Taariikhda * sh yusuf direed * iyo sh muxamed guuleed oo kooban.


 

waxaa sitoosah uuga soconayay maalmahan magaalada * Huurshe * oo ah manbac diiniyah oo aad uxeel dheer ziyaarada xuskii geeridooda ama xawliyada labada shiikh oo kala ah
1- sheikh yuusuf sheikh ibraahim fiqi xasan oo kumagac dheer* sh.yusuf direed *
2- sheikh mohamed guuleed kaarshe oo ahaa ardadii sheikh yuusuf ibraahim
waxaan xoogaa yar kasheegaynaah nolashii labadaan shiikh iyo ziyaarada qaab keeda ama waxa ay tahayba
1- sheikh yusuf sheikh ibraahim fiqi xasan fiqi maxamuud fiqi maxamed ;sheikh yuusuf direed
A/ — wuxuu dhashay abaaraha 1910 ama 1911 wuxuuna kudhashay gobalada dhexe ee soomaliya wuxuu yaryaraantiisii lakulmay dhibaatooyin badan sida daraawiishtii iyo layntii badnayd oo ay kagaysatay dhulkaas
LKN wuxuu kasoo jeeday qoys ah qoys cilmiyeed sida kamuuqatah magacyada waalidiintiisa wuxuu lakulmay tarabiya aad uwanaagsan oo uu aabihiis iyo hooyadiisba kahelay
hooyadiis ayaa ayaduna kasoo jeeday qoys diineed aad uwanaagsan
WAA QOYSKA LOO YAQAAN REER DHALAW oo kamida qabaa ilka dago dhuusamareeb,
aabihiis wuxuu ahaa reer baadiye wuxuusa ahaa nin baadiyaha xoola fiican kuleh ilma badana ujoogaan ,
B/ — intuu yaraa ayuu quraanka xifdiyay waxaa soo baray quraanka kariimkaah aabihiis sh.ibraahim
C/ — markuu bartay quraanka wuu xeraystay oo inuu kitaabta akhristoh ayuu bilaabay shiikhii uulakulmay aya himadiisa iyo dadaalkiisa ubogay markaasuu wuxuu ugeeyay sheikh cali samatar oo asagu kucaan ahaa aqoonta shareecada islaamka iyo ku camalkeedaba
D/ — asagoon gaarin 20 ayuu noqday caalim aad uyaqanah diinka islaamka daraasayna kara funuunta kala duwan ee shareecada
sheikh cali samatar ayaa markaas u idmay inuu daraaseeyoh diinka islaamka asagoona aad u amaanay oo u aqoonsaday caalim islaamiyah
asagoona siiyay dariiqada qaadiriyada oo usii fasaxay inuu baxshoh
E/ — wuxuu bilaabay akhrinta asagoo yar wuxuu saldhig kadhigtay gobolka galgaduud siiba dhuusa mareeb iyo aagageeda
asagoo sidii shiikhiisiiba samayn jiray hadba inuu meel uraro xerta oo kawado kutubta hadba markii uu saas u arko masloxo
F/ — wuxuu aas aasay madarisadii raqayda oo loo yaqaan hada jaamacatu raqay waxaa meela kaladuwan uuga imaan jiray xer noocwalbaalaah kuwa biloow ah kuwa aqoon saraleh iyo kuwa meel dhexaadah
waxaa gaar ahaan loogusoo qasdi jiray fiqhiga shaaficiga iyo tasawufka culuma badan ayaa usoo doonatay funuuntaas ama qaarkood
CULUMADII soo doonatay funuuntaas oo qaarkood ahaa niman aad u aqoon badan sheikh yuusuf wuxuu kaga faaiidaystay si wayn oo ah inuu nin walba faniguu yaqaanay oo uu baarica ku ahaa uu ku yiri daraaseeh taasoo sababtay in muda koobay ay arda badan oo fani kasta taqaanaahi soobaxaan
I/ — sheikh yuusuf wuxuu geeriyooday 16/12/1980 wuxuu kugeeriyooday isbitaalka madiina ee magalada muqdisho kaasoo qaliin loogasameeyay kalida
waxaana lagu aasay magaalada huurshe ee gobolka galgaduud
oo aabihiis ku aasnaa,.
(2-)* sheikh Muxamed guuleed kaarshe *
A/ — wuxuu kamid ahaa ardadii sheikh yuusuf ibraahim lakulantay oo aadka uuga faaiiday
B/ — waa ragii kasoo baxay madarisadii *Raqayda * ee DHuusamareeb waa caalimkii waynaa oo soomaaliya iyo islaamkuba ay wada qireen cilmigiisa iyo maqaamkiisa
C/ — wuxuu kaga qaybgalay masar musaabaqa cilmiyah oo ay azhar qabanaysay taasoo uu kagalay kaalita koobaad arintaas oo dadkii aad uuga cajab galisay ayaa kuxanbaartay inay haybiyaan jaamacadee kasoo baxday wuxuu kaga jawaabay waxaan kasoo baxay jaamatu Raqay
jaamacad ma ahayn meesha uu kasoo baxay lkn wuxuu usheegayay in xalaqaadka raga aqoonta lihi soo saaraan aynan kashiiqin jaamacad inay kasaraysa maahee
D/ — halkaas ayaa madarisadii raqayda loo bartay jaamacatu raqay
E/ — sheikh mohamed guuleed wuxuu kanoqday waziirka arimaha diinta dawladii mohamed siyaad bare oo dhacday 1991 xiligii yaraa oo uu hayay xilkaas waxaa lagu tilmaamaah inuu shareecada islaamka iyo ahalkeedaba aad wax wayn uugu qabtay
F / — markay dhacday dawladii wuxuu ubaxay dhankaas * Kenya * asagoo saldhig kadhigtay magaalada Nairoobi caasimada dalkaas halkaasoo uu kabilaabay akhrinta funuunta kala duwan ee shareecada islaamka uuna kafuray masaajid dad badana ilaahay uu kusoo hanuuniyay kuwana ay kusoo islaameen oo uu asagu soo islaamiyay ama xertiisu
I/ — wuxuu dhintay abaarihii 2002 waxaa lagu aasay magaalada muqdisho oo maydkiisa dayuurad lagu keenay
wuxuu kuduugan yahay agagaarka qabuuraha * sheikh suufi *
wuxuu udhaw yahay qabrigiisu qabriga * sheikh c/laahi sheikh calisalaad * oo ay isla ahaayeen xertii sheikh yuusuf
ZIYAARADA
1- ziyaaradaan waxay kadhacdaah xiligaan meela kala badalan oo kamidah caalamka sida
soomaaliya sida caasimada MUQDISHO iyo gobolada meela badan oo kamid ah
dibadane sida
kenya
yemen
ameerika
yurub
iyo meela kalaba
2- wixii kahoreeyay 2002 waxaa ziyaaradaan la oran jiray ziyaarta sheikh yuusuf lkn hada waa ziyaarta sheikh yuusuf iyo sheikh mahamed guuleed
3- ziyaaradaan huursha kadhacdaahi waxay socotaa ilaa 3 habayn iyo maalmahooda waxaana lasoo gaban gabeeyaa subaxa ay bisha safar tahay 8
( mararka qaar duruufa awgood ayaa lasoo koobaah mudada oo laga dhigaa habayn ama labo )
4- waxaa ziyaartaan lagu qabtaah
A/ — quraanka kariimkaah oo aad loo akhriyoh ayadoo ay ubadan tahay qof kasta oo kamidah kumanaankaas timaadaahi inuu mudadaas yar mar dhameeyo quraanka ama inta uu kayaqaan
waxaa kaloo lagu qabtaah subac lasubciyo quraankoodhan oo dadku duubtaan
B/ — wacdiyaal aad u fara badan oo ay qabtaan culumada gobalka iyo kuwa kaloo meela dheer kayimaadah
wacdiyaalkaas oo qayba badan oo diinka islaamka kamidah taabanayah ayaa dadku halkaas kadhagaystaan kana duubtaan
C/ — manaaqibta iyo siirada shiikhyada iyo culumkalaba ayaa hadba intii laga gaaroh laga sheegaah
D/ — dikriga loo yaqaan xadrada oo kakooban
tawxiid
saliga rasuulka cswm
amanta rasuulka cswm iyo dadka wanaagsan
isku boorinta cibaadada ilaahay
dikrigaas ayaa aad loo camiraah mudada ay ziyaaradu socotoh inta habeenkii ah gaar ahaan markay wacdiyaalku joogsadaan iyo taraatiibta kale
E/ waxaa intaas dadka lookariyaah cunto qado iyo quraacba lkn cashadu shaah ayay ubadan tahay sabab too ah qadadaa casirka kusoo dhawaatah waana hilib iyo bariis
5- waxyaalaha ziyaartaan ay caanka kutahay waxaa uugu wayn irshaadka dadka iyo faafinta diinka islaamka
WAXAA LAGUSOO XASUUSTAAH inay kusoo islaameen dad aan hor u ahayn islam sida kadhacday huurshe 2013 oo nin kenya ah uu kusoo islaamay,
sanadkan waxaa xusid mudan madaxweynaha m/G/ gobolada dhexe sh/muxamed shaakir oo ah xerta labadan sheekh ayaa si weyn ooga soo qeybgalay aadna waxaa loo sugay amaanka degmada * Huurshe * oo siyaaradu ka dhacaysay .
QORE : sh/fatax sh/rashid sh/yusuf * Direed* AZHARI,,

Guulleed Shiraar Guuldoon
news@wararkanews.com. Wararkanews.com
Muqdishu, Soomaaliya