Thursday, November 22, 2018

Bandarjadiid

Magaalada bandarjadid waxa ay ku talaa Gobolka Jubada Hoose waxa ayna u jirta magalada jammaame 7km bandarjadid waxaa magaalo loo aqoonsaday 1780 boqortoyadi beesha surre Ee ka talin jirtay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya magalada waxaa ku nool qiyaasti ugu danbeysay 2009 dad gaaraya 13kun oo qof magalada waxaa degaan ahaan u leh Beelaha surre gaar ahaan Qubeys inkasto ay jiraan bela kale oo somaliyed hogaamiyasha caanka ah ee magalada soo maray waxaa ka mid ah Sh.maxamed daahir xaaji cali ahaana qaadigi ugu horeyay ee diinta islaamka wax ku kala xukumay gobolka jubada hoose sido kale waxa magalada ka soo jeedo SIID ABDIQADIR XAAJI CALI oo mudo ka talinayay GOBOLKa liibaan ILAA MAGALADA BAYDHABO masuuliyin badan ayaa ka soo jeeday magalada bandarjadid xaga militry waxaa isna ka soo jeeda CORNEL BARRE XAAJI CUMAR , BASHIIR SH.NADIR CABDALA CABDU CUUD IYO RAG BADAN OO ISU BAD BADALAY HALGANKI WADANKA LAGU XOREYAY WAXA DOOR MUHIIM AH KA SOO CAYAARAY mujaahid Aadan axmed dhibe (aadan kareeto) Allah unaxariistee.

Bacad weyne -(sacad saciid iyo Qubeys ee Surre, Dir)

Bacad weyne waa Degmo ka´tirsan gobolka Mudug, waana magaalo facweyn oo ku caan ah barashada diinta islaamka sidoo kale waa magaalo ganacsi oo waxay caan ku tahay cusbada iyadoo loo iib geeyo dhamaan gobolada kale ee dalka soomaaliya iyo waliba Ethiopia. Waa degmo caan ku ah biyaha iyo daaqa. (GREEN ZONE) sidoo kale waa Degmo caan ku ah wax soo saaraka dalaga beeraha iyo dhaqashada xoolaha sida geela ariga iyo Lo'da. Xoolaha degmadaan waxaa loo iib geeyaa dhamaan gobolada kale ee dalka iyo waliba dalka Saudi Arabia. Waxaa xiriir ganacsi oo aad u facweyn la leh degmadaan shirkada dhoofinta xoolaha ee indho deero oo ah shirkada kaliya ee heysata ogolaanshaha dhoofinta xoolaha ee deegaankan. waxa kaloo taga dad fara badan oo kayimaada dalal kala duwan Degmadaan waxaa daga beesha (sacad saciid iyo Qubeys ee Surre, Dir)

Degmada salagle- Coolyahan Ogaadeen iyo Rer ow Heeraar (Qubeys)-Reer Dumaal(Raxweyn) beesha Faqiwalaal

Degmada salagle waxay kamid tahay degmoyinka gobolka jubadda dhexe waxaa la aqoonsaday sanadkii 2006dii xilligii uu xukumaye dalka madaxweynihii geeriyooday c/laahi yuusuf axmed alla yaraxma, degmada salagle waxaa dagan beelaha Coolyahan (Ogadeen) İYO Rer ow Heeraar (Qubeys) oo kamid ah beelaha somaliyeed waxay soomartay marxalado kala duwan. degmada salagle waxay caan ku tahay beeraha iyo xoolaha gaar ahaan dhaqashada lo,da oo loo iib geeyo suuqa weyn ee magaalada gaarisa kenya.. degmada salagle waxaa kudhshay halgamaagii weynaa ee Gen.c/qaadir juuja kamidka ahaa dowladii rayidka iyo 5tii golaha kacaanka sare , degmada waxaa kala bara wabiga jubba waxaa hoostga tuulooyinka kala ah . 

.buula bayoow
. buula galool
. buula banaan
. madmadowe
. buula xaar
. dhakaaje 

Waxaa kamid ah Beesha degan beesha Reer Dumaal(Raxweyn) beesha Faqiwalaal iyo rer ow Heeraar (Qubeys) iyo cowlyahan (Ogaadeen).
mudooyinkii ugu danbeysay somaaliya waxaa kajirey isburbursi ku salaysan beelaha soomaalida gobolada jubooyinkana kama marneen mar waxaa xoog ku qabsaday U S C marna isbaheysiga dooxada jubba markii ugu danbeysana waxaa heystay xarakada al shabaab!!

Blog Archive