bilaabo 1600 ilaa 1890 kii ,xiligii gumeystiihii Menelik, boqorkii Itobiya uu qabsaday Harrar ilaa maanta waxaa ku dhacay Madaxweyn Dir kala daadsanaan iyo xoogaha jah wareer oo ay u kala guureen konfurta Itoobiya ilaa Afdeer, oo Doloow Ado u dhaw, ilaa Bay iyo dooxooyinka wabiyada Jubba iyo Shabeelle.
Tusaale, Guuraha oo 180,000 ruux gaaraya, ilaa Afdheer ilaa Guure Dhaamoole oo Jarati iyo Gooblka Liiban ayaay usoo qaxeen, itooda badan waxa aa u burburiyay Menelik boqorkii Itoobiya 1890kii oo gibir ama canshuur baad ah ku qoray. Beesha Guure iyo Mandalluug waxa ay barigaa ka tageen intooda badan Tog Faafan oon ka fogeeyn Jigjiga iyo Harrar.
Qeybo kala oo Madaxweyne Dir ah qarnigii 1500, markii Mujaahid Axmed Ibraahim Qaazi (Axmed Guurey) la jabiyay ayaa waxaa jiidhay Oromo fara badan oo qabsatay, Harrar iyo nawaxigeeda.
Waagaas waxaa Galbeedka ka qaxay dadka ay ka mid yihiin, Quraanyow Maxamed Xiniftire Mahe Dir ama qaybta Garre ee Dirka ah oo deegan ahaan dagay Bay, Awdheegle, ilaa Nageele. Qurac oo Mahe Dir Xiniftire ah waxa ay dageen Magalo tuulo dalka Aruusada Oromoda ah ku taal, sidoo kale Guurah oo dagay dhankaas xuduudna la leh Aruusada. Jiido Ali sidoo kale qarnigii 1600 ayay soo dageen Bay iiyo Jubo/Shabeelle Valley.
Sidoo kale, beelah Biyomaal, Bajimaal, iyo Dabruub ayaa ka mida beelah Mahe Dir ee ay Madaxweyn Dir iska soo raaceen dhankaan Harrar iyagoo soo raacaya wabiga Shabeelle ama Wabiga Jubba. Qaar Iimey iyo dhankaas ayay aadeen, Qaar shabeelle ayay soo raaceen oo waxa ay dageen Bay, Jubbada hoose iyo shabeelle. Marka, beello boqollal sanno ka hor daganaa konfurta iyo qaar dawaan ka daba yimid ayaa jira.
Beelaha dhawan ka yimid Galbeedka waxaa ka mid ah Gadsanka, Mandaluuga iyo beesha reer Aw Saciid ee fananada aad jeceshahay, Dirsame eey ka dhalatay, Marow Faynuus Sheekh Dahir.
Dirsame Su'aal :Mexeey u kala baxaan Aw Saciidka ?
Beesha Reer Aw Saciid waxa ay u kala baxaan Abkeey Xaaji oo Adeer ah iyo Farah, Abikar, Sacdi , Nuur, Ali, Cismaan, Xuseen, iyo Cumar.
Halkaan Ka daawada Sawirada iyo Bilicda Casimada Labaad ee Gurgure Dir ,Hurso: http://www.hurso.com/Photos/Index.html
Markaa waa beel aad u balaaran oo kala dagta: Ijaara, wajaale, Arabsiyo W.G Somali land ilaa Qabri bayax, Diraa dhabe, Fayanbiiro, Gura Dhaamoole, Diraa Dhabe, Jigjiga, Hadana u sii fiday Maiso, Awash,Hurso,Erer goota, Harar, Kismaayo, Buaale, Luuq ilaa NFD Garseen Lake Tana area iyo Doolow Nageele xageeda. Marka dad badan oo aan lasoo koobi karin oo Malyuun Kor u dhaaf aya weeye.
Akisho
Bil Matalan, Akisho waxa ay ku leeyihiin magaaloyin ka Waqooyi Galbeed ka xiga Hargeysa beero sida beerah ku yaal Odjiid agagaarkeeda oo ay isla dagaan is na dhalaan beesha Yoonis Jibriilka. Ingiriiskii ayaa waxa ka qoray ganacsatada iyo beeraleyda beeshan, siiba Warre Kiyo Reer Carre Cumar Bullalle iyo lafahooda sida Addo Carre iyo Reer Daud Carre ( Caddale Daud iyo lafta Geelle Daud)

Mudane Dirsame maxay ku dhacdaa ama loo moodaa in Ogadeenku ugu badan yihiin Gobolka Somali Galbeed ama dhulkan Xabishidu guumeysato ee Region 5, hadii arinku saad shegeysid yahay ?
Ogadeen boqolkiiba 30 % xitaa ma gaadhan dad ahaan dadka ku nool Gobolka Somali galbeed. Qiyaastii beesha Ciise xitaa ayaa uga badan. Dirka dalkaa dagana waa Gurgure, Gadabuursi, Beelweynta Isaaq, Gadsan, Guure, Gariire, Surre oo leh Fiqi Muxummed, Nacdoor, Fiqi Khayre, Fiqi Yaxye, Mandaluug, Akisho, Obo, Bajimaal Quraanyow Maxammed Garre iyo Dabruube. Marka waa wax saxafadaha reer galbeedka (western media) laga dhaadiciyay. Dirka waxaa weheliya Karanle Hawiye, Murille, Hiraab. Waxa agaakan dagan Shiikhaal, beelo Raxanweyn ah iyo Garre Marre, Duubo, iyo Digoodi ba. Marka waa iska probaganda raqiis ah oo hir gashay.
Tuusaale ahaan:
  • Iimey Dir ayaa ugu badan, waa run Ogaden Reer Amadin iyo beesha Duubo waa dagan yihiin.
  • Jarati iyo Liiban: Dir ayaa majority ah ilaa Waladayo, Doolo, Guure Dhamoole.
  • Godey: Iimey West iyo East iyo Booley
  • Gashaamo: Sida Nusdariiq, Kabtinuur, Qabri Dahare
  • Kalaafo Ilaa Mustaxiil. Bajimaalku waxa ay dagan yihiin iyo Dir kaleba magaalooyinka Gumar, D'are, Niman, Mayko, Qodi dudul, Burdhinle, Mustahiil
  • Baalle, nageele, dhanka kale Fayaanbiiro, Hara Maayo, Maiso, Gobolka Shiniille oo dhan Fiiq.
Ma lasoo koobi karo adeer. Hada ka hor ayaa shirkii Kenya lagu qabtay ayaa odayaal Darood iyo Hawiye ah oo Dir la yaaban ayaa waydiiyay wiil yar oo Surre Dir ah, " Waryaa Dir badatee, meeqa Gobol ayaa dagtaan?
Wiilkii Surre isagoo isku kalsoon ayuu yiri, " War adeerayaal Darood iyo Hawiyow idinkaa fudud ee is xisaabiya, wixii soo haran anaa leh, hadii aan dhaho carro Dir aan xisabinaa, waagaa baryi oo hadana baryi, marka idinkaa fudude, oo koobane lana xisaabin karaa deegankiine dee sheegta halkaad dagtaan, halkaan dagana waa dagaa anigoo Diree.


Mahadsanid Mudane Dirsame. Waxaan rajeyneynaa in aad nagala hadashid tarikhaha aad uruurisay, anaguna waa dabic doonaa.
Wareeysigu waa socon doona, kolba markii aan E-mail ka helno


Glossary
Gurra -a group of Dir living between wabi Gastro and Dumale. Gurra Dhaamole, Afdeer, lands of the Guure Madax weyn Dir, group very related to Akisho and Gurgure numbering over 260,000.
Gurra- top
Gurro- ear
Gurratti- Black
Qurac- Mahe Dir Group living in Magalo, Bale.


JARSO MADAXWEYN DIR

Beesha Jaarso deegaanada ay ku nool yihiin waxaa ka mid ah :

1. Degmada Jigjiga
2. Degmada Jinacsani
3. Degmada Ajasa Koora
4. Degmada Baabili
5. Degmada Gursum
6. Degmada Hawaday
7. Harar,Haramaya,Diridawa,Naserat,Baali,Dhangago
8. Degmada Tuli Guuled
9. Waxay Kale oo Ay Ku Nool Yihin Qaybo Badan Oo Ka Mid Ah Kililka Oromada
10. Gobolka Liibaan

Hadaan usoo noqono beeshu waxay ka kooban tahay lix (6) jilib oo waa wayn waxayna kala Yihiin:

1. Wara dhaqo ( Reer Dhaqo )

2. Wara sayo ( Reer Sayo)

3. Walaabi

4. Wara Oogo (Reer Oogo)

5. Dawaro

6. Oroma

Erayga Waro waa eray oromo ah wuxuuna la mid yahay Reer

1. Wara Dhaqo iyaduna waxay usii kala baxdaa Tobadaba (7) Jilib.

Wara Yan’a
Wara Yaanyo Igo
Wara Maxamed
Wara Yaanyo Guyo
Wara Akaako
Wara Areelo
2. Wara Sayo iyaduna waxay ukala baxdaa sadex (3) jilib oo waa Wayn
Wara Buuko
Abiye
Oroma
3. Walaabi waxay ukala baxdaa sadex (3) jilib oo waa Wayn
Wara Cusmaan
Wara Cumar
Baalcad
4. Dawaro
5. Wara Oogo
6. Orama

F.G. Fadlan wixii Talo iyo Tusaaleba Ah ama Sixid Aad Iga Saxaysid Wixii Ka Qaldan Qoraalkan iigu Soo Hagaaji Ciwaankan jaarsocommunity@hotmail.com



WAXAAN LEEHAY AXMED GUREY CIDUU AHAA YAANEY SHIKI IDINKA GALIN WAXA UU AHAA HALGAMAA SOOMALIYEED OO HALGAN ADAG SOO GALAY WAXAANA KA MID AHAA AWOWGAY CIIDAMADIISII FADHIYI JIREY TULIGUULEED IYO TUURCAANOOD WAXA UUNA KA SOO JEEDAY AXMED GUREY BEESHA DIREED EE JAARSO GAAR AHAAN WARADHANQO SIIBA JILIBKA WARA YAAYO LOO YAQAANO ISAGA OO KA SOO JEEDEY TUULADA TUUR CAANOOD OO CAANHA KU CABIJIREY MARKA UU NASANAYANA KU NASAN JIREY TAASUNA MID AAD IS WEYDIIN KARTAAN MAAHA WAXAA NOOL TAFIIRTII AXMED GUREY OO JOOGTA TULIGUULEED WAA NAD LASOO KULMI KARTAAN IMAAM AHMED GUREY YAANA LAGU SHEEGIN CI UUNAN AHAYN WAANIN JAARSO AH OO DIR AH BY C\LAHI KHALIF CALI

Blog Archive