Waxaa
maanta magaalada Muqdisho gaar ahan hotelka Wardheer lagu qabtay kulan
balaaran oo lagu taageerayey suldaanka cusub ee beesha Qubeys Suldaan
C/llaahi Suldaan C/raxmaan Suldaan Muxumad oo dhowaan lagu caleemo
saaray degaanka Bacaad-weyn ee gobolka Mudug.
Kulankan
oo ahaa mid qaddo ah ayaa waxaa ka qeyb galay Waxgarad, Odayaal
dhaqameedyo, aqoonyahano, Qurba-joog, dhalinyaro iyo haween ayaa waxaa
si weyn loogu ayiday Suldaanka cusub ee la caleemo saaray.
Waxaa
kulankaas ugu horeyn ka hadlay Ex: xilibaanad Caaqil Xuseen Geeddi
Jimcaale oo halkaas ka jeediyey hadalo soo dhoweyn iyo taageero ah
wuxuuna xusay in xubnaha beesha Qubeys ee jooga Xamar ay si weyn u
taageerayaan suldaanka cusub.
Suldaan
C/nuur Axmed Shiikh Muuse oo isna ka hadlay kulankan ayaa faahfaahin ka
bixiyey taariikhda Saldanada beesha Qubeys oo uu sheegay iney soo
taxneyd muddo fog.
“Suldaanka
cusub Suldaan C/llaahi, awoowayaashiis ayaa suldaano ahaa sida ka
muuqata abtiriskiisa waa nin culumo ah, ILAAHAY ka baqa, weligiisna aan
bulshada dembi ka gelin waxaaana alle uga baryeynaa inuu xilkaas ALLE la
garab galo” ayuu yiri Suldaan C/nuur oo dad yar oo suldaanka diidan ugu
baaqay iney taageeraan, iskana dhaafaan khilaafka.
Sidoo
kale, waxaa kulankan ka hadlay Ugaas C/raxmaan Xaaji Xuseen oo suldaanka
cusub ugu baaqay inuu cadaalad ku maamulo shacabka uu hogaanka u hayo,
kuna dedaalo sidii bulshada horumarkeeda looga shaqeyn lahaa.
Waxaa
sidoo kale hadalo isugu jiray Guubaabo, taageero iyo Duco ka jeediyey
xubno fara badan oo ay ka mid yihiin Shariif Shiikh Cumar Maxamed oo ku
hadlayey magaca qurba joogta Qubeys, Caaqil Shiikh Axmed Shiikh C/llaahi
Shiikh Cumar, Nabadoon Aadan Cali Xasan, Axmed Muxumad Aadan, Ubax
Maxamed Aadan oo ku hadleysay magaca haweenka beesha iyo xubno kale.
Intii
munaasabadaas ay socotay ayaa haween ka tirsan kuwa ka soo qeyb galay
kulankan waxay ka tiriyeen buraanburo iyo Suugaan kale oo ay ku
taageerayaan suldaanka cusub ee beesha Qubeys Suldaan C/llaahi Suldaan
C/raxmaan Suldaan Muxumad, waxayna xafladaas ku soo dhamaatay jawi aad u
wanaagsan.