Monday, September 26, 2011

Ugaaskii Beesha Gur-gure: Ugaas Gadiid Cabdulaahi Ugaas Buux oo Geeriyooday




Ugaaskii Beesha Gur-gure: Ugaas Gadiid Cabdulaahi Ugaas Buux oo Geeriyooday





Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee, waxaa shalay magaalada Diridhabe ku geeriyooday, ugaaskii beesha Gur-gure; Ugaas GadiidCabdulaahi Ugaas Buux, oo maanta lagu aasay isla magaalada Dirdhabe. Ugaas Gadiid, oo beesha Gur-gure, hogaamiye dhaqameed u soo ahaa in ka badan 30 sanadood, ayaa in muddo ah ku xanuunsanaa magaalada Diridhabe.







Kadib markii shalay si kadis ah loogu soo sheegay geerida ugaaska, ayuu Madaxweynaha DDS, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo markaasi safar shaqo ugu sii jeeday gobolka Dhagaxbuur, uu diyaariyay wafdi ka socda Dawlada Deegaanka Soomaalida inuu ka qayb galo aaska ugaaska. M/weyne ku xigeenka DDS,ahna Wasiirka Hawlaha Guud, Mudane Adan Faarax iyo wafdi uu hogaaminayo, oo matalaya xukuumada deegaanka, ayaa ka qayb galay aaskii Ugaas Gadiid oo maantaka dhacay Diridhabe. Madaxweynaha DDS, Mudane Cabdi Maxamud Cumar, ayaa dhambaal tacsi ah u diraya eheladii uu Ugaas Gadiid ka geeriyooday, iyo guud ahaanba beesha Gur-gure, wuxuuna ilaahay uga baryayaa inuu ugaaska u naxariisto ehelkiisiina samir iyo iimaan ka siiyo.

Alla ha u naxariistee Ugaas Gadiid oo da’diisu ahayd 52 jir,ayaan ifka kaga tagin wax caruur ah.

No comments:

Blog Archive