Saturday, February 25, 2012

March 3, 2009 Sh Ibraahim Suuley oo Xaley Hargeysa ku Geeriyoodey.

Sh Ibraahim Suuley oo Xaley Hargeysa ku Geeriyoodey. Published on March 3, 2009 by Somalimirror · 47 Comments · Xaley Magaalada Hargeysa ee Xarunta Gobolka Waqooyi Galbeed waxaa ku geeriyoodey Alle ha’u naxariistee, Sh Ibraahim Maxamed Cali Suuley oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu Caansan uguna Da’a weyn. Sh Ibraahim Muddo sanado ahba waxaa hayey Cuduro dhowr ah oo la soo dersay ugu danbeystii dhul dhigay oo uu geeriyoodey, Ilaahey ha’u naxariistee. Da’a Sheekha ayaa ku dhaweyd 80 jir, sida uu Saxaafada u sheegay Sh Maxamuud Sh Ibraahim Suuley oo ka mid ah Caruurta Sheekhu dhaley. Galabta Salaada Casir ka dib ayaa lagu wadaa in lagu Aaso, Qabuuraha Naaso Hablood ee Magaalada Hargeysa. Waxa uu sheekhu ka mid ahaa Culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn, waxa uuna Cilmiga Diinta, gaar ahaan Cilmiga Tasfiirka iyo Axaadiista ku soo bartey Dalka Sacuudiga oo lug uu ku tegay. Waxaana uu halkaa Waxbarashada ka wadey ilaa uu heer Jaamacadeed ka gaarey. Ka dib in muddo ah oo waxbarasho Dalka Sacuudiga ugu maqnaa, 1959 ayuu Dalka dib ugu soo noqdey, waxa uuna barista Diinta 1961 ka bilaabey Magaalada Muqdisho. 1990 ilaa 1998 waxa uu inbadan isku howlay ka shaqeynta Nabada iyo dhex dhexaadinta Qabaa’ilkii Soomaaliyeed ee Dagaalada Sokeeyo u dhexeeyeen. Ka dib markii Ciidamada Gumeysiga Itoobiya Soo galeen Dalka 2006 waxa uu degay oo ku sugnaa Magaalada Hargeysa oo Xaley uu ku geeriyooday. 1920 ayuu ku dhashey meel u dhow xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne, halkaas oo waxbarashadiisa Asaasiga ah ku soo qaatey.

No comments:

Blog Archive