Faafin:
SomaliTalk | July 22, 2004
MAXAMED XAAJI
CALI “Qaybsigii Carta ma xal bay
ahayd mise xaq bay ahayd”
Maxamed Xaaji Cali oo ka mid ah waxgaradka
Soomaaliyeed ayaa tilmaan ka bixiyay qaabkii ay qabaa’ilada Soomaaliyeed wax
ugu soo qaybsadeen degmadii Carta isagoo xusay in halkaasi ay isugu tageen
qabaa’ilo Soomaaliyeed oo ay haysay baahi dowladeed, waxbadan oo qabaa’iladaas
ka mid ahna ay tanaasul u sameeyeen sidii loo heli lahaa dowlad Soomaaliyeed.
“Qaybsigii Carta ma ahayn xaq ee wuxuu ahaa xal” ayuu yiri Maxamed Xaaji oo
tusaale u soo qaatay beelaha direed oo hadda ka mid ah beelaha muranka xooga
leh ka taagan yahay qaybsiga xubnaha baarlamaanka.
“Waxaan aad ula yaabay markii dirtii loo kala saaray Dir-koofureed, Isaaq,
Gadabiirsi, iyo Ciise, sidaasna wax loogu qaybshay” ayuu yiri Maxamed Xaaji oo
sheegay inaysan jirin wax la yiraahdo Dir-koofureed sida aysan u jirin
Dir-waqooyi balse ay jiraan qabaa’illo wadaaga magaca Direed, sida loo xusayba
Isaaq, Gadabiirsi iyo Ciise ayaa Dirta kalena ay kala yihiin Biyamaal, Surre,
Wardaay, Madaluug, Awsaciid iyo Baajamaal, cadaalad darradii Carta ayay ka mid
ahayd in 6-qabiil inta la isku qabto hal magac oo la abuuray la siiyo iyadoo
Dirtii waqooyina ay sadex qabiil wax ku qaateen.
Maxamed Xaaji wuxuu xusay in isaga aragtidiisa in guud ahaan beesha Isaaq ayba
tahay qabiilka ugu weyn beelaha Direed, qabiilka soo xigana uu yahay Biyamaal
oo isaga kaligiis u kala baxa afar qabiil iyo adeerkood degana dhul aad u
balaaran oo min Afgooye ilaa Kismaayo dhinaca kalena Bay iyo Bakool daadsan.
Maxamed Xaaji wuxuu ugu dambayntii tilmaamay aragtidiisa ku aadan xal u helida
murunka dhex yaala beelaha direed isagoo yiri “Haddii laygala tashan lahaa
qaybsiga 61-ka xubnood ee beelaha direed waxaan u qaybin lahaa sidatan:
Isaaq 23-xubnood, Biyamaal 15-xubnood, Surre 9-xubnood, Gadabiirsi 6-xubnood,
Ciise 3 xubnood, Wardaay 2-xubnood, Madaluug xubin, Baajamaal xubin, iyo aw
saciid xubin.
Maxamed Xaaji wuxuu ugu dambayntii u soo jeediyay beelaha direed in iyaga
dhexdooda looga baahan yahay in ay is qadariyaan oo midba midda kale waxa ay
mudan tahay