Saturday, September 24, 2011

Gumaysi Waa Maxay? Waa Su,aal Loo Baahanyahay, Jawaabteeda

Gumaysi Waa Maxay? Waa Su,aal Loo Baahanyahay, Jawaabteeda

Qormaddan, waxaan kubaadh baadhaynaa: (1)Micnaha erayga gummaysi (2) Xidhiidhka ka dhexeeya gummaystaha iyo la gumaystaha iyo (3) Midhaha kadhasha gumaysiga.
Kala saraynta, isku dul noolaanshaha, iyo is cadaadintu waa dabeecad guun ah oo jirtay intuu jiray aadamuhu waana mid jiri doonta inta aadamuhu jiro.

Aadamuhu wuu kala baqaa, ee isma qadariyo, hadii aanu kala baqaynin isma qiimeeyo. Muruqa ayaa hagga maskaxda sida kusugan taariikhda. Soomaalidu waxay ku maah maahdaa “rag idaa kuguma dayee wuxuu kugu daayo ayaa la tusaa”.

Haddii aan u soo daa-dago qasadkii qormada, erayga gummaysi micnihiisa waxaan ku raad goobaynaa erayda kale ee Soomaaliga ah ee aan is leeyahay, isir ayay wadagaan, sida “Gun iyo Gummays” lakiin intaana guddo-galin micnaha erayadan, akhristow intaad hakkad galiso akhriska, maxaa xiskaada kusoo dhaca markaad maqasho erayga“Gummaysi”? bal isku day in aad qorto kadibna bar-bar dhigto qeexida qoraaga.

Waxaa dhab ah, marka laysu geeyo jawaabaha akhristayaasha dhamaantood in uu jiro hoseeye ka yare dhexeeya, oo haddaan soo uruuriyo wada hoos imanaya dalada “Cadaalad-xummada”.
Eraygan “Gumaysi “ ayaa wuxuu ab iyo isir lawadagaa laba eray ee kala ah “Gun” iyo “Guumays” oo labaduba bulshada Soomaaliyed dhaxdeeda loo adeeg sado cay ahaan. Erayga, gun micnihiisa guud waa “ hoos”, waxaana loo isticmalaa meelo badan ,tusaale waa inaga nidhaa gun iyo baar, (waa marka geed laga hadlayo, haddaan qof ka hadlayno waxaan odhan lahayn tin iyo cidhib) guntu waa wixii jirida geedka ka hooseeya sida xididada, baarna waa laamaha geedka kuwa ugu sareeya halka kasii saraysa. Tusaale kale ceelka guntiisa, Weelka guntiisa. Dhamaan tusalayaasha waxay tilmaamayaan, micnaha “Gun” in uu yahay, shay ama meel qaybteeda hoose.

La gumaystuhu waa aadamaha ka ugu hoosaysa ama ugu liita, marka laga eego dhinac walba. Qiimayntan noocan ah waa tan maadiga ah, waayo diinteenu, si kale ayay u qiimaysaa aadamaha, taq-wada ayaana ah kafada qiimaynta Ilaahay loogu dhawaado, wanaag dhamaantiina halkaas ayuu yalaa.
Dhimrintan kore ee erayga “gun” waxaad kadheehan karataa kala sarayn, wax kore “Gob” wax hoose “Gun” haka eegin, jiho ahaan, ee waxaa loo kala sareeyaa sharf ahaan marka laga hadlayo Aadamaha qiimayntiisa.

Dhaqan ahaan, bulshada Somaaliyeed way addeegsan jirtay eryga “Gun” waxayna u adeegsan jirtay qaybo bulshadda kamid ah oo la takooray, loolana dhaqmi jiray si foolxun iyada oo anay jirin, kuwa takooray, ee iyagu isku maggacaabay “Gob” wax ay kaga duwanyiin kuwa ay takoreen.
Shaki waxaan ku jirin, dadka la takooray in ay ahaayeen dad tiro ahaan ka tirayar tolkooda kale, markaa loo cudud-sheegtay lana-baday hoog iyo hiirtaanyo. Cadayn waxaa inoo ah tolalka Soomaaliga ah ee jira manta, waxay isku qaddariyaan; qiimeeyaan ama ku kala sad-bursadaan waa “Laandheeronimo”
Dadka la takooray ayaan haba yaraatee, aan lahaan jirinin, wax xuquuq ah. Hantidooda waa ladhici jiray, marmarna waaba layska dili jiray. Dhab ahaan xidhiidhka kadhexeeya “Gob iyo Gun” “Gumayste iyo la-Gumayste” xaalkiisu waa saas oo dhab ah. Waa - Aan ku dooxee ha danqan, aan ku dhacee ha dhooyin -.

Dad walba oo laga awood bato, la ciilo la bahdilo, meeshay donaanba dunida haka jogaane marka kobaad way qab-jabaan, deedna hoggaansamaan, deedna waxaa kadhinta hal-abuurka deedna way badalmaan, deedna way bah-dilmaan ugu danbayna way tir-tirmaan. Taasi waa midhaha kadhasha gumaysi kugu raaga. Muhiimna ma aha cidda ku gumaysanaysa.

Erayga “Guumays” Soomaalidii hore waxay u isticmaali jirtay gabdhaha kuwa guur waaya ee aan helin geyaan oriyaysta. Guur la'aan waxaa kadhasha waraso la,aan oo keenta gablan.
Waa maxay, waxa aan bidhaaminayo ee kadhexeeya Guumays iyo Gumaysi? (1) Waa xaalada nolasha (2) Waa taran la'aanta. Way adkaanaysaa da’yarta iyo ree-maggaalku in ay fahmaan, nolosha gabadha guumaysta ah ay ku noolaan jirtay, lakiin hadaan idiin saafo, waa qof aan waxba haysan, dhaleecaysan! dheefna laga suga hayo, waayo guumaysta xoolaha ayaa la raacsan jiray biyahana waa lagu dhaansan jiray, wax daryeel ahna, maheli jirin, kan la gummaystana waa sidaas oo kale.

Waxaa jira micne daahsoon oo muhiim ah, oo uu leeyahay erayga “guumays”, kaas oo ah ”raagid ay daba socoto qiimo-jab”. Tusaale gabadha guurku karaago waxay ku dhaleceeyaan “Guumays” micnaha waad raagtay ood qiima jabtay. Maanta haddaan ku dilo, waad ciiloon, lakiin ciilkaas ma yeelanayo caabuq hadaanu kugu soo noq-noqonin, marka shardiga gummaysiga ayaa ah in uu leeyahay dhib iyo gabood-fal joogta ah.

Hadaan soo xoomiyo micnaha eryga gummaysi: Waa gar-daro, waa gunimo, waa guunimo, waa gablan, waa geeri waa god abeeso ku waar. Haddaan si kale u dhigo waa Ciil, waa Cabudh, waa Caloolyow, waa caabuq, waa cimrigaa haku furto. Si kalana u qexoo , Gumaysi waa: Dil, waa Dulmi, waa Dacni, waa Daan-daansi, waa Doog aan la dhayin, waa Dibad wareeg.

C Dheere





MAAH MAAHYO SOMALIA PART II : CODKA BEESHA DIREED

1 Aqalkaaga Ilinkiisa ood baa La dhigtaa Odhaahdaadana Afeef Baa loo Yeelaa
2 Isma Oge Baa Islaan Diley
3 Nina Guusha Kuma hanto Hilib Walaalkiise

KUN IYO KOW MAAH MAAHYO SOMALIA CODKA BEESHA DIREED









Maahmaahda Qaybta "A" ka Kacda


1. Aadme la aragyaaba, dhib la arag.
2. Aan wada hadalno waa aan heshiino.
3. Aar qoyey dacawo la mood.
4. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
5. Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.
6. Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay.
7. Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki.
8. Abgaal calool la deguu leeyahay, ee cidhif la dego ma leh.
9. Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa
10. Aburku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa
11. Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa.
12. Abuur iyo waano abuur baa horreysey.
13. Adduun i khatal.
14. Adduunyo ka kabo li'id, aakhirana u salaad li'id.
15. Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo.
16. Adhi jiri ma kala abaal waydo.
17. Adhi jiri xil bay wadaagtaa.
18. Adhi magantii ma barriiyo.
19. Adhi shidho laga daayo.
20. Adhi-jiri ma kala abaal weydo.
21. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.
22. Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari.
23. Aduun wey ki amoodeey ogaaw.
24. Af aamusani marti ma sedo.
25. Af aanad aqooni aabahaa wasna waa kaa yeedhsiiyaa.
26. Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho.
27. Af aanad lahayn lama qabto.
28. Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo' ha ku daaqdo.
29. Af daboolan dahab.
30. Af Daboolan, Dahab waaye.
31. Af hadlaaba aamus.
32. Af jabtay sideedii ma noqoto.
33. Af jooga looma adeego.
34. Af macaan gacan macaan baa dhaanta.
35. Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa.
36. Af noolina waa hadlaa eyna waa ciyaa.
37. Af waa kane, maxaa lagu aamaa
38. Af wax cunay xishoo.
39. Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur).
40. Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan.
41. Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.
42. Af-ka nool abooto mudac.
43. Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal.
44. Afkaagoo ku xidha oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa.
45. Afkii dab yiri ma guban.
46. Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto.
47. Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog.
48. Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro.
49. Alla aamin ma iisho.
50. Alle watow wehel uma baahna.
51. Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin
52. Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.
53. Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe
54. Ama faro dufan leh ku qaad ama faro dac leh.
55. Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay.
56. Ammaan lama dhu-dhumiyo.
57. Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.
58. Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa.
59. Amxaar la arag yaaba ferenji xaaji.
60. Amxaaro madax gumac galay leedahaye madax hadal galo ma laha.
61. Aqal libaax lafo lagam waayo.
62. Aqoon la'aani waa iftiin la'aan.
63. Aqoon xumo abaar ka daran(qorsho xumo abaar ka daran)
64. Arin nin la toosan ayaa nin kale tuur la leh.
65. Aroos lagama raago, lagumana raago.
66. Arrad waa dan uskagse waa doqonniino
67. Arrimo rag waa mudacyo afkood.
68. Arrin aan sidii futo riyaad la feydin, ma fayoobaato.
69. Arrin kaa tagtat Ahaa sooma celiso.
70. Arrin waa mid kugu soo booddiyo, mid kugu bariday.
71. Arrin xumo abaar ka daran
72. Atoorku intiisuu guun ku yahay.
73. Awr awr wado iyo nin naagi waddi midna kaama leexdaan.
74. Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun.
75. Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay
76. Awrka danbe awrka hore socodkiisuu leeyahay.
77. Ayax teg eedna reeb
78. Ayaydaa taag darran iyadoon tabar lahayn bay dadka isku taagtaagi.

MAAHMAAHYO



Maahmaahda Qaybta "B" ka Kacda


1. Baadi nin aan lahayn bay agjoogtaa
2. Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa.
3. Baareey guur, oo sixnigaagana la guur.
4. Baddu waa isku dhadhan.
5. Badhi mag ma laha.
6. Balaayo laba qad ha kuu jirto.
7. Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha.
8. Balaayooy buulkaagaa laga galaa.
9. Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay.
10. Ballaysin bir ka adag.
11. Ban waraabiyo gaala baqataba baraa la helaa.
12. Bannaankaba arkaayow maxaa babac ku saaraaya
13. Bannaankiis mare maradiisa geed ma qabsado
14. Baqal fardo la miratay dhigood bay is moodaa.
15. Barasho horteed dad ha nicin
16. Barasho horteed ha i nicin
17. Barasho u yeelo geedkaad cugsan doonto.
18. Bari waaga mooyee wax san kama yimaadaan.
19. Barrooriba buulkeeday ku hartaa.
20. Bartii yaqaan, bari uma korodho.
21. Bartii yaqaannbar xoolaad kuma korodho.
22. Baruur qudhuntay baa baruuro badan qudhmisa.
23. Baruuro sabool, badhaadhaa leh.
24. Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa.
25. Baryo iyo is daluuc layskuma daro.
26. Basari buulkeeda bayaayo waaye
27. Baso waa baso si kastoo loo subko.
28. Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan.
29. Beec-mushtar bilowgiis bur iyo bajiye waaye.
30. Been doode been buu dhaartaa.
31. Been fakatay runi ma gaadho.
32. Beeni raad ma leh.
33. Beentaada hore runtaada danbay u xuntahay.
34. Beentaada hore, runtaada dambey dishaa.
35. Beentaada hore, runtaada danbey u daran tahay.
36. Beer wax dhalow ba'
37. Beerka jecli, xaydha jecli.
38. Belaayo aanad guriga keensan banana kaama raacdo.
39. Belaayo guur bay ku tiraahdaa ama guurso.
40. Belaayo hor la qabtay leedahay ee dabo la qabto ma leh.
41. Belaayo kaa sii jeeda layskuma soo jeedsho.
42. Belo markay adiga kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku maqan tahay
43. Bidaari sibiq bay kugu gashaa.
44. Bilaysini Bir ka adag
45. Bililiqo doon waa nabad diid.
46. Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalena kuuma geyso
47. Bir baa bir goysa.
48. Birta adag dab ayaa lagu jilciyaa.
49. Bisayl iyo ceedhiin waxa u dhexeeya waa yac-yacood.
50. Bisqin rag bay kuu gaysaa ragse kaama celiso.
51. Biya sar tegey waa la sugayaa
52. Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan.
53. Biyo ay horotood dhooqo tahay, dabadooda maxaad mooday.
54. Biyo gorore oo meel godan bay isugu tageen.
55. Biyo meel godan bay isugu tagaan.
56. Biyo sacabbadaadaa looga dhergaa.
57. Biyo socdaa biyo fadhiyey kiciyaan.
58. Boqol sano oo dawlad xumo ah, hal habeen oo dawlad la'aana baa xun.
59. Boraan hadimo ha qodin ku dhici doontaa mooyee.
60. Buubaal biyaha korkiisa saran buu ka didaa
61. Buur caws ah oo biyo ku agyaal baadi doonyoo biciidkuba waa
62. Buurta Saw iyo Sogsogley iyo Samow Boorame
Maahmaahda Qaybta "C" ka Kacda

.


1. Caana daatay qabasho ma leh
2. Caano baqay haddaad aragto, waa bi'iso naagood.
3. Caano Jiilaal canba canbid.
4. Caano yar iyo ciidan yarba marka la waayo ayaa la tebaa.
5. Caasigaa iridkaaga ma mooga, baarri dadow dad kuuma noqdo.
6. Cabaabiba cadaab bay ka subxaanalaysataa.
7. Cadawgaa looma taahee, tun ku adkay.
8. Cadho walaal waa la bariyaa (waa loo dulqaataa walaalkaa).
9. Cadku ceeji, xil iyo geeriba kuu dil.
10. Calafkaa, nin ku rabaa baa haya.
11. Caleen qudhac calool geel ma buuxiso.
12. Caleen qudhac calool geel waxba kama tarto.
13. Cali noolba wax sii.
14. Calool adayg waa illaahay wehelkii.
15. Calool rag waa webi xagaa.
16. Canaan ka yaab ceesaan ma doojo(waa lagu canaanan dantaada looma seego).
17. Canaan ka yaab reer ma doojo.
18. Canbe laf baa ku jirta.
19. Canjeero siday u kala koreysaa loo cunaa
20. Caqli gaaliyo indho quraanjo lama arko.
21. Caqli: Dugaag sankuu ka galay; Xoolo, sankuu ka galay; Rag, xabadkuu ka galay; Naago, indhuu ka gala
22. Car faruurow foori gaalee?
23. Carab iyo ilkaa cid isugu dhaw iyana weeys qaniinaan.
24. Carab iyo labadiisa daan baa isugu dhaw iyana way is qaniinaan.
25. Carab loaad caws looma tilmaamo.
26. Caro walaal waa la bariiyaa (subax baa lala sugaa).
27. Carraabo, fadhaa quusiyey
28. Carrab dalab leh waa la gartaa, uur dadbanse lama garto.
29. Carruurey cayntaa ba´day.
30. Carruuri kor cabsooday leedahaye, kal cabsooda ma leh
31. Carruurta mulaca cayaar cayaar bay u dishaa, isagana waa u qur gooyo
32. Caruur gaalana ma aha muslinna ma aha ee waa kii lagu daraa.
33. Caruuri waa ciil laga waynaado.,
34. Casaan qurux kama qatana.
35. Casarkii wixii kugu dhacaa cishihii lagugu caayaa.
36. Ceeb looma dhinto, cara lalama qarxo, cayna looma dhaawacmo
37. Ceebtaaday kow ogtahay, kun looma sheego.
38. Ceel biyo lihi ma foga.
39. Ceel dad liqa, ul baa lagu dayaa.
40. Ceesaan ninkii weyddiinteda kugu dhiba kaxaynteedaa lagu dhibaa.
41. Ceesaantii arigeeda diidda orgi shisheeyaa saarta (fuula, u baxa ama ka qabsada).
42. Cid wax kusiisa wax badan baad aragtaa, cid kla talisase wax yar
43. Cidlo ciirsi m leh.
44. Ciirtaa dhamaa, ceebtaada yaqaan
45. Ciise socod kuma laabna, abeesona samir kuma laabna.
46. Cirmigaagoo dheeraadaa geel dhalayana waa ku tusaa.
47. Ciyaar baa dhab u gadoonta.
48. Ciyi waa ka beryey.
49. Ciyigii waa ka beryey qofkii cunay baa ka liita.
50. Ciyowga habeen dhawaaqay wax uu ka cawduu dareemay.
51. Col hortii baa hub la samaystaa.
52. Col iyo abaar cagahaagaa lagaga baxaa.
53. Col iyo nabad mid baa caynka lagu xejiyaa.
54. Col ku galay cabsi kugu reeb.
55. Col naago ka kacay iyo cadho nirig ka kcday midna ma sahal kuma qaboobo.
56. Colka wadhaf ma lagu dayey.
57. Colkaa ma dhamaadee ka kuu xigo ha u danbeeyo.
58. Cudud caano gaabsheen cagaar ma korsho.
59. Culimo dad u eki bay kugu dishaa, abeesona dhul u eki.
60. Cuntadaan gacantaada ku jirin iyo afkaagu way kala raagaan


Maahmaahda Qaybta "D" ka Kacda

.

1. Daacadi ma hungowdo
2. Daahdaahow hortiis dafo waaye (Arrin degdeg u baahan lagama daaho sida heblaayo aad ogayd ooy hebel
3. Daawo tiro wax kuma tarto
4. Dab aan ku gubin kulaylkiisa ma ogid.
5. Dab ama hadal baa lagu bakhtiiyaa ama biyo
6. Dab iyo xanuun meel ma wada fadhiistaan.
7. Dab munaafaq shiday baa duul dhan guba.
8. Dabaan kuleelkiisa la arag danbaskiisa lagama leexdo.
9. Dabada iiga qor anigaa durugsan doonee (Ma dhiirrado nin aan garab wax lagula dhisayni).
10. Dabagaale timir gaari waayey qaraara buu yiraahda'.
11. Dabalaay gooji ama ha goojin geela gu'ga dhalay uun baa lagugu tirin.
12. Dabeecad xuma dad kaa saartay.
13. Dabeecaddu diinta waa ka badh.
14. Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa.
15. Dacartuba mar bay malab dhashaa.
16. Dacas iyo dameeraba lama kala laha.
17. Dacas kaa wayni dhiiqaday kugu farjiyaan.
18. Dacawadii tallaabada nebiga ku dayatay, teediina ka tagtay tu kalena gaari weydey.
19. Dacawo duul-duul badan af libaaxeey dalaq dhahdaa.
20. Dad iyo weel godanba waa la badsadaa (weelka godan biyahaa ku urura)
21. Dad kaa badan iyo biyo kaa badanba way ku hanfiyaan.
22. Dad wax ugu liita ma tashe ma toshe ma tashiishe.
23. Dad wax yar tare ma ahee, wax ma tare ma leh.
24. Dad waxa ugu muran badan jaxar iyo jaahil
25. Dad waxa yaqaan nin tuugsaday iyo nin u taliyey.
26. Dad waxaa yqaan nin tuugay iyo nin u taliyey.
27. Dadku hadalkay isku afgartaan xooluhuna urta.
28. Dadqal looma gurguurto.
29. Dagaal qofbaa ku dhintee qof kuma dhasho.
30. Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta.
31. Dal aqoon la'aan waa la habaabaa, dad aqoon la'aana waa la qadaa.
32. Daleel marow maradiis geed ma daarow
33. Dameer dhaan raac.
34. Dameer waa dameer sidii goodirkaba haw boodee
35. Dameeraha Adari qofkii oodda ka qaadaa aroorsa.
36. Dameeraha Awdal ninkii ooda ka rogaa arroorsha
37. Dameeraha ta ugu xun baa ugu haraati kulul.
38. Dameeraha ta ugu yar baa ugu biqlo badan.
39. Dameeri dhaan raacday.
40. Dameeri isku hallayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa.
41. Dameero awdalan ninkii ooda ka qaadaa arooriya.
42. Dameertu geel-didiska khuruf-khuruftay kaga dartay.
43. Dameertu inta aanay cida baran ayey dhuusada barataa.
44. Dameertu isku halayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa.
45. Dameertu ma hadhsato ilmaheedana ma hadhiso.
46. Dammeeraley Dad la xeer maaha.
47. Dan iyo xarrago is weyday.
48. Dan layskuma naco.
49. Dani waa seeto
50. Dantaada derin karkaranna waa loogu seexdaa
51. Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo.
52. Dantaadana, maqaar eybaa loogu seexdaa.
53. Dantii mooge, maro duuga ka liitee.
54. Dantu ceebba ma lahee dadkuun baysku nacaya
55. Darandoorriyaaba naas-naasi (Nin ordaaba istaag
56. Dardaaran caweysin kallah arooryaad buu leeyahay (Arrin la qorsheeyey meel laga bilaaboayey leedahay
57. Dardaaran waa inta xayga la yahay.
58. Dawaco geel ma cunto.
59. Dawaco meeshay macal idood ku baratay, macaluul ugu bakhtidaa
60. Dawarsato dariiqay ku collowdaa.
61. Deero waa dal maddays.
62. Deriskaa dagaalkaaga rabaa, dooradaada ceshaas ku dhahaa
63. Deriskaaskaa marna ku dayo marna ku diin.
64. Dhabada yari dhabada wayn bay kugu ridaa.
65. Dhac dushii laguma wada hadlo.
66. Dhadhan shaa waalan dhergaana ka sii daran.
67. Dhagar qabe dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa
68. Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, hadalna meel dheer
69. Dhagax tuujin iyo taabasho waa isugu mid
70. Dhalaan dheelaa baradi, dhusuntaa far koo galiyee?
71. Dhalaan dheelaa baradi,dhusuntaa far koo galiyee = Dhalaan (caruur,ilmo,ubad)ciyaarta bartay dabaduu
72. Dhalaan qayladu waa qaboonada.
73. Dhaliili dhaban bay ku taal.
74. Dhalinyaro dhubuq dhubuq hore dhabana hays danbay leedahay.
75. Dhallaan dhargay fartaa loo lulaa (way iska qoslayaan)
76. Dhallaan qayladii waa qaboonada.
77. Dhar kaa dheer dhaxan kaama reebo.
78. Dhaxal gorayo dhabad baa leh.
79. Dhaxal goroyo dhebed baa iska leh.
80. Dhedo roob noqon weydey
81. Dheere iyo gabane un baa jiree, Dhuubane majiro.
82. Dheerow ii gaabow yaa jaree, dhuubow ma jaro.
83. Dheg haddii la jaro daloolkaa hara.
84. Dheg wax xun maqlaysaa wax wacan ma weriso.
85. Dhegta hadii la gooyo daloolkaa hadha.
86. Dheriga karkaa maxaa ka keenay, kulayl weeye.
87. Dhib lagula qabo dhib ma eh.
88. Dhicisku inta mindida loo soo siduu bakhtiyaa.
89. Dhidar xabaalo qod bartay qudhin buu uga dhacaa.
90. Dhiig islaan ma qarsoomo.
91. Dhiil maran iyo dhiil buuxa la iskuma dhufto (Wax aan isu qalmi la isma dhaafsado).
92. Dhilaa la waaniyey markaasay tidhi ii dhakhsada rag bay sugayee.
93. Dhillo, intaadan dhillo oran bay dhillo ku tiraahdaa
94. Dhilo garcatay mar horey ku nabad gashay.
95. Dhoofaa kaa dhimay! (bal tan ka warran, ma run baa?)
96. Dhoofaa kaa dhimay.
97. Dhool bari ka soo kacaa dhaan loo nageeyaa.
98. Dhubuq-dhubuq hore dhabanahays dambey leedahay.
99. Dhur waa la tegis bartay ka ridistu waa ku ceeb.
100. Dhurwaa dhoomo laguma rarto.
101. Dhurwaabaa lagu yidhi fool xumadaa, markaasuu yidhi walaalkay weerana ma aragteen.
102. Dhuumashada dhabarku muqdo dhuumasho ma aha.
103. Dib u gurasho dib bay kuu dhigtaa.
104. Dibi hooyo xumi hore uma koro.
105. Dibi hooyo xumi korme ma noqdo.
106. Dibi hooyo xumi, hore ma noqdo.
107. Dibi, bay waw dhutiyaa.
108. Diidiink weelshee deymoodaa ka koriyee ma danbar manuujiyaaw = Diinku ubadkiisa eegmaduu ku koriyaa.
109. Dix dhaaxood dhagax ka waa, hayeesa hangool ka waa
110. Dixrigu(duqsigu) dantiisuu qudhunka ugu jiraa.
111. Doc ka yeedh iyo dameerkaba daankaa la jebiyaa.
112. Doofaarka ficil la'aan baa loo cadaabaa.
113. Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo Kurug ,Kurug ma Dhaafeeyso......
114. Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo kurug, kurug ma dhaafeeyso.
115. Dooro qoor qabasho biyo kuma cabto.
116. Dooro xaarka way wada cuntaa, af-tirashadeyse isku dhaantaa.
117. Doqon alle bariday xeradeeday ka aragtay.
118. Doqon dib bay wax ka garataa.
119. Doqon ha u gargaarin hana gargaarsan.
120. Doqon iyo habeen baa madaw.
121. Doqon milantay iyo geesi damac bartay dhexdoodaa miidaamo ka hacdaa.
122. Doqon nebi Muusaa habaaray
123. Doqon qaddar alla taqaanna qulucdaada looma dhiibto.
124. Doqon sokeeye maaha.
125. Doqoneey dabkaa ba
126. Doqoni amaanay lahayn bay u rixisaa.
127. Doqoni cad ciid loogu riday cay bay mooddaa
128. Doqoni calaf ma leh.
129. Doqoni haddii nla xifaaltamo in la is diriray bay mooddaa.
130. Doqoni hoosiis bay had mooddaa.
131. Doqoni meeshii la isku diriray uun bay ogeyd, meeshii lagu heshiiye sema oga.
132. Doqoni qiiq kama kacdee daamankay meer meerisaa.
133. Doqoni saaf carro loogu riday, sad bursiinyo ma mooddo
134. Doqoni sokeeye ma aha.
135. Doqoni waxay leedahay laba iyo toban indhood, hal mid waxay ku aragtaa.
136. Doqoni xarigga lagu xiri xusulladay ku sidataa.
137. Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga.
138. Doqoniino waa shil.
139. Doqonkii lumay oo la soo helay wuxuu yiri; "Maxaa la iiga farxi berriba waan lumiye.
140. Doqonta usha agteedaa lagu dhuftaa haday garan waydana goshaa oo geshaa.
141. Doqontu afka xanbay ku sidaa ishana xil.
142. Doqontu hadalkay dib u gocotaa*
143. Doqontu marka la ficil tamayo in laka tagayo ayey moodaa.
144. Doqontu xeerna ma hoyso, xoolana ma hoyso.
145. Dudumo dheeraataa dhulkuun bay ku noqotaa.
146. Dudun dareen ii dugsasho inis ki dartooy = Dudun dareen iyo dugsasho,ha iskugudarin.
147. Dudun dareen ii dugsashu inis ki dartooy.
148. Dukhsi biyo ku dabaal bartay fuud buu ku bakhtiyaa.
149. Dukhsi dantiisuu dumurka (qudhunka) ugu jiraa.
150. Dukhsi dantiisuu dumurka ugu jiraa.
151. Dukulush timir deeri waayi Kharaaraa tuf in erre?
152. Dul qaadasho yey noqon tii dibiga
153. Dumaal ni ka xishooday kama ilmo dhalo.
154. Dumar iyo dheri toona yar yaraysi malaha.
155. Dumar yaryaraysi male
156. Dumarka been baa lagu soo xero geliyaa runa waa lagu dhaqaa.
157. Duqsi, caanuu ku dabaal bartaa fuudbuuse ku gubtaa
158. Durduro geel baa ku jaba.
159. Durduro waxarood xanan(qodax) bay kula gashaa.

Maahmaahda Qaybta "E" ka Kacda

.

1. Erray nimaan dhaafin odday ma dhalin.
2. Ey is cunaysaa waraabe iskama celiso.
3. Eydin geel kolba waa ninkii ku danbeeya.
4. Eygii oo laf diiday ma noola.
Maahmaahda Qaybta "F" ka Kacda

.

1. faan badan iyo faq badaniba ma wacna.
2. faanoole fari kama qodna
3. fadhi iyo fuud yicibeed laysku waa.
4. falaadhi gilgilasho kaagama godo.
5. Fallaartii cirka loo ganay cid kastoy filo
6. Far bugtaa, Faro ka dheer.
7. Far iyo meel bugtaa is og.
8. far kaliyihi waji ma maydho.
9. Far keliya Fool ma dhaqdo.
10. faras aanad lahayn fuul madiisa futaqaradh baa laga qaadaa
11. Fardaha dheereeyaa Fagaarahay isku arkaan.
12. fardo laysu hayo maxaa laysugu faan.
13. farihii dufan leh ayaa wax duuga.
14. faro ka ciyaar dabo ka ciyaar baa dhaanta.
15. Farsamo xumo, futada cankeeday ku goysaa
16. Faruurow maxaa berbera ku geeyey? Dee faduul!
17. fulay hooyadii ma goblanto.
18. fulay wax ka wadne weyn.
19. fulay wax ka qoryo badan.
20. fullaw guuli kuu dhawaydaa.
21. Futo iyo dhul isma huraan.


Maahmaahda Qaybta "G" ka Kacda

.

276. Gaal dil gartiisana sii
277. gaashaan qaad ma anbado.
278. Gabadh nin dhali karaa dhiqi kara
279. gabadha dheg-dameer in leeg baa ku dansanta wiilkana in til leeg baa ku darsanta
280. Gabadhi waa meel xun joog.
281. gacani waa miskiin.
282. Gacantaadu hadday dhudhub gasho, lagama dhuftee waa laga dhirindhiriyaa.
283. Gacantii oodan goyn karin, waa la shumiyaa?
284. gacmo wada jirbay wax ku goyn karaan.
285. Gadal gadaal geed looma koro
286. gadhba gadhbaa la tusaa.
287. Gar dabadeed, guu-guu (gunuunuc) baan nacay
288. gar waa loo wada islaam
289. Gardarraa ma guulaysto
290. Gardarro looma garbo yeelo.
291. Gari ilaahay bay taqaan
292. Gari laba nin kama wada qosliso.
294. gaws iyo gustoona layskuma ag dhaqdhaqaajiyo.
295. Geed joog gartii waa yaqaan, laga dhimayna dhaxalkii waa yaqaan.
296. Geed walba in gubtaa, waa hoos taal.
297. Geel carruuri qaaday ma foga.
298. geel caruuri qaaday ma foga.
299. Geel darreeray nin ka dayrshay ma awliya Allaa
300. geel indho kuul muxuu ka kasaa?
301. geel laba jir soo wada mar.
302. Geel soddon qaday, saddex kuma dari waayo
303. Geeli waa geel, wixii gooyaana waa geel.
304. Geel-jire isagooy ushu u goantahay ayuu xaggeen ka goostaa ku yidhaa.
305. Geeljire, geela waa wada jirtaa, waana kala jirtaa
306. Geelow geed walba daaqdaye, markaad Ciin daaqdaa laguu yaabaa.
307. Geeri nimaan aqoon iyo geel jiray ku wanaagsantahay. :)
308. Geeriyu nin aadan aqoonin iyo geeljiray ku roomntahay.
309. gees loaad kulayl kaa lagu jaraa.
310. Gees lo'aad kulaylkaa lagu gooyaa.
311. geesi allaahay ma xilo.
312. Geesi, Alle ma xidho.
313. Gobanimo waa joome.
314. God hadimo ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontaana ma ogid
315. god mar ku asturay xumaantiisa lama sheeg sheego
316. Gorayo la hub sayoo haad bay noqotay.
317. Gorgor, haadda ka weyn.
318. gorgortan saaxiib iyo walaal toona ma yaqaan.
319. Gudineey ima goyseen, haddaan badhkay kugu jirin.
320. Gudini geed ma goyseen, haddaan geed kale ku goyn.
321. Gumur uraasa, weyne gurudee (gumur wey urtaa waana lagurtaa)
322. Gurbaan Garabkaaga ha kuugu jiro ama gacalkaa hakuu hayo.
323. Gus ma adkee wax ka jilicsan buu helay.
324. Guur marka hore waa sino dhuuban yahay, marka dambena waa sino ballaaran yahay.
325. guursato loo galmoon og.




MAAHMAAHYO



Maahmaahda Qaybta "H" ka Kacda

.

226. haad habeen kacay waxbaa kiciyey.
328. haani guntay ka tolantaa.
329. habaar waalid ma hadho.
330. habar baas inan baas bay ahayd.
331. Habar caal weydey durey bay hafartaa
333. habar dhali wayday aleelo ku waalatay.
334. Habar fadhida legdini wax uga fudud
336. Habar Jeclo, hadalka dib bay u gocotaa
337. Habar roob hayo, ta kalena inuu hayey modaa.
338. Habeen ciidan maaha
339. habeenkii hoos baa loo hadlaa maalintiina hareera haa layska eegaa.
340. hadal aan fiiro loo odhani wuu kula fogaadaa, caano aan fiiqsi loo dhamina feedhahay wax yeelaan.
341. hadal badani haan ma buuxsho.
342. hadal hadal kama dheera.
343. Hadal intaadan buu ammaan yahay
344. Hadal iyo hablaba duco la'aan bay tarmaan.
345. Hadal iyo hilbaba kala qalan.
347. hadal lama wadaagee caanaa la wadaagaa.
348. hadal nin badiyeyna ma dhamayn nin yareeyeyna waxba kama tegin.
349. Hadal nin badiyeyna ma wada odhan, nin yarreeyeyna kama wad tegin.
350. Hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday
351. hadal tuurtuur kuma sama.
352. hadal waa dheh iyo dhagayso.
353. Hadal waa la kala odhan og yahay illaahayna waa la kala bariyi og yahay.
354. hadal waa margi.
355. Hadal waa mergi hadba meel u jiidma
356. hadal waayeel waa guudmar..
357. Hadal yar iyo hawl badan.
358. hadalaw nin si kuu yidhi hawraarayna ninba si kuu qaaday.
359. hadalka kiisa kulul iyo kiisa qaboobi meel buu isugu tagaa.
360. Hadalka wanaagsani waa sadaqo
361. hadalku intuu uurkaaga ku jiro ayuu amaanadaa yahay.
362. Hadalku intuu uurkaaga ku jiro ayuu ammaano yahay.
363. hadalna sii dhehbaa diley hanbana sii hudhbaa dishay.
364. haday fooli timaado gudo qarsiimo reeban.
365. hadba sidii loo jabaa loo dhitiyaa.
366. haddaad been sheegayso been run u eeg sheeg.
367. haddaad hungurooto waa la hadlaa oo habaa la dhisaa wax laug helo.
369. haddaad tagto meel lagu il laayahay ishaa layska ridaa.
370. Haddaan sacabka xeeli ku jiran, maxaa habeenkii loo tumaa.
371. Hadday curaddii durdurisay aaran maxaad moodday.
372. Hadday degdegsiiyo door dhalaan, kaadsiiyana kiish lacageey dhalaan
373. Hadday tubaako, faa'iido leedahay Habargidir baa liqi lahayd.
374. Haddii aan la kala roonaan roob ma dao
375. Haddii uu deg degsiinyo door dhalo raagsiin yuhuna kiish lacaguu dhalaa.
376. Haddii lagu sheego waa lays sheelaa, haddii lagu sheelana waa lays sheegaa.
377. hadii aad dhimanayso dhareerkaa layska duwaa.
378. Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo
379. Hal libaax arkaysaa ma godlato.
380. Hal libaax arkaysaa ma godlato.
381. Hal maqaarka diidaysaa daldalool bay ka eegtaa.
382. Haliba wiilkay korisaa, wedkeeda leh.
383. halmaan hadal kuma jiro.
384. Hamba soor ma eh
385. Hangaraarac lug uma dhutiyo.
386. Harag sagaaro iiga kac ma ahee iiga durug ma leh.
388. Hasha naasa adag iyo weedha (hadalka) maxaa kulmiyey
389. Hashu ragaadka, maysku eryeysaa, mise wayska bixinaysaa.
391. Hawli jid caddeysay.
392. Hawo iyo hoos galbeed labadaba lama gaadho.
393. Heeraa wan ma eh??
394. Heesta geelu waa kala horreysaa.
395. Hilib beer laga dooray waa weyd.
396. Hilib hal dukhsi ayaa qudhmiya
397. Hillaac biyihiisuu muujiyaa.
398. Hoonbaro libaax bay soo wadaa.
399. Hooyadii ka guure habar yartii kuma negaado.
400. Hubkaaga iyo hayinkaaga, midna laguma hodmo.
401. Hubsiimo hal baa la siistaa.
402. Hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu dillaacaa
403. Hunguri weyni kuunto weyni baa laga qaadaa
404. Hunnu hunnu hadal maaha, himbiriirsi arag ma aha
405. Hurdo cagahay ka bilaabataa.
406. Hurdo habar ma koriso.





Maahmaahda Qaybta "I" ka Kacda

.

407. ibtilaysan ayaa belaayo tilmaanta.
408. Il ibtilaysan ayaa balaayo tilmaanta
409. Illeyn doqoni qiiq kama kacdee daamankey meer meerisaa.
410. In habari gasho, hali ma qaado.
411. inantay hooyadeed hadhuudhka tuntaa iyana haadintay barataa.
412. Inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa, iyana hufkiyo haadiskay barataa.
413. indho is jecel isma eegi karaan.
414. inneen daaman nool ma daalaan, oo dad baan nahay kaama daayaan.
415. inta aanad falin ka fiirso.
416. Inta gaari la doon-doonayo, ayaa goombaar wiilkeedu ciidamiyaa.
417. Inta Jiillaal loo adkaysto, jir looma adkeysto
418. Intaadan falin ka fiirso
419. Intii orod jirey, kuftinna way jirtey.
420. irrid af ma daboole ee ood baa daboosha.
422. ishaadaa kuu macalin ah.
423. ishaadu waa kula da' dhegtaaduna way kaa da'wayn tahay.
424. Ishaaduna waa kula fil, dhegtaaduna way kaa weyntahay
425. Ishiisa laga gartaa, Ushiisa lagu tumaa.
426. Isla weyn, dooro weyn.
427. isma hubsato aroorkeeda ka mashxaradaa la yidhaahdaa.
428. Isma'og aqalkiibay aslaysaa.
429. Isu qabe aan loo qabin.





Maahmaahyo

MAAHMAAHYO



Maahmaahda Qaybta "J" ka Kacda

.

430. jacayl biri ma gawso.
431. Jacayl Biri ma goyso Biyana kaama maydhaan"
432. jidh qalaad waa dhul qalaad.
433. jiid aan ku jiidee waa gacmo daalis.
434. Jinni, Ninkii keenaa bixiya



Maahmaahyo


Maahmaahda Qaybta "K" ka Kacda

. 435. Kaadi badane waa loo gogol badiyaa
438. Kab xume ma hadho ee kab laawaa hadha.
439. Kaftan iyo kaadi baa laysku cadaaba.
441. karis xun iyana ku wax la
442. Kelyo nimaan lahayn bay kaadiyi dishaa.
443. Kibir waa lagu kufaa
444. kibir wuxu kaa saaraa hadhka meelse kuma geeyo.
445. kibiraw kab iga xoor faanawna far iga jabi.
446. Kitaab gurigiisii loo diiday, sayax Illaah baa baday.
447. Kitaab meelaan lagu fasirayn laguma furfuro.
448. kolka waylaha la helo ayaa loodana la maalaa
449. kuftin jillib iyo habaar waalid midina sahal kuma hadho





Maahmaahda Qaybta "L" ka Kacda

.
451. La jiifiyaana bannaan, La joojiyaana bannaan.
452. laabtu low ma aha hadba la laalaabi karo
453. laani
454. Laba layskuma daro: bidaar iyo timo, baryo iyo ad-adayg.
455. Laba qaawan isma qaaddo
456. laba tallaabo dhexdood baa talo ka dhalataa. laba u la.
457. Labaatan jir intuu geed ka booduu talo ka boodaa.
458. labadii qaydhin ku qaybsatay bisayl iskuma cawrido.
459. labadii xaqdaro ku heshiisa xaqay ku diriraan.
460. labo bukta ma is baaniyaan.
461. labo qaawani isma qaado.
462. lacagina lacag bay dhashaa injirina qindhicil.
463. Laf jabtay sideedii ma noqoto.
464. lafo geel iyagaa laysku jebshaa.
465. lama gano falaadh kugu soo noqon doonta.
466. lama huraan waa caws jiilaal.
468. lax gawracan maqaarsiib kuma xanuunsato
469. Laxi shilalkay is dhigtaa lagu qalaa.
470. Layligu kasha biyihiisa ku jiruu ka didaa.
471. libaax aan dhiig dhadhaminini habeen ma ciyo
472. Libaax deeqi ka gurxamisay
473. Libaax intay bulbushu ku taal, bahal ma cuno.
474. Libaax lab god lagama kiciyo.
476. libaax nin aan aqoon baa lax ka rida.
477. libaax nin ganay iyo nin galadayba og.
478. Lixdan jir laguma helo qiimigaad laba jirkaa wayday.
479. Loogow laguu minan fadhiyee.
481. lugtii jeeniga dhaaftaa way jabtaa.
482. luqun dheeraatay madax ma dhaafto.
483. luuq luuq maraw laasim laamiguu iman.





Maahmaahda Qaybta "N" ka Kacda

.
547. Naag kun baa koodisa ,kow baana guursada
553. Naag, naag ka umulisay iyo nin reer u weyni, midna siday wax u ogyihiin uma sheegaan.
554. Naagaha iyo carruurtaba sasabaa lagu wadaa
555. naagi kun nin way la sheekaysataa kawna way ka guursataa.
556. Naagi naag lala qabo waa u col
557. Naagi nimay legdaan, kama kacaan.
558. Naagi ninkay legedo kama kacdo
559. Naago abaal ha u gelin amaahse ha u diidin
560. Naago badhaadhahooday ka sheekeeyaan, ragna ba'ooda
561. Naago been baa lagu soo xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa
562. Naago iyo riyaba diifta ayey isku eryoodaan
563. Naago jileec iyo naxariis midna wax kuma laha
564. Naago nimaan maddaxooda maja u rogin nin ma moodaan
566. Naago nin ay yaqaaniin col ma moodaan
567. Naago waa belo loo baahan yahay.
568. Naago waa u samir ama ka simir.
569. Naago wax laga bixiyey laguma dhaqo oo wax loo hayaa lagu dhaqaa
570. Naago yaryarasi ma le
571. Naagtii caana xun dhigataa iyana ku murud la'
572. Naaguhu hoosiis bay hadh moodaan
574. Naar hooba galaaso bartaa ey la aragneey, tiimbooy (Naar si fiican baa loo galaa, hadii kale banaankaa laga joogaa)
575. Naaso kor u jeeda nin arkaa, kuwo hoos u jeeda ma arko.
576. nabad la'aani waa nolol la'aan.
578. Naf wax jecel allaa dhibay
579. Nafeey, nin ku doona ku waa.
580. nafsi raaga rag iyo geel baa iska leh.
581. nafsigu ma hadho.
582. naftu orod bay kugu aamintaa.
583. Naftu waxay ogtahay ilaashataa.
584. Naxariis eebbe lagama quusto
586. nimaad dhashay kuma dhalin.
587. nimaad fadhiga kaga adag tahay looma saro kaco.
589. Nimaad kabahiisa tolayso, kafantaada tolaaya.
590. Nimaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la eegaa.
591. nimaan balan lahayni waa nin aan diin lahayn.
592. Nimaan dhididin ma dhergo
594. nimaan dhul marin dhaayo malaha.
595. nimaan hadlin habartiina wax ma siiso.
596. nimaan hubsiimo lahayni war gal maaha(C)
597. Nimaan kuu furu doonin yuusan kuu rarin.
598. nimaan naxariisan looma naxariisto.
599. nimaan qaybin jirin haduu qaybiyo nimaan qadi jirin baa qada.
600. nimaan qooq dilin maroodi ma dilo.
601. nimaan shantaasi kaa dabaalin sharci kaama dabaalo.
602. nimaan shaqaysan shaah waa ka xaaraan.
603. nimaan shaqaysan shaxaad baa dila
604. nimaan waxa jooga garanin waxa soo socdana ma garto.
606. Nimay meeli buktaa isagay balbashaa
607. Nin aad kabtiisa tolaysaa, kadabkaaga jaraya
608. nin aan baqani ma bad baado.
609. Nin aan dhididin ma dhargo.
610. nin aan dulqaadasho lahayni waa geel aan horwayn lahayn.
611. Nin aan hadlin habartiisba qadisay
612. Nin aan kuu furayni yuu kuu rarin
613. nin aan maahmaahin cod kar maaha(C)
615. nin aan wax garad ahayn haanta gadaankeedaa wax loo saaraa nin wax garad ahna daaqsin geel.
616. nin aanad maalin ku baranin sanad kuma baratid.
617. nin abaal gala wax badan baa la arkaa ninse guda wax yar baa la arkaa.
618. nin ani yidhi dad iska saar.(sooc)
620. nin buka boqol u tali.
621. Nin casarkii isa sheegay, cishihii ceebi ma qabato.
623. Nin daad qaaday xunbo cuskey
624. Nin dameero dabadood ka degay meel uga tooban buu waayey.
625. Nin dameero rartaa dad la toy ma aha.
626. Nin dhintay kabihiisaa dhaama.
627. nin durbaan tumay ilaaq dalbay.
628. Nin durbaan tuntay ilaaq dalbay.
629. Nin duulay dantii kaa og
630. nin faash wataa xaabo ma waayo.
631. Nin fadhiya, looma saro joogsado.
632. nin faruurani ma fooryo.
633. nin gu kaa wayn garaad kaa wayn.
634. nin hadduu isukaa waalo waa laysla waalaa.
635. nin ilko waa wayn haduu dhintona inuu qoslayaa la moodaa.
636. Nin Illaahay ka dambeeya kabtii ma yeela.
637. nin is faanshay waa ri is nuugtay.
639. Nin iyo naag is qaba colna ma aha nabadna ma aha.
640. nin iyo qabkiis.
641. Nin jiifa lama legdo.
644. nin kaa wayna waxba looma sheego.nin dheerna waxba looma tilmaamo.
645. nin kaligii tashaday waa nin orgi rartay.
646. Nin keligii garramay, iyo nin dhul gannay midna ma gefo.
647. nin ku arkaaya looma saro kaco.
648. Nin ku necebi xantaa og, nin ku jeclina xogtaa og.
650. Nin kuu digay kuma dilin.
651. Nin la dhacay ama caytan ama habaartan.
652. Nin la sugayoow adna yaad sugin
653. nin lagu seexdaw ha seexan.
654. Nin maalin ma gaadhid, nina sanad ma gaadhid, nina weligaaba ma gaadhid. nin maalin ma gaadhid oo waa ninka kaa faraska dheereeya, nin sanad ma gaadhid oo waa ninka xoolihiisu sanadkaa meel caws badan daaqiyey, nin weligaa ma gaadhid oo waa ninka kaa gabadha/naagta wanaagsan.
655. nin magaalo ka dudaw siigo yare
656. nin mar waashay waalida loogama sheekeeyo.
657. nin nin kaaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna laguma deg dego.
658. nin ood sida iyo nin adhi la joogaa arin ma kala laastaan.
659. nin ooman biyaha hoo baa deeqa.
661. Nin qoyani, biyo iskama dhowro.
662. nin qurux badan naagtaada uga yaab nin fool xuna naftaada uga yaab.
663. nin rag ah looma duur xulo.
664. nin reer ugu wayn iyo naag naag ka umulisay midna siday wax u arkaan uma sheegaan.
666. Nin sigtay ma nabad gelin
668. nin soo fadhiiso laga waayo soo seexaa laga helaa.
669. Nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday.
671. nin tuur lihi sida uu u seexdo isagaa kaa yaqaan.
673. nin waalan tolkii baa u miyir qaba.
675. Nin walba intay taagtii tahay baa qoraxdu ugu tagtaa.
676. Nin walba meeshii buktaa belbesha.
677. Nin waliba waxa uu yahay ayuu ku moodaa.
678. Nin war kuu keenay war kaa qaad.
679. Nin wax dhaqay dhurwaana wax u dhaq.
680. Nin wax yaqaan daaqsin geel baa wax loo mariyaa, ninaan wax aqoonna qaanso qurqurkeed.
681. Nin wayn tag lama yidhaahdee wuxuu ku tagaa la tusaa.
683. Nin wayni waa qorax casar joogta.
684. Nin wayni wadkiisa waa yaqaan.
687. Nin xil qaaday eed qaad.
689. Nin xoola ku siiya in badan baad aragtaa ninse talo ku siiya wax yar baad aragtaa.
690. Nin yari waa nin ban soo ordaya.
691. Nina dabeecadiisa lama doorin karo.
692. Ninaan hadlin, hooyadiis qadisay.
693. Ninba curadkiisa ceel gee.
694. Ninba gurigii gaado ku leh
695. Ninba kaskiisuu kor tagaa.
696. Ninka aan hadalka suginin warrankana ma sugo.
697. Ninka aragiisu ku deeqo ayaa oontiisuna ku deeqdaa.
698. Ninkaad adhi weydiisanayso, geel weydii.
699. Ninkii belaayadaada raba, bawdkaagu qori ka jabsadaa.
700. Ninkii dhagar qaba dhulkaa u dhaqdhaqaaqa.
701. Ninkii dhimanayaa dheg baa dheer
702. Ninkii geed fuulay asigi lee kasoo degi
703. Ninkii seexdaa sixii dibi dhalay.
704. Ninkii talin jiray hadduu tago, midaan talin jirin baa yimaada.
705. Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara.
708. Ninkii uurka dabana Illaah baa arka, ninkii isha dabana Aadmibaa arka.
709. Ninna caadidii ma daayo, bahalna ceedhin ma daayo.
710. Nin meeli u cadahay meeli ka madaw.
711.nin caadadii ka maydh iyo dundumo ciid ka maydh labadaba waa lagu daalaa.



Maahmaahda Qaybta "O" ka Kacda

.
711. Ood is qabsatay maroodina way qarisaa.
712. Ood kaa dheeri kuma dhaxan tirto.
713. Ood qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn
714. Oodi siday u kala sarreeysaa loo kala guraa
715. Oodo dhacmeed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa.

Maahmaahyo


Maahmaahda Qaybta "Q" ka Kacda
Maahmaahda Qaybta "R" ka Kacda

.
736. Ra saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon jilicsan.
737. Raad arrooryo dib looma raaco.
738. rag gar baa kala saarta dumarna jaan(c)
739. rag hunguri buu isku raacaa.
740. Rag jidiin baa walaaleeya.
741. Rag la'aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha.
742. rag qawl baa xidha dumarna meher.
743. rag sadex lama raaco, ma fakere,ma faaidayste,ma foorarsade.
744. rag waa arin keen iyo aqbalkeen.
745. Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi
747. rag waa shaah dumarna waa sheeko.
749. Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa.
750. rag waxa ugu faan badan mar dhoof iyo mar duul.
751. rag waxa ugu liita ciil kama baxe iyo calooshiisa la ciyaare.
752. rag waxa ugu liita looma maahmaahe, looma sheekeeye, looma soo gale.(c)
753. rag waxa ugu liita, ma hadle ma heenseeye, ma haasawshe(C)
754. Rag wuxuu kugu bartuu kugu dilaa.
755. ragi sadex bay ku kala baxaan , wax tegay ka hadhidii, wax jooga ka hadalkii, wax soo socda ka haloosigii.
756. ragu sadex waa iskaga mid. Magaca, magta iyo maganta.
757. ragu waxa uu ka sheekeeyaa biiisa dumarkuna badhaadha hooda.
759. Reer ba'ow yaa ku leh!
760. Reer guura raac iyo carruurba loo kala sheekeeyaa, is mase arkaan.
761. Reer, naagbaa kaa raacda.
762. Reerka meelan loo husan looma haatiyo.
763. ri waalan ridaada laguma xidhto
764. riyuhu lugtooday shalan ku doontaan.
765. roob magaalo ku hooray ramaas soo bixin maayee laamiguu ku raftaan.
766. run iyo ilkaba waa la cadeeyaa.
767. Runi rag kama nixiso
768. ruux aan geeri iyo nolol midna ahayni/ ma dhiman mana noola.
769. ruuxba dhiishuu ruxduu caanaheeda dhamaa.


Maahmaahda Qaybta "S" ka Kacda

.
771. Saddex baa la yidhi: Lixdan jir lexojeclo ha la wadaagin; afartan jir ha la garramin; labaatan jirna ha la legdemin.
772. Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe
773. Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow guursan maayee wiil i sii; Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii; iyo Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee.
774. Saddex lama arag: Marti nin ka yar, muddo maalin ka yar, salaad ragcad ka yar,
775. Saddex lama raaco: Ma horreeye, ma hambeeye, iyo ma haasawshe.(C)
776. Saddex looma adkeysto: Gaajo guri og, gardarro garab og,
777. Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis, carruur aamusinteed, iyo awr carraabintiis.
778. Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan: Faraska xun, naagta xun, iyo hoyga xun; haddana saddexdaas baa kaa bi'iye.
780. sadex col baa jira, col cad , col cas, col madaw, colka cad waa biyaha,colka casna waa dabka ,colka madawna waa dadka.
781. sadex la lama dego, doqon fiiro taqaan,fulay daandaansi yaqaan iyo geesi damac yaqaan.
782. sadexna la lama saaxiibo, nin aan rabi aqoon, nin aan rag aqoon iyo nin aan run aqoon.
783. Safar waa si wada yeel.
784. Sagaaro intay tub joogto bay tub kale dayataa
785. Sagaaro inteeda waa ku duq.
786. Sagaaro laba cad oo la kal qaado ma leh
787. Sagaaro, mindhaa ima barato.
788. Sahaydaa waa hor, socodkaana waa dib.
789. sakaaro laba tun oo laka qalo ma leh.
790. Salaadba waqtigeedaa la tukadaa
791. Samraa, sammo hela.
792. sankaagoo qudhma lama gooyo.
793. Seedi waa beer
794. Shan nin oo shidho qayb leh, hal shanshaa ka baxda, shan ninnaan shidho qayb lahayna, shan shanshaa ka baxda.
795. Shan shidda ma macaysaa.
796. shibiri maalibay dab qaaday buulkeedii baanay ku gubtay.
797. Shiikh markiis yimaado, shariifku, shubaakaduu ka baxaa.
798. shinbir duul duul badani af libaax bay gashaa.
799. shinbirba shinbirkiisuu la duulaa.
800. shinbiri laba geed ma wada gurato.
801. Shir looma wada uunsiyo
802. Shir naagood oo shan dhaafay waa shar
803. Shisheeye sheela duxa ma leh.
804. Shubaali waa biyo la bax.
805. sidaan kuugu lisay iigumaad hanbayn.
806. Sidee xeego lagu xagtaa ilkana u nabad galaan
807. sir ma qabe allaw sahana.
808. sir naageed lama sal gaadho.
810. sixun wax u sheege saaxir ka daran.
811. Sodcaal maa moodhar, sahayna waa lacag, saaxiibna waa kaba cad.
812. soo bax baa la leeyahay sacabka leefaysaa.
813. Soo joogso laga waayaa, soo jiifso laga helaa.
814. soomaalidu been way sheegtaa beense ma maahmaahdo.
815. Soomaalidu waxay casarkii kugu aragtay cishihii kugu caydaa.
816. soomalidu waa indho ku garaadle.
817. soor quudheed lama cuno xoolo quudheedse waa la qaataa.
818. Soori waa in xil lagaga tago iyo in xarrago lagaga tago





Maahmaahda Qaybta "T" ka Kacda

.
1. Tabcadaa ma tuugoobo.
2. Talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola
3. Talo laba adin dhexdood bay ka dhalataa
4. Tol la'aani waa tows.
5. Tol yarraaday, tafo naagood baa laga dayaa.
6. Toladu waa mar aad gaadhi waydo iyo mar aad garan waydo
7. Tolkaa maw talisay, mase tuugtay.
8. Tolkaaga iyo xaaskaaga midna looma xoog weynaado.
9. Tuhun waa sed.
10. Tuug la qabtay talo ma laha.
11. Tuug tuug ma xado.


Maahmaahda Qaybta "U" ka Kacda

.
830. Ul jiiftaa ma jabto.
831. Umili ilawshiinyo dhaw.
832. usha intay qoyan tahay ayaa la toosiyaa.
833. ushaada nin aad ka qaadi kartaa loo dhiibtaa.
834. Uur mudane iyo uur Berde, midna lama baadho.







Maahmaahda Qaybta "W" ka Kacda

.
835. Waa baahan tahay bakhtiga looma cuno
836. waa lagu shareeraa waxay sheegtaba ha waydee.
838. waalida ninkii soo baraa laga waraystaa.
840. waan xoolo yarahayna deeq lagagama hadho waan dad yarahayna dagaal lagagama hadho.
841. waano dhalan baa ka adag.(ka roon)
843. Waari mayside war hakaa hadho.
844. Waayeel ha soocine, wax aqoonta sooca.
845. waayeel hadalkiisa kaftan buu ku dhamaystaa.
846. waayeel hortiisaa caano loogu badhxaa.
848. Wadaad waa nin
849. Wadaanta isha ka xumaataa, faylkay la tagtaa.
850. Wadaantii geeleeda kaafida, baa mid kalena kaalmeysa.
851. Wadar iyo waaxid yaa waalan
852. wadiiqada yari wadada wayn bay kugu ridaa.
853. Wadiiqada yari waddiqada weyn bay kugu riddaa
854. wakhti kaa lumay muruguu reebaa.
855. wakhti kaa tegay tiigsimaad maleh.
856. Walaalkaa dhuux tagoogaa loogu soo subkadaa (dhaashadaa).
857. walaalkaa markhaatiga ku fur magtana la bixi.
858. walaalo is necebi way xoola yareeyaan wayna xabaalo badiyaan.
859. walaashaa iskuma hubtida seedigaa haysi seegina.
861. wan wayn jeeroo la gawraco indhihiisu cirka ma arkaan.
863. war jiraaba cakaaruu iman.
866. war la'aani waa dhego laaan.
867. war xumi dugsi ma fadhiisto.
868. waraabaa yidhi ulna layla gaadhi waa cayna wax igama tarto
869. Waraabe daalay, dirirtiisaa loo tagaa.
870. waraabe dhankii loo eryaaba waw toos.
871. Waraabe ulla lala gaadhi waa, orodna wax lagaga dhibi waa.
872. waranka ninka kugu dhufta iyo ninka kugu dhaqdhaqaajia ninka kugu dhaqdhaqaajiya ayaa xun.
875. Wax aad baratay waa baaskaa
876. Wax aqoon wax looma sheego.
877. wax is waydiintu ma xumee wax is waydaarsigaa xun.
878. Wax la dhalay iyo dhul baa loo marti yahay.
879. Wax la qarashaa ama qudhme ama qubte
880. wax raagaa rag kuma sama.
881. Wax rag kaa galay rako kaa gale.
882. wixii ay idho arkaan ayey ilko gooyaan
883. wax walba run moodaa rag ugu liita.
884. waxa jira sadex abaar, abaar geel ,abaar dumar iyo abaar rag. Abaar geel waa ilko laaan, abaar dumar waa ubad laaan, abaar ragna waa arin laaan.
887. Waxaan calaf ahayna lama cuno, waxaan hed ahayna looma dhinto.
888. Waxaan kashaada gelin, korkaaga yay dhaamin.
889. Waxaanad filanany iyo fallaari waa kaa fajiciyaan
890. waxaanad heli karayn waxaanad u baahnayn baa laga dhigaa.
891. waxay ili aragto ayaa ilko gooyaan
893. weel waliba wixii ku jiruu dhididaa
894. weylasha biree dibigu ha ku quustee
895. Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa
896. wiilkii is waalaba wiil waabiyaa hela.
897. wixii faq lagu sheego fagaaray tagaan.

Maahmaahda Qaybta "X" ka Kacda

.
898. xaasidaw xoogga beel.
899. Xabaallo waalid baa xoolo lagala baxaa.
901. xadhko geel ma wada xidhaan.
902. Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan
904. Xalaafo waa Xoogii Xirsi Muude
905. Xarrago dumar xanuun ma leh
906. Xiiso iyo xoorba way gudhaan.
907. Xog mooge xaajo waa dilaa.
908. Xoolo lama cunee dadkoodaa la cunaa.
909. Xoolo quudheed waa la qaataa, soor quudheedse lama qaato.
910. Xoorkii laga dhamay xagaagii iyo xusuus baa geel lagu xer geeyaa
911. Xornimo adaa ku noole,iyadu kuguma noola





.
716. Qaadis iyo jiidis waa isla guryo geyn.
717. Qalbigu laba ruux ma wada qaado.
718. Qawl nin wayn ka dhacay waa qolof geed ka dhacday.
719. Qaybshe qad ama qaaday.
721. Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto
722. qof caashaq hayaa wax ka calaancal badan(C)
723. qof nool oo ku hortaagan lagama quusto.
724. qof walba qumanihiisaa qoorta ugu jira.
725. qof waliba wuxuu dhigtuu dheeftaa.
726. Qof waliba intuu cunuu ciidamiyaa
727. qofkii aragiisu ku deeqaa oontiisuna ku deeqdaa.
728. qoryo adistooda isku duwis baa horreysa
729. qosol badani qoonsimaad noqoy.
730. Qosol hiil leh.
731. Qosol qoonsimaad noqay.
732. Qufac iyo uur midna ma qarsoomo.
733. qunyar socde qodaxi ma mudo.
734. Quruxi waa ishaada, qiimana waa ayaankaaga.
735. quud aan jirin qoryo u guro.
aa.

Maahmaahyo


Dhacdo ugub ah -Nina Guusha Kuma hanto Hilib Walaalkiise

SOMALI GROUPS ETHNIC OR CLANS

A group, which has similar ethnic origin with the Samale group, but traditionally considered as cast people who have no equal rights with others. This group includes Midgan, Tumal and Yibir (collectively known as Baidari group), Gaheyle and Galagale and Boni. They are traditionally hunters, leather and metal workers, and craft makers living in some parts of north, central and southern Somalia. A second group, which is distinct from other Somalis in ethnic identity, cultural and tradition. They include Bantu, Benadiri and Eyle. The Bantu, who are refer to as "Jarer", which literally means thick hair are small scale farmers or labourers who live in the riverine areas in southern Somalia. They are also divided into various sub clans with different ethnic origin. Some for example the Mzigua, Mzaramo, Magindo, Myao, Makua, and Manyasa collectively known as Wa Gosha " forest people" or Oji are believed be descendents of Tanzanians, Mozambicans and Malawi's who were taken to Somalia in the 19th century by Arab slave traders (MRG, 1998). They live and practice some subsistence farming in the Gosha area in the Lower and Middle Juba regions. Second Bantu sub clans, which include Shidle, Shabelle, Makane and Kabole, are believed to have descended from early non-Somali agricultural communities. They are also small-scale farmers who predominantly live in the Middle Shabelle and Hiran regions. The third Bantu group lives in the Lower Shabelle region. Because of cultural genocide, and most importantly for protection reasons they have identified themselves with the other Somali communities in the region. These include Jarer-Hintire, Jarer-Wacdan, and Jarer-Biyamal. Except the Mushunguli group who retained their Mushunguli language, the other Bantu speak Somali language and have become assimilated into local Somali communities. However, they have never been recognized as real Somalia, as a result, they suffer ethnic discrimination which placed them into servitude class. They are marginalized and excluded from main stream of administration, education and minimum social and economic development. […] The Somali clans are grouped into clan bonds or clan alliances formed to safe guard the mutual interest and protection of the members of the alliances. The Social contract or "xeer" is the most important component that cements together the alliances. It calls upon the collective response of any threat to members of the alliance. As marginalized groups, the minorities are outside this system, and they are vulnerable to attacks and human rights violations by the dominant clans." (UNCU, 30 July 2002, pp 5-6) "In Somali culture, clan is the inherited patriarchal lineage of ancestors, passed down orally in detail, generation to generation, determining origin, social standing, and access to territory, property and power. In times of trouble, the clan also pays a penalty for inflicting death or injury, which relieves the burden from individuals and families. At its worst, clan leads to conflict, xenophobia and control. 'But at its best, the clan works like the western world's social security welfare system. It protects, it means that all actions against you and your family will have consequences,' said a Somali source." (IRIN-CEA 15 June 2001) "In addition to conflict, technological change, trade, religion, migration patterns and the return of the Somali diaspora have broken down geographical and social boundaries. This has resulted in fundamental local and familial changes. In the absence of a central authority, the clan represents the lowest denominator in providing group and individual protection and social security. Yet, the clan remains the most potent force in contributing to social and political division and diffusion." (UN November 1999, p. 4) "The social context of human development in Somalia cannot be understood without reference to clan affiliation. Lineage identity is a central organizing force in Somali society. At the grassroots level, clan elders and other community leaders play a vital role in providing most of the day-to-day governance throughout Somalia, in the absence of effective state authority, and are often instrumental in maintaining local stability. One of the paradoxes of contemporary Somalia is that some of the most powerful social and economic forces are simultaneously sources of both stability and insecurity. On the one hand, clan networks provide an essential level of physical and social security to many Somali households; the clan is a vital source of group protection, social security and customary law in the absence of state infrastructure. On the other hand, clannism is a powerful force contributing to unstable alliances, diffusion of power and communal conflict over scarce resources. In the period of state collapse, it has proved to be a divisive and destructive tool in the hands of political leaders.





The Dir sub clans include Biyamal, Gadsan, Gadabursi, Fiqi Muhumud, Samaron,Qubeys, Werdai and Akishe. The Issak are subdivided into Habar Awal, Habar Jalo and Habar Yunis, Edigale, Ayub and Arab.


The Digil and Mirifle are subdivided into sub clans. The Digil include Geledi, Shanta Aleen, Bagadi, Garre, Tuni, Jido, and Dabarend while the Mirifle are divided into Siyed and Sagal. Some of the major subclans in the Mirifle group are Laysan, Harin, Elay, Boqol Hore, Jiron, Jilible, Gelidle, Hadame, Luway, Huber and Yantar. Those who fall outside the major clan lineage divisions are considered as minorities. They are disadvantageous of being minorities except when they have patrons or patron clan that support them. This lack of clan protection puts them at the mercy of arbitrary action by major clans. According to their lineage, the minority groups are divided into two groups: A second force, economic and business interests, at times promotes inter-clan and inter-factional accords for the sake of improved market conditions. However, these players also resort to armed conflict in pursuit of market control and price-fixing." (UN December 1998, p. 7)

Blog Archive