Tuesday, May 1, 2012

URURKA CAWSLAFIL ORG SAWIRO SURRE





http://picasaweb.google.com/102869051747297176206/CowslafilAmericanOrganization?gsessionid=-_JNJmNPlDnf8qkz5hUqcg#


DEEGANADA SUURE SALEEBAN CABDALLE

Baaq ay soo saareen Jaaliyada Beelaha Surre ee ku dhaqan North America ...

Agoosto 07 - 2007 Cowslafil.com

Markaan fiirinay isbedelka siyaasadeed ee Somaliya ka socda tan iyo intii Somaliya xornimada qaadatay ayaa waxaa inoo cadaatay inay beelaha Surre ay ku dulman yihiin. Jaaliyadda beelaha Surre ee ku dhaqan North America oo kulan yeeshay ayaa waxaa halkaa isugu yimid Waxgaradka, siyaasiyiinta, cuqaal,dhalinyaro rag iyo dumarba leh. Dadkii halkaa isugu yimid oo ka kala yimid dagaanadan hoos ku xusan:
Beesha cumar muuse waxa ay dagtaa daganada
Gobalka bari
• Casimad gobalka bosaaso iyo tuloyinka hosyimada
• Dagmada qandla iyo tuloyinka hosyimada
• Dagmada iskushuban iyo tuloyinka hosyimada
• Dagmada caluula iyo tuloyinka hosyimada
• Tulaada Xafuun
Beesha cabaas Muuse Iyo beesha Magadle waxa ay dagta
Gobolka sanaaag
• Casimada Gobalka cerigaabo iyo tuloyinka hosyimada
• Dagmada Laaasqoray iyo tuloyinka hosyimada
• Degmada baran iyo tuloyinka hosyimada
• Tuulada Mushxaleed
• Tuulada xabashawacle
• Tuulada hadaftimo
• Tuulada yuube
Beesha haruun muuse waxa ay dagta
Gobalka Nugaal
• Casimada gobalka garoowe iyo tuloyinka hosyimada
• Dagmada Eyl iyo tuloyinka hosyimada
• Degmada Rabaable iyo tuloyinka hosyimada
Beesha Samtar Muuse iyo Nacadoor cabdale and siyaad muuse Food cadeMuuse iyo damal muuse
• Casimada gobalka galkacayo iyo tuloyinka hosyimada
• Degmada Xarar dheere. iyo tuloyinka hosyimada
• Degmada Hobyo iyo tuloyinka hosyimada
• dagmada jariiban iyo tuloyinka hosyimada
Sidoo kale goboladda Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan oo ay dagaan Beesha Qubays (Tolweyne iyo Yabadhaale), Cabdalle (Fiqi Muhumad iyo reer Agoon)
• Cammaara
• Bacadweyne
• Jiic-dheere
• Baraag Ciise
• Qayacad
• Ceel-God
• Qeydarre
• Miir-Jiicley
• Dhanbayl
• Afbarwaaqo
• Budbud
• Sabacad
• Balley
• Towfiiq
• Golol
• Xeraale
• Galhagoog
• Boholgaras
• Kabxanleey
• Deefoow
• Qooneey
• Koolo
• Dhaah
• Salagle
• Jamaame
• Banderjadiid
• Golweyn
• Xarardheere
• Iyo xaafado ka tirsan Gobolka banaadir (Dharkeynleey, Kaaraan,Cabdicasiis,suuqa xoolaha)
Markaan fiirinay ilaa dhulka Baaxadaas leh oo ay beeshu ka degen tahay soomaliya maantana ay ka fara maran yihiin ayaa Jaaliyadda waxay baaq siyaasadeed siinaysaa kuwa matalo qaybta siyaasada iyo nabadoonada, Saraakiisha, waxgaradka beeshan in ay xaqooda ay ku raadiyaan degaan ahaan aysan noqon dad la shaqaaleeyo.
Hadalkaan ayaa wuxuu ka tarjumayaa waqtigan xaadirka ah soomaliya marxalada ay ku jirto. Aragtidaan oo hurmeedkeeda bah weynta beesha Surre ay kala yihiin:.
1. Nabaddoon Cabdiqaadir Xaaji Buuxe
2. Ing Jibriil Maxamed Siciid
3. Siyaasi Mursal Mohamed Mohamud Mursal
4. Dr Cabdikariin Adan Cowke
5. Ing Faaruuq Cabdi Dahir
6. Ing Cabdinaasir Cali Aden
7. Nabaddoon Cabdullahi Hassan Aden
7. Nabaddoon Cabdullahi Hassan Aden

Beesha direed oo cabasho ka soo saarey maamulka Gobolka Hiiraan in aan laha Tixgalin ...

Beesha direed oo cabasho ka soo saarey maamulka Gobolka Hiiraan in aan laha Tixgalin .
                           
                        Agoosto 22 - 2007 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
Qoraal Cad ay shalay ka soo saareen Magaalada baydhabo Beelaha Direed ee dega Gobolka Hiiraan ayay kaga hadleen arimaha siyaasada ayay qoraalkooda cad ku yiraahdeen.
“Anagoo ah Ugaasyada, Nabadoonada, Culamaa’udiinka, Siyaasiyiinta, Urarada Bulshada iyo Dhamaan waxgaradka Beelaha Direed ee dega Gobolka Hiiraan Gaar ahaan Magaalada Balad weyne oo kala ah:- Beelaha Faqi Cumar, Faqi Max’ed, Baajamaal, Reer ow saciid iyo Isaaq kuwaasoo ka mid ah qabaa’ilada degan Degmada Balad weyne magacna ku leh Sooyaalka taariikheed ee Gobolka qeyb weyna ka qaatay hormarinta Gobolka sida dhinaca warbarashada, iyo kobcinta dhaqaalaha Gobolka degana dhulka ugu baaxada weyn xagga beeraha dalagyo kala duwana ka baxaan, hadaba anagoo taas ka duulayana waxaan u sheegaynaa Dowlada Federalka KMG in maamulka dhawaan laga dhisay Degmada Balad weyne uu yahay mid aan loo meel dayin cadaaladana aan ku salaysnayn isla markaana aan waafaqsanayn Axdiga Qaranka ee KMG iyo weliba nidaamka Federalka.
Hadaba waxaan ka Codsanaynaa Madaxweynaha, Ra’isu wasaaraha in maamulka Gobolka iyo kan degmadaba ay dib u eegid ku sameeyaan dhismaha maamulka Gobolka Hiiraan iyo Degmadaba kana soo qeyb geliyaan beelaha Direed ee degan Gobolkaas idinkoo eegaya xaquuqda beelahaasu ay leeyihiin, runtii waa wax lala yaabo inaan marna laga soo qey gelin, maamuladii Gobolka laga sameeyay tan iyo markii ay dowlada KMG ay ka howl gashay dalka.
Waxaan ka Codsanaynaa dhamaan beelaha aanu wada deganahay inay gacan naga siiyaan sidii aan si cadaalad ah aanu wax ugu wada qeynsan lahayn”ayay ku yiraahdeen Qoraalkoodii dheeraa ay Beelaha Direed ka soo saareen shalay magaalada Baydhabo.
Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com

Caaqil Saciid Maxamed Xussein (Saciid Indhoole)

Caaqil Saciid Maxamed Xussein (Saciid Indhoole) oo socdaal ku soo maray Dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Norway, iyo Sweden ...
Agoosto 29 - 2007 Cowslafil , Muqdisho , Somalia .
Saciid Indhoole oo socdaal ku maraya dalal badan oo ku yaal yurub iyo Mareykanka (Verginia, Minneaplois,kalifornia) ayaa mar ay maamulka shabakada cowslafil kula kulmeen dalka Norway wuxuu u sheegay in ujeedada socdaalkiisu ay tahay dhaqan gelinta iskuul laga furayo Degaanka Tawfiiq ee Gobolka Mudug.

>

Saciid oo ka hadlaya waxgaradkii uu la kulmay iyo natiijadii ka soo baxday kulankooda ayaa wuxuu marka hore si aad ah ugu mahad celiyey hogaanka ururka cowslafil ee dalka Mareykanka;
• Dr Mohamed Aden Jeele (Gudoomiyaha)
• Dr Ibrahim Maxamud Mursal (Gudoomiye ku xigeen)
• Drs Xaawo Geni M Cilmi (xoghaynta iyo dhaqaalaha)
• Caaqil Maxamuud Dooli (Xubin sare)
• Caaqil Axmed Cali Dalmar (Xubin sare)
Kulamadii uu la yeeshay waxgaradkii uu la kulmay ayuu ku tilmaamay Saciid inay ahaayeen kulamo si heer sare loo soo abaabulay arrimo badan sida dhaqan gelinta dhismo iskuul cusub oo laga hirgelinayo Degaanka Tawfiiq ee Gobolka Mudug, Laguna Magacaabo Cabdillahi Insaaniya Primary & High School.
Allifaha Qaamuuska afkayaga hooyo mudane Cabdullaahi Xaaji Moxamuud Jaamac oo lagu neynaaso Cabdullaahi Insaaniya looguna magac daray iskuulkan taariik nololeedkiisa oo kooban ayaa ah sidan;
Mudane Insaaniya wuxuu ku dhashay Xamar (Muqdisho) Taariiqdu Markey aheyd 1-dii luulyo 1924-kii. Hooyadii waxaa lagu magacaabaa xaajiyo Faadumo Ciise Geyre. Cabdullaahi markii uu afar jir ahaa ayaa aabihii dhintay, dabadeedna walaashii marwo Madiino Xaaji Maxamuud Jaamac iyo ninkeeda Shiik Muuse Faarax oo ay xigaalo yihiin ayaa soo koriyey. Mudane Cabdulaahi Insaaniya waxbarashadiisa Dugsi Hoose/Dhexe, iyo sare wuxuu ku soo qaatay Madrasada Macalin Jaamac.
Maadaama Soomaaliya ay xilligaas jaamacad laheyn ayuu Cabdullaahi wuxuu sii watay waxbarashadiisa dhanka Shareecada Islaamka isagoo wax ka kororsaday culumo badan oo soomaaliyeed kana bartay kutubo kala duwan sida: Safiinatul Salaad, Qaasimi, Minhaaj, Riyaadul-saalixiin, iyo tafsiirka Quraanka Kariimka ah uu luuqada soomaaliga lagu fasiray. Intaa waxaa usii dheer in Cabdullaahi uu ka mid noqday dhalinyaro loo tababaray xirfada baranimada halkaas oo uu muddo lix bilood ka dibna uu qaatay shahaadada barenimada. Cabdullaahi oo ka soo shaqeeyey (Macalinimo) magaalooyinka kala ah: Jowhar, Baydhabo,Gaalkacyo,Luuq, iyo Xamar.
Laga bilaabo April 1952 ilaa April 1954-kii Cabdullaahi wuxuu ka mid noqday kooxdii Soomaaliyeed ee ugu horeysay oo uu Talyaaniga u qaaday Roma (Italy), halkaas oo uu ku soo qaatay tababar maamul dowladeed.
• 1956-dii waxaa loo magacaabay maamulaha degmada Baraawe.
• 1957-dii waxaa loo magacaabay maamulaha degmada Hobyo
• 1958-dii wuxuu noqday agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo barbaarinta.
• 1959-kii liiska SYL-sha degmada Marka ayaa lagu soo doortay oo wuxuu noqday mudane Baarlamaanka Soomaaliyeed ka tirsan
• Cabdullahi iyo wafdi uu la socday ayaa 31’ ka desember ayaa kala hadlay Qaramada midoobay in madaxbanaanida dalka soomaaliya laga soo horumariyo waqtigoo loo qabtay iyadoo dalka soomaaliya uu dib u hantay xornimada 1-luulyo, 1960-kii ka dib Cabdullaahi wuxuu noqday wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada
• 1964-tii ilaa 1968 Cabdullaahi waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee wasaarada Garsoorka iyo Arrimaha Diinta.
• 21-oktober-1971 Cabdullahi waxaa gudoomiye looga dhigay gudi hoosaadka koowaad oo qaabilsanaa luuqada iyo soo saarida xuruufta ku haboon in lagu qoro afka soomaaliga.Cabdullaahi oo qabay fikirka ah in xuruufta LAATIINKA ku saleysan ay tahay tan ugu haboon in lagu qoro af-soomaaliga ayaa 1972-dii waxaa fariistay Gudigii Af-soomaaliga oo dhan halka seddex meelood labo ay gudoomiyeen xuruufta Laatiinka. Gudiyo kale ayaa qabay in lagu saleeyo afka hooyo xuruufta Carabiga, Hindiga, ama Amxaariga.
• Buugaagta uu qoray waxaa ka mid ah: o Buuga Afkayaga Hooyo oo uu afsoomaali uu ku hirgelinayey o Buuga naxwaha soomaaliga oo uu qoray 1973-dii o Buug kala qeexayo shanta salaadood iyo sida biyaha loogu weyso qaadan karo o Qaamuus casri ah oo isku turjumayo luuqada ingiriiska iyo soomaaliga oo ka kooban 25077 eray.
Cabdullahi waxaa u dhaxda marwo Maryan Xaaji Maxamuud Guuleed, caruurtooda iyo kuwa ay sii dhaleen ee nool iminka waa 22 qof.
Saciid Indhoole oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri waxaan si xushmad leh uga codsaneynaa dhamaan inta u ehelka ah horumarka, waxbarashada, iyo kobcinta jiilka soo koraya inay nagala qayb galaan dhismaha iskuulka laga hirgelinayo degaanka Towfiiq. Iskuulkaas oo ka kooban 12 Qol, 2 xafiis,2 musqulood,hoolka shirarka iyo dayr ku wareegsan.
Fadlan nagala qeyb gal hirgelinta mashruuca khayrka iyo saxanaadka leh ee loogu gargaarayo dhalaanka soo korayo ee aqoon la’aanta ku heysato dhulka ballaaran ee carro Tawfiiq waxaadna la soo xiriirtaa Gudoomiyaha Gudiga Qabanqaabada Mashruuca Horumarinta Tawfiiq Saciid Maxamed Xassan (Saciid Indhoole).
Telefone: 0044 7908658404
Cowslafil.com

Ugaas Max'ed Cabdi Xareed oo ah ugaaska beesha qubeys

Ugaas Max'ed Cabdi Xareed oo ah ugaaska beesha qubeys ee gobolka mudug oo ka warramaya qaabka loo wajihi lahaa xilligaan dib u heshiisiinta...


may 11- 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
Ugaas Max'ed Cabdi Xareed oo ah ugaaska beesha qubeys ee gobolka mudug oo ka warramaya qaabka loo wajihi lahaa xilligaan dib u heshiisiinta ka socota dalka jabuuti ayaa mar uu la soo xiriirray shabakadda cowslafil wuxuuna hadalkiisa ku billaabay "Marki nabad iyo caddaalad la baadi goobaayo waxaa lagama maarmaan ah in si caddaalad ku dheehan tahay loo xalliyo dhibka iyo khaladaadka dowladda laga tirsanaayo,ama beelaha qaarkood laga tirsanayo waa wax iska cad in ugu horeyntii loo baahan yahay in xaaladda waqti xaadirka lagu sugan yahay dib loo jalleeco lana raadiyo hab lagu daaweyn karo dhibka dadka loo geystay .
dib u heshiisiin markii la maqlo waa wax loo riyaaqo,cid-walibana diyaar ayeey u tahay balse sarta waxa ay ka quruntay in la garan karin cidda lala heshiinaayo iyo cidda wax heshiisiineyso.
waxaana si weyn u taageeray si weyna u soo dhoweeynaayaa madaxweyne ismaciil cumar geelle oo mar walba isku howla siduu somaliya ugaga dhalina lahaa dib u heshiisiin xaq ah, daawona u noqon kareeysa xaaladda cakiran ee Somaaliya.
wuxuu kaloo sheegay ugaaska inuu ku talinaaya in marka hore xal loo helo Ciidamada Itoobiya oo Dalka xadgudubka ku heeysta iyo in hannaanka dib u heshiisiinta lagu saleeyo rabitaanka shacabka iyo maslaxadda guud ee Ummadda Somaaliyeed, lagana fogaado wixii fara-gelin shisheeye ah, eeyna ka soo qeyb galaan dhammaan Qeybaha Bulshada,lana helo ama la Sameeyo guddi isku dhafan oo Daadihiya kulamada sida Culumaa'udiin, Hoggaan Dhaqameed,Aqoonyahanka,Haweenka,Dhalinyarada iyo Jaaliyadda Qurba joogga ah.
Ugaas Max'ed Cabdi Xareed oo baaqiisa raaciyay, in ergooyinka ka qeyb qaadanaya shirweynaha inay noqdaan qaar ka qeyb qaadanaya sidii dib loogu yagleeli lahaa qaran jabkii ku dhacay dalka soomaaliya.
kala soco qeybta labaad ee wareysiga ugaaska WWW.COWSLAFIL.COM.
Weriyaha shabakada COWSLAFIL ee jabuuti qadar-yare.
cowslafil,news,network (CNN) email: cowslafil@cowslafil.com

Qoysaskii ka barakacay dagaaladii ka dhacay bacadweyne oo xaaladooda laga dayrinayo

Qoysaskii ka barakacay dagaaladii ka dhacay bacadweyne oo xaaladooda laga dayrinayo
Janaury-07-2010 Cowslafil -Muqdisho- Somalia
DHAMAAN URURADA SAMAFALKA SOOMAALIYEED IYO AJAANIBTA EE KA HOWGALA DEGAANADA KOONFURTA MUDUG WAXAAN KA CODSAN INAY GARGAAR DEG DEG AH LASOO GAARAAN DADWEYNAHA KA SOO BARAKACAY DAGAALADA DHOWAAN KA DHACAY DEGAANADA BACAADWEYNE.

Qoysakaan ayaa gaaraya ilaa saddax kun oo qoys waxayna xilligaani ka cabanayaan baad la,aan haysata Cali Maxamed oo ka mid ah qoysaka ka barakacay deegaanadii lagu dagaalamay islmarkaan la hadalay

Qoysaskaani oo ka cararay dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaano hoos yimaada dagmada bacadweyne ee koonfurta gobolka mudug ayaa xilligaani ka cabanaya xaalado isku jira caafimaad la.an hoyl,aan iyo arima kale deegaanada ay u barkaceen qoysaska ayaa waxaa ka mid ah xaar xaar,beycad .laanwoysi dhabat iyo deegaano kale ee ku heeran.

V.O.M.COM ayaa sheegay in qoysaskaani ay ka cabanayaan cuduro fara badan oo ay ka mid yihiin malaariyada tiifoowga shuban biyoodka iyo cuduro kale waxaana dhan kale qoysaskaani haysata xaalado nafaqo daro oo soo wajahdey caruur tooda.

Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in deegaanadaasi aysan ku oo lin xaruma caafimaad islamarkaan waxaa uu ka codsaday haayadaha samafalka in gurmad dag dag ah ay la soo gaaraan hase yeeshee wararka ka imaanaya deegaanka bacadweyne ee koonfurta gobolka mudug ayaa sheegay in wali ciidamada ay is hor fadhiyaan islamarkaana aysan jirin wax waan waan ah oo ay wadaan odayaasha waxgardka culumaaudiinka ka soo jeeda deegaanadaasi inkstoo la filan karo in ay isku dhacaan labadaasi maleeshiyo beeleed ee ishor fadhiya maadaam aysan jirin dhaq dhaqaaq lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadahaasi
Xigasho www.codkamudug.com, W/W.Liban Cajiib Xaaji
E-mail: cowslafil@cowslafil.com

Kulanisugu imaanayaan Beel weynta Direed oo ka dhacay Magaalada London

Kulan loogu gool xaarayay kal fadhi guud oo ay isugu imaanayaan Beel weynta Direed oo ka dhacay Magaalada London .

                           
                        May 03- 2010 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
Shirweyne aad loo soo agaasimay oo ay si weyn uga soo qayb galeen qeybaha kala duwan ee Beesha Direed ayaa xalay oo taariikhda ahayd 02:05:2010 ka dhacay Magaalada London ee dalka Boqortooyada Ingriiska.
Waxaana shirkaas ka soo qayb galay wufuud ka kala socotay dhammaan beesha direed sida Siyasiyiin, aqoonyahanno, dhalinyaro iyo culumaa’udiinka ee ku abtirsada Beesha Direed.
.
Sida caadadu ahayd beesha Direed Shirka waxaa lagu daah furay Aayadaha Quraanka Kariim ah iyo kalmado Alle xasuusin ah waxaana ku furay Sheikh Maxamed DEEQ.
Furitankii kulanka ayaa waxaa warbixino kala duwan laga dhagaystay Mr.Cali Jaamac Warsame iyo C.Fatax Abshir Xareed oo ahaa raggii soo qabanqaabiyay shirkaan,Sidoo kale, waxgarad kala duwan ee halkaasi ka hadlay ayaa dhamantood muujiyay baahida loo qabo in laga shaqeeyo midnimada iyo wax wadaqabsiga beesha direed.
Inkastoo dadweynihii aadka u farada badnaa ee madashaasi ka hadlay aan dhamaantood halkan lagu soo koobi karin, hadana xubnihii halkaas erayada dhaxal galkaa oo qiirada ku abuuray goob joogayaalkii kasoo jeediyey waxaa ka mid ahaa:
1) Suldaan Cali Maytan, 2) Nabadoon Cismaan Cosoble, 3)COL. Ibrahim Yaxye, 4)Col.Xasan Suuri,iyo 5)Dr.Maxamed Cali Jaamac. Ajandayaasha laga hadlay shirka ayaa waxaa ka mid ah:
1- Isbarasho beelaha direed
2- U gogol xaarid kal fadhi guud
3- baahida loo qabo in la helo maamul iyo kala danbeyn
3- Dardar galinta howlaha beesha iyo isku xirka dadka ehelka ah
4- iyo qodobo kale oo muhiim ah
Dood dheer iyo falanqayn kadib, waxaa la’isla gartay in la magacaabo guddi ka kooban 15 xubin kuwaas oo kale ah>
1)Beesha Madaxweyne Dir laba xubin
2)Beesha Ciise Madoobe laba xubin
3)Beesha Magaadlle laba xubin
4)Beesha isaaq laba xubin
5)Beesha Surre laba xubin
6)Beesha Biyomaal laba xubin
7)Beesha Samaroon laba xubin
8)Beesha jiiddo laba xubin
kulankii waxuu kusoo gabagaboobay jawi aad aad u wanaagsan oo ay farxadi dheehan tahay,abaaraha siqdii dhexe markey saacadu ahayd 12.00pm.
COWSLAFIL.COM

26-Qof oo Xaaladaha Abaaraha Dartood Ugu Geeriyooday Deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.(

26-Qof oo Xaaladaha Abaaraha Dartood Ugu Geeriyooday Deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.(Daawo Sawirada) ...

Sun, August 21, 2011 13:29:53
Wararka naga soo gaaraaya deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug ayaa sheegaaya in deegaankaasi ay xaaladaha abaaraha ugu geeriyoodeen dad ka badan 26-ruux.

WAA DEEGANADA AY KU NOOL YIHIIN QUBEYS SURRE



Guddoomiyaha degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug Maxamed Siciid Axmed ayaa khadka taleefanka ugu sheegay warbaahinta in abaaraha ka jira deegaankaasi in ay tahay mid soo jirtay muddo ka badan 2-sano.

Waxa uu intaasi ku daray in abaaraha ka jira deegaanka Bacaadweyne ay abaaraha ugu geeriyoodeen ilaa 26-qof oo isugu jira carruur iyo hooyooyin ay intooda badan haleeleen cudurro iyo nafaqo darro.



Waxa uu sheegay Guddoomiyaha deegaanka Bacaadweyne in aanay jirin ilaa iyo iminka cid katirsan hay’adaha gargaarka oo gobolka soo gaarsiisay gargaar ku aadan abaaraha.

Maxamed Siciid Axmed waxa uu ugu baaqay hay’adaha gargaarka iyo guud ahaanba dadka Soomaaliyeed in ay gargaar deg deg ah lasoo gaaraan dadka ku dhibaataysan abaaraha ka jira deegaanadaasi.

Deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug ayaa kamid ah degmooyinka kamidka ah Soomaaliya eeay ka jiraan abaaraha saamaynta ku yeeshay in ka badan 4-melyan oo Soomaali ah.

WAA DEEGANADA AY KU NOOL YIHIIN QUBEYS SURRE

Blog Archive