Saturday, July 7, 2012

UDUBLAND OFFICIAL WEBSITE







http://udubland.net/news-2/






Ururka Surre Youth Nethwerk (SUYON) ayaa taageray marki ugu horeysay Dowlad goboleedka Udubland ee fadhigeedu yahay magalada Markacadey




Number of View: 268







ururka Surre youth netwerk oo saldhigiisu yahay wadankan Netherland ayaa baaq taageero iyo bogaadin ah u diraya dhamaan madaxda iyo shacabka reer Udubland,



gudoomiyaha ururka SUYON mudane Mohamed Nadir oo iminka socdaal shaqo ku marayo wadanka Turkey caasimadisa Istanbul ayaa waxa uu ka waramay marxaladahi kala duwanaa ee uu gobolku soo maray isagoo sheegay in Udubland shacabkedu yihiin dad nabada jecel hasa yeeshe ay musiibada guud ahaan wadanka ku dhacday dhinacooda ka saameysay,



degaanada Udubland ma jirto meel ka manaaficaad badan guud ahaan geeska Africa waxa ayna kulansatay biyihi Wabiga iyo Badweynti India waxaase meesha ka baxay nimaadki iyo haykalki dowladnimo lagamana faa'ideysan dhulkaas barwaaqada badan,







maamuladi kala danbeyay ee ka jiray gobolka ma ahayn kuwa u daneynayey dadka degaanka qaarkooda waxa ayba ahaayeen dhiig miirato godob ka galay shacabka Udubland,



sidaasi daraadeed waxaan ku dhiri galinayaa madaxda Dowlad goboleedkan cusub in ay ka shaqeyaan sidi ay dadkooda u horimarin lahaayeen si cadaalad iyo sinaan ahna ugu adeegi lahaa dhamaan qabiilada Somaliyeed ee degan Udubland.







shacabka Udubland waa kuwi maalkooda iyo naftooda u huray difaaca wadanka gumeysigi Talyaaniga ahaana u dhigay cashar lama ilaawaan ah waxaase wax laga xumaado ah in dowladihi kala danbeyay ay duugeen oo ay xaqireen taarikhdi iyo halyeeyadi soo maray gobolka kuwaasoo aan marnaba qalbiga umada somaliyeed ka go'i doonin sidey ugaga dhiidhiyeen gumeysigi hororka ahaa ee Talyaaniga,







ururka SUYON wuxuu hiil iyo hooba la garab taagan yahay walaalaha Udubland ee ku fakaray in ay wax u qabtaan dadkooda iyo dalkooda soona celiyaan bilicdi iyo sharafti uu lahaa gobolka,







marka la helo hogaan wanaagsan ayaa la heli karaa dad caafimaad qaba oo cilmi leh waxaana loooga fadhiyaa shacabka Udubland in ay muujiyaan isku duubni kuna daydaan Maaamulada kale ee horimarka muuqda ku talaabsaday,







dib u dhaca ku yimid gobolka waa mid muuqda xag caafimaad, waxbarasha, iyo xag dhaqaale dhinac walbaa habaas iyo baaba'a ayaa ka muuqdo,







ururka SUYON wuxuu mustaqalka dhaw qorsheynaya in uu dugsi hoose dhexe ka dhiso Bandarjadiid oo ka tirsan degmada Jamaame insha Allah inago kaashan doono Maamulka iyo shacabka Udubland,


http://caalamka.net/?p=2915





Shir sagootin iyo dardaaran .











Waxaa xaley ka dhacey shir kooban oo ay ka soo qeyb galeen dhallinyerada iyo odeyda reer Udubland ee Jeddah.



Shirkaasi oo lagu sagootinaayey Mudane Maxamed Cali Cilley, oo u ambabaxaayey Somaliya , asaga oo ka qeyb galaaya shirka sannad guurada koowaad ee Maamulka Udubland, kaasi oo ka dhicidoono dalka Somaaliya, Caasimadda Moqdisho.



Shirkaasi ayaa waxaa lagu soo sagootiyey Mudane Maxamed Cali Ciilley asaga oo loo soo xilsaarey inuu noqodo qofka matilaayo qurba joogga guud ahaan , gaar ahaan reer Jeddah .



Halkaasi oo aragtiyo fara badan laga soo jeediyey ka qeyb galkiisaasi inuu noqod mid ka shaqeeya sidii xiriirka maamulka Udeubland ee gudaha iyo debedda sidii loo mideen lahaa loona joogteen lahaa.



Waxaa goobtaasi dardaaran ballaaran ka geystey kasoo qeyb galayaasha , oo kala matilaayey maamullada dhallinyerada, odeyda gaar ahaan.



Goobtaasi waxaa ka Hadley Mudane Cumar Maxamed Cali oo ku hadlaayey afka odeyda oo dhan, isla markaana waxuu ku nuxnuuxsadey baahida loo qabo inuu Mudane Maxamed Cali si toos ah ula xariiro, maamulka Udubland ee Xamar , xibnahooda , Culumada, aqoonyahanka , siyaasiyiinta , dhallinyerada, iyo hooyooyinkaba.



Waxuu si gaar ah uu u tibaaxay sidii hawlaha Udubland loo xoojinlahaa, waqtiga soo soocdana ay noqoto mid ka muuqdo saaxadda siyaasadeed, gaar ahaan marxalada la maraayo, iyo asaga oo hal oo ka kaasi si gaar ah salaam ugu gudbiyey, ragga maanta hawlaha dhabarka u dhigtey.



Waxaa kale oo halkaasi ka hadley Mudane Xasan Sheexk Cismaan, asaga oo ka jeediyey hadal yer oo kooban waxuu si gaar ah uu mahad halkaasi ooga soo jeediyey maamulka Udubland ee Moqgisho,guud ahaan , waxuu si gaar ahaan halkaasi ka xusey, kuwa hormuudka ka ah, siiba Ugaas Axmed Ugaas Siid Cali, oo kaalintiisa aan la illoobi Karin, xubnaha maamulka oo uu guddoomiye u yahay Mudane Cabdalla Maclin iyo ku xigeenkiisa, Mudane Cabdirraxmaan Maclin Food Cadde, iyo Professor Cali Maxmuud Gacal, dhammaan waxaa boogaadin loogu soo jeediyey hawshaani oo ay u duubteen, saa oo kale waxaa halkaasi uu ka xusey Mudane Maxamed Abuukar Maxamed oo ah, qof doorkiisa aan marna la illoobi Karin, isla markaana ka ah xisaabiyaha guud , oo si gaar ah, loogu mahad celiyey, asaga oo xafiis iyo internet ku taageeray Maamulka, taasi oo ah , hawl aan marna horey loo helin wax intaasi u huro maamulka.



Waxaa kale oo halkaasi ka hadley abaabulaha BYC Mudane Cabdullahi Xasan Maclin oo si gar ah tilmaamooyin wax ku ool ah , halkaasi kasoo jeediyey, oo si toos ah u tilmaamey tix ge;linta ay mudanyihiin maamulka laga dhisey Xamar, isla markaana farta ku tilmaameyin xariirka alal joogteeyo maamulkaasi , lana xariiriyo maamullada meel kastoo ay ka jiraan.



Waxaa halkaasi ka hadley guddoomiyaha BYC Mudane Ismaacill Xaaji Ibraahin oo asagana arrimahii goobtaasi laga soo jeediyey ku tilmaamey kuwa wax ku ool ah, isla markaana ku guubaabiyey inuu Mudane Maxamed Cali uu sii gaar ah iskaga xilsaaro, sidii uu xariirka usoo gudbinlahaa waxii uu kala kulmo, joogitaankiisa Xamar.



Goobtaasi waxaa si goos goos ah ooga hadley mudanayaal kale oo halkaasi woda joogey sida guddoomiyaha dib u heshiiska Mudane Cabdirraxmaan, iyo Mudane Cabdulqaadir Sheekh Maxamed ..



Oogu dambeentii ayaa si farxad leh loogu sakootiye Mudane Maxamed Cali Ciilley.

Shabakada Jammaame.





Xafiiska Jammaame














Xaflad lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Udubland oo Stockholm lagu qabtay (SAWIRRO)






Axad, 17 July 2011(HOL): Xafladdan lagu soo dhaweynayay madaxweynaha maamul goboleedka Udubland Dr. Ibraahim C/llaahi Caddow ayaa lagu qabtay Magaalada Stockholm ee xarunta ah Dalka Sweden.





Xafladdan oo ay ka soo qeybgaleen dad aad u faro badan oo isaga kala yimid gobollada dalka Sweden iyo dalal kale oo Yurub ka tirsan ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Wakiillada Dowlad goboleedyo horay loo sameeyay, kuwaasi oo dhaweeyay dowlad goboleedka Udubland iyo madaxweynihiisa Dr. Ibraahim C/llaahi Caddow.





Dr. Maxamed Ciise oo metelayay Dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa ugu horreyn ka hadlay xafladda wuxuuna soo dhaweeyay dowlad goboleedka Udubland iyo madaxweynihiisa, kaddibna wuxuu faahfaahin ka bixiyay qaabkii loo dhisay dowlad goboleedka uu ka dhisan yahay iyo weliba waxyaabihii uu qabtay iyo wax uu hiigsanayo.





Wuxuu sheegay in Dowlad goboleedkooda Ximan iyo Xeeb wuxuu kaalin weyn ka geystay in uu is-fahamsiiyo dadka ku dhaqan deegaannada uu ka taliyo, isla markaana uu maslaxadooda ka shaqeeyo, sidoo kalena uu deris wanaag iyo xiriir iskaashi uu la sameeyo dowlad goboleedyada deriska la ah.







Wuxuu u rajeeyay madaxweynaha Udubland in uu noqdo nin ka soo dhalaala xilka loo magacaabay, isagoo sheegay in uu yahay nin karti hoggaamineed leh, isla markaana horumar gaarsiin kara dadka deegaannada Udubland, dadka deriska la ah iyo guud ahaan Soomaaliya.





Xildhibaan Cabdi C/lle Siciid Jinni Boqor oo xafladda goob-joog ka ahaa isna ka hadlay xafladda wuxuuna sheegay in dowlad goboleedka Udubland uu ka yahay mid dowlad goboleedyo 10 kor u dhaafaya oo ka jira dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in la sii badiyo dowlad goboleedyadaas, maadaama buu yiri kala dambeyn, dib u heshiisiin iyo iskaashi loo baahan yahay.





“Waxaan leeyahay Soomaaliya degmooyinkeeda maamul goboleedyo ha laga sameeyo waayo waxaa la gaaraya in qoladii meel wada deganba ay horay dhinac walba leh gaarto kaddibna loo gudbo Soomaaliya oo dhan. Sida ay ila tahay maamul goboleedyada hadda jira ma diidana dowlad dhexe ee waxaa looga baxayaa dowlad la’aanta iyo kala dambeyn la’aanta, waxaana imaanaya sidoo kale waxqabad dhinacyada bulshada ah”ayuu yiri Xildhibaan Jinni Boqor.





Libaan Xuseen Cusmaan oo metalayay Dowlad Goboleedka Azania ayaa isna ka hadlay Xafladda wuxuuna sheegay in dadka Udubland iyo Dadka Azania ay deris yihiin, ayna weligood ahaan jireen. “Dadka Udubland waa dad nabadda jecel, dagaal marka ay timaadana waa dad lagu xusuusto dagaalkii ay la galeen gumeystihii Talyaaniga, waana soo dhaweyneynaa dowlad goboleedka ay sameysteen iyo weliba madaxweynahooda”ayuu yiri Liibaan Xuseen Cusmaan.







Kerstin Gustavsson oo ka tirsan Xisbiga talada dalka Sweden haya ayaa xafladda lagu casuumay, kana hadashay, waxayna sheegay Kerstin in ay mar kasta Soomaalida ku aragto wax ka yaabiyo sida maamul goboleedyada badan ee sameysmay muddooyinka dhow iyo kuwii horay u jiri jiray.





“Waxaa jiro Muqdisho, Puntland, Somaliland, Galmudug iyo Jubbaland, waana wax lagu dayan karo, waayo waxaa lagu sameyn karaa dowlad goboleedyada isa saamaxaad iyo wadatashi, kaddibna looga gudbo dhibaatooyinka jira” ayay tiri Kerstin oo sheegay in ay muddo dheer ku soo dhex nooleed Soomaalida ku nool Sweden, gaar ahaan Stockhom.





“Waxaan jeclaan lahaa inta aanan dhiman in aan arko Soomaaliya oo nabad ah, dhaqaalaheeda uu sarreeyo, isla markaana aad u qurxoon. Soomaalida muddo dheer ay ku soo dhex noolaa, waqtiyo kala duwanna aan la qeybsaday. Xitaa hadda oo aan ka guuray Stockholm, isla markaana aan u guuray gobolka kale weli waan la joogaa Soomaalida, waxaana hadda u imid halkan (Stockholm), waxaa socda ciyaarihii Isboortiga ee xagaaga”ayay tiri Kerstin oo madaxweynaha Udublanad iyo dowlad goboleedkiisa u rajeysay nasiib wanaagsan.







Amoon C/llaahi oo ka socotay Radio Sweden, isla markaana ka mid ahayd marti sharaftii lagu casuumay in ay xafladda hadal ka jeediyo ayaa sheegtay in ay ugu horreyn soo dhaweyneyso Dowlad goboleedka Udubland iyo madaxweynihii Dr. Ibraahim C/llaahi Caddow, waxayna hoosta ka xariiqday in ay u tahay markii ugu horreysay oo ay maqasho amaba ay goob-joog u ahaato dowlad goboleedyo ay madaxdooda isu ballanqaadayaan wada shaqeyn iyo midnimo.





“Dowlad goboleedkan Udubland waxaan u rajeynayaa in uu noqdo mid miro-dhala, waxaana leeyahay madaxweynihiisa noqo midkii udub dhexaadkii soo celinta dowladnimadii Soomaaliya”ayay tiri Aamoon C/llaahi oo ku hadashay magaca haweenkii xafladda ka soo xaadiray iyo kuwii aan fursadda u helin ee ay raggooda metalayeen.





Amoon C/llaahi waxaa ay sheegtay in dalka Sweden oo ay ku nool yihiin Soomaali lagu qiyaaso 40 kun oo ruux uu yahay dal aad u qurxoon oo cimilladiisana ay fiican yihiin, isla markaana seddex jeer ku guuleystay dalka ugu nadaafadda wanaagsan caalamka.







Siciid Maxamed Xeyd ayaa sidoo kale ka hadlay Xafladda, wuxuuna ammaanay madaxweynaha Udublanad Dr. Ibraahim C/llaahi Caddow oo uu sheegay in uu yahay nin u heellan in uu wax ka qabto dhibaatooyinka ka jira deegaannada Udubland, isagoo carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay laga shaqeeyo oo la soo celiyo nabadgelyada uu gobolka caanka ku ahaa, sidoo kalena wuxuu ugu baaqay maamul goboleedyada in ay wada shaqeeyaan, ayna baabi’iyaan nidaamka cadaalad darrada ku dhisan ee loo bixiyay 4.5.





Waxaa intaas kaddib cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Cilmi Cabdulle Xuseen oo si kooban uga hadlay taariikhda soo jireen ee Madaxweynaha Udubland Dr. Ibraahim, wuxuuna xusay in madaxweynaha Udubland oo degan dalka mareynkanka uu muddo dheer ahaa nin aan arrimaha Soomaaliya ka lug bixin, isla markaana tegay marar badan, waqtiyo kale oo badanna ku qaatay dalalka Soomaaliya la deriska ah sida Kenya iyo Jabuuti. Wuxuu kaloo sheegay in uu madaxweynaha ka soo shaqeeyay dalal badan oo Afrika ah, uuna yahay nin howl-kar ah oo xilka loo doortay ka soo dhalaali kara, kaddibna madaxweynaha ayuu cod baahiyaha ku soo dhaweeyay.







Madaxweynaha Udubland Dr. Ibraahim C/llaahi Caddow oo hadalkiisa uu xafladda ugu dambeeyay ayaa wuxuu sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuse xusay in uu dareemayo murugo iyo farxad wada jira, waa mare wuxuu tiiraanyo ka muujiyay dhibaatada abaareed ka jirta Soomaaliya guud, gaar ahaan dhulkii webiyada ay marayeen ee dalagyada kala duwan ay ka soo baxayeen in manta abaar loogu dhimanayo, dhinaca kalena wuxuu farxad aan la soo koobi karin ku tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool ay yihiin rajada ay Soomaaliya leeyihiin, wuxuuna caddeeyay in dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan ay yihiin kuwa ay Soomaaliya ka dhiman weysay muddada dheer ee dowlad la’aanta ah.



Wuxuu si weyn u ammaanay dowladda iyo Dadka Sweden oo uu sheegay in ay si weyn u soo dhaweeyeen dadka Soomaaliyeed markii ay ka burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya, wuxuuna mahadcelin arrintaas ku saabsan uu Dowladda Sweden u marsiiyay Mrs. Kerstin, “Dowladda Sweden shuruud la’aan ayay soo dhaweysay Dadka Soomaaliyeed, waxaana la ogaaday in aysan dan gaar ah ka lahayn soo dhaweyntaas marka laga reebo in ay kaliya tahay bani’aadannimo, Dad nasiib leh ayaad tihiin haddii aad Sweden ku nooshihiin, waxaana qabnaa rajo ah in aad wax fiican la soo laaban doontaan marka aad dalkiina ku noqotaan mustaqbalka.





Wuxuu sheegay in Dowlad goboleedka Udubland uu yahay mid u furan qof kasta oo Muslim ah oo Soomaali ah, lagana soo dhaweynayo, “maamul goboleedkan dhisitaankiisa baahi ayaa keentay ee iskama imaan, qofka naqdinayana waxaa laga yaabaa in uusan u arkin sida aan u arkeyno dhibaatada Soomaaliya ka taagan dhinac kasta gaartay, hayeeshee waxaan leenahay dowlad goboleedyada waxay sameynayaa wixii ay dowlad sameyn lahayd inta dowladdii dhexe ka soo noqoneyso”ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Udubland.





Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

DAAWO SAWIRADA


http://hiiraan.com/news/2011/july/UDUB1/index.htm









The Official Home of Udubland State of Somalia

TAARIIKHDII IMAAMU-SHAAFICI (AUN)




Taariikh(MMedia) Rag badan oo kamid ah culumada waaweeyn ee ahlu xadiithka ayaa waxay qoreen kutub ugooni ah taariikhda imaamu shaafici waxayna kahadleen cilmigiisa, sharafta ilaahay siiyay, qiimaha uu uleeyahay umada islaamka iyo sida uu diinta islaamka usoo nooleeyay waxaa kamid ah culamadaas xaafith al-bayhaqi, ibnu-abiixaatim iyo xaafith ibnu-xajar al-casqalaani dhamaantood alaha unaxariisto ragaas kadib Qofka ku shakiya daraja imaamu shaafici wuxuu lamidyahay qof ku shakiyay maalinimo eyadoo qoraxdu dheertahay. Taariikhda imaamka waxaan kasoo guuriyay kitaabka layiraah (tawaalii al-taasiis limacaalii muxammad binu-idriis al-shaafici) waxaa qoray imaamka wayn ee layiraahdo (al-xaafith al-kabiir ibnu-xajar al-casqalaani)



1- WAQTIGII UU DHASHAY

Taariikh yahaniinta islaamku iskuma khilaafin waqtigii imaamku dhashay (al-xaafid-al-xaakim) wuxuu yiri ma ogi wax isku khilaafay arinkaas wuxuu dhashay imaamku taariikhdu markay ehayd 150 hijra nabawiyah taasoo ahayd sanadkii uu geeriyooday imaamu abuuxaniifah alaha uwadanaxariisto wuxuuyiri (al-xaafid ibnu-xajar al-casqalaani)waxaa culumadu kaqaateen dhalashadaas iyo geeridaas labada imam ee iskusoo aaday in imaamu shaafici uga bedel noqonayo imaamka kale cilmiga fiqhiga. 2-MEESHUU KUDHASHAY

meeshuu kudhashay imaamku alaha unaxariistee waxaa lugusheegaa laba meelood ookala ah (casqalaan)iyo (gazza)al-xaafid ibnu-xajar al-casqalaani wuxuuyiri labadooda waxaa xoogbadan inuu kudhashay casqalaan waxaa sidaas soo guuriyay culuma aad loogu kalsoonyahay oo kamid ah ahluxadiithka kuwaas oo ah ibnu-abiixaatim,abuuxaatim,camar binu-sawaad,hasa ahaatee labadoodu isma diidana oo gazza waa tuulo casqalaana waa magaaladii laga xukumay,casqalaan waa magaala kutaala falasdiin bada xeebteeda waxay udhexaysaa gazzah iyo jibriin waxaa ladhihijiray (caruusul-baxar)waa meeshii ciidanka muslimiintu kusoo xirajireen si ey u ilaaliyaan dhulka muslimiinta.Imaamku asagoo kujira uurka hooyadiis ayaa aabihiis u safray meel kamid ah (shaam) halkaasoo uu ku dhintay kadibna waxaa dhashay imaamka markuu gaaray labasano ayaa hooyadiis u soo waday (makkah al-mukarramah) halkaas ayuuna kusoo koray.waxaa kamid ah sharafta ilaahay siiyay imaamka wuxuu ku dhashay uuna kusoo koray dhulka barakaysan ee looyaqaan (al-ardul-muqadasah)



3-ABTIRISKIISA



Abtiriskiisu waa sidaan soo socota muxammad binu-idriis bini-cabaas bini-cuthmaan bini-shaafic bini-saaib bini-cubayd bini- cabdi yaziid bini-haashim bini-cabdil mudallib bini-cabdi munaaf bini-qusayi waxay nabiga (scw)isagasoo dhacaan cabdimunaaf abtiriskaasi wuxuu muujinayaa inuu ahaay imaamku quraysh oo ah qabiilkii nabigeenu(scw) kadhashay.Imaamka magiciisu waa muxammad naynaastiisuna waa naasirul-xadiith waxaa kaloo ladhihi jiray abuu-cabdillaah.Hooyadiis waxay ahayd reer azad diinta islaamkana aad ayey utaqaanay waxaa lasoo guuriyay qiso ah imamka hooyadiis iyo naag kale iyo nin ayaa maxkamad marqaati kafurayay markaasaa qaaligii( makkah al-mukarramah)wuxuu damcay inuu laba meelood kala fariisiyo labada dumar ah markaasay imaamka hooyadiis waxay kutiri qaaligii xaq umalihid inaad nakala fogaysid waxayna soo daliishatay aayada 282 (al-baqara)oomacneheedu yahay daynka marqaati uga dhiga labanin hadaad waysaana uga dhiga nin iyo laba dumar ah si hadii midi ilaawdo mida kale uxasuusiso wuxuu yiri(al-xaafith ibnu-xajar al-casqalaani)kani waa daliil xoogbadan oon dadku lawada imaakarin,taasi waxay tusinaysaa aqoonta ay u leheed diinta.

4-WAXBARASHADIISII

Imaamku wuxuu xifdiyay (qur’aanka kariimka ah) asagoo todobajir ah kitaabka layiraahdo (al-muwadha) oo imaamu maalik leeyahay wuxuu xifdiyay asagoo tobanjir ah sidaas waxaa soo guuriyay (al-xaafith al-khadiib) imaamku wuxuu ahaa agoon hooyadiis sookorsatay oon xoola lahayn mucallimkiisuna wuxuu imaamka hooyadiis uga qanacsanaay inuu ardada uga tagto markuu meel aadayo markuu bartay (al-qur aan al-kariim) ayuu galay (masjidul-xaramka) si uu cilmiga u barto wuxuu ku qorijiray cilmiga lafaha markay bataana wuxuu ku ridijiray caashuun wayn gurigiisu wuxuu makkah uga yaalay (shicbu al-khayf.sidaas waxaa sooguuriyay (ibnu-abiixaatim) Imaamku wuxuu u baxay baadiyaha (makkah) asagoo jira todoba iyo toban sanowuxuu u tegay qabiil layiraahdo (hudeyl) si uu korka uga qabto gabayadooda, reer hudayl waxay ahaayeen laba qaybood waxayna kaladeganaayeen woqooyiga iyo koofurta magaalada (makkah al-mukarramah)dhamaantood waxay caan ku ahaayeen gabayada iyo fasaaxada luqada carabiga Imaamku intuu lajoogay qabiilkaas wuxuu kabartay luqada iyo fasaaxadeeda.sidaas waxaa wariyay(imaam al-aabarii) wuxuu aaday imaamku al-madiinah-almunawwarah hijradudu markay ahayd 170 halkaas oo imaamu maalik uu kula kulmay kadibna wuxuu aaday yaman hijradu markay ahayd 179 dabadeedna wuxuu aaday masar halkaasoo uu kudhisay mad habkiisa kadib wuxuu aaday ciraaq hijradu markay ahayd 195 wuxuu kusoo laabtay masar 198 hadana wuxuu aaday makkah al-mukarramah misana wuxuu kusoo laabtay masar 199 halkaas ayuu joogay ilaa ilaahay ka oofsaday maalin jumca ah bisha rajab hijraduna ahayd 204 waxaa lugu aasaqabuuraha loo yaqaan (maqbaratu banii- cabdil-xakam)imaamka safaradiisu waxay kusaab sanaayeen cilmigabarashadiisa iyo baridiisa. waxaa imaamka lawaydiiyay sideebaad ugu dadaashaa cilmiga wuxuu kujawaabay sida qofka bakhiilkaahi ugu dadaalo xoolaha uu haysto oo kale. hadana waxaa lawaydiiyay sideebaad uraadisaa cilmiga barashadiisa wuxuu kujawaabay sida hooya wiil madiyihi kalumay ilma kalena aan leheyn sidaas waxaa wariyay(ibnu-abiixaatim)



5-CULAMADII UU KABARTAY CILMIGA



Imaamku wuxuu waxka bartay dad farabadan (xaafith ibnu-xajar) wuxuu yiri culamada imaamku waxka bartay waa 79 todobaatan iyo sagaal shiikh waxayna kala joogeen shan meelood makkah al-mukarramah sida sufyaan binu-cuyeynata,muslim binu-khaalid,saciid binu-saalim,cabdulmajiid binu-cabdilcaziiz iyo cabdullaahi ibinu-xaarith al-makhzuumi waa culamadii ugu oqoonta badnayd reer makkah waqtigaas,al-madiinatul munawwarah waxaa ugu caansanaay al-imaamu maalik oo ladhihi jiray imaamu daaril hijrah imaamu shaafici markuu madiina tegay wuxuu jiray sedax iyo toban ama todoba iyo toban sano,ciraaq waxaa ugu oqoon badnaa culumada reer ciraaq waqtigaas muxammad binul-xasan oo kamid ahaa ardadii imaamu abii-xaniifh,yaman,masar waxaa kamid ahaa culamadii uu halkaas wax uga bartay imaamku yuusuf binu-camar bini-yaziid.kuwaasi waa mashaaikh diisii uu kaqaatay culuumta kaladuwan sida tafsiirka,xadiithka,taariikhda iyo qayba kale oo kamid ah shareecada islaamka.6-



HADALADII MASHAA IKHDIISU KUTIRI IYO TILMAANTII AY KU TILMAAMEEN



-Imaamu maalik wuxuu yiri iima imaan nin



reer quraysh ah oo kafahma badan shaafici sidaas waxaa soo wariyay al-imaam al-aabaari.-Muslim binu-khaalid wuxuu kuyiri imaamu shaafici waxaad gaartay xad muftinimo ee suaalaha diinigaa dadka uga jawaab imaamku markaas wuxuu jiray 15 sano sidaas waxaa soo guu riyay ibnu-abiixaatim.-sufyaan binu-cuyeynata hadii lawaydiiyo mas ala diini ah wuxuu dhihi jiray weydiiya shaafici,marna waxaa loo soo sheegay imaamu shaafici geeridiisa markaasuu wuxuu yiri hadii sidaasi runtahay waxaa dhintay ninkii zabankaan ugu fadliga badnaa sidaas waxaa soo wariyay zakiriya al-saajii.



Dhamaan culamada makkah jootay waxay kutilmaameen imaamka fahma badan,caqli badan iyo dhowrsimo sidaas waxaa soo wariyay al-imaam al-bayhaqi -muxammad binul-xasan al-shaybaani wuxuu yiri haday hadlaan maalin culumada cilmiga xadiithku waxay kuhadlayaan carrabka shaafici sidaas waxaa sooguuriyay xaafid ibnu-casaakir.-yaxya al-qidhaan wuxuu yiri waxaan uduceeyaa salaad kasta dhexdeeda iyo maalin kastaba shaafici sida ilaahay uwaafajiyay xaqa iyo cilmiga ilaahay siiyay ee uu dadka ufaaiideeyay sidaas waxaa wariyay xaafidka caanka ku ah taariikhda islaamka oo layiraahdo ibnu-abiixaatim -cabdiraxmaan binu-mahdi wuxuu riyi salaadkasta oon tukado waxaan uduceeyaa shaafici kadib markuu aqriyay kitaab uu lee yahay shaafici oo layiraahdo (al-risaalah)sidaas waxaa soo guuriyay abuu-thawr.



7-CULAMADII KUWAQTIGA AHAAYD HADALADOODII



Abuucubayd al-qaasim binu-salaam wuxuu yiri ma arkin nin ka caqli badan,ka xalaal miirad badan,ka fasiixsan shaafici.Haaruunu-rashiid wuxuu yiri alaha ku badiyo ehelkayga adookale kadib markuu dhegeystay imaamka hadalkiisa sidaas waxaa sooguuriyay zakariya al-saajii.Al-imaam al-zacfaraani wuxuu yiri ma arkin shaafici ookale,mid ka fadli badan,mid ka khayr badan,mid ka deeq sisan,mid ka cabsi badan iyo mid ka cilmi badan sidaas waxaa soo guu riyay al-xaafid al-xaakim.Imaamu zacfaraani wuxuu yiri waxaan la doodi jirnay shiikh bishri al-mariisi waana nooga guuleysa jiray dooda kadib laba hameen ayaan soo aqriyay kitaab imaamu shaafici leeyahay oo kahadlaya marqaatiga iyo dhaarta axkaamtooda kadibna waxaan kusoo laabtay xilqadii shiikh bishri markaasaan uga adkaaday doodii kadibna shiikh bishri wuxuu yiri xujadaan waxay katimid nin aan ku arkay makkah oo ilaahay siiyay dadka aduunka kunool caqligooda barkiis wuxuu ulajeeday imaamu shaafici sidaas waxaa laga wariyay al-imaam al-aabaari.



8-CULAMADII WAXKA BARATAY HADALADOODII


Yaxya binu-aktam wuxuu yiri shaafici wuxuu ahaa nin caqli badan oo fahma badan oo xujada heliog sidaas waxaa sooguu riyay zakariya al-saajii.Imaamu axmad binu-xanbal wuxuu yiri waxaa waxnoo xukmi jiray ardadii imaamu abii-xaniifah ilaa aan aragnay imaamu shaafici wuxuuna ahaay shaafici midka dadka ugu oqoon og kitaabka ilaahay iyo sunnada rasuulka (scw) sidaas waxaa soo guuriyay ibnu-abiixaatim.Al-imaamu axmad binu-xanbal wuxuu yiri cilmigayga dhamaantiis ama intiisa badan waxaan kaqaatay imaamu shaafici muda sodon sana ah ayaana uducaynayay imaamu shaafici sidaas waxaa sooguu riyay zakariyaa al-saajii.Al-imaamu axmad binu-xanbal wuxuu yiri shaafici wuxuu daliishadaa xadiith saxiix ah rayigiisuna waa saxiix sidaas waxaa wariyay ibrahiim al-xarbi.Al-imaamu axmad binu-xanbal wuxuu yiri shaafici wuxuu aad ugu xeel dheeraaday afar luqada carabiga,ikhtilaafka dadka,macaanida iyo fiqhiga sidaas waxaa laga wariyay muxammad binu-cowf.Al-imaamu axmad binu-xanbal wuxuu yiri cilmiga fiqhigu ehelkiisa wuu kaxiraa ilaa ilaahay ugu furay imaamu shaafici sidaas waxaa sooguu riyay abulqaasim al-bagawi.Muxammad al-zacfaraani wuxuu yiri culumada xadiithku waxay ahaayeen kuwa hurda ilaa imaamu shaafici kakiciyay hurdada.Rabiic binu sulaymaan wuxuu yiri imaamku markuu tukado salaada subxiga waxaa u imaajiray dadka doonaya inay kabartaan tafsiirka,qoraxdu markay soobaxdana waxaa u imaajiray kuwa doonaya xadiithka,markay qorraxdu soo dheeraatana waxaa laga hadli jiray wixii dood ah oo kusaabsan diinta,kadibna waxaa u imaajiray kuwa doonaya luqada carabiga ilaa laga gaaro maalinta kala barkeeda.kadibna wuxuu aadijiray gurigiisa



9-DADKII ZABANKIISII KU DHOWAA HADALADOODII



Daawuud binu-cali al-isbihaani wuxuu yiri waxaa ilaahay ukulmiyay imaamu shaafici fadli badan oo qofkale uusan u kulmin waxaa kamid ah sharafka nasabkiisa maxaa yeelay waxay isku abtiris yihiin nabigeena (SCW) waxaa kamid ah diintiisa oo fayoow,caqiidadiisa ooka nabad gashay bidci nimo, hawa raac,asagoo deeqsi ahaa,aqoon dheeraada asagoo ulahaa cilmiga xadiithka,asagoo korka kayiqiinay kitaabka ilaahay,aqoon dheeraada asagoo ulahaa siirada nabiga(SCW) iyo siirada asxaabta,kutubta uu allifay wanaagooda,culamadii waaweyneed ee islaamka oo isku raacday imaamka cilmigiisa iyo inuu oogay sunnada nabiga (SCW) iyo inuu aduunyada kajeestay waxaa kamid ah culamadaas imaamu axmad binu xanbal,sulaymaan binu-daawuud al-haashimiyi,al-xumaydi,al-karaabiisi,abiithoor,al-zacfaraani,al-buwaydi,al-jaaruud,al-rabiic,ibraahiim al-mazani iyo xaarith binu-surayj waxaa sidaas soo wariyay al-imaamu al-bayhaqi.



10-SIDUU UGU DHEGANAA XADIITHKA NABIGA (SCW)



Al-xaafith al-bayhaqi wuxuu sanadkiisa uga waruyay rabiic binu-sulaymaan waxaan maqlay shaafici ooleh hadaad kaheshaan kitaabkayga wax khilaafsan sunnada nabigeena (SCW)qaata sunnada kana taga hadalkeega.rabiic markalena wuxuu maqlay shaafici oo leh hadaan wariyo xadiith saxiix ah oonan kucamal falin waxaad ogaataan inaan waashay.wariye bayhaqi.Rabiic wuxuu maqlay shaafici oo leh samadee baan harsanayaa dhulkee baan ku kor soconayaa hadaan xadiith nabiga (SCW)wariyo oonan ku camal falin.wariye al-xaafid al-xaakim.Waxaa shaafici kuyiri imaamu axmad hadaad ogtahay qof haya xadiith saxiix ah iisheeg waan aadayaa meelkasta oo uu joogee.wariye xaafith al-dabaraani.Xuseyn binu cali al-karaabisiyi wuxuu maqlay shaafici ooleh qofkii kahadlaya qur-aan iyo xadiith ayaa xaq kutaagan wixii kasoo harayna waa hadal leyska yiri.wariye abuu-ciisaa al-tirmidi.Al-buwaydhi wuxuu maqlay shaafici ooleh qabsada culamada xadiithka waayo waa ka toosnaan badan yihiin dadka kale.



11-DHAWRSANAANTIISII



Shiikh mazani wuxuu waydiiyay shaafici suaal kusaabsan caqiidada waxaa shaafici ugu jawaabay iwaydii wax hadaan ku gafo aad ileedahay waad geftay ee haiwaydiin wax hadii aan kugefo aad ileedahay waad gaaloowday wariye xaafid ibnu-xajar.Rabiic wuxuu kasoo wariyay shaafici weligeey ulama doodin qof aad ka adkaatid wariye bayhaqi.Xasan binu-cali al-karaabisiyi wuxuu maqlay shaafici ooleh weligey qof markaan ladoodayo waxaan jeclaystaa inuu ilaahay qofkaas u kaalmeeyo oo uu toosiyo sidaan ujeclahay inuu iikaalmeeyo oo uu iitoosiyo.



12-RIYOOYIN UU ARKAY IMAAMKU MARKUU YARAA



Xarmalatu ibnu-yaxyaa wuxuu maqlay shaafici ooleh markaan yaraa waxaan ku riyooday nin dad wax baraya markaasaan usoo dhowaaday waxaana ku iri wax ibar markaasuu jeebkiisa wuxuu kasoo baxshay miizaan waana isiiyay wuxuuna yiri kan adaa leh kadibna waxaan utegay nin riyooyinka fasira wuxuu igu yiri waxaad noqonaysaa hormoodka cilmiga waxaadna ku sugnaanaysaa wadada xaqaa iyo sunnada nabiga (SCW) wariye al-imaamul-xaakim.Rabiic binu-sulaamaan wuxuu maqlay shaafici oo leh waxaan riya ku arkay nabiga(SCW) wuuna iiyeeray waxaana iri labbayka yaa rasuulallaah wuxuu igu yiri yaad katirsantahay? Waxaan kuiri waxaan katirsanahay jamaacadaada wuxuu yiri iisoo dhowaaw waan udhowaaday wuxuu sooqaatay candhuuftiisa markaasaan afkayga kala furay wuxuu marmariyay candhuuftiisii carrabkayga,bushimahayga iyo afkayga wuxuuna yiri alaha kuu barakeeyo candhuuftayda shaafici wuxuu yiri markaas kadib xadiith iyo waxkale midna igama khaldamin.wariye xaafith la-bayhaqi.Rabiic binu-sulaymaan wuxuu maqlay shaafici ooleh anoo jooga bagdaad ayaan waxaan kuriyooday sayid cali binu-abiidaalib oo soo fariistay agtayda markaasuu siibay faraatigiisii dabadeedna wuxuu geliyay gacantayda nin cabiraa ah ayaan utegay wuxuuna yiri qorrax kasoobax iyo qorrax udhac meeshii sayid cali lugu xuso adna waa luguguxusayaah wariye muxammad binul-xusayn al-ansaariyi.Rabiic binu-sulaymaan wuxuu shaafici kamaqlay waxaan ku riyooday asagoo qof ii yimid markaasuu qaatay kutubtaydii wuxuuna kufirdhiyay hawada markaasay kala biday waxaan uga qiseeyay riyadaas nin riyada fasirah wuxuuna yiri majirto meel muslim joogo oon cilmigaagu gaarayn.wariye zakariyaa al-saajii.







13-XADIITH NABIGA ( SCW ) OO LUGU FASIRAY SHAAFICI



Waxaa nabiga (SCW) laga wariyay xadiith macnihiisu yahay ilaahay wuxuu umadaan usoo bixiyaa boqolkii sanaba qof diintooda u cusbooneeya ama barah wariye abuu-daawuud, xaakim, bayhaqi iyo xaafid al–khadiib.Warinkale wuxuu yiri nabigu (SCW) xadiith macnihiisu yahay ilaahow hanuuni quraysh maxaa yeelay caalimkooda cilmigiisu wuxuu kalagaarayaa dhulka oo dhan ilaahow waxaad dhadhansiisay qurayshtii hore ciqaab ee dhadhansii qurayshta dambe deeq.wariye xaafid abuu-yaclaa. xaafith inbu-xajar al-casqalaani iyo xaafith al-bayhaqi waxay sheegeen in xadiith kaani xoog leeyahay.culama badan ayaa kufasirtay axaadiithtaas imaamu shaafici.Imaamu axmad binu-xambal wuxuu yiri boqolkii sano ee hore waxaa ilaahay ku galadaystayumadaan cumar binu-cabdil caziiz boqolkii labaadna waxaa ilaahay kugaladaystay imaamu shaafici.wariye xaafith abuu-bakar al-bazaar.Imaamu axmad wuxuu yiri hadii mas ala layweydiiyo oonan uhayn daliil waxaan kujawaabaa sidii shaafici kujawaabay waayo shaafici waa imaam caalim ah oo reer qurqaysh ah waxaana nabiga(SCW) laga wariyay xadiith macnihiisu yahay caalimka reer quraysh wuxuu cilmigiisu buuxinayaa dhulka oo dhan.wariye xaafith al-bayhaqi.Xaafith abuu-naciim al-jarjaani asna wuxuu sheegay axaadiithtaas in loola jeedo imaamu shaafici dhamaantood alaha karaali noqdo una naxariisto aamiin.



Waxa Soo diyaariyay



Abdi Fatah Guure



Conference: Ethiopia,s web of obstruction to Somalia,s Statehood





--------------------------------------------------------------------------------



07/07/2012

Jubbaland Conference: Ethiopia’s web of obstruction to Somalia’s Statehood Jubbaland State Conference held in Nairobi Kenya on June 28-30, 2012 is part of the overall web of obstruction strategy unfailingly pursued by Ethiopia to prevent any chance for the rebirth of Somali State accountable to its people in the foreseeable future. The strategy is operationalized through multiple fronts, e.g., the misuse of UN Secuirty Council rule- “the Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) decides to actively remain seized of the matter of Somalia”, which means Somalia remains under IGAD’s jurisdiction, execution of counter-productive reconciliation initiatives, military occupation, creation of multiple armed factions, imposition of clan-based federalism for establishing local dependent clienteles, promotion of unscrupulous personalities for leadership and marginalization of responsible leaders, hyping up of international threats emanating from Somalia by conducting biased diplomatic campaigns. The immediate reasons behind this ad hoc conference could be three. First, Ethiopia strives to make the overwhelmingly rejected sub-clan-based federalism as fait accompli after the United Nations declared unseen Draft Constitution as a Provisional Federal Constitution (PFC) on June 22, 2012. The expected voting of the Traditional Leaders (TLs) and the National Constituent Assembly (NCA) on the PFC is inconsequential. Second, Ethiopia wants to strengthen its grips on Somalia’s political dispensation and to thwart all efforts for Somali Unity spearheaded by few international actors. Parenthetically, with regard to Somali Unity, the extraordinary message of Secretary of State Hillary Rodham Clinton on Somalia’s National Day July 1 to the people of Somalia raises a glimmer of hope. Third, Ethiopia wants to deepen clan antagonisms among Somalis as a source for long term political destabilization. Somali groups, IGAD/AU/UN, and Puntland Government issued separate communiqués highlighting certain aspects of the outcome of the conference. The reading of below reported IGAD/AU/UN communiqué is important because it reveals specific information. Jubbaland State is becoming a reality with this foundation now being adhered to by the International Community, Regional States, and the main groups involved. The Communiqué from the conference prepared and hosted by IGAD and the AU with support from the UN was signed by the 5 important groups representing the State. 1. TFG represented by the Deputy Minister Dr. Abdi Ali Hassan (Marehan/Uurmidig) 2. Gedo Defense Forces represented by Gen Abdullahi Sheikh Ismail “Fartag” (Marehan/Reer Ugaas Sharmarke) 3. Azania represented by Prof Mohamed Abdi Mohamed “Ghandi” (Ogaden/Talomoge) 4. Ras Kambooni represented by Macalim Mohamed Ibrahim (Ogaden/Mohamed Suber) 5. Ahlu Sunna Wal Jamee represented by Sheikh Mohamed Yusuf Mohamud “Aw Libaax” (Marehan/Celi) The foundations agreed to is thus:  Jubbaland State is to be a regional federal state under the Federal Constitution of Somalia  Jubbaland State is to be formed by the merger of Gedo, Lower Jubba, and Middle Jubba Regions.  Jubbaland State representation will be based on current state and district partition  Jubbaland state will have three branches of state government: Executive, Legislative and Judicial  Jubbaland State will united differing militias as unitary state security.  Jubbaland State will be democratic and respects the rights of minorities.  Jubbaland state will be based on Sharia law. The groups will now have subsequent meetings and interactions to work out the attainment of this plan. Three observations are in order. (a) In accordance with the Transitional Federal Charter (TFC) or Provisional Federal Constitution (PFC), the merger of regions and districts is subject to popular referendum certified by legitimate National Government and it is not the prerogative of five individuals representing factions. (b) The participation of TFG is immaterial because the Roadmap suspended the TFC, dismantled the internationally recognized TFG and empowered clan entities -Puntland, Galmudug and Ahlu Sunna Wal Jama (Mogadishu Faction). (c) The creation of Jubbaland State under the PFC and under Sharia Law will breed political turmoil and defeat the formation of Somali State. The communiqué (agreement) of Somali participants states that Jubbaland State will live in peace with its neighbor countries and with other regions of Somalia. Also, it requires that the Jubbaland State should be established before the ending of the transitional federal period scheduled on August 20, 212 and that the process for establishing the Jubbaland State must be in conformity with the stabilization plan of IGAD and TFG, titled “Draft IGAD Strategy on managing the territories liberated areas in Somalia.” The plan allows IGAD to manage the territory, people and politics of the three regions with a strategy and tactics based on clan allegiance to its desired outcome. With no explanation, representative of Harti group did not sign the final Communiqué. In a radio interview, a spokesman of the conference said that a Harti group led by Gen. Mohamed Warsame Darwish, former Chief of the Somali National Security Service (NSS) during President Abdullahi Yusuf’s government participated the conference. The Puntland Government welcomed the establishment of Jubbaland State with mix feelings-suspicion and support. It is not clear how the five groups planned to address the complications the agreement generates within various communities in the regions. Influential leaders from the five groups have already voiced their objection to the agreement. The Wagosha Community (Somali Bantu) expressed their strongest objection against the Jubbaland State. The history and sub clan composition of the Jubbaland population is different from the close kinship existing in Puntland State although all Somali communities (clans) proudly share territory, religion, language, citizenship, solidarity, and common aspirations. As part of their tradition and culture, Somalis do not consider and classify certain groups or individuals as “minorities” It is my personal view that Somalis are aware of clan distinctions, injustices and economic disparity but they generally disapprove minority status classification. Under the impracticable Federalism, there will be indefinite kinds of minorities in each village, district, and region of Somalia. In parallel to IGAD’s mismanagement of Somalia, the international community is less concerned about what works and is best for the Somali people. The international community is delighted to spend resources and efforts on initiatives or experiments of their preference with the liberty to blame the Somalis for failures and for not grasping the “golden opportunities” offered to them. Jubbaland State is another spurious enterprise undertaken to abuse and confuse the exhausted people of Somalia. Will the Somali Elite be able to regain audacity, wisdom, stamina and sense of duty needed to challenge the current debilitating approach and steer Somalia to the right direction for the common good? Time will tell. Mr. Mohamud M Uluso mohamuduluso@gmail.com

Blog Archive