Shirkii Mideynta DIR oo London ka qabsoomay 22.7.13 iyo Suldaanka Direed oo loo magacaabay Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Ismaaciil Suldaan Nuur Suldaan Diiriye
Waxaa shalay kadhacay magaalada London xaflad loogu dhawaaqay gudida midaynta Dirka oo lagu doortay suldaanka guud ee beesha Direed.
Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Ismaaciil Suldaan Nuur Suldaan Diiriye, oo ah suldaanka guud ee beelaha Dirka oo gudoomiye loogu doortay inuu hogaamiyo gudida midaynta Dirka iyo guud oo dhamaan Soomaaliya Djabouti,Kilinka 5aad iyo waliba NFD.
Waxa shirka ka hadlay Odayaal,Suldaano,Haween,dhalinyaro iyo dadkale oo madasha kulankan kasoo qaybgalay waxay dhamaantood ka waramee xaaladda ka jirta degaanka Dirtu ay degto,midnimada beesha Dir iyo sidii loo der-der galin lahaa hawlaha mideynta beelaha Dir.
Waxa hadalo isugu jirta mahadnaq,Dar-Daaran usoo jeediyey ”Suldaanka madasha lagu cumaamaday Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Ismaaciil Suldaan Nuur Suldaan Diiriye,Waxa uu aad ugu dheeraaday hawshan loo igmaday oo ah hawl aad u balaadhan aanan ka rajeynaayo in hawshan Illahay ii fududeeyo idinkuna aad ila hawl gashaan oo aanan waxba qaban karin hadii aydinaan garab isiinin,Waxa kale oo suldaanka la cumaamaday uu ku tilmaamay in ay tahay guul usoo hoyatay dhamaan beesha Direed meelkasta oo ay jogaan in ay yeeshaan hogaan ay leeyihiin taasina ay wax weyn ka qaban karto dhamaan mideynta beesha Dir iyo horumarka dhinac walba ah,ayna diirada saari doonaan dhamaan baahiyaha u yaala sidii si deg-deg ah wax looga qabto.Isaga oo ugu danbeyntii Suldaanku Baaq u direy dhamaan DIR meelkasta oo ay joogaan in ay midoobaan oo ay ka taliyaan aayahooda iyo Mustaqbalka dalkaba .Waxa kale oo uu kula taliyey dhamaan dadka wada tacadiyada ay kula kacayaan ama dhibka ay ku hayaan beesha direen noockastaba ha ahaatee in ay joojiyaan oo ay ka shaqeeyaan nabada iyo Horumarka.Ugu danbeyntiina waxa uu Illahay uga baryay in ay khayr ku dhamaato”.
Waxa gudida jirta ee beesha DIR ay dhawaan u ambabixi doonaan magaalada Muqdisho oo Ramadaanta markay dhamaato usbuuc kadib lagu qaban doono shirweyne dib uheshiisiin Soomaaliyeed oo ay kasoo qayb gali doonaan dhamaan beelaha Soomaaliyeed laguna lafa guri doono mustaqbalka Somaliya iyo xasilinta gobolada oo dhan.
Sida aynu wada ognahay DIR Waa beesha ugu balaadhan dadka af Soomaaliga ku hadla waxayna degtaa beesha Dir Dhamaan 5antii la isku odhan jirey Somaliya,waxa yana keeni kartaa horumar la taaban karo horumarkan la wada ee ah sidii loo mideyn lahaa DIR si ay hawlaheeda dhinacwalba u qabsadaan.
Xamse Axmed Salaan
London
www.salaanmedia.com
xamse100@gmail.com