Maxamed Cabdullaahi Jibriil (Af-Durdur)
Gabayo dhawr ah
Maxamed Cabdullaahi Jibriil oo ku magac dheeraa Af-Durdur wuxuu ahaa gabayaa caan ah oo u dhashay Gaadsan, Dir, degaankiisuna ahaa Qorraxeey iyo inta la ollaga ah. Wuxuu caan ku ahaa gabayga geela iyo midka dhaqanka guud ee reer miyiga. Sida aad naanaystiisa ka fahmayso, wuxuu ahaa nin gabay loo qiray. Waxaan boggan kusoo gudbinaynaa gabayo dhawr ah oo qabyo wada ah oo aan qaarkood horray u faafinay oo uu ninkaasi tiriyey.
Gabayga ugu horreeya marka uu tirinayo Af-Durdur wuxuu ahaa barbaar muruq-dhardhaar ah oo geela iyo dhaqaalayntiisa u banbaxay. Inuu geela iyo halkii iyo wixii u roon ka fakaro mooyee wuxuu ahaa nin aan hawo adduun oo kale isku mashquulin. Geel reerkoodu lahaa ayuu aad u xannaaneeyey oo kolba halkii caro san ah iyo meeshii naq leh inuu geeyo ku dadaalay. Muddo kolkii uu geelaa sidaa u dhaqaaleeyey ayuu, malaha, sidii uu rabay ama uu islahaa waad mudan tahay ka waayey odaygii geela denbaabi jiray. Markii uu yidhi war sidan ha layga daayana waxaaba loogu jawaabay geelan adigu ma lihidee orod oo waxaad dhaqatay doono. Isagoo haddaba ka waramaya geelaa iyo waxay dhaqaalayntiisu dhib soo marisay ayuu gabaygan tiriyey. Inta nasoo gaadhay, wuxuu yidhi:
• Darmad lebi ah boodaan duryami, oo bir lagu duugay
• Daaraan aleen aan lahayd iyo, dilaal aad ah
• Dul ka yeedha koortaa waxaan, daawad u ekeeyey
• Waxaan aar dinaahyeyn iyo, diilalyo u seexday
• Dab waxaan u shiday intaan, dogobyo soo jiiday
• Dibjirraha iyo baahida waxaan, duuda kor u fuulay
• Dibqaloocyadoo dhacay waxaan, dalab kusoo heesay
• Dawlis iyo wadaan iyo waxaan, yeel isugu duubay
• Dar waxaan ka shubay uunka oo, daaska wada jiifa
• Da’day rimi waxaan awr ku daray, dabacsanoo hoor leh
• Waxaan tii nirgaha daabisiyo, dila dhaqaaleeyey
• Dul warowday daac iyo waxaan, xidhadh dabaalsiiyey
• Intaan dayrta maanta ah taray yaan, dib u shallaytoone
• Haddii layga diray qaalamahaan, abid ku daalaayey
• Ruuxii dagnaan lagu hayow, haatan kuu digaye
• Ragow duq iyo xaaskii is qaba, haysu kala daadin
Waa gabay calaacal u eg, laakiin xaajo qaadasho, dood nin weyn, digniin iyo talo bixin isugu dhafan.
Soomaalidu waqeed waxay isugu faantaa 'reer hebel reer hebel baa ka badan oo ka laandheeraysan.' Iyadoon ciddina tirakoobin, ayey haddana mar walba laabta isugu gaaraacaan laangaab baa tahay, reer hebel miyaad gaadhaan iyo wax noocaa ah. Waxaa la yidhi, dhawr qoys oo Reer Cabdille, Ogaadeen, ku wada abtirsada ayaa isu faanay, gabayo faankaa la xidhiidhana isu tiriyey. Gabayadii mid ka mid ah ayaa si shirqool iyo masabid ah waxaa dusha laga saaray Af-Durdur oo la yidhi isagaa gabaygaa tiriyey. Af-Durdur qoladii gabayga lagu qadfay ayaa qabsatay. Ma tirin anigu gabaygaa ee qofkii tiriyey doonta ayuu isna ugu jawaabay. Nimankii ma qancin. Gabay gabay unbaa jawaab u noqon kara oo halkii uu gaadhay gaadhi kara, wixii uu haleeyeyna hagaajin kara. Kolkii sheekadii faaftay ayuu Af-Durdur gabay mariyey gabaygaa oo uu ku muujiyey shirqoolka meesha ka socda iyo is indha-tirka qoladan dambe ee isaga qabsatay.
Wuxuu isticmaalay xikmad cajiib ah, isagoo gabaygiisii sheeko gundhig uga dhigay. Wuxuu xigtay sheekadii ahayd "shabeel baa caruur meel xidh ah ku qarsaday oo ka qadhaabsi tagay. Intii shabeelku ugaadhsiga ku maqnaa ayey cag-weyn caruurtii ku durdurisay oo cardiiqaha ka dhigtay. Mid yar ayaa baxsaday oo kayn ku dhuuntay. Shabeelkii oo goodir soo dilay oo shaarubaha dhiig ku leh ayaa halkii uu caruurta kaga tagay kusoo noqday. Wuxuu u yimid iyagoo baabah laga yeelay. Kii yaraa ee baxsaday ayuu u yeedhay oo weydiiyey 'war yaa idin laayey?' Geelbaa na laayey ayuu ku jawaabay. Shabeelkii wuxuu yidhi "anaa garanoo, geel ma laynine, giiraa baabi'isay." Sheekadaa khatar ah ayuu Af-Durdur gabay ku dhisay oo wuxuu yidhi:
• Shabeel baa caruur shan ah dhalayoo, qaar shabaab yahaye
• Xidh shareeran buu galiyey iyo, shawli iyo ceele
• Isagoo shaqaysi u baxayoo, shalayto dheef doontay
• Oo cawl shareer badan lehiyo, goodir shilis laayey
• Oo shaarubaha dhiig darayoo, libin la shoocaaya
• Oo soo shabbacay buu u yimid, sheemo iyo yoone
• Shabaakooyinkuu xaaska dhigay, shaaldo lagu jeexye
• Shalaytooyey oo yidhi waryaa, shuunkii gawracaye?
• Mid shitaar ah oo galay huluul, shar isla soo taagye
• Shuftadii inay geel tahay buu, shubay warkeediiye
• Shifana Eebbahay ugama dhigin, sharaxle weedhaase
• Shaadiro riyaad iyo laxbuu, shiish ku qaabilaye
• Shansho gaabnidooduu arkaye, lama shuqeeyeene
• Anna waxa rag ii shabinhayaa, waa shaqiibnimo e
• Ammaan Waaq haddii uu shin yahay, layma sheemeene
• Shirwac iyo Sharmaarkiyo maxaan, Higis u sheegsheegi
• Maxaa Cali Wanaag igu shiddayn, maan isaga sheexo
• ...
• Shilaabana aan joogee anoo, shawrka marinayaa
• Car bal xaajadaas oo shirraban, sharac Allee keena!
Waxaa jirta sheeko aanan wax badan ka haynin oo dhexmartay Af-Durdur iyo gabayaa kale oo Muuse Hurre la odhan jiray oo Bahgeri, Ogaadeen ahaa. Sheekadaasi waxay ka kacday guur haweenay magaceeda lagu sheegay Canbaro-Aadan. Gabayo badan oo mudo socday ayey Af-Durdur iyo Muuse Hurre is dhaafsadeen. Dhawr kuwii Af-Durdur ah oo aan ka qoray cajalad uu duubay Cali-shoocaac Cabdille Fiixiye ayaan raacinaynaa. Jawaabtii Muuse Hurre, kuwa Af-Durdur wixii ka maqan iyo sheekadaba haddii aad wax ka hayso nasoo gaadhsii, kheyr baad helaysaaye. mail@doollo.com.
Af-Durdur baa ku horreeyey oo mariyey gabaygan uu kula yaaban yahay sababta ay Canbaro-Aadan ku dooran karto Muuse Hurre. Dadyow kale oo badan ayuu tiriyey oo uu leeyahay kuwaa mid ka mid ah may guursato. Wuxuu yidhi:
• Maxamuud Garaad iyo kolay, Reer Harti u moodo
• Ama ay Mareexaanka Bari, midig u raadcayso
• Iidoorka maadha ah kolay, inan ka meermeerto
• Ama ay Maxamedkaa Subeer, meel isaga tuurto
• Kolay macallin reer Aw ah iyo, sheekh mufti ah raacdo
• Maryo weynta reer Tolomogiyo, miidha Cawlyahana
• Margi-balaqay hilay saaratiyo, geel miscilil weyn leh
• Iyo adhi mukhuur iyo lo' badan, kama madhnaateene
• Afarteeda meelood Bahgeri, madax kolay aaddo
• Oo aanay maqaafaha ka xulan, iyo midgaankooda
• Kolaad nimanka kula maytida ah, meherka raacsiisid
• Muslim badaye seebay Milmili, ugu macaanaatay?!
Muuse Hurre kolay gabayaa ka jawaab ee soo raadi jawaabtiisii. Waxaa ku noqday Af-Durdur oo yidhi:
• Midiin quruxsan maaweel la mood, madal lasoo tuurye
• Milmil nin u dhashay baa maanso iyo, meherad kaa fiican
• Baddoo madhatay oon ruux mantagay, maydhi karin weeye
• Magaalada Hargaysoon lahayn, mariyo qeyd weeye
• Markab Cadan kasoo dhoofayoon, mood ku jirin weeye
• Muqdishiyo Markiyo Baydhaboon, moos ka bixin weeye
• Nimuu Malakumowdkii maroon, mowd u noqon weeye
• Mas-cad iyo abees nimuu mirtoon, maral ahayn weeye
• Oo maariin-dhalaal bay noqoni, maaqufyadu weeye
Soo raadi jawaabtii Muuse Hurre ka bixiyey gabaygaa. Halkaa markay marayso, Muuse Hurre wuxuu la baxay Canbaro-Aadan wuuna guursaday. Af-Durdur marka xero uma oodna, afkiisuu la baxay. Gabaygii ayuu ku noqday oo wuxuu yidhi:
• Wax la xiiso maalaba markay, xaganto laabteedu
• Ee gabadha xaluskii ka baxay, xaydhu ka idlaato
• Iyadaa xadhaadhaan sidii, xabag dhunkaaleede
Soo raadi jawaabtii Muuse Hurre ka bixiyey gabaygaa. Mar kale waxaa gabaygii ku noqday Af-Durdur oo yidhi:
• Anoo aabbahay dhaqay hor-weyn, dhabana oo aada
• Waxaan dumarka uga dhawrsadaa, dhawr tiraad bixine
• Nimanyahaw nin dhawr neef lehoo, dhawrsan kari waayey
• Oo gabadh rag dhalay dhooldhooliyoo, dhabanno xoodaanshay
• Oo dhaar ku maray maalintaa, Dhudi inaan guursan
• Maxay dhami maxay dhigan maxaa, dhiisha lagu qaabin
• Dhar maxay ka xidhan naagi waa, tii la dhaalaco e
• Xidid waa dhagmaayee maxaa, qoladii loo dhiibi
• Maxay dhaansan gaadiidku, waa ka ugu dheef roone
• Dheeldheel danbeetiyo maxaa, dhamamax loo laabi
• Dhibic maxay ku soo siin xirsiga, lagu dhawaaqaayo
• Sida nimanka dhaantadu hoddiyo, dheellidiyo beertu
• Dhal la’aanta lama fiiriyiyo, dhaalka yaa karine
• Dib baa xaajo loo dhagaxguraa, tay u dhaadhiciye
• Dhiiqey miskaha kuugu ridi, dheregta qaarkeede
• Ragow hays dhabaandhabin, adoon xeradu kuu dhoobmin
Halkan ka dhagayso afarta gabay ee u dambeeya.
THE HISTORY OF SOMALI DIR CLAN: TAARIKHDA BEESHA DIREED DIR
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Blog Archive
-
▼
2011
(256)
-
▼
May
(125)
-
▼
May 11
(7)
- PRE-ISLAMIC TRACES OF WAAQLE IN SOMALI AND OROMO R...
- PRE-ISLAMIC TRACES OF WAAQLE IN SOMALI AND OROMO R...
- THE GARRE QURANYOW MUHAMMED XINIFIRE
- A PRELIMINARY INVESTIGATION OF THE BLOOD GROUPS OF...
- THE XEER CIISE MADOOBE DIR
- Maxamed Cabdullaahi Jibriil (Af-Durdur) GABYAA...
- XILIBAAN XASAN ISAAQ YACQUUB (GEESCADE) BEESHA REE...
-
▼
May 11
(7)
-
▼
May
(125)
- ► 2012 (418)
No comments:
Post a Comment