Thursday, September 8, 2011

Beesha Suure Mahe Dir "Dadka Magaca Leh"

Beesha Suure Mahe Dir "Dadka Magaca Leh"

Koonfurta Somalia iyo Gobalada Galbeedka Somalia (Kilka 5)iyo NFD-ba hadii la soo hadal qaado magaca Dir waxa ay Somalidu Darood, Hawiye iyo Rahanweynba u arkaan in Suure kaliya laga hadlayo. Magac Direedna waxaa uu u dhigmaa Suure. Taasi waxa ay Dhalisay in beesha Suure gabi ahaanba magacoodi Suure uu wiiqmay oo gabigiisiba Dir noqday.

Qorayaasha reer Galbeedka I.M Lewis, Richard Burton, iyo qaarkale oo fara badan xitaa Suure ma Sheegan oo Dir un bay ku tilmaaman. I.M Lewis waxaa uu qoray in Dir ay leeyihiin Beelo fara badan oo Mudug, Galgaduud, ilaa Doolow Dagan. Sidoo kale ay Dirkaasi Galbeedka Somalia dagaan. I.M Lewis waxa uu xitaa magacabay beesha Gadsan iyo Dir Xer ah oo uu ula jeedo Suurah Galbeedka gobolka Somalia ilaa hawd dagan.

Hase ahaatee Qorayaasha Taarikhda ee Talyaaniga ayaa Suure ku tilmaamay in ay yihiin Beelweyn iyaguna ay sheegeen Suurah Dagan Jamaame ama Juubada hoose. Talyaaniga waxa ay 1944kii qoreen buugag fara badan sida kuwa Cerrilu iyo Posine waxa ay iyguna sheegayaan Beelah Dir in ay Dagaan Hiiraan (Fiqi Cumar iyo Fiqi Muxummed) gobolada Galgaduud (Cabdalleh- Fiqi Muxummad, Reer Agoon,Nacadoor iyo Laxmar). Qoraalo kale ayaa iyaguna midwalba Zona Galkacayo ku sheega Dabac iyo Agoon iyo Nacadoor iyo beelo kale oo la dhashay. Sidoo kale Camaara iyo Doolow waxa ay ku tilmaamen beelsha weyn ee Suure Qubeys iyo Lafo kale oo Suure ah. Nasiib daro Mudug Talyaanigu Xitaa marar badan ma u istacmaalin ama ma ay fahansaneen qeeybah kala duwan ee Suure in ay lafaha ay wax ka qoreen ku wada abtirsadaan Suure oo ay wada hoos yimaadaan Suure Maahe Dir labadood lafood Qubeys iyo Cabdalle.

1992-2000 faalooyinka iyo qoraaladii U.N iyo E.C iyo qoraaladii Saxaafadah reer qalbeedka xitaa waxa ay bilaabeen Qariidado sharaxaya deeganada Mudug Hiiraan Gedo Bardheere iyo Jamaame ilaa Galkacayo Toofiiq, Bacadweyn, Galool, Dhiinood iyo Gelgaduud. Marar badan iyagoo lafaha Qubeys iyo Cabdalle Sheegaya in ay Dir yihiin kuna Qiyaasay Dirka Gobalada Dhex 300,000 kun oo ruux hadana ma isticmaalaan Magaca Suure iyagoo Reer Dabac, Fiqi Cumar, Reer Agoon, Beyr, Nacadoor iyo lafa hooseba qoray.

Dhalin Badan oo Qurbo jooga yaa dhawaan bilaabay in ay ka xanaaqaan magacan Suure ee ku hoos lumay magaca Direed lana dagaalama dhalinta Suure oo marka la weydiiyo yaad tahay yiraahda Dir Qubeys ama Dir Fiqi Muxummad ama Dir Nacadoor ama Dir (magaca guud iyo Laftoodi hoose) kana boodaya magacii Suure.

Suuraha Waxa ay isku tilmaami jireen "Dadka Magaca Leh" caado ahaana waa sharaf weyn in ay ayidsan yihiin Magaca Direed laakin qaar baa is weydiiya in ay xaq tahay Suure oo intuu dhalay 400,000 kor u dhaafayaan in aan la aqoon sodomeeyada lafood ee la wada yaqaan magac u dhexeeya ee Suure.

Hada ka hor ayaa waxaa la yiri nin baa magaca Dir si kaldan u istacmaalay oo yiri "Dirta" nin Direed oo meeshii joogay ayaa soo booday oo ku yiri ninkii waryaa Dirta ha dhihin ee Dirka dheh. Waayo Dirta waa khalad oo -ta waxa la raacshaa wax dumara, Dirse waa nin oo waa Dirka. Murunkii rasaas iyo dhimasho badan ayaa ka dhashay. Waa badownimo horta qabiilka badan laakin dadkii hore magaca wey jeclayeen ilaa heer ay ku dhintaan, ninkaasna Suuru ahaa. Maanta se waxaa soo baxay Dhalin badan oo qabsata marka qof Suure ah Sheegto Agoon Dir, Fiqi Cumar Dir ama Fiqi Muxummad Dir ma Saxbaa mise waa dad maan gaab ah?

Horta Suure ha xasuustaan Magacaan waa magacii abkeen, Odeyaashii Dhalay Suurena waxa ay kula Dardaarmeen in ay ilaalshaan magacooda ilaa heer anu ilaawnay magaceeni Suure oo Dir iyo Lafta hoose aan istacmaalnay. Waana Dhaxal san in magac abka la isticmaalo, gacmo hore oo haatan qabri ku jiraa arintan ka talshay lagamana tagi karo. Hase ahaatee Suurah Dhalinta cusub xaq beey u leeyihiin in iyaguna ay odeeygii Suure Magiciisi galka ka soo baxshaan oo aan dhahno: anigu Suure Reer agoon ama Suure Fiqi Muxummad Dir baan ahay. Ama Sida hada aan ka maqlo Mareykanka iyo Canada aniga Suure Cabdalle iyo Qubeys ayaan ahay ayaa ugu caansan Dibad. Habeen Dhaweyd ayaa meel xaflada ayaa nin i barayay nin kale oo uu yiri ninka waa saxiibkey waa Suure Cabdalle Qubeys, markaasuu ninkii kaloo i yaqaaney Dir yiri bax ninkaa waa Dire.

Gaba babo iyo gunaanad: Suurow magaciina waad isticmaali kartaan laakin Dir ha ka reebina oo Suure Dir kaliya istacmaala. Awoowyasheen Qubeys iyo Cabdalle waxa ay ahayeen rag aragti dheer oo dhal awliyo ahaa waxana u talin jiray rag Fiqiyaalah marwalban magac Direed wey jeclayeen, idina jeclaada.

No comments:

Blog Archive