Saturday, November 10, 2012

Halgankii Xornimada Soomaaliya-Somali Youth Leauge-SYL.wmv




Madaxdii Qaranka Soomaaliya - SYL & Abdullahi Issa Mohamud - Somali Documentary-Film



Taariikhdii ururkii
Somali Youth League "SYL"
Last update: Arbaco - 07 Oct 2009
Taariikhda xisbigii SYL lama soo koobi karo, aniguse waxaan si kooban uga hadlayaa unuggii xisbiga, anigoo ka mid ah dhallinyaradii nasiibka u yeelatay, eebbena waafajiyey inay asaasaan xisbigaas. Waxaan uga dan leeyahay qoraalkan in aan dadweynaha Soomaaliyeed xusuusiyo halgankii qawmiyadeed iyo taariikhdii sharafta laheyd ee la soo maray si looga faa'iideysto.
Asaaskii xisbigii Legada (SYL) oo Soomaaliya u horseeday gobanimada iyo madaxbanaanida. SYL waxay u taagan tahay erayada af Ingiriiska ah "Somali Youth League", Leegana waa iyadoo af Talyaani ah "Lega dei giovani Somali".
Markaan soo xusuuusto xilligii uu hanaqaaday xisbigii SYL marna waa farxaa, marna waa naxaa. Waa farxaa oo waxaan soo xusuustaa wanaaggii, wadaninimadii, midnimadii, isqadarintii iyo kalsoonidii Soomaalidu isu qabtay waagaas, kuna guuleeysatay. Marna waa naxaa, oo waxaan arkaa xaaladda manta Soomaali ku sugan tahay oo ah: dawlad la'aan, daryeel la'aan, dagaal joogto ah, dulli qaxootinimo iyo dugaagnimo.
Curashadii Fikradda

Fikrad kasta oo lagu hormaro waxaa bilaaba qof ama koox. Fikradda lagu asaasay xisbiga SYL waxaa hormuud iyo hawlwadeen ka ahaa Allaha u naxariiste Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmaarke oo mudan in si gaar ah loo xuso. Yaasiin wuxuu ahaa nin fiiro dheer oo aqoon yahan lagu tilmaami karo, inkastoo uusan dhigan dugsi rasmi ah. Wuxuu ahaa nin leh wacyi iyo maskax siyaasadeed, iyadoo aan waqtigaas dadku u bislayn siyaasadda. Yaasiin wuxuu si fiican u yiqiin afka Talyaaniga, wuxuu kaloo yiqiin afafka Carabiga iyo Ingiriiska. Dadaalka Yaasiin ka sokoow, curashada fikradda waxaa saaciday arrimo dhawr ah ooy ka mid ahaayeen:
  1. Waqtigii la unkay xisbiga wuxuu ahaa waqti lagu jiro dagaalkii labaad ee adduunweeynaha, carriga Soomaaliyana waxaa waagaas ka taliynayey dawladda Ingiriiska oo jabisey Fashiistadii Talyaaniga. Xukunkii Faashiga ahaa ee talyaanigu wuxuu Soomaalida ku hayey cunaqabatayn iyo cabburin xad-dhaaf ah oo leh dhinca kasta, ha ahaato xag dhaqaale, xag bulsho iyo xag siyaasadeedba. xukunkaas markuu dhacayna waxuu shacabka Soomaaliyeed dareemay nafis, waxaana soo gashay yidadiilo iyo waa cusub.
  2. Waxaa waagaas dalalka Aasiya iyo Afrika ka jirtay naacoow gobanimadoon ah oo fanfiniinkeedu soo gaaray Soomaaliya.
  3. Waxaa waagaas magaalada Xamar ku noolaa niman Talyaani ah oo ka tirsan Xisbiga Hantiwadaagga Talyaaniga. Nimankaas oo isqarin jirey ayaa dibedda u soo baxay ka dib markii Fashiistadii dhacday oo bilaabay inay cambareeyaan taliskii faashiga ahaa. Waxay kaloo sameeysteen naadi ay ku kulmaan. Yaasiin wuxuu saaxiib la ahaa qaar ka mid ah nimankaas, ooy is dhaafsan jireey fikradaha.
Yaasiin wuxuu bilaabay inuu fikradda gobanima-doonka la qaybsado bulshada. Wuxuu si gaar ah u abbaaray dadkuu islahaa waa maskax furan yihiin. Waxaa dadkaas ka mid ahaa: garaaniyaasha dawladda, ganacsatada, culumaa'uddiinka iwm.


Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu Yaasiin shir noogu qabtay gurigiisa, waxaan ahayn 7 ama 8 dhalinyaro ah, si fiican uma xusuusto tirada. Wuxuu noo soo jeediyey talada ah in la bilaabo dhaqdhaqaaqa xornimada-doonka Soomaaliyeed. Wuxuu nagu wargelieyey in afarta dawladood ee waaweeyn oo xulufada ah: Amerika, Ingiriiska, Ruusha iyo Faransiiku ay ka tashanayaan aayaha dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey oo hadda gacantiisa ka wareegay. Dalalkaasi waxay ahaayeen Soomaaliya, Eritrea iyo Libiya. Wuxuu nagu guubaabiyey inaan fadhiga ka kacno oon dhisno urur ka tarjuma danaha bulshada Soomaaliyed oo ah gobanimo iyo horumar. Wuxuu naga codsaday in qof waliba uu casumo qof uu ku kalsoon yahay oo ka mid noqda asaasayaasha ururka. Waxaan bilaabnay dhaqdhaqaaq. Nin waliba wuxuu la xiriiray qofkuu yiqiin, unna ku kalsoonaa. Intaan ka xusuusto, anigu waxaan casumay Cabdulqaadir Sakhaawuddiin oo aan saaxiib gaar ah ahayn, Allaha u naxariistee. Xaaji Maxamad Xuseenna wuxuu casumay Dheere Xaaji Dheere, labadoodaba Allaha u naxariisto.


Muddo bilo ah gudohood ayaan isku uruursannay 13 dhallinyaro ah oo diyaar u ah inay dhisaan xisbiga, una babacdhigaan halganka gobanimadoonka, yey noqon doonaan 13ka asaasayaashu? Intee manta ifka ku nool? Sidee loo dhisi doonaa xisbiga? Muxuuse oran doonaa Dhiinsgii Ingiriisku?
Dhismihii Xisbiga
Sidaan qeybtii hore ku xusay, waxaan isku helnay 13 dhalinyaro ah oo nasiib u yeeshay inay noqdaan asaasayaashii Xisbiga SYL. Haddaba, magacyadii dhallinyaradaasi waa kuwaan:

1. Yaasiin Xaaji Cismaan 8. Xaaji Maxamad Xuseen
2. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin 9. Khaliif Huudow Macallin
3. Maxamad Cismaan Baarbe. 10.Cismaan Geedi Raage
4. Maxamad Faarax Hilowle 11. Dheere Xaaji Dheere
5. Sayidiin Xirsi Nuur 12. Maxamad Cabdalla Xayeesi
6. Maxamad Cali Nuur 13.Cali Xasan Maxamad "Verdura
7. Daahir Xaaji Cismaan
Asaasayaashi Xisbiga SYL waxaa manta ifka ku nool aniga oo ah Daahir Xaaji Cismaan oo ku nool magaalada Ottawa, dalka Kanada oo 80 jir ah iyo Cali Maxamad Xasan "Verdura" oo ku nool Qoryooley, Soomaaliya oo isaguna 80 jir ah. Runahaan, Xisbiga SYL waxaa dhisay oo dhidibada u aasay shacbiga Soomaaliyeed oo naf iyo maalba u huray. Annagu waxaannu ahayn dhallinyaro Ilaahay talada waafajiyey oo tillaabadii ugu horreeysay qaaday.
Ugu horreeyntii, waxaan qol, aannu ku shirno, ka kireeysannay waddada "via Roma" ee Muqdisho. Shirar iyo tabaabusho ka bacdi, waxaa la soo gaaray xilligii si rasmi ah loo furi lahaa, loona diiwaangelin lahaa Xisbiga. Habeenkii taariikhdu ahayd 15ka Maajo 1943, ayaa Yaasiin Xaaji Cismaan na soo hordhigay barnaamijkii Xibiga oo ka kooban 13 qodob. Qodobadaas waxaa ka mid ahaa intaan ka xusuusto:
  1. In loo halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed.
  2. In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna la isugu keeno.
  3. In xoog la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada dhallinyarada, iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari Karin tacliin la'aanteed.
  4. In af Soomaaliga la qoro oo weliba la qaato farta Cismaaniyada, iyadoo fartaas loo arkayey inay tahay mid waddani ah.
  5. In shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimadoonka iyo madaxbanaanida.
  6. In la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, iskala takoorka iwm.

Kuwaas ayey ahaayeen qodobadii ugu muhimsanaa. Qodobada haray waxay badi ku saabsanaayeen xeer-hoosaadka iyo maamulka Xisbiga. Qodobada dhammaan waa la isku wada waafaqay. Yaasiin wuxuu kaloo noo soo jeediyey in la doorto Guddoomiye iyo Guddoomiye-xigeen. Wuxuu ku taliyey in labadaas jago aan loo magacaabin xubno ka soo jeeda qabaa'ilka waaweeyn si looga hortago tartan iyo awood-sheegasho qabiil oo mustaqbalka wiiqda xisbiga, halgankana curyaamisa. Iyadoo taladaas la tixgalinayo waxaa la doortyay labadaan mudane:
  1. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin - Guddoomiye
  2. Xaaji Maxamad Xuseen - Guddoomiye-xigeen
Yaasiin Xaaji Cismaan isaga qudhiisa waxaa loo doortay Xoghaye Guud. Waxaa kaloo la go'aansaday inaan durbadiiba la soo bandhigin ulajeedada siyaasadeed ee Xisbiga ilaa iyo intuu ka hanaqaadayo. Sidaas daradeed, waxaa Xisbiga loo bixiyey magaca ah "Somali Youth Club" ama Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa sidaas loo yeelay in Maamulka Ingiriiska loo tuso Xisbiga inuu yahay naadi dhallinyaro oo u go'an arrimaha bulshada iyo dhaqanka si looga gaashaanto carqalad iyo tacaddi ka imaan kara xaggiisa.
Subaxdii 15 Maajo 1943, waxaa sharaf noo ahayd inaan tagno xafiiskii Dhiinsiga Ingiriiska, annagoo wadana codsigii (petition) lagu dalbayey ruqsada Naadiga. Codsiga waxaa u qadimay Dhiinsiga mudane Cabdulqadir Shiikh Sakhaawodiin oo ah Guddomiyaha Xisbiga.
Dhiinsigii Ingiriisku markuu akhristay codsiga wuu yiri " Waa idiin oggolaaday inaad Naadiga furataan, waayo annagu waxaan nahay Dawlad Dimuqaraadi ah. Waxaanse idiinkaga digayaa inaad sameeysaan haba yaraatee wax allaale iyo wixii dhibaato u keeni kara amniga iyo xasillonida dalka iyadoo hadda lagu jiro xilli dagaal oo xasaasi ah" Annaguna waxaan niri hawraarsan.
Xagge wax ka bilaabi doonnaa, mar haddii Xisbigii la furay?
Sidaan ku xusay qaybtii 2aad, waxaan ku guuleeysannay, Alle Mahaddii, inaan diiwaangelinno Xisbiga. Isla markiiba, waxaan ku dhaqaaqnay hawshii baaxadda weeyneyd ee na sugeeysay. Waxaan afar qol ka kireeysannay daar u dhow Afarirdoodkii Xamar. Afartaas qol waxaan u adeegsannay fasallo lagu barto farta Soomaaliga, Afka Carabiga iyo Ingiriiska. Waxaan qorannay macallin Sudaani ah oo duruusta Carabiga iyo Ingiriiska bixiya. Waxaan kaloo qolalkaas ugu isticmaalnay xarunta Xisbiga iyo Makhaayad Shaah iyo Kafee oo lacag jaban lagaga gado xubnaha Xisbiga iyo weliba meel lagu dhageeysto Raadiyaha, laguna akhristo jaraa'idka si loola socdo akhbaarta adduunka.
Waxaan kaloo qaadnay tillaabooyin ku aadan nidaamka iyo maamulka Xisbiga. Waxaa la hirgeliyey calanka iyo astaanta Xisbiga. Waxaa la daabacay kaaraka xubinimada (membership card) iyo qorallo qeexaya mabaadii'da Xisbiga. Waxaa xubnaha lagu qoray tabarucaad joogto ah si loo daboolo kharashka maamulka. Dadka shaqeeya, oo aan anigu ka mid ahaa, waxaan isku qornay inaan bixinno 20% mushaharkayaga. Habeenka axadda waxaa loogu talagalay in la baraarujiyo xubnaha iyo dadweeynaha iyo in lala qaybsado wixii war ahoo cusub iyo qorshe ah ee soo aadan.
Shan ilaa lix bilood markuu furanaa Xisbigu, ayaa waxaa dhacay qiso la yaab leh. Dhiinsiga Ingiriiska ayaa noo yeeray oo na tusay warqad ku qoran farta Cismaaniya. Wuxuu yiri "Warqaddaan waxaa laga helay jeebka nin shufto ah oo ciidamadu dileen, sidaas daraadeed, waxaan idin farayaa ianaad joojisaan hawsha Xisbiga oo dhan ilaa iyo inta arrintaan laga baarayo, lagana salgaarayo inaad lug ku leedihiin iyo in kale". Arrintii markii la baaray waxay noqotay warqad uu ninkaas la dilay ka helay xaaskiisa oo Gaalkacyo ku sugan, kana wareeysaneeysa xaaladiisa iyo sababta akhbaar looga waayey. Markaas ka dib ayaa naloo fasaxay Hawshii Xisbiga. Taasi waxay ku tusaysaa sida diiradda loogu hayey Xisbiga.
Muddo yar ka dib, Xisbigu wuu xoogeeystay. Waxaa ku soo biiray taageerayaal aad u farabadan oo mutadawiciin ah. Waxaa cirka maray magaciisa iyo maqalkiisa. Gobollada iyo degmooyinka waxaa ka yimid farriimo taageero ah iyo codsi ay ku cudsanayaan in Xisbiga loo furo. Waxaa moodaa in shacabka Soomaaliyeed sugayey dhawaaqa oo keliya.
Laga bilaabo 1943, waxaa Xisbiga laga furay gobollada Soomaaliya oo idil. Islamarahaantaas, waxaa si lixaad leh u batay taageerayaashiisii ooy ku dhan yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida dhallinyarada, odayaasha, culimada, dumarka iwm. Horumarka Xisbigu ku tillaabsaday sanooyinkaas wuxuu ahaa mid la yaab leh oo mucjiso ah oo aan taariikhdiisa halkaan lagu soo koobi karin.
Bishii Maajo 1947 ayaa waxaa la go'aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca Xisbiga, lana muujiyo awoodiisa, sababahaan soo socda awgood:
  1. Xisbiga oo xidideeystey oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin Karin.
  2. Damaca gumeeystayaasha. Ingiriiska oo ka dhawaajiyey inuu rabo in Soomaaliya oo idil loo dhiibo iyo Talyaaniga oo u xusulduubayey in la soo celiyo maamulkiisii.
  3. Axsaab Soomaali ah oo ku saleeysan hab qabiil, gacansaarna la leh quwadaha shisheeyaha oo Xisbiga laga horkeenay.
Galab ayaa Xisbigu qabtay shir lagu cusamay Soomaali iyo Ajnabiba, waxaana halkaas khudbad ka jeediyey, isagoo ku hadlaya magaca Xisbiga, Yaasiin Xaaji Cismaan oo ku dhawaaqay in Xisbiga loo bixiyey Somali Youth League (SYL), uuna yahay Xisbi siyaasi ah, oo dagaal ba'an kula jira gumeeysiga.
Ayaamo ka dib, amar Ilaahay, waxaa aad u xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan, xanuun aan u maleeynay inuu yahay Duumo (malaria). Yaasiin wuu dardaarmay, ka dib markuu dareemay in jirradiisu tahay mid halis ah. Wuxuu ka dardaarmay in jaga Xoghayaha Guud loo dhiibo Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo madax ka aha faraca Xisbiga ee Beledweyne, ayna wada shaqeeyn jireen. Rag aan anigu ka mid ahay ayaa tagay Beledweeyne oo Cabdullaahi u soo raacay Xamar. Cabdullahi wuxuu la kulmay Yaasiin, wuuna aqbalay taladiisii. Maalmo ka dib, Yaasiin wuu geriyooday Allaha u naxariistee.
Cabdullaahi Ciise, Allaha u naxariistee, meeshii ayuu hawshii ka sii waday. Wuxuu ugu adeegay Xisbiga iyo Shacbigaba si naftihurenimo ah, daacad ah, Soomaalinimo, wuxuuna guulo ka soo hoyey gudahaba iyo dibeddaba. Cabdullaahi wuxuu noqday Raiisulwasaarihii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed sanadkii 1956.
Waxaan horey uga soo hadlay asaaskii iyo dhidib-u-aasiddii Xisbiga Leegada. Waxaan jeclahay inaan sidoo kale wax yar ka taataabto dhacdooyin dhowr ah oo taariikhi ah, qaybna ka aha halgankii Leegada.
Qoraaladii hore, waxaan ku soo aragnay in markii la gaaray sanadkii 1947 ay xiisaddii siyaasadeed aad u kululaatay. Waxaa xusid mudan in, bishii Juun 1946 uu Wasiir Dibadeedka Dawladda Ingriisku, mudane Bevin soo jeediyey in gayiga Soomaaliyeed oo idil, oo Jabuuti maahee inta kale Ingriisku gacanta ku hayey, la isu geeyo hal maamul oo Ingiriiska hoos yimaada, Qaramada Midobayna kor ka ilaaliyaan. Waxaa qorshaha Ingiriiska ka soo horjeestay Ruuushka iyo Maraykanka. Leegadu aad ayey ugu riyaaqday hindisahaas oo waafaqsanaa himiladeena iyo bartilmaameedka siyaasadeed. Dhanka kale, Talyaaniga oo ka ficil qaadanaya Hindisaha Ingiriiska, damacweeyna ka qabay Soomaaliya, ayaa dardar cusub gelieyey dadaalkuu ugu jirey inuu carriga Soomaaliya mar kale gacanta ku dhigo.
Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948
Dhammaadkii 1947, ayaa waxaa nalaku wargeliey inuu magaalada Xamar imaanayo Guddi ka socda Afarta Quwadood (Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka) “Four Power Commission”. Muhimada Guddigu waxay ahayd xaqiiqo-raadis iyo inuu u kuurgalo rabitaanka iyo himilada siyaasadeed ee shacabka Soomaaliyeed .
Intaan guddigu imaan, Leegadu waxay qabatay shriweeyne ay ka soo qaybgaleen Guddiyada Leegada ee gobollada Soomaaliyeed oo idil, si looga wadatashado, meelna la isula dhigo mawqifka Leegada ee ku aadan Guddigaas. Wadatashi iyo dood dheer ka dib, Leegadu waxay go’aansatay in la codsado in Soomaliya ay wadajir u maamulaan Afarta Quwadood. Go’aankaasi wuxuu ku saleeysnaa laba aragti oo ah:
  1. Inaan marnaba la aqbali karin in la soo celiyo Talyaaniga oo la ogyahay maamulxumadiisa iyo waliba dhibaatda uu u geeystay ummadda Soomaaliyeed.
  2. Inkastoo Ingiriisku ku dhawaaqay inuu Soomaalida oo idil meel isugu keenayo, loona riyaaqay oraahdaas, haddana waxaa la istusay inaan la aamini Karin Ingiriiska. Leegadu waxay Ingiriiska u aragtay Dawlad weeyn oo mustacmir ah oo aan la iska kicin Karin mar hadday kugu habsato.
Guddugii wuxuu yimid Xamar 6dii Jannaayo 1948. Waxaa la qorsheeyey in urur waliba uu dhoolatus ku maro Guddiga hortiisa oo ah halka Hotel Curuuba hadda ka dhisan yahay, wagaasna ahayd xarunta Guddoomiya Ingiriiska. Waxaa buuq, sawaxan iyo dhoolatus isku daray axsaab iyo kooxo Soomaaliyeed oo Talyaanigu maalgeliyey oo meel kasta la maray calamo Talyaani ah, iyagoo ku dhawaaqaya Talyaani, Talyaani. Leegadu waxay codsatay in maalin gaar ah la siiyo ooy cududooda muujiyaan. Waxaan ka warhelnay in la rabo in la carqaladeeyo bannaanbaxa iyo dhoollatuska Leegada. Leegadu markay darastay xaaladda, waxay go’aansatay, in haddii la carqaladeeyo, ay weerar ku qaado oo abbaarto Talyaaniga oo ah kan soo diraya kooxaha Soomaaliyeed.
Subaxdii 11 Jannnayo 1948, Naadiga waxaan ku reebnay 5 dhalin yaro horseed ah iyo qaar dumar ah. Intayadii kale waxaan abaabuleeynay bannaabaxa. Annagoo ku jirna hawshaas, waxaa na soo gaartay qaylodhaamo in la soo weeraray Naadiga ooy soo weerareen kooxo Soomaali ah oo Talyaanigu soo diray. Ka dib, waa isqaybinay. Qaar waxaan u dirnay Naadiga inay difaacaan, intii kale waxay weerar ku qaadeen Talyaaniga. Halkaas waxaa lagu dilay 54 Talyaani ah , waxaana lagu dhaawacay 55. Dhankayaga waxaa la dilay Xaawo Cismaan (Xaawo Taako). Waxaa Leegada gacan siiyey askarta Somaaliyeed ee Ingiriiska u shaqeeynayey oo hoos Leego ka ahaa. Naadigu wuxuu ku yiil ka soo horjeedka meesha laga dhisay taallada Xaawo taako.
Dhacdadii Dhagaxtuur.
Bishii Sebtembar 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey ooy Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu waxay New York u dirtay Mudane Cabdullahi Ciise si uu cabbiro Mawqifka Leegada oo ahaa in Afarta Quwadood ay wadajir u maamulaan Soomaaliya, madaxbannanina ku gaarsiiyaan muddo 10 sano ah, iyo inaan marnaba dalka lagu soo celin Talyaani. Waxaa xusid mudan in kharashkii ku baxay safarkiisa ay ku tabaruceen gabdhaha Leegada oo gaday dahabkoodii.
Bishii Oktoobar horrankeedii waxaa la helay farriimo muujinaya in Soomaaliya loo dhiibi doono Talyaaniga. 5tii Oktoobar 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga, ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur. Ingiriiska wuxuu soo diray askartiisii oo amar ku bixiyey in 15 daqiiqo gudahood dadka mudaaharaadaya ku kala dareeraan. Haseyeeshee, lagama yeelin, balse waxaa loogu jawaabay dhagax lagu tuuray askarta oo lagu asqeeysiiyey. Waa sababta goobtaas loogu baxshay Dhagaxtuur. Askartii waxay dadkii ku fureen xabbado. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay.
Ingiriisku intaas kuma ekaan ee wuxuu musaafuris ku xukumay qaar ka mid ah madaxda Leegada. Waxaa Ceelbuur loo musaafuriye Aniga oo Daahir ah, Mohamud Maalinguur, Cali Xirsi, Ottavio iyo Xaaji Diiriye Xirsi.
21kii Nofembar 1949 ayaa Golaha Guud ee Qaramad Midoobay soo saaray go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Bishii Abriil 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Maamulkaas oo la magacbaxay “Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia” (AFIS). Waxaa Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Filibiin iyo Kolumbiya oo wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay.
Ka dib markuu soo noqday, Talyaaniga waxaa galay damac ah inuu muddada dheereeysto. Wuxuu isku dayey inuu kala qaybiyo Soomaalida, kala gado, qabyaaladda xoojiyo, Leega laaluusho, abuuro axsaab uu ku adeegto. Intaasoo dhan wuxuu u sameeynayey wuxuu rabay inuu dheereeysto muddada, isagoo u tusaya in Soomaalidu sidaas rabto. Qorshahas waxaa si aan gabbasho lahayn u hor istaagay Leegada oo beeneeyey.
Waxaan jeclahay inaan wax yar ka iraahdo taariikh na dhexmartay aniga iyo Xubinta Filibiin ee Qaramada Midoobay. Waxaan dareemnay in wakiilka Filibiin uu u nugul yahay Leegada. Aniga oo af Ingiriiska xoogaa ku fiicnaa ayaa Leegadu ii dirtay inaan xiriri hoosaad la sameeyo Wakiilka Filibiin. Wakiilkii waa isbaranay. Aad ayuu noo taageeray, asagoo na siin jiray xog iyo akhbaar muhim ah. Waxayse iigu darnayd maalintuu i yiri ma iisiin kartaa billawihii aad ku disheen Talyaaniga. Aad ayaan u naxay. Anigoo argagaxsan ayaan ku iri wax qalab ah oo aan hayno ma jiro. Weli ma fahmin sababtuu ii weydiiyey, waxaanse u qaatay in asaga naftigiisu ku jiray halgan gobanimadoon ooy ka ahayd taariikh uruurin.
Waxaa dhacday in Talyaanigu xirxiray qaar ka mid ah madaxda Leegada ee Kismaayo sanadkii 1952. Leegadu waxay sameeysey mudaharaad. Rabshadihii waxaa lagu dilay nin Talyaani ah. Anigu markaas waxaan ka mid ahay Guddiga Dhexe ee Leegada (Comitato Centrale) oo Xamar fadhigiisu yahay. Anigoo ka khudbeeynaya Naadiga habeen Axad ah sidii caadadu ahaan jirtey, waxaan iri “ Waxaa habboonaan lahayd in 8 Talyaani ah la dilo meesha hal kaliya laga dilay”. Subaxdii ayaa Dhiinsigu ii yeeray, waxaana la ii musaafiriyey magaalada Eyl.
Leegadu waa sii waday halgankeedii ilaa ay ku guuleeysatay doroshooyinkii dawladaha Hoose ee 1954. Markaas ayaa Talyaanigu quustay oo beddelay siyaasaddiisii, dantuna ku kalliftay inuu soo dhaweeyo Leegada.
Waxaa farxad iyo raynrayn noo ahayd markii 12ka Oktoobar 1954 la taagay calanka Soomaaliyeed. Calankaas farshaxankiisa iyo hindisihiisa waxaa lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa madaxda Leegada.
Guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaase nasiibdarro ah inaan hananweeynayn xorriyaddii iyo dowladnimadii.
Isha Qoraalkan
Yaasiin Cusmaan "Dhagaweyne"
xildhiban@hotmail.com
Ogeysiis: Qoraaladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, hadii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska Xamar iyo Xamardaye uu cinwaankeedu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibraahim (Xildhiban)




Qofkii ugu danbeeyey ee ka tirsanaa Asaasayaashii ururkii SYL oo maanta ku geeriyoodey Nairobi

Star FM. November 10, 2009. Nairobi, Kenya.
Waxaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyoodey ALLAHA u naxariistee Cali Xasan Cali oo kamid ahaa aasaasayaashii ururkii SYL.
Cali Xasan ayaa in muda ah xanuun sanayey, waxaana la keenay magaalada Nairobi dhawaan si cudurka hayey dawo loogu helo.
Uggu danbeyntii Cali Xasan Cali wuxuu ku geeriyoodey magaalada Nairobi isagoo ay dadiisu aheyd 86 jir.
Cali Xasan Cali waxaa qofkii uggu danbeeyey ee haatan dhinta kana mid ahaa aasaasayaashii ururkii SYL, waxaana sanad ka hor degmada Qardho ku dhintey ALLAHA u naxariistee Daahir Xaaji Cusmaan.

Ururkii SYL wuxuu ahaa urur u dhaq dhaqaaqa xornimo doonka Soomaaliya sanadihii 1943 ilaa iyo 1960-kii, waxaana ururkii gaarsiiyey Soomaaliya xornimada, gaar ahaan wuxuu awoodiisa xoogeeda ka jirey koonfurta Soomaaliya iyo qeybo kale oo ka tirsan dhulka Soomaaliyeed.
Magacyada 13kii dhallinyarada ahaa ee asaasay SYL
1. Yaasiin Xaaji Cismaan
2. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin
3. Maxamad Cismaan Baarbe.
4. Maxamad Faarax Hilowle
5. Sayidiin Xirsi Nuur
6. Maxamad Cali Nuur
7. Daahir Xaaji Cismaan
8. Xaaji Maxamad Xuseen
9. Khaliif Huudow Macallin
10.Cismaan Geedi Raage
11. Dheere Xaaji Dheere
12. Maxamad Cabdalla Xayeesi
13.Cali Xasan Cali (Barduure)




XUSKA SANADGUURADA SYL (SYL 15-ka MAY)

HOOS KA DAAWO TAARIIKHDA

Halkaan ka akhri
Heesta Maanta :DHALINYARO (HADAAN GEESIYAAL DHIMAN JAMHUURIYAD MADHALATEEN)

HALKAN KA DAAWO VIDEO TAARIIKHDA SYL

HALKAN KA DAAWO VIDEO TAARIIKHDA DALKA SOOMAALIYA

Other Related Videos (Hoos ka Daawo Video-ya kale oo Taariikhi ah)
HALKAAN KA DAAWO BARNAAMISHO KALA DUWAN IYO TAARIIKH ARIMAHAAN QUSEYSA

HALKAN KA DAAWO TAARIIKHDA DALKAAGA

XUSUUSTII KACAANKA CIIDANKII XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED


HALKAAN KA DAAWO BARNAAMISHYO KALE OO SI GAAR AH UGA HADLAYA WAX QABADKII KACAANKA

Qeybta 1aad
Qeybta 2aad
Qeyba 3aad

Other Somali History files (Barnaamisho kala duwan oo kale kana hadlaya taariikhda Soomaaliya

Waxaa soo diyaariyay:
Mohamed Saadaq iyo
Yusuf Garabey

HOOS KA DAAWO WAXYAABO KALE OO TAARIIKH AH

  1. TAARIIKHDA SOMALIYA 1888 to 1974 (Film (Somali-English)
  2. MAGACYADA IYO TAARIIKHDA DHALLINYARADII SYL
  3. TAARIIKHDII XORNIMO DOONKA IYO SYL.( Video English)
  4. TAARIIKHDII MADAXWEYNE ADEN CABDULLE CISMAN.
  5. MADAXWEYNE MAXAMAD SIYAAD BARRE (Maqal-Muuqaal).
  6. WAXQABADKII KACAANKA IYO XISBIGII HANTIWADAAGA KACANKA -GOLAYAASHIISII IYO AWOODAHA AY LAHAYEEN (Maqal, Muuqaal iyo Qoraallo)
  7. DAAWO BARNAAMISH KA HADLAYA TAARIIKHDA SOOMAALIYA OO AAN IDIIN DIYAARINNAY.(Video Somali)
  8. TAARIIKHDA URURADA DIINTA SOOMAALIYA IYO KOBOCOODII (Billoow ilaa dhamaad).
SYL
SYL
Halkan ka akhri
Sanad kasta bisha May 15keeda waxaa dalka Soomaaliya laga xusaa aasaaskii xisbigii gobanimo-doonka ahaa ee SYL, kaasoo ahaa kii ugu horeeyay ee dalka laga furo isagoo ay ku mideysanyihiin dadyowgii ku noolaa koofurta Soomaaliya.
Haddaba inta aanan u guda gelinn dhalintii aasaastay xisbigaas iyo axwaashiisa aan is weydiino sida uu ku bilowday fekerka xisbiga iyo dhalintii dhidibada u aastay.
Dhowr bilood ka hor 15kii May ee 1943kii, waxaa la isku raacsanyahay in C/qaadir Sakhaawadiin iyo Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmarke, oo ahaa laba saaxiibo oo aad isugu fog, ay is weydaarsadeen afkaar la xiriirta nidaamka gumeystaha iyo sida looga bixi karo iyadoo midba feker gaar ah uu qabay.
C/qadir Sheekh Sakhaawadiin oo ahaa ninkii keenay fekerkaas ayaa qabay in la aasaaso Jimciyad Islaami ah oo umadda mideeya inta Xisbi siyaasi ah loo gudbin, halka uu Yaasiin X. Cusmaan uu ka qabay in la aasaaso xisbi siyaasi ah oo shacabka oo dhan metela.

Wadahadaladooda way joogteeyeen iyagoo dhalin kalena kusoo biiriyay, illaa ay markii dambe isku raaceen in la aasaaso naadi ay dhalinta ku kulmaan oo ay isku bartaan waxna isku baraan gaar ahaa ku bartaan Luqadda Engriisiga oo aheyd mid ku cusub dalka,inta laga gaarayo waqti ku haboon oo xisbi siyaasi ah isu beddeli karo naadigaas, waxyna ugu magac dareen SYC Somali Youth Club.
Kulankii ugu dambeeyay ee ay yeesheen aasaasayaasha xisbigaas waxay isku raaceen 3 Qodob oo kala ah:-
  • In xukuumadda Engriiska ee dalka heysata loo qoro codsi ay ku doonayaa in ay furtaan Naadi la yiraahdo SYC.(Somali Youth Club) oo dhalinyarada ku kulanto.
  • In la kireeyo Guri u qalma howlaha dhalinyarada ee lagama maarmaanka u ah soona jiidan kara dhalinyarada.
  • In la dejiyo barnaamij kumeel gaar ah oo dabooli kara qorshaha shaqo ee loo baahanyahay lagama-maarmaana u ah howlaha dhaliyarada.
Markii ay qoreen codsigii ayay 13kii dhalinyaro waxay tageen xafiiskii xaakimkii isticmaarka ee Engriiska u fadhiyay Muqdisho waxyna u gudbiyeen codsigoodii, iyadoo qaar ka mid ah dhalintaas ay qabeen in fekerkooda guuleysan doono halka qaarna ay qabeen in ay xarig muteysan doonaan,laakiin wuxuu ugu jawaabay oraahdii caanka baxday ee aheyd:-
( Waxaad ka koobantihiin dhalinyardiina qabiilo kala duwan waxaana hubaal ah in aadan kuwa hishiin Karin feker iyo ra’yi toona, aniga waxaan idiin arkaa dhurwaayo iyo ari mooro lagu wada xareeyay, sideed naadi ugu hishiin kartaan khilaaf la’aan..)
Hase yeeshee, dhalintii 13ka aheyd oo aan hadal kulul ku celin Karin madaxa mustacmaradda ayaa ugu jawaabay , Hadalkaada waxaan ka dhiganeynaa cashar aan ka faa’iideysano, waxaana barbaarin doonnaa Dhurwaayada, si aysan ariga u cunin, mana fogaan doonto in aad aragto anagoo ku wada nool Naadiga oo aan wax muran iyo khilaaf uusan ka dhex jirin.
Maalmo ayay jawaab ka sugayeen ka dibna waxaa la soo gaarsiiyay warqad lagu xusay in Engriisku uu hadda ku jiro dagaal uusanna u baahneyn in siyaasadda la farageliyo, balse loo ogolaaday in ay furtaan naadi dhalinta ay ku kulmaan waxna ku bartaan.

Kulankii ugu horeeyayba waxay iska dhex doorteen madaxdii hoggamin laheyd naadiga.
Sheekh C/qaadir Sh. Sakhaawadiin ayay guddoomiye u doorteen halka Xaaji Maxamed Xuseen iyo Maxamed Xirsi Nuur(Siidii) loo doortay ku xigeeno iyadoo Yaasiin Xaaji Cusmaana loo doortay Xoghaye.

Xisbiga oo ujeedadiisa fog ay aheyd ka xoreynta dalka gumeystaha kusoo duulay ayaa wuxuu ka dhigtay talabadiisii ugu horeysay ee uu qaado la dagaalanka qabyaaladaa iyo midab kala sooca.
Dhaliyaradii aasaastay xisbiga SYC oo markii dambe isu beddelay SYL (Somali Youth Lego) waxay ahaayeen 13 dhalinyaro oo da’doodu aad u yaraeyd aqoontoodan aad u xaddidneyd. Waxaan halkaan idinku soo gudbineynaa magacyadooda iyo da’dooda iyo weliba sidii xubin nimada ay ugu kala horeeyeen:-
Magaca, Meesha uu ku dhashay, iyo Sanadka dhalashada.
1. Cabdulqaadir Sakhaawadiin, Tayeeglow Bakool 1919 24 Jir
2. Maxamed Xirsi Nuur(Siidii), Mareeg G/gadud 1915 28 Jir
3. Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmarke Hobyo Mudug 1917 26 Jir
4. Xaaji Maxamed Xuseen Maxaad Muqdisho Banadir 1917 26 Jir
5. Cusmaan Geeddi Raage Muqdisho Banadir 1925 18 Jir
6. Dheere Xaaji Dheere Muqdisho Banadir 1926 17 Jir
7. Daahir Xaaji Cusmaan (Dhegaweyne) Hobyo Mudug 1925 18 Jir
8. Cali Xasan Maslax mahubno meesha uu ku dhashay 1919 24 Jir
9. Maxamed Cali Nuur Mugadisho Banadir 1927 16 Jir
10. Maxamed Faarax Hilowle Mareeg G/gaduud 1925 18 Jir
11. X. Maxamed Cabdulaahi Xayeesi Muqdaisho Banadir 1918 25 Jir
12. Huudow Macalin Cabdulaahi Saalax Mareereey Sh/hoose 1926 17 Jir
13. Maxamed Cusmaan Baarbe Baardheere Gedo 1910 33 Jir
kuma koobnaanin 13kaas nin ee markiiba waxaa kusoo biiray dhalin aad u fara badan waxaa xusid mudan kaalintii lama ilaawaanka ahaa ee ay haweenka Soomaaliyeed kasoo qaateen xisbigaas SYL,waxaaba la oran karaa maba najaxeen haddii aysan taakuleyn oo aysan garab istaagin haweenka.
Xisbigu wuxuu dhisay dowladdii daakhiliga aheyd wuxuuna lasoo kulmay dhibaatoouin fara badan illaa uu dalka ka gaarsiiyo madax banaani buuxda.
W/D: Safiyo Abukar Karaani
SomaliSwiss@hotmail.com
(FG. Qormadaan waxaan ka xigtay Aabahey Xaaji Abuukar Maxamuud Karaani (Abukar Dariisho) oo ka mid ahaa dhalintii ku xigtay 13kii dhaliyado ka dib iyadoo sawiradana uu igaga tegay Allaha u naxariistee..). waxaan ka codsanayaa akhristayaasha in ay ka raali noqdaan wixii khalad ah ee ay kala kulmaan qormadaan ilana soo socodsiiyaan si aan u saxo.Mahadsanidiin.
SYL
15May
Taalada SYL
SYL
Xuskii 15-May ee ugu Horeysay

Xuskii 15-May ee ugu Horeysay
Qaar ka Mid ah Dhalintii S.Y.L
Qaar ka Mid ah Dhalintii S.Y.L OO ay ka dhaxmuuqdaan Xaaji Maxamed Xuseen iyo Daahir Dhaga Weyne

Taagan: Xaaji Abuukar Maxamuud Karaani (Abuukar Dariisho) Fadhia: Axmad Shire Laxaawo

Xaaji Maxamed Xuseen “gudoomiyaha Xisbiga S.Y.L  oo Khudbad Jeedinaayo
somsyl
Sayidka
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan
somali resulation
Somali Resulation
GUUL SOMALIA
HALKAAN KA DAAWO BARNAAMISHO KALA DUWAN IYO TAARIIKH ARIMAHAAN QUSEYSA

HALKAN KA DAAWO TAARIIKHDA DALKAAGA

SOMALIA AND ETHIOPIA WAR 1977

XUSUUSTII KACAANKA CIIDANKII XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED

Kacaankii Mileteriga ahaa (Barnaamish gaar ah, 21-ka October iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Other Somali History files (Barnaamisho kala duwan oo kale kana hadlaya taariikhda Soomaaliya

Waxaa soo diyaariyey:

Dibadbaxyo Waaweyn oo ka Dhacay Qeybo katirsan Gobolka Jubada Hoose

                                                                                                                                    
Jimco, November 09, 2012 (HOL) —Dibadbaxyo waaweyn ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka Afmadow, Dhoobley, Badhaadhe iyo deegaano kale oo ku yaal galbeedka gobolka jubada Hoose.

Dibadbaxyadan oo ahaa kuwo waaweyn ayay dadku uga cabanayeen faragelin ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ku heyso Jubooyinka, iyadoona ay dadku ku dhawaaqayeen halku dhigyo ay ku cabirayaan dareenkooda.

Deegaanka Dhoobley oo kamid ah goobaha ay maanta dibadbaxyadu ka dhaceen ayaa waxa wadooyinka magaaladaasi isugu soo baxay boqollaal dadweeyne ah kuwaasoo sitay boorar ay ku xardhanyihiin hal-kudhigyo ay kamid yihiin “Dooni Meyno Maslaxa diidka, Danta Jubooyinka ninkii diida, inaguna tiisa doonimeyno” iyo halku dhigyo kale oo ay ku muujinayaan dareenkooda.

Masuuliyiin katirsan maamulka magaalada Dhoobley oo goob fagaare ah kula hadlay dadka ayaa sheegay in ujeedada dibaxyadan ay tahay in dadka ku dhaqan Jubooyinka ay muujiyaan dareenkooda ku aadan faragelin ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ku heyso gobollada Jubooyinka.

“Waxaan kasoo horjeednaa faragelinta ay dowladda Soomaaliya ku heyso gobolladan, Madaxweeynaha Soomaaliya in uu gobollada qaar dhaho aayahiina ka tashada, Jubooyinkana uu dhaho waan idiin talineynaa wax aan aqbali karno maahan,” ayuu yiri mid kamid ah dadkii dibadbaxa dhigayay oo HOL u waramay.

Dibadbaxyada maanta oo ahaa kuwo xooggan ayaa waxay ka dhaceen inta badan degmooyinka iyo deegaanada ku yaal galbeedka gobolka Jubada Hoose, waxayna dadka si isku mid ah uga soo horjeedeen dowladda Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen in ay faragelin ku heyso arimaha Jubooyinka.

Mudooyinkii u danbeeyay waxaa soo ifbaxayay khilaaf u dhexeeya maamulka KMG ee Jubooyinka iyo Dowladda Soomaaliya, wuxuuna khilaafkani ka danbeeyay kadib markii madax katirsan dowladda Soomaaliya ay sheegeen in aysan aqoonsanayn maamul la filayo in loo dhisayo gobollada Jubooyinka, kaasoo ay soo agaasimeen urur goboleedka IGAD islamarkaasina mudooyinkii u danbeeyay ka socday magaalada Nairobi balse la filayo in dhawaan lagu soo gabagabeeyo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.



Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya

Blog Archive