Monday, February 27, 2012

Gaal Jarmal Ah oo Hargeysa Lagu Xiray Aflaamna ka

Gaal Jarmal Ah oo Hargeysa Lagu Xiray Aflaamna ka duubayay gabdho Somaliyeed oo Waxishnimo ah daawo sawirada. Gaalkaan ayaa gabdhaha ka duubi jiray aflaam galmo iyo qawanaan ah oo ay ku jireen dhowr iyo toban gabdhood. Maxaa lagu xukumayay ayay kula tahay gaalkaan oo 70 jir ahaa una dhashay Jarmalka? Waxaa lagu xukumay 4 sano iyo $10,000 oo ganaaxa sida warar isa soo taraya oon lagu kasoneeneyn sheegayaan in la siideyn rabo kadib dowlada Jarmalka cadaadis ba'an ku hayso dowlada Somaliland. Tani waxa ay tilmameysaa dacifnimaada iyo dabadhilfnimada dadka Somalida ku habsatay. Waxa ay aheyd in ninkaan Dil lagu fuliyo ama xabsi daaim. Sida ay wararku sheegayaan wuxuu gaalku sheegtay in uu Muslim yahay markii danbase qirtay in uu Kristaan yahay. Hargeysa oo nin Jarmal ah lagu xukumay xabsi 4 sano ah Maxkamad ku taalla Hargeysa ayaa xukun 4 sano oo xarig ah ku riday nin u dhashay dalka Jarmalka, kaasoo ka sameynayay gudaha Soomaaliya filim anshax xumo ah iyo sawirro. Saraakiil ayaa sheegay in ninkaasi oo lagu magacaabo Gunter Pischof Albert uu ku lug lahaa falal ka dhan ah diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida, isagoo filim iyo sawirro ka qaadanayay gabdho Soomaali ah oo uu galmood la sameynayay. Shalay ayaa maxkamaddu waxay go’aamisay inuu xukunkiisu yahay 4 sano oo xabsi ah iyo ganaax dhan toban kun oo oo doollar. Sidoo kale gabar 23 jir ah ayaa iyadana lagu xukumay hal sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 880 doollar Garsoorihii Maxkamadda iyo dadka dacwada dhageysanayay ayaa muujinayay sida ay uga xun yihiin falka noocan oo kale ah oo meel ka dhac ku ah dhaqanka Soomaalida. Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in Albert oo ay da’diisu tahay 72 jir uu la shaqeynayay laba hay’adood oo caalami ah oo kuwa samafalka ah, kuwaasoo aan magacooda la sheegin. Xukunkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah, iyadoo maamulka Somaliland uu digniin ugu jeedisay qofkii ama shirkaddii lagu helo falalkaasi oo kale in ciqaab adag la marsiin doono.

1 comment:

Anonymous said...

http://youtu.be/cOrKd-4aPf8

Blog Archive