Saturday, August 19, 2017

Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Baarlamaanka Oo Maanta Qada Sharaf Gaalkacyo Kula qaatay Odayaal dhaqameed (Sawiro)


Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Fedaraalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta qado sharaf waqooyiga Magaalada Gaalkacyo kula qaatay Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Gobolka Mudug gaar ahaan kuwa kasoo jeeda deegaanada Maamulka Puntland.
Qadada waxa sidoo kale kasoo qeyb galay Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Puntland oo uu ka mid ahaa Wasiiru dowlaha caafimaadka Puntland Mudane C/laahi Jaamac Cali iyo mas’uuliyiin kale.
Kulanka qado sharafta ayaa waxa uu ka dhacay Hotel Sugule waxaana looga wada hadlaayey balan qaad hore uu sameeyey Gudoomiye ku xigeenka iyo waxyaabaha ka hirgalay balan qaadyadaasi.
cawad_01
cawad_02
cawad_03
cawad_04
cawad_05
cawad_06
cawad_07
cawad_08
cowslafil.com

Blog Archive