Saturday, May 26, 2012

General Dhagabadan: “askarigii ku xadgudba shacabka tallaabo adag ayaa laga qaadayaa”

General Dhagabadan: “askarigii ku xadgudba shacabka tallaabo adag ayaa laga qaadayaa”


Taliska ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa amar ku bixiyey in tallaabo adag laga qaado askarigii lagu arko isaga oo waxyeelleynaya shacabka iyo hantidooda, xilli ay si xowli ah ku socdaan howlgallada ciidammada dowladda ka wadaan gobolka Shabeellada Hoose.
Abaan dullaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed General C/kariin Yuusuf Aadan “Dhagabadan” oo shalay saxaafadda kula hadlay agagaarka deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ay ballan qaadayaan sidii loo bad baadin lahaa Hantida shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada ay ciidammada Xoogga dalka ka xoreeyeen calooshood u shaqeystayaashii Al-Shabaab.
Waxa uu intaa raaciyey abaan duullaha in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin in ay ku seexdaan Difaaca ciidammada Xoogga iyo guud ahaan ciidammada Qalabka Sida, isla markaana aysan oggollaan doonin in shacabka la waxyeelleeyo, maadaama mudda ay u afduunaayeen Al-Qaacidda.
“waxaan amar ku bixinayaan in tallaabo adag laga qaado askarigii ku xadgudba shacabka Soomaaliyeed iyo Hantidooda, u jeeddada ay ciidammada naftooda u hurayaan waa sidii ay umaddooda uga dul qaadi lahaayeen argagixisada Al-Qaacidda, sidoo kale waxaan ku kalsoonahay in ciidammada ay ka taxadari doonaan arrimhaasi” ayuu yiri abaan duullaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale General Dhaga badan ayaa tilmaamay in cudduda ciidammada Xoogga iyo kuwa AMISOM in aysan jirin awood xilligaani hor istaaggi karta, argagixisaduna ay bur burtay dagaalladii ay ciidmmada Qalabka Sida ee Soomaaliya la galeen.

No comments:

Blog Archive