Monday, February 6, 2012

Qoraalo Tariikhi ah ee Dagaalkii Galgaduud ee Dhex marary Surre iyo Mareexan 2003

Qoraalo Tariikhi ah ee Dagaalkii Galgaduud ee Dhex marary Surre iyo Mareexan 2003-2004

Dagaal culus oo subaxnimadii maanta ka bilowday tuulada Xeraale oo ka tirsan degmada Cabuud Waaq ee gobolka Galgaduud ayaa sababay dhimashada dad tiradooda lagu qiyaasay 45 qofood, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo aan la sheegin. dagaalladaan oo u dhaxeeya labo beelood oo halkaasi wada degan ayaa ka bilowday barkad biyaha laga cabo, iyadoo ay ka qeyb qaateen baabuurta dagaalka oo ay ku jiraan kuwo gaashaaman Afhayeen u hadlay beesha Mareexaan oo ay soo xiganeysay idaacadda Jubba ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen degmada Cabuud Waaq, balse dagaallo teel teel ah ay ka soconayaan daafaha degmadaas, haseyeeshee ma jiraan warar caddeynaya hadalka sheegashada ah ee ka soo yeeray af-hayeenkaas. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in culumaa’udiin iyo odayaal ka kala tirsan labada beelood ay ku baaqeen in ay labada dhinac joojiyaan xabadda oo ay wada hadal ku dhameystaan khilaafaadkooda. Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Weli Axmed Nuur oo ka mid ah waxgaradkaas ayaa isaga oo ku sugan Buulo Xaawo waxaa uu labada dhinacba ugu baaqay in ay joojiyaan dagaallada iyaga oo ixtiraamaya bisha barakeysan ee Ramadaan oo ay muslimiintu sooman yihiin.



Dagaalad xeerale : News about the conflict in the media. 3/4/2004 1:40 PM UTC Isniin, October 26, 2003 Dagaal culus oo subaxnimadii maanta ka bilowday tuulada Xeraale oo ka tirsan degmada Cabuud Waaq ee gobolka Galgaduud ayaa sababay dhimashada dad tiradooda lagu qiyaasay 45 qofood, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo aan la sheegin. dagaalladaan oo u dhaxeeya labo beelood oo halkaasi wada degan ayaa ka bilowday barkad biyaha laga cabo, iyadoo ay ka qeyb qaateen baabuurta dagaalka oo ay ku jiraan kuwo gaashaaman Afhayeen u hadlay beesha Mareexaan oo ay soo xiganeysay idaacadda Jubba ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen degmada Cabuud Waaq, balse dagaallo teel teel ah ay ka soconayaan daafaha degmadaas, haseyeeshee ma jiraan warar caddeynaya hadalka sheegashada ah ee ka soo yeeray af-hayeenkaas. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in culumaa’udiin iyo odayaal ka kala tirsan labada beelood ay ku baaqeen in ay labada dhinac joojiyaan xabadda oo ay wada hadal ku dhameystaan khilaafaadkooda. Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Weli Axmed Nuur oo ka mid ah waxgaradkaas ayaa isaga oo ku sugan Buulo Xaawo waxaa uu labada dhinacba ugu baaqay in ay joojiyaan dagaallada iyaga oo ixtiraamaya bisha barakeysan ee Ramadaan oo ay muslimiintu sooman yihiin. Galgaduud ( AllPuntland )- Xaalada Guud ee degaanka Xeraale ayaa maanta ah mid xasiloon kadib markii shalay barqadii uu halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday qoryaha darandooriga u dhaca, kaasoo sida la sheegay u dhaxeeyay beelihii dhawaan halkaasi isku qabtay. War La Xiriira Dagaalo Ka Dhacay Xeraale- Sunday, February 29, 2004 Dagaalkii shalay dhacay ayaa waxey warar aan lagu kalsooneyn sheegayaan in ay gaartay tirada dhimashada ee halkaasi 6 ruux iyadoo dhaawacana lagu sheegay tiro dhan saddex ruux, isgaarsiinta goobtaasi oo aan wanaagsayn waxaa adkaaday in la ogaado khasaaraha dhabta ah ee dirirtaas shalay ka dhashay, waxeyna wararka naga soo gaaraya Xeraale intaasi ku darayaan in dagaalku haatan qaboobay, iyadoo aysan jirrin cid kala dhex gashay beelaha halkaasi ku dirriraya, waxeyna dad ku sugan goobta dagaalku ka dhacay sheegeen in ay wali is hor fadhiyaan Maleeshiyo beeleedkii dirriray. Dagaalada Ka dhacaya deegaanka Xeraale ayey dad badan aaminsanyihiin in uu yahay mid salka ku haya arrimo siyaasadeed, walow siyaasiyiinta beelaha halkaasi ku dirriraya ay iska fogeeyeen mar wax laga weydiiyay in uusan dagaalkaasi wax siyaasad ah ku lug laheyn.



Xeraale (AllPuntland)- Deegaanka Xeraale oo isagu ka mid ah deegaanada Gobolka Galgaduud ayaa saakay barqadii waxaa mar kale kasoo cusboonaaday dagaaladii sokeeye ee ay dadka deegaankaasi maalmahii u dambeeyay wax xoogaa ka nasteen. Wararka naga soo gaaraya Gobolkaasi ayaa waxey intaasi ku darayaan in saakay barqadii uu halkaasi dagaal ku dhex maray labadii beelood ee ay dirrirtu u dhaxeysay, dagaalkan ayaa la isku adeegsaday Qoryaha Darandooriga u dhaca ee AK47. waxaana la sheegay in qasaaraha dhimashada uu saakay barqadii ahaa 1 ruux oo dhimasho ah iyo dhaawac ka badan sadex ruux. Lama yaqaan sababaha dhabta ah ee soo cusboonaysiisay dagaaladan ka dhacaya Xeraale iyadoo todobaadkii hore dhex dhexaadin la doonayo in lagu dhameystiro dagaaladan uu ka dhacay Deegaanka Guri Ceel, kaasoo la sheegay in aysan soo xaadirin labada dhinacba, balse warar aanu ka helnay illo xog ogaal ah ayaa tibaaxaya in qorshaha dagaalkaasi uu ka fog yahay dadka goobaha dagaalka jooga, iyadoo la sheegay in ay dagaalkaasi abaabulayaan dad iyagu ku sugan dibadaha, waloow ay siyaasiyiinta labada dhinac ay marar badan ku celceliyeen in dagaalku uusan wax siyaasad ah ku lug laheyn.


SUURE NEWS from Xeraale Go to XERAALE.COM 2/28/2004 4:12 PM UTC Hishiis kadhacay Magaalada Caabudwaaq iyo Arimaha Xeraale oo sii xumaanaysa. Dhuusamareeb Feb-19-04, Xeraale.com Maanta oo ay Taariikhdu tahay 2-18-04 Ayaa Idaacada BBCda sheegtay " in heshiis wayn uu ka dhacay Magaalada Caabudwaaq, heshiiskaa oo dhexmaray Labo Beelood oo katirsan Beesha Mareexaan." Hadaba beelahaa hishiiyay ayaa Dagaalkoodii ahaa Midkii hakiyay Dagaalkii Beesha Mareexaan ay kula jirtay Beesha Faqi-Muxamed (Degaanka Xeraale). Waxaan qadka Telefoonka kula hadalnay Odayaal waaweyn oo katirsan Beesha FaqiMuxamed oo jooga Magaalada Dhuusamareeb, waxayna inoo sheegeen in heshiiskaa uu ahaa mid ay Beesha Mareexaan ku heshiiyeen in ay midoobaan isla markaana ay howshoodii(Dagaalkoodii) meesha ay ka wataan. Odayaashaasha waxay intaa ku dareen in Shalayto ay isku dhaceen ciidamo ilaalo ah kaasoo Qasaare iyo dhaawac u gaytay Beesha Mareexaan. Waxay kaloo intaas ku dareen in Ciidamada laba Beelood ay isku horfadhiyaan labo meelood oo isu muuqda, Waxayna yiraahdeen hadii aan lahelin cidkala dhexgala waxaa macquul ah in ay sifudud iskugu dhicaan ciidamada. Ilaa iyo Iminka lama sheegin wax waan waan ah oo kadhexsocda labada beelood iyo wax hadal haya intaba. Inkastoo Beesha Mareexaan ay horey ugu gacan sayrtay Culumaa'udiinadii, Suldaamadii, Nabadoonadii, iyo waxgaradkii isugu Jiray Beelaha wada dega Gobolka Galguduud ayaa wax rajo waan waan ah aan wali laga heyn, Halka Beesha Faqi-Muxamed ay Diyaar u yihiin heshiisiin dhexmarta iyaga iyo Beesha Mareexaan. Dadka Degan Dagaanka Xeraale iyo kuwii ka qaxay Dagaaladii Kadhacay Halkaa ayaa iyagu aad u dhibaataysan oo cabsi weyna kaqabo dagaalo kale oo halkaa kadhaca. Dad ka soo waramay Xaaladaha Dadkii ka qaxay Dagaaladaa ayaa aad aga deyriyay oo Sheegay Dadka qaarkood oo u badan Caruur iyo dumar ayaa Caafimaadkoodu aad u liitaa Waxayna yiraahdeen "hadii aan Hey'adaha Samafalka Aduunka soo gaarin Dadkaa Qatar weyn ayay ku sugan yihiin. Maxamed Abdi.



Xeraale.com/Dhuusamareeb Dad gaaraya ilaa iyo 3500 oo qof ayaa waxay ku dhibaataysan yihiin Degaanka Xeraale Iyo Degmooyinka Dariska La’ah. Muqdisho, Soomaaliya. Feb-4-04 Warar naga soo gaaray Degaanka Xeraale iyo Degmooyinka dariska la ah ayaa sheegaya in dad tiradooda ay gaareyso ilaa 3500 oo qof ay ku dhibaataysan yihiin Halkaas. Dadkaas oo ka qaxay Dagaalo goos goos ah oo kadhacaya Degaankooda (Xeraale) ayaa ku kala daadsan Degmooyinka Boholo, Dhuusomareeb, Huurshe, Mayeeraan, Iyo Qod-qod. Afhayeen u hadlay Dadkaasi ayaa waxa uu u sheegay qaarkamid ah warfidiyeenada in dadkan ay mudo Sedeed bilood ah qoxooti yihiin oo aanay jirin haba yaraatee wax hay’ad samofal Bini aadanimo ah u fidiyay dadkaasi. Waxaa uu Afhayeenka intaa ku daray in dadkaasi ay u badan yihiin Caruur iyo Dumar ay aad ugu baahan yihiin Daryeel Caafimaadka iyo Raashin ay cunaan. Waxaa kalee uu afhayeenku u sheegay warfidiyeenada in hadii aanay Hay’adaha Samofalka Aduunka u soo Gurman dadkaan ay Halis ugu Jiraan Gaajo iyo Cuduro. Dagaalladii kadhacay Deegaanka Xeraale ayaa ahaa mid aad iyo aad u foolxun oo sababay Dhimasho iyo Dhaawac aad u farabadan. Maxamed Ali oo ku magacdheer (Shabeel ) ayaa waxa uu warfidiyeenada u sheegay in Dagaalka kadhexeeya Beelahan uu sii daba dheeraanayo oo weliba Ciidamadooda ay weli is hor fadhiyaan jiida hore. Wararka waxay intaasi ku darayaan in Waxgaradka iyo Ganacsatada kasoo jeeda Degaanada Dhuusamareeb, Cadaado, Guraceel iyo Ceeldheer oo isku dayeey inay soo Afjaraan coolaadaasi ay ku guuldareysteen oo sheegay in Beesha kasoo jeeda Caabudwaaq ay ka biyo diidsan yihiin Hishiisiin. Wax garadka iyo Ganacsatada ayaa sheegay in hadana ay ku rajo wayn yihiin inay soo Afjaraan dagaaladaasi. Cabdiraxmaan Abdi Muqdisho, Soomaliya Nin lagu dilay agagaarka Baar ubax Dagaalada Mudug Awgood Muqdisho, Somaliya. Waxaa maanta lagu dilay meel udhow baar ubax nin dhailnyaro ah oo lagu magacaabi jiray indhobohol Diiriye Faarax,dad ka agdhawaa meesha lagu dilay marxuumka waxay ii sheegeen in dhalinyaro hubaysane ay kala soo degeen baabuur uu saarnaa oo ahaa kuwa loo yaqaan BLka isla markiina waxay ku fureen rasaas ilaa ay naftu ka baxdo.Waxaana la xaqiijiyay in arrintu tahay ninka ladilay beeshuu ka dhashay iyo kuwa wax dilay in dagaal kharaari ku dhexmaray Golol oo ka tirsan gobalka Mudug gaar ahaan degmada Jiriiban,taasoo dad badani maanta fajac ku noqotay in dagaalkii baadiyaha la keeno magaalada Muqdisho.waana markii u horaysay oo labadaa beelood ay dad isaga dilaan magaalada Xamar iyadoo dagaalkoodu usocday in ka badan afar sano. Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda degaanka Golol ayaa cambaareyey Dilkaas Foosha xun,waxayna codsadeen in si wadajira loo soo qabto kuwii gaystey dilkaas oo aan loo eegin haybtay yihiin lana horkeeno shareecada islaamka si loo yareeyo kuwa caadaystay in ay dadka walaalaha ah isku diraan oo dhibaato hor leh ka dhexabuuraan,iyadoo hore loogu guulaystay in xabadii ka dhexsocotay labada beelood la joojiyo wada hadalna uu uga socday magaalada Gaalkacyo ,Dhacdadaan oo aad mooddo inay dhabarjab ku tahay waxgaradkii waanwaanta ka waday gobalka Mudug. Xeraale.com (Posted by guest: XEERAL.COM)



Dagaal culus oo subaxnimadii maanta ka bilowday tuulada Xeraale


2003 Dagaal culus oo subaxnimadii maanta ka bilowday tuulada Xeraale oo ka tirsan degmada Cabuud Waaq ee gobolka Galgaduud ayaa sababay dhimashada dad tiradooda lagu qiyaasay 45 qofood, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo aan la sheegin. dagaalladaan oo u dhaxeeya labo beelood oo halkaasi wada degan ayaa ka bilowday barkad biyaha laga cabo, iyadoo ay ka qeyb qaateen baabuurta dagaalka oo ay ku jiraan kuwo gaashaaman Afhayeen u hadlay beesha Mareexaan oo ay soo xiganeysay idaacadda Jubba ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen degmada Cabuud Waaq, balse dagaallo teel teel ah ay ka soconayaan daafaha degmadaas, haseyeeshee ma jiraan warar caddeynaya hadalka sheegashada ah ee ka soo yeeray af-hayeenkaas. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in culumaaâudiin iyo odayaal ka kala tirsan labada beelood ay ku baaqeen in ay labada dhinac joojiyaan xabadda oo ay wada hadal ku dhameystaan khilaafaadkooda. Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Weli Axmed Nuur oo ka mid ah waxgaradkaas ayaa isaga oo ku sugan Buulo Xaawo waxaa uu labada dhinacba ugu baaqay in ay joojiyaan dagaallada iyaga oo ixtiraamaya bisha barakeysan ee Ramadaan oo ay muslimiintu sooman yihiin.
War La Xiriira Dagaalo Ka Dhacay Xeraale
War La Xiriira Dagaalo Ka Dhacay Xeraale- Sunday, February 29, 2004 Dagaalkii shalay dhacay ayaa waxey warar aan lagu kalsooneyn sheegayaan in ay gaartay tirada dhimashada ee halkaasi 6 ruux iyadoo dhaawacana lagu sheegay tiro dhan saddex ruux, isgaarsiinta goobtaasi oo aan wanaagsayn waxaa adkaaday in la ogaado khasaaraha dhabta ah ee dirirtaas shalay ka dhashay, waxeyna wararka naga soo gaaraya Xeraale intaasi ku darayaan in dagaalku haatan qaboobay, iyadoo aysan jirrin cid kala dhex gashay beelaha halkaasi ku dirriraya, waxeyna dad ku sugan goobta dagaalku ka dhacay sheegeen in ay wali is hor fadhiyaan Maleeshiyo beeleedkii dirriray. Dagaalada Ka dhacaya deegaanka Xeraale ayey dad badan aaminsanyihiin in uu yahay mid salka ku haya arrimo siyaasadeed, walow siyaasiyiinta beelaha halkaasi ku dirriraya ay iska fogeeyeen mar wax laga weydiiyay in uusan dagaalkaasi wax siyaasad ah ku lug laheyn.


Xeraale (AllPuntland)- Deegaanka Xeraale oo isagu ka mid ah deegaanada Gobolka Galgaduud ayaa saakay barqadii waxaa mar kale kasoo cusboonaaday dagaaladii sokeeye ee ay dadka deegaankaasi maalmahii u dambeeyay wax xoogaa ka nasteen. Wararka naga soo gaaraya Gobolkaasi ayaa waxey intaasi ku darayaan in saakay barqadii uu halkaasi dagaal ku dhex maray labadii beelood ee ay dirrirtu u dhaxeysay, dagaalkan ayaa la isku adeegsaday Qoryaha Darandooriga u dhaca ee AK47. waxaana la sheegay in qasaaraha dhimashada uu saakay barqadii ahaa 1 ruux oo dhimasho ah iyo dhaawac ka badan sadex ruux. Lama yaqaan sababaha dhabta ah ee soo cusboonaysiisay dagaaladan ka dhacaya Xeraale iyadoo todobaadkii hore dhex dhexaadin la doonayo in lagu dhameystiro dagaaladan uu ka dhacay Deegaanka Guri Ceel, kaasoo la sheegay in aysan soo xaadirin labada dhinacba, balse warar aanu ka helnay illo xog ogaal ah ayaa tibaaxaya in qorshaha dagaalkaasi uu ka fog yahay dadka goobaha dagaalka jooga, iyadoo la sheegay in ay dagaalkaasi abaabulayaan dad iyagu ku sugan dibadaha, waloow ay siyaasiyiinta labada dhinac ay marar badan ku celceliyeen in dagaalku uusan wax siyaasad ah ku lug laheyn.

Hishiis kadhacay Magaalada Caabudwaaq iyo Arimaha Xeraale oo sii xumaanaysa

Hishiis kadhacay Magaalada Caabudwaaq iyo Arimaha Xeraale oo sii xumaanaysa. Dhuusamareeb Feb-19-04, Xeraale.com Maanta oo ay Taariikhdu tahay 2-18-04 Ayaa Idaacada BBCda sheegtay " in heshiis wayn uu ka dhacay Magaalada Caabudwaaq, heshiiskaa oo dhexmaray Labo Beelood oo katirsan Beesha Mareexaan." Hadaba beelahaa hishiiyay ayaa Dagaalkoodii ahaa Midkii hakiyay Dagaalkii Beesha Mareexaan ay kula jirtay Beesha Faqi-Muxamed (Degaanka Xeraale). Waxaan qadka Telefoonka kula hadalnay Odayaal waaweyn oo katirsan Beesha FaqiMuxamed oo jooga Magaalada Dhuusamareeb, waxayna inoo sheegeen in heshiiskaa uu ahaa mid ay Beesha Mareexaan ku heshiiyeen in ay midoobaan isla markaana ay howshoodii(Dagaalkoodii) meesha ay ka wataan. Odayaashaasha waxay intaa ku dareen in Shalayto ay isku dhaceen ciidamo ilaalo ah kaasoo Qasaare iyo dhaawac u gaytay Beesha Mareexaan. Waxay kaloo intaas ku dareen in Ciidamada laba Beelood ay isku horfadhiyaan labo meelood oo isu muuqda, Waxayna yiraahdeen hadii aan lahelin cidkala dhexgala waxaa macquul ah in ay sifudud iskugu dhicaan ciidamada. Ilaa iyo Iminka lama sheegin wax waan waan ah oo kadhexsocda labada beelood iyo wax hadal haya intaba. Inkastoo Beesha Mareexaan ay horey ugu gacan sayrtay Culumaa'udiinadii, Suldaamadii, Nabadoonadii, iyo waxgaradkii isugu Jiray Beelaha wada dega Gobolka Galguduud ayaa wax rajo waan waan ah aan wali laga heyn, Halka Beesha Faqi-Muxamed ay Diyaar u yihiin heshiisiin dhexmarta iyaga iyo Beesha Mareexaan. Dadka Degan Dagaanka Xeraale iyo kuwii ka qaxay Dagaaladii Kadhacay Halkaa ayaa iyagu aad u dhibaataysan oo cabsi weyna kaqabo dagaalo kale oo halkaa kadhaca. Dad ka soo waramay Xaaladaha Dadkii ka qaxay Dagaaladaa ayaa aad aga deyriyay oo Sheegay Dadka qaarkood oo u badan Caruur iyo dumar ayaa Caafimaadkoodu aad u liitaa Waxayna yiraahdeen "hadii aan Hey'adaha Samafalka Aduunka soo gaarin Dadkaa Qatar weyn ayay ku sugan yihiin. Maxamed Abdi. Xeraale.com/Dhuusamareeb Dad gaaraya ilaa iyo 3500 oo qof ayaa waxay ku dhibaataysan yihiin Degaanka Xeraale Iyo Degmooyinka Dariska La’ah. Muqdisho, Soomaaliya.


Warar naga soo gaaray Degaanka Xeraale iyo Degmooyinka dariska

Feb-4-04 Warar naga soo gaaray Degaanka Xeraale iyo Degmooyinka dariska la ah ayaa sheegaya in dad tiradooda ay gaareyso ilaa 3500 oo qof ay ku dhibaataysan yihiin Halkaas. Dadkaas oo ka qaxay Dagaalo goos goos ah oo kadhacaya Degaankooda (Xeraale) ayaa ku kala daadsan Degmooyinka Boholo, Dhuusomareeb, Huurshe, Mayeeraan, Iyo Qod-qod. Afhayeen u hadlay Dadkaasi ayaa waxa uu u sheegay qaarkamid ah warfidiyeenada in dadkan ay mudo Sedeed bilood ah qoxooti yihiin oo aanay jirin haba yaraatee wax hay’ad samofal Bini aadanimo ah u fidiyay dadkaasi. Waxaa uu Afhayeenka intaa ku daray in dadkaasi ay u badan yihiin Caruur iyo Dumar ay aad ugu baahan yihiin Daryeel Caafimaadka iyo Raashin ay cunaan. Waxaa kalee uu afhayeenku u sheegay warfidiyeenada in hadii aanay Hay’adaha Samofalka Aduunka u soo Gurman dadkaan ay Halis ugu Jiraan Gaajo iyo Cuduro. Dagaalladii kadhacay Deegaanka Xeraale ayaa ahaa mid aad iyo aad u foolxun oo sababay Dhimasho iyo Dhaawac aad u farabadan. Maxamed Ali oo ku magacdheer (Shabeel ) ayaa waxa uu warfidiyeenada u sheegay in Dagaalka kadhexeeya Beelahan uu sii daba dheeraanayo oo weliba Ciidamadooda ay weli is hor fadhiyaan jiida hore. Wararka waxay intaasi ku darayaan in Waxgaradka iyo Ganacsatada kasoo jeeda Degaanada Dhuusamareeb, Cadaado, Guraceel iyo Ceeldheer oo isku dayeey inay soo Afjaraan coolaadaasi ay ku guuldareysteen oo sheegay in Beesha kasoo jeeda Caabudwaaq ay ka biyo diidsan yihiin Hishiisiin. Wax garadka iyo Ganacsatada ayaa sheegay in hadana ay ku rajo wayn yihiin inay soo Afjaraan dagaaladaasi.

No comments:

Blog Archive