Wednesday, July 4, 2012

REER DOOD MAXAAD NOOGA SHEEGI KARTAAN DIREEY



Reer Dood waa beel Mahe Dir Maxamed Xiniftire ah oo Isaaq H.Jeclo la dagan isdhalaan lana dhiig baxaan-hindi maaha. Waxaa jira beelo Bah Dood la yiraahdo oo Konfurta Dagan kuna abtirsada Mahe Dir. Fananadii ugu horeysay Guduudo Carwo yaa ahayd Reer Dood, Siduu noo sheegay walalkeedna waa Maxammed Xiniftire Mahe Dir beeshu kadib aan kula kulmay magaalada Jigjiga 1999kii

Su'aal Nin Habar Jeclo ah:
waxaan ahay wiil habarjeclo ah oo isaaqa beeshayda waxa ku jira jifi la yidhaa REER-DOOD. jifidan reerdoodka dhan kasta oo aad ka eegto waa habarjeclo deegaanka.dhiiga.dhaqaalaha.siyaasada waxa xitaa ka dhashay mid ka mida hogaamiyaashii aasaasay SNM oo lagu magacaabi jiray mujaahid DUQSi aadna caan u ahaa.
dhowaan ayaan ogaaday in reer doodku aanay isaaq ahayn oo waa ayo hadaa ? ayaan iswaydiiyey. weli ma hayo cid ii sheegta meeshuu reer dood habarjeclo kaga soo biiray waxaan idin way diin lahaa reerdood ma dirbaa mise hindi ? ma taqaaniin meel uu galo.



Nin Suure ah (Cabdalle & Qubeys) Jilibka Saleeban Cabdalle



Waxaan Lakulmay anigu Guduudo Carwo (fananadii ugu horeysay Walaalkeed) anagoo Jigjiga Joogna 2000 kii. Ninka ladhashay Guduudo carwo ayaa lagu yiri ninka waa nin Direed.Hadalkii oo kooban waxaa uu ii sheegay in uu yahay Nin Reer Dood ah oo Maxamed Xiniftire ah. Aniguu i Wareeystay Markaan Isku sheegay in aan Saleeban Cabdalle ahay Ayuu igu yidhi Waxaan ahay Cabdalle Guutaale Habar Jeclana waa niman aan tol nahay laakin ma ihi. Guduudo Carow walaalkeed labo Wax ayuu ii sheegay. 1) Waa Maxamed Xiniftire Mahe Dir. 2) Waxaa kaloo uu sheegay in Reer Dood Ku abtirsado Cabdalle Guutaale. Marka Cabdalle waa Qeyb ka mida Suure Maahe Dir. Laakin taan isku Jiidhnay wexey aheyd Suure Ma galo Maxammed Xiniftire. ee waa Mahe Dir. Tan kale oo jirta Beel Weynta Cabdalle Suure Waxa ay leeyihiin Lafo ah Bah Reer Dood sida ( Maxamed Cabdalle iyo Saleeban Cabdalle) Labadaa reerodna waxa dalay Cabdalle Cir Daye Guutaale. Mida kale waxaa ay Madaxweyn Direed leeyihiin laba Beelood oo kala ah: Baciido iyo Nabidoor oo aan Guduudo carwo Walaalkeed markii uu ii sheegay an u sheegay uu saacad qoslayay oo uu yidhi war hadaad Dir tahay waan iswada galeynaa. Tan Kale qaar Hargeysa Joogana waa Hindi ayay lahayeen — Alaahu yaclam tasi macquul maha



AllDhooftinle.com


Colaaddaha sokeeye ee geyigeenna ka dhacay kuwa ugu culus waxa ka mid ahaa tii dhex martay reeraha Habarjeclo ee Yeesif iyo Aada-Madoobe (Yeesif, Adan-Madoobe iyo Nuux waa walaalo oo waa ilma Maxamed Abokor. Yeesif iyo Nuux waa isku bah, Adan-Madoobena waa bah gooni)



Colaaddani waxay kuwa kale kaga sheeggan tahay iyadoo sababta ay ka kacday ahayd wiil jeclaaday inan (gabadh) iyo iyadoo socotey muddo 50 Sannadood ku dhow isla markaana dadka iyo maalka ku lumay ka sokow ay ku baaba'day xadaarad dheer oo labadaa reer ku lahaayeen xeebaha badda cas ee magaalada Berbera bariga ka xiga.



Waxay labada reer ka mid ahaayeen reerihii Somalida ugu xaddaarad horreeyey oo iyadoo Somalida qaarkood qaawan yihiin oo weli Dhuu miskaha ku sitaan iyagu lahaa doonyo isaga goosha Africa, Carabta ilaa Hindiya.



Colaaddani waxa sida la qiyaasay bilaabantay ilaa 1830-yadii waxayna keentay in labada reerba isku baaba'aan ayna ka soo barakacaan dhulkii, magaalooyinkii iyo maalkii ay lahaayeen.



Magaalada Karin iyo marsoonyinka ku xeeran ee Siyaara, conqor, laasmuuse, ruguuda iyo shalcaw waxay qarniyadii 16,17, 18 iyo 19aad ahayd baro ganacsi oo doonyaha shixnadani galaa baxaan.



Beesha Yeesif Maxamed waxay ku amarkutaaglayn jireen magaalada Karin oo ahayd magaalo ay ka taliyaan lehna irrid (gate) laga galo si ay u kontoroolaan magaalada waxa soo gelaya iyo waxa ka baxayaba.



Waxa la sheegaa in gate-ka magaalada Karin ay horraantii 1830-kii ku sawirnaan jireen laba xiniinyood oo ay ujeeddada ka danbaysaa ahayd markaad soo geleyso magaalada Yeesifka inaad ragannimadaada bannaanka kaga timaaddo si aad ammaan u hesho. Waxa taariikhyahannada qaar u badiyaan in farriintaasi si gaara ugu socotey Beesha Nuux Maxamed (Habarjeclo) oo markaa isku duubnayd oo aan loo ogolayn in ay habeenkii ku negaadaan magaalada Karin.



Xadaaraddaa qadiimka waxa burburisey inan (gabadh) Reer Dood ah (Bani Jacfar) oo indhasarcaadisay wiilashii labada beelood ee Yeesif iyo Aadan-Madoobe .



Sida la sheegay waxa gabadha jeclaa nin Aadan-Madoobe ah oo markii gabadhii la soo gelbinayey intuu tolkii u yimi ku yidhi "Haddaan ninkaa layga barbar gelbin xiniinyahaan is goynayaa ".



Tolkii markii ay xaqiiqsadeen in wiilka ay arrintu dhab ka tahay ayay u badheedheen Yeesif oo maalin cad dileen ninkii arooska ahaa. Halkaas waxa ka bilaabantay dagaal sokeeye oo labada qoloba ku riiqdeen oo aan waxba laysu hanbayn. Dagaalkaa oo ilaa konton sano socdey waxa la sheegaa gabadhii beladu ka dhacday wiilkii ay ayeeyada u ahayd inuu dagaalka ka qayb galay.



Aadan-Madoobe oo lib haya, inantii Reer Doodna guursadey ayaa 1871-1872 19 nin oo Baxri ah lagaga dilay doonni ay saarnaayeen. Waxa Aadan-Madoobe u cid dirtay wixii ciidan oogo kaga maqnaa si raggaa loogu aaro.



Markii ciidankii la dumay ee ay diyaagaroobeen ayuu Maxamed Abokor Ismaaciil oo "Qaaje Gurey" ku magac dheeraa isla markaana ahaa ninka u taliya Aadan-Madoobe ayaa Aadan-Madoobe doorransiinyey 3 arrimood oo kala ah:



1. In ay magaalada Karin oo markaa HJ badani joogto laakiin Yeesif u badan yahay ay dagaal geliyaan iyagoon u aaba yeelayn cidna dabadeedna gabdhaha Aadan-Madoobe halkaas ku guur beelaan, dhibaatooyinka kalee la soo dersi doonana u babac dhigaan.



2. Inay magaalada isku gadaamaan ka dibna naadiyaan in wixii aan Yeesif ahayni iskaga baxaan magaalada.



3. Inay dabka iyo ragga guryahoodii u kala diraan oo baqdaan.



Aadan-Madoobe wuxu go'aansaday talada 2aad oo ah in magaalada la isku gedaamo wixii aan reerka loo danleeyahay ahayna ay ka baxaan.



Markii ciidankii iyo Saanaddii Aadan-Madoobe magaalada dul timi ayaa HJ-dii kale dheg u jalaqsiin weydey inay ka baxaan magaalada halkaasna waxa ka dhacay dagaalkii u danbeeyey ee labada beelood dhexmara.



Aadan-Madoobe markuu arkay inaaney taladaas labaad soconeyn oo Yeesif iyo iyaga la isaga dhex bixi waayey banneyn waayey ayey go'aansadeen talada koowaad ee ah wixii dhacayaa ha dhaceena inay magaaladaa iyo wixii ku jiraba weerar kulul geliyaan.



Aadan-Madoobe magaaladii waa gubeen laakiin ma libaysan oo waa jabeen. Goobtaasna waxa ka soo ifbaxday odhaahda ah: Karinba-Gubatey oo laysku samirsiiyo markey ama dooni degto ama khasaare ba'ani qof ama cid ku habsado.



Dirir Warsame oo ahaa afmaal Yeesif ah ayaa dul yimi nin Haliil la odhan jirey oo Ciidankii Aadan-Madoobe laga qabtay, dabadeedna gabeygan ayuu ka dul tiriyey uu ku dareensiinayaa ninka la qabtay inuu geerida qeyrkii la qabo iyo isagoo farriin u sii faraya raggii ku le'day oo ay ugu horreeyaan odayadii Yeesif ee iyagaba aan loo nixin ee dagaalka ku riiqatay. Gabaygu ma dhamma balse akhristoow waxad mooddaa markaad gabaygan siiqdiisa eegto iney kala dheegteen Maxamed Cabdulle Xasan markuu Richard Corfield dilkiisii ka gabyayey.



Haliiloow geddoontaye haddaad aakhiro u guurto

Waxba hays galluubine rag baad garabsanaysaaye

Haddaad guurtidii Yeesif iyo odayadii gaadho

Karin gubay annana goosannoo nala gumaadyeey dheh

Gadabursi iyo baa na helay gacan Ogaadeen dheh

Sidii gaaladii bay warmaa nagu garaaceen dheh .

Haddii aynu wax ka sii taataabano dhibaatooyinkii Aadan-Madoobe soo gaadhey ee ay iyaguba u badheedheen waxa ka mid ahaa: Aadan-Madoobe oo ay la wada coolowdey Habarjecladii kaloo dhammi, gaar ahaan beesha Nuux Maxamed Abokor oo si badheedh ah ula safatay Yeesif.



Adan-Madoobe markuu u adkeysan waayey dhibaatooyinka iyo colaadaha HabarJeclo ku hayso ayey aakhirkii u magan galeen Bahararsame (Dhulbahante). Bahararsamihii aad bey u soo dhoweeyeen Aadan-Madoobihii waxayna siiyeen magan-gelyo, dhul iyo walaaltinimo.



Iyadoo uu xaalku meel wanaagsan u marayo Bahararsamihii iyo Adan-Madoobihii ayaa niman Bahararsame ahi dileen nin Cali Geri ah (Dhulbahante). Dabadeedna Bahararsamihii ayaa lagu xukumay iney ninkey dileen magtiisa bixiyaan, Baharsamihiina waa ogolaadeen.



Odayadii Bahararsame waxay beeshii Adan-Madoobe weydiisteen iney u abaal gudaan oo kala qayb galaan mag bixintaa. Adan Madoobihii waxay yiraahdeen isku mag ma nihin, mag bixintnaa kuma walaaloobeyno Bahararsame oo intaa magi ku socoto. Bahararsame magta la bixi waa is xaalufi (Adan-Madoobuhu reer magaal ayey ahaayeen oo xoolo miyi oo badan lagama fili karo).



Bahrarsamihii waxay yiraahdeen: Haddeydaad Adan_Madoobow magta nala bixineyn waa ka baxaynaa magan gelyadaanu idin siinay ee naga guura.



Aadan-Madoobihii talaa ku caddaatay, walaalahoodii Maxamed Abokorna kuma noqon karaan oo waa loo ciil qabaa oo waaba la wada gowrgowracayaa.



War wiilkii ina yiri xiniinyahaan isaga goynayaa inantii REER-DOOD awgeed ayeynu halkaa maanta u mareynaaye maxaynu sameynaa! Canaani waxba ma tarto, ragna tala kama dhamaatee waxay Adan-Madoobihii goosteen iney qabqable ah Naalaye Axmed (Dhulbahante) oo ciidan badan haystey magaciisana la oran jirey Warfaa Cumar kula xididaan inan aad u qurux badnayd oo ay siiyaan, laakiinse ay Warfaa Cumar shardi ku xidhaan, shardigaasoo ah: Inuu ka soo dhex saaro Baharasamaha oo ay ka baqdeen iney laayaan mar haddey burtey magangelyadii ka dhexeysey iyo iney magan u noqdaan Naalaye Axmed.



Warfaa oo aqbalay shardigaa gabadha lagu siiyey ayaa ciidan badan kaxaystay si uu ula dagaalamo Bahararsamaha haddey Aadan Madoobaha ka soo wareegaya la dagaalamaan. Nasiib wanaag dagaal ma dhicin, sidaasayna Adan-Madoobihii mar labaad kula walaaloobeen beel Dhulbahantaha ka mid ah.





Gooshaash



Salaan Maxamed Xirsi ,Salaan Carrabey)



1. Gooshaashka adhi waa gu' iyo geedo iyo roobe

2. Mar hadday xareeduhu gudhaan gamashi weeyaane

3. Dadkoo guuray gaajiyo haraad geeddi iyo hawkar

4. Guufkii magaaliyo adoon goror biyood haysan

5. Geelbaa godlada maalintuu reer gabaabsiyo e

6. Isagaan gablool iyo lahayn gaagax abidkiiye

7. Gabno tarantay waxay gaasirta gool an kuu dhaline

8. MA GUDBOONA gacal haybistiyo gaayadii xumiye



9. Haddii aad gammaankiyo fardaha gole ka jeedleyso

10. Heensaha magaan lagu guroo gaabiyaan nacaye

11. Guluf baxaya guuraha habeen gaade iyo haayir

12. MA GUDBOONA geenyiyo sengaha gedagedeyaaye



13. Rag uunbaa gabbaanada u sida biic gorgoradiiye

14. Gasab waxay ku kala iibsadaan shayba galacdiye

15. Guurdoon haddaad tahay asaad guunyo bixinayso

16. Waa gaadan jirey inan ninkii goosan karayaaye

17. Gabadh waliba waa hooyadeed tay u gurataaye

18. Goonbaartu waxay caasidaa midaanay gaadhayne

19. MA GUDBOONA gaarida sariyo gibirta naaxdaaye



20. Ragna guudka waysaga egyahay goynse kala roone

21. (Gingiqabadka) gaashaanka ficil goray dagaalkeeda

22. Guddi murantay waayeel garramay xaajo lagu guulay

23. Gacantiyo gasiin laga baxshiyo guriga hawshiisa

24. Gobanimo dhammaanteed haddii laysu wada geeyo

25. Ma gudboona geesiga hanta iyo gocorka caayaaye



26. Guuguuluhuna waa shinbiro giririf leeyaaye

27. Aniguna gurbood lama hadlee gari hadday joogto

28. Genbiqabadka waataan ka tegey soo gunaafadhaye

29. MA GUDBOONIN giiclaha waqtigan soo gadaal baxaye



30. Fulaa cadha la gabagaabsadee waan gagabiyaaye

31. Hadduu gedmiyo giiryaalahay gole ka caayaane

32. Anse waxaan garraaddo u dhigaa dhulay ka goojaane

33. Gooshqaadka iiguma baxdee gaban kalaan baanay



34. Sida goray gantaal iyo fallaadh lala gabraaraayo

35. Ama goonidaaqyada biciid ganis ka yaabaaya

36. Cali wuxu la gabargaalayaa waa gabbanayaaye

37. Gaadmada ragbuu kaga il helay wayse soo gabiye

38. Rabbaa wacad gondaa kuugu xidhay waadna gogataaye

39. Hadba inad garrida duul ku tumi galuhu noo keenye

40. Afkaagaaba Geydh lagu dilay iyo Gaanni berigiiye

41. Webuu ka gudbey reer Dalal sidii loo gabbaanadaye

42. Gabangoobi madhanbuu qamaan gawda ku hayaaye

43. Golfofihii lafaha haatan buu gigi waraabuuye

44. Hadday beladu kugu goonni tahay waad ka gubataaye

45. Geesaaska Gubado yey ilmadu gabaxda haysaaye

46. Geel doono iyo ways xigaan geesa dhiiglihiye

47. Wax galaaftay Reer Sugulahaa gala tidhaahdeene

48. Gaadiidka raray ciidagale goloslihii awre

49. Gurgurkii biyaha loo dhammee gurana loo yeelye

50. Ku gaddaanme Reer Cali intay gebagebeeyeene

51. Guuyoobe iyo Arabna waa gooshka soo bixiye

52. Nimankii galbeed degi jiroo gaadhan baa yimiye

53. Imikay Gurdumi baaqayaan Gabal raggii yiille

54. Wax ka guro Goglaba looga carar gulufka Iidoore



55. Fulaa cadha la gabagaabsadee waan gagabiyaaye

56. Hadduu gedmiyo giiryaalahay gole ka caayaane

57. Anse waxaan garraaddo u dhigaa dhulay ka goojaane

58. Gooshqaadka iiguma baxdee gaban kalaan baanay



59. Haddii uu garkaa maro ratigu ama gugii qooqo

60. Isagoo gulaanjiyey cidlada wuxu ka guuxaaba

61. Markuu godoxoblaha baarqab helo gadan bidhaantiiye

62. Gadhmalayte gaalooftankuu gadac is moodaaye

63. Sidan gafayo geedkiyo shirkuu guruxa taagaaye

64. Is gaaxeedhiyaa waan burburin Gaarridaw jilane

65. Gablankuu wadaadkii baday iyo gelengeshuu joogo

66. Garaadxumadu waa waxay Bah Geri ugu ganbeeyeene

67. Nimankii is wada gawracaad gaarriyoow tahaye

68. Gaaraayacuuniga baryada lagu galooleeyey

69. Dhudub iyo Gallaadduu u tegey gebista sooreede

70. Isagaa guryaha Keenadiid goobabayn jiraye

71. Gorgorkaa ku cuni ayda uu sii gannaashtamiye

72. Hadba gedef la kacu waa waxay gam isku siiyeene

73. Googeynta iyo cayda waa la I geyeysiine

74. Gaashaan an lala kaadsanayn………………..

75. Aduunbuu gondaha kaaga dhici kaad gilgilaysaaye



76. Fulaa cadha la gabagaabsadee waan gagabiyaaye

77. Hadduu gedmiyo giiryaalahay gole ka caayaane

78. Anse waxaan garraaddo u dhigaa dhulay ka goojaane

79. Gooshqaadka iiguma baxdee gaban kalaan baanay



80. Haddaad gama'san tahay Eyna waa kugu gadoodaaye

81. Halkii uu gasiin bidi jiruu giicda ka hayaaye

82. Sacba waxa gunada loogu dhigay yuu gardiidamine

83. Haddii aan Gandaa lagu sabayn gocay ma buuxsheene

84. Nin gargaari jirey naagahaa gaba abiidkoode

85. Abaal ma gude gobeybaa ka roon kuu gabraar tagae

86. Hawraarta qaar baanan geyin inan gorfeeyaaye

87. Meeshay gantadu kaaga taal garan ma waayeene

88. Geeggaalidaan sari lahaa gaadhay lawyada e

89. Xabaal baan ku gaw siin lahaa goof intaan qodoe

90. Gaaroodi baan marin lahaa gumucyadii hawde

91. Guul baan cidina kaa gaadhahayn lib iyo geeraare



92. Fulaa cadha la gabagaabsadee waan gagabiyaaye

93. Hadduu gedmiyo giiryaalahay gole ka caayaane

94. Anse waxaan garraaddo u dhigaa dhulay ka goojaane

95. Gooshqaadka iiguma baxdee gaban kalaan baanay



96. Gujiskii baddaan uga dhignahay gebiga Daaroode

97. Gildhigaamadaa ii gingiman gaadadaa simane

98. Gaardiga sarkaaluba ma ledo goor danbiyo leyle

99. Nin Isaaqa godobtiis baxtaan gaadhka ka hayaaye

100. Maantuu gaboobiyo markuu gaban ahaa wiila

101. Waa waxaan Garduur iyo ka tegin Godanka ciideede

102. Waa badaw caqligu gaaban yahay guurtinays bidaye

103. Isagoo gunaafyo xunxun oo go' iyo qayraanleh

104. Oo gorofta caydheed sitay mid u gangaameene

105. Waxay gabayday habar Yoonistii siisay naag gobahe

106. Tolkaybaa gulguluca I badee gocondho meesheede

107. Marse haddii aan is garabayn naqaan aniga way guule

108. Hadday gumaradii noqon lahayd quulle iyo goone

109. Amuu gudimaduu sidan lahaa gali ugaadheede



110. Cirkoo soo galgaallieyey hadduu godol cusbooneeyo

111. Guulaamo wuxu soo kacshaa geydha dabadeede

112. Gal biyo leh gelgelin roob helaa galab la laacaaye

113. Anse webi Ganaanaan ahoon laga geyoonayne

114. Dadku aniga igu gaadayiyo gabay xumaantiisa

115. Sow wuxuu garwaaqsanahayaa gocasho ciil maaha



116. Fulaa cadha la gabagaabsadee waan gagabiyaaye

117. Hadduu gedmiyo giiryaalahay gole ka caayaane

118. Anse waxaan garraaddo u dhigaa dhulay ka goojaane

119. Gooshqaadka iiguma baxdee gaban kalaan baanay



120. Inkastuu garmaamiyo gucliyo gaaguf ula joogo

121. Gurdan baqal fardaha gaadhi waa lugana kaa geeye

122. Kuwan u gydhan gaaja huwiska iyo garab wagiilkayga

123. Cali Gerigan ii soo gurmaday ama Garaad Faarax

124. Giddigood ha ii gudafaqeen hana gibleeyeene

125. Guubaabo haysugu jireen guudcaddiyo wiile

126. Gashi niman ku leeyahay haddaan galabtadaa qaysho

127. Ma gefina arligu waa gubtaa ama gariiraaye

128. Geesiga Cimraan iyo Sanbuur gobollo reer Dood ah

129. Samanaha galdhiidhiya markuu gamasku dhiigeysto

130. Gawraarka Cumarkaa xukuma galaxyadii buurta

131. Gol iyo Garadag reerahaa looga kala guuray

132. Musaa gureedha bari jiriyo gaanki reer maxamed

133. Guutooyinkaan shirinayiyo galida yeedhaysa

134. Mar hadaan gundhawrka u tuntumo guuldarraa dhiciye

135. War sow nimaku gacalkay ma oga gaannanaa xarafku



136. (Galse) is mooddey gaadeeyadii guban ku naxdaye

137. Gusku nimu ku yaallina mar uun ways gaasabixiyaaye

138. Ismaaciil Gugurtyo kuwaa geydha laga keenay

139. Hadday aniga garac ii fileen goob cidla ah taaagan

140. Kunka ficilka geylama intaan gaadhanka u reebo

141. Gammuute iyo keliyaa ku filan Guniyobaareege



142. Fulaa cadha la gabagaabsadee waan gagabiyaaye

143. Hadduu gedmiyo giiryaalahay gole ka caayaane

144. Anse waxaan garraaddo u dhigaa dhulay ka goojaane

145. Gooshqaadka iiguma baxdee gaban kalaan baanay



146. Rag genbiyey gadiid maalinyo garamihii leylka

147. Isagoo guhaadtami tashiga wuxu garraaxaaba

148. Dhanuunbay isugu guubiyaan odayo guulaaye

149. Waayeelna waa uu guntaa gurudanbaynteede

150. Xaajona gungumo loo faqiyo garaw hadday weydo

151. Inay giririf laysiyo in ay gole-fardoodaaba

152. Gebagebaha hal an gaaxsaday waw gunnayn jiraye

153. Nabsi galabsigiisaa hayee waxan ku soo gooyey

154. Gardaro iyo ahab goorwalbaba laysma gees wadoe

155. God madow haddaan laygu ridin way gallad ilaahe

156. Gefimaayo geerida horteed geydha aan qaboe

The origins of Reer Dood...



http://www.somalinet.com/forums/viewtopic.php?f=245&t=211139&sid=dac9066db4d4a4ed891ba6fe26193268



The origins of Reer Dood...

by 1_londoner » Tue May 26, 2009 7:18 am



Since they are not Haber Jeclo or even Issaq...maxey yihiin? We HJ love them as our own and all Reer Dood people claim Haber Jeclo as they have been living with us for how many years, laakiin what are they really?

I mean I would ask my uncle, an expert in anything HJ, Issaq or anything qabil wise for that matter. But he gets a bit touchy with this subjuct as 1 of hes wives is Reer Dood so he wont here a bad thing against them....







they are an Adopted clan - they have different lineage from djbouti i heard - although the same goes for reer yusuf







Reer Dood Tariikhdoodo waa Mystery, but for the last 500 years they have been living with HJ's and they claim HJ.. Ive heard they use to be Indians, same as some subclans from Sanaag and Bari called Gahayle etch.... but their mother was HJ.. thats all i know!!!



But Reer Yuusuf not HJ's you must be kidding, they are the Landheere of HJ and the Soldiers--- They are Reer Daahir -Omar Daahir- Reer Yuusuf







Gahayle wa a mj sub clan part of the Suwaqron if you didnt know - and where do reer dood setle in which region





Re: The origins of Reer Dood...

by LiQaaye_TDH » Tue May 26, 2009 2:23 pm



Adan Madoobe and Reer Dood use to pay the mag together back in the days!!!





1_londoner wrote:

Since they are not Haber Jeclo or even Issaq...maxey yihiin? We HJ love them as our own and all Reer Dood people claim Haber Jeclo as they have been living with us for how many years, laakiin what are they really?

I mean I would ask my uncle, an expert in anything HJ, Issaq or anything qabil wise for that matter. But he gets a bit touchy with this subjuct as 1 of hes wives is Reer Dood so he wont here a bad thing against them....



horta ciyaalka Isaaq wax uma kordhaan miyaa, why you always seem to regress most daarood kids in the forum have had their knowledge of their clans grown why isaaq kids are always lacking behind??



You mean to tell me you don't know that Dukhsi on of the 5 founding members of the SNM was a reer Dood? Reer Dood are Indians who lived among the Habar Jeclo for the last 500 years they are grouped with small sections of the H.J aganist the dominate Nuux section and they are grouped under the umberla of Ba-Ugaaso, yeesif , adan madoobe reer dood etc. Reer Dood and Magaado are the 2 clans that live among Isaaq and always choose Isaaq side, the later is the original people of Maydh who welcomed sheekh Isxaaq, those 2 clans are the only non-isaaq clans that live with isaaq and fight along isaaq.



Gahayle is not Indian , Gahayle are a sub-clan of Siwaaqroon which are Majeerteen kid, what you meant was the Ugesylabe who are Indians and the original settlers of Laas Qori who are now just like the reer Dood live among the Warsangali...





Isaaq kids stop chewing qaad wax barta ciyaalka daarood ee qeyrkiin ah waxaas waa hore bay dhameeyeene.





Blog Archive