Monday, May 28, 2012

Jawaab: Maqaalkii Ciwaankiisu ahaa Sheikh Isxaaq waa kuma,Yaase Dir ah?

Jawaab: Maqaalkii Ciwaankiisu ahaa Sheikh Isxaaq waa kuma,Yaase Dir ah?

Filed under: Wararka Somalia |
Jawaab Maqaalkii Ciwaankiisu ahaa Sheikh Isxaaq waa kuma,Yaase Dir ah?
Marka hore Alle ayaa mahad leh, marka xigta waxaan mahad celin iyo bogaadin isugu darayaa mareegta HADHWANAAGNEWS, oo aan sanadadii u danbeeyey ka ahaa akhriste joogto ah war hufnaan iyo dhex dhexaadnimo ay ku sifowday awgeed.
Ma ihi dadka jecel in qabyaalada ka hadlaan,ama ku dhaqmaan, iskaba daa in aan mareeg dad badan akhristaan maqaal qabyaalad ka hadlaya ku qoro eh, balse maqaal aan 16/11/2011 ka akhriyey Hadhwanagnews oo ciwaan looga dhigay Sheikh Isxaaq waa kuma,Yaase Dir ah? Uuna qoray weriyaha hadhwanaagnews ee Washington oo aan ku arkay arimo badan oo u baahan in si caadifad iyo xumaan ku jirin loo saxo, in inta aqoonteydu gaadhsiisantahay aan iftiimiyo.
Ugu horeyn markaan maqaalka arkay iyo in nin weriye ah oo aan ku tuhmaayey in uu maqaal tafa tiran oo aan dhan ka raneyn(impartial article) uu qoro sida mihnada saxaafadeed fareyso, ayaan sii akhriyey balse waxaa iga soo dhex baxday in qoraaga maqaalku badhitaan aqooneed dhex dhexaad ah aanu sameyn, wallow qoraagu meela qaar run ka sheegay, balse meelaha u baahan sixitaan waxaa ka mida;
Qoraaga maqaalku, qabiilka DIR wuxuu ku soo koobay qabiil somaliyeed oo dega inta u dhexeysa Gaalkacayo ilaa Kismaayo, balse waxaan qoraaga iyo dadka kale ee mawduucan xiiseynayaba u sheegi lahaa in qabiilka DIR degaan ahaan iyo dadka ku abtirsadaaba ka balaadanyihin inta qoraagu sheegay, Dir waa qabiil ay ku abtirsadaan qabaa,il badan oo Soomaali ah oo aan ku soo koobi karo afar oday oo kala ah Madaxweyne Dir( Akisho,gur-gure), oo dega somaliya, Somaliland iyo Ethopia, Madoobe Dir(Ciise) oo dega Somaliya, Somaliland, Djabouti, Ethopia, Mandaluug Dir( Samaroon/Guda biirsi) oo dega Somaliland, Djabouti, Ethopia, iyo Mehe Dir( Biyo maal, Gaadsan iyo Surre), oo dega Gobalada dhexe ee somaliya, Jubooyinka, iyo Ethopia.
Qoraaga maqaalku markuu ka hadlaayey, sababta Isaaq Dir loogu sheego, wuxuu sheegay in Qabiilka Dirtu yihin dad isku arka inay yaryihin sidaa daraadeedna ku doodaan in Isaaq ayaga ka mid yahay si ay u bataan, mar kale waxaan qoraaga maqaalka iyo dadka arintan xiseeyaba u sheegi lahaa qabiilada aan soo sheegnay ee Dir ku abtirsada dhul ahaan iyo dad ahaanba ma yihin kuwo yar? Mida kale xaqiiqadu waxay tahay weli lama arag nin Dir ah oo leh Isaaq ayaan ahay, balse in badan waxaa dhacda in dad Isaaq ah oo isugu jira noocyada kala duwan ee bulshada la arko xaaladaha qaar iyo degaanada qaarba ayagoo ku dooaya Dir ayaa nahay, sida marka la joogo Koonfur Somaliya oo qoysaska degen iyo dadka xilka u doontaaba ku doodaan in ay Dir yihin, dadka difaaca, naftooda iyo maalkoodaba ilaaliyaana ay yihin dadka walaalahood ah ee Dir koonfureed, hadaba waa su,aale mar hadaan la arag nin Dir ah oo Isaaq sheeganaya, balse marxalado badan iyo degaano badan la arko Isaaq oo Dir sheeganaya? Labada reer keebaa sheegasho wada? Hadaba waxaan xasuusuin lahaa Qoraaga maqaalka gabaygii Salaan Carabey ee ahaa “ Waxbana yaanu xeerkay I marin, xoolana I siine, xaasha,e nin libin kaa xiqdiyey xumaantiyo waa yaabe”.
Qoraaga maqaalku mar uu ka jawaabay sababta Isaaq ku diiday in uu Dir noqodo ayaa waxa uu sheegay in lagu wiiqayo cududiisa, laguna qaadanayo xaqiisa, ayadoo cidda wiiqeysa cududa Isaaq, xaqiisana qaadaneysa ay tahay isla Qabiilkii uu qoragu markii hore ku sheegay inay yaryihin, taasina ay is burin iyo kala hadal ku keeneyso maqaalka qoraaga, waayo qabiil badan ayaa qabiil kale xaqisa qaata ama wiiqa.
Waxa kale oo sixitaan u baahan in Qoraagu ku dooday in Isaaq laga jahwareerinaayo Haashimnimadisa, xaashee, Qaabilka Dir, Isaaq waxay u hayaan karaamo iyo sharaf, waa dad Somali ah oo wada dhasheen isna dhaleen, marna uma quudhi karaan xumaan, waana ku farxaan horumarkooda iyo wax kasta oo sharaf ugu jirto, Isaaq ayaga ayaa xor u ah mesha ay ku abtirsanayaan, balse waxaa qurux badan in meel iskugu lugo du,daan oo Dirnimadu aanay noqon wax ay marka xulufo u baahdaan ku qadhaabsadaan, marka awrkoodu u kacana cey iyo af-lagaado ugu bedelaan, mida kale Isaaq yaanu ka arimin qabiilada ku abtirsada Dir, sida qoraagu ku so koobay Dir mida koonfureed oo keliya.
Ugu danbeyntii waxaan ka codsan lahaa qof kasta oo raba in arrin noocan oo kale ah wax ka qoro, inuu ka feejignaado, wax kasta oo dadka walaalaha ah xumaan dhex keeni,kara, hadii laga fursan waayona uu ka sameeyo maqaal runta ku qotoba oo aan dhan ka rarneyn, qabiilna af-legaado iyo meel ka dhac u geysaneyn, wayo afxumo nabadna waa kaa kaxeysaa,colaadna waxba kama tarto, waxaan ka cudur daranayaa in maqaal kan oo kale ah aan wax ka qoro, manaan rabin in qoraal noocan ah aan sameeyo, laakin qalinka ilduufay ayaan saxaayey.
Mahadsanidiin
Ahmed Mohamed

Xaga Hoose Ayaan ku Soo Qori Warqada Uu Qoray


Saciid Xaaji Cali Saciid
Saciid-jamaal
=======================================================================

Adaa Dir iyo Daarood dhex dhigay dab iyo baaruude,Reer binu haashim Miyaa Isaaqu,Mise Waa Dir Irir Samaale?

Filed under: Maqaalo,Suugaanta,Wararka Somalia |
Gabayadii hore Ee Isaaq Sheegaya Inuu Dir Yahay
Abwaanadaas ku gabyey gabayada kore dhammaan waxay cadeeyeen isir ahaan ciday yihiin oo ah Daarood…
Ismaaciil Cigaal Bulaale(isaaq)
Adaa Dir iyo Daarood dhex dhigay dab iyo baaruude
Dacar gelisey reerihii ahaa ul iyo diirkeede
Mugga haatan dirir uumiyuhu waa is dilayaaye
Maxamuud Dheeg (Isaaq)
Dir iyo Irir baanu nahay labada daamoode
Dabatada faraha dheer leh iyo Diini iyo Boontu
Meeshay kasoo dalabsadeen yeyga degi wayday.
Axmed Ismaaciil Diiriye (Isaaq)
Miisaannay Ciisow tixahaad madalka keenteeneMacaan baa Ilaahay ka dhigay Malabki DoocaaneDhegtii maqashay oo idili way mahad naqaysaayeMadmadoow ma gelin xaajadaa soo mudh-bixiseeneMabsuud buu ka yahay reer Isaaq meelu joogaba’eWaad mahadsantiin dhalashadaad muruq u yeesheene
Axmed Ismaaciil Diiriye (Isaaq)
Na soo gaadhe Ciisow tixahaad soo gudbinayseeneGeeraarradiinii hellnay iyo gabayadiinniiyeUna guuxnay hawraarta guud, hiilna loo garayeMaansadu godkii ay lahayd maydun gees marinneAlle waydin garansiiyey oo gob iyo caadkeedeGarna waad u leediin tolkiin inad gargaartaaneGacmihii walaalaha ahaa waysku gunuddeene
Abwaanadaan iyaguna waxay cadday nayaan isir raac ciday yihiin oo ah Dir labada gabay ee Axmed Ismaaciil Diiriye gabaygiisa waxaad ka dhan dhansan kartaa ehelinimada ay isku reerka yihiin Ciise(Ciise oo qabiil Dir ah) oo uu marna walaal tinimo ku tilmaamay marna wada dhalasho oo Abwaanadu gabay ahaan inta badan u isticmaalaan wada dhalashada iyo walaaltinimada dhanka abtarsiinyaha…
Qamaan Bulxan (Ogaadeen)
Iidoor Dir weeyee hadduu duulan soo kiciyoDunji Habar Magaadluhu hadduu dabarka soo gooyoDunbuq iyo rasaastana hadduu debecsanuu siiyo
Gaygaan waxaa tiriyey Abwaan Daarood ah oo ku tilmaamaya Isaaq inay Dir yihiin mana dhicin gabyaa Isaaq ah oo beeniya gabaygaas Dir nimada ku tilmaamay waxaase dhacday in Gabyaa la Oran Jiray Yawle xaqiijiyey oo ku gabayey, gabay aanan helin hal sadar ka badan oo ahaa… Isaaq waa Dire e hadduu duulaan soo kiciyo…
Isku soo wada duuboo waxaad ka garan kartaa gabayadaas isir raaca ay kala ahaayeen Qabiilada (Harti, Ogaadeen, Abuskuul), iyo Isaaq oo kala ahaa Daarood iyo Dir… waxaa kaloo jirta in markii Somalidu shirar ama wax qaybsi isugu timaado in beesha Isaaq ku qayb qaadato qabiil ahaan qabiilka la yiraahdo Dir oo ah qabiilka Abwaanadii hore ku gabyeen in Isaaq yahay qabiilkaas. Wax garadka, Isimada Beelaha Somaliyeed oo aan ahayn Isaaq markaad waydiisid Qabiilka beesha Isaaq reerka ay isir raac galaan waxay kuu cadaynayaan in Isaaq isir ahaan yahay Dir. Haddii aad odayashaasha iyo wax garadka beesha Dir waydiiso cidda Isaaq isir ahaan galo waxay si toosa oo aan gabasho lahayn kuugu sheegayaan inuu galo Isaaq Habare Xiniftire Maahe Dir.
Aqoonta loo lahaa beelaha Isaaq isir raacoodu markuu ahaa Dir waxaa ayaamahaan danbe soo shaac baxday oo yar iyo wayn beesha qabiilka Isaaq shaaciyeen in ay yihiin Carab oo ka soo jeedaan Haashimiyiin arintaasi waxay keentay jaah wareer aan la garanayn cid la rumaysto Isaaqa hadda sheegaya inay yihiin Carab, ma odayadii hore ee Isaaq oo sheegayey inay yihiin Dir, ma wax garadka iyo Isimada beelaha kale ee sheegaya in Isaaq yahay Dir!!!.
Waxaad ka garan kartaa Dadka taariikhda wax ka qora oo aan ahayn Somalida inay jaah wareer ka qaadeen oo qoraaladooda laba bog oo ay isku mid kaga hadlayaan aadan ka helayn mararka qaar waxaad arkaysaa hal qaafiyad (baaragaraaf) oo iska hor imanaya oo marna leh Dir marna leh Carab, waxaadba ila eegtaan labadaan qoraa ee Biritishka u dhashay…
Richard Burton oo ka qoray Isaaq wuxuu buugisa taalaabooyinkii koowaad 1846 ku qoray….
In sheikh Isxaaq oo ka soo jeeda xatramuut kayimi dhulkiisii isagoo ay weheliyaan 44 shiikh magaalada la yiraahdo Met(Myadh) oo ah meesha uu hadda ku aasan yahay, wuxuu guursaday naag xor ahayd oo la oran jiray Magaden(Habar Magaado) waxayna u dhashay Garxajis Awal and Arab; waxaa kaloo wax udhashay islaan adoon ahayd waxayna u dhashay jeclo(Habar Jeclo sambur(sambuur) iyo Rambad. Kadib qabiilooyinka waa wayn ee habar garxijis iyo Awal ayaa waxay doorbideen magaca habar oo sheegaya ama tilmaamaya Hooyo mar haddii aan la garanayn aabahihii(waa siduu u qoray).
Waasida uu qoraalkiisa udhigay Richard Burton, isagoo sii wata qoraalkiisii wuxuu qoray…
Raad raaca abtirsiinyaha ilaa hadda Somalidu utaqaan waa Dirr(Dir), Aydur(?) Darud(Daarood) iyo Hawiye, markii loo eego qaybo magacyada qabiilada Dir iyo Aydur oo aan la hubin laakiin magacyadoodu waa Eese(Ciise), Gudabirsi, Ishak(Isaaq) iyo barsuuk…
Richard Burton or Richard Francis Burton (British consul, explorer and Orientalist, was born at Barham House, Hertfordshire, on the 19th of March 1821 Died 20-Oct-1890… Sexual orientation: Matter of Dispute) In his book, The first Foot Steps 1846 wrote …
Sherif Ishak bin Ahmed left his native country Hazramaut, and, with forty-four saints, before mentioned, landed on Makhar,—the windward coast extending from Karam Harbour to Cape Guardafui. At the town of Met, near Burnt Island, where his tomb still exists, he became the father of all the gentle blood and the only certain descent in the Somali country: by Magaden, a free woman, he had Gerhajis, Awal, and Arab; and by a slave or slaves, Jailah, Sambur, and Rambad. Hence the great clans, Habr Gerhajis and Awal, who prefer the matronymic— Habr signifying a mother,—since, according to their dictum, no man knows who may be his sire(sire = male parent, male ancestor).
The old and pagan genealogies still known to the Somal, are Dirr, Aydur, Darud, and Hawiyah, according to some Dirr and Aydur, of whom nothing is certainly known but the name, are the progenitors of the northern Somal, the Eesa, Gudabirsi, Ishak, and Bursuk tribes.
Waxaad halkaas ka garanaysaa in ninkaa qoraaga ahi ku jaaah wareeray oo marna leeyahay waa Xatramuuti oo la yiraahdo Sharif Ishak bin Ahmed marna waxuu qoray wuxuu ku tilmaamayaa inay ka soo jeedaan qabiilka Dir…
Waxaa kaloo jira nin kale oo isku dayey inuu wax ka qoro qabiilada Somalida ninkaas oo la yiraahdo I M Lewis isagoo ku jaah wareersan wuxuu ku qoray buuggiisa blood and bone….
Markii loo eego Qabiilka Isaaqu waxay sheegtaan inay ka baxsan yihiin oo ay isir raac toosa ay yihiin Carab, kaliya ay kula xiriiraan qabiilka Dir la yiraahdo guur Aabahood ka guursaday. Somalida kalase waxay u tixgaliyaan ama u arkaan inay si buuxda u yihiin Dir. Marka waxay u muuqaataa in Isaaq Carab ka dhigeen Isir raacooda si u helaan ixtiraam una ilaashadaan kobcinta awoodooda iyo isku filaanshahooda iyagoo 400, 000 qof 1958 kii ahaa.
Isla qoraagaasi wuxuu buuggiisa kale ee fahanka bulshada Somali iyo Somaliland( Culture History and Society-Ioan M Lewis P- 4) wuxuu ku qoray…
Dhab ahaan markaan u hadalno Isaaq waxay ka soo jeedaan Dir kuwaaso iyaga iyo Hawiye laysla xiriiriyo oo laysku yiraahdo Irir.
Ioan M. Lewis in his book blood and bone p104 wrote:
Thus while the Isaaq regard themselves as a separate clan-family tracing their agnatic origins directly to Arabia and only acknowledge a connexion by marriage with the Dir, other Somali regard them as of full Dir affiliation. It would appear that Isaaq have Arabicized their genealogy as a means of acquiring prestige and in keeping with their growing strength and their separate identity as an independent group numbering some 400,000 souls (in 1958)
I.M Lewis states, ” strictly speaking the Isaaq are derived from the Dir, who together with the Hawiye are linked as “Irir” at a higher level of genelogical grouping.” In his book, Understanding Somali and Somaliland Society : Culture History and Society-Ioan M Lewis P- 4
Buugiisa kale ee la Yiraahdo Nomadic Democracy wuxuu ku qoray in Somalida oo dhammi Isaaq u tixgaliyaan isir raac ahaan Dir waxuu kaloo ku caddeyey in waayadaan danbe soo baxayso inay gooni ka yihiin oo ay isir raac ahaan ka soo jeedaan Carab
I M Lewis states, “all Somalis regard the Isaaq as lineal descendents of Dir” and he notes their recent development of ,”independent agnatic descent from Arabia. (P-142, Nomadic Democracy)
Jaah wareerkaasi maaha mid ku kooban dadka aan u dhalan Somalida oo kaliya ee waxaa iyana ku jaah wareeray oo ay dhinacay u qaadaan garan waayey Somalida Abwaano ka mid ah. Taasna waxaad ka garan kartaa Abwaano Somali ahi oo aan ahayn Isaaq gabayo ay tiriyeen iyagoo mid ay u raacaan garan waayey Dir iyo Carab waxaana ka mid ah Gabayadaas…
Gabaygaan oo aanan garanayn Magaca Ninka tiriyey Qabiilkiisu se waa Daarood
Taariikhda duuga ah markaan, dib uga faaloono Diiwaanka waxa kuugu yaal waa, Dir baa nahaye Maantana Durriyad baan nahay, baad nagula doodeene Hadba inaad dad noo sheegataan, waa dayuusnimo e
Gabaygaan oo uu tiriyey Abwaan la Yiraahdo Fakad(Daarood)
War Dir haddii aad tihiin amase Irir, ma aanan diideene
Dab qaraabo idinkoon ahayn, haysku soo darine
Anigaaba kaa diir xigoon, duray wadaagnaaye
Doonbiro dirkii ay dhashayoo, duuban baa nahaye
Dad is raba inaad kala dishaan, waa habeen dumaye
Adunbaase dorraad nagu lahaa, duul kalaan ahaye
Durriyadaydun noo sheegateen, diide maanatana e
Waxaad ka garan kartaa gabayadaas, in jaah wareer ka jiro isir raaca maadaama ay marba meel sheeganayaan Beesha Isaaq oo aanay fadhiyin waayadaan danbe isir raac meel loo qaado waxna iska bedeleen sidii waayadii hore lagu ogaa ee ahayd Dir inay yihiin.
Haddaba markaad eegto intaas arimood oo kala bedelan, Odoyaashii hore ee beesha Isaaq oo sheeganaya inay Yihiin Dir Odoyaashii qabiilada kale oo uga markhaanti ka caya inay ahaayeen Dir iyo wararkaan danbe ee baahday oo ay beesha Isaaq ku sheeganayaan inay isir ahaan yihiin Carab. Qoraayaashii ajnabiga ahaa oo ku jaahwareeray ciday ku sheegaan iyo Abwaanadii danbe oo iyana jaah wareer ka qaaday… Waxaa haddaba is waydiin mudan qof hadduu hadba reer kuu sheegto qofkaas hadalkiisu mala rumaysan karaa oo arin Dhab ah maloo qaadan karaa?!!!… hadday jawaabtaadu maya noqoto maxay noqonaysaa beel dhan oo hadba reer sheeganaysa hadalkoodu soo waxaan dhab ahayn oo dhalanteed ah maaha?!!!!
W/Q: Zubeyr Macalim & Awil Jama





Sheikh Isxaaq waa kuma,Yaase Dir ah? Faalo uu Qoray Wariyaha Washington ee Hadhwanaagnews


(Hadhwanaagnews) Friday, September 16, 2011
Umad waliba waxay ku faantaa magaceeda iyo asalkeeda ay ku abtirsato,Una ah astaan iyo magac lagu yaqaano,Sida ilaahayba quraankiisa ku sheegay oo inoogu cadeeyey


Saciid Xaaji Cali Saciid


Saciid-jamaal

Washington,D.C(HWN):Umad waliba waxay ku faantaa magaceeda iyo asalkeeda ay ku abtirsato,Una ah astaan iyo magac lagu yaqaano,Sida ilaahayba quraankiisa ku sheegay
oo inoogu cadeeyey قوله تعالى:«{يا أيها الناس إنا خلقناكم من ذكر و أنثى و جعلناكم شعوبا و قبائل لتعارفوا إن أكرمكم عند الله أتقاكم
Sida aayada kucad waxa ilaahay dadka ka dhigay qoomiyado iyo qabaail,Si ay u kala gartaan cida iyo meesha ay ka yimaadeen.Waxaa kaloo kuxidhan arimo badan oo la xidhiidha xaga arimaha bulshada,Sida marka magta la bixinayo ama marka la qaybsanayo,Arinkan oo ah mid diinta islaamka kusalaysan oo lagama qaado Magta cidii aan ka soo jeedin qabiilkaa,Inkastoo ay dhacdo mararka qaar in laba iyo kabadani magta ku heshiiyaan inay isla bixiyaan,Sababaha ugu badan ee arinkan keentaana waa iyadoo qabaa´ilkan magta wada bixinayaa aad u yaryihiin ama mid ka mid ahi keligii istaagi karin,Laakiin weli magacii labada qabiil iskuma khaldamaan oo midkastaba kiisii baa loogu yeedhaa.

Inuu qabiilku magiciisa ilaashado waxaa kaloo kujira faa´iido kale oo ah in qofka lagu garto inuu ka soo jeedo beel hebla,Taas oo lagaranayo waxay gasho iyo waxay gudaba,hadiise aan qofka aan la aqoonsan qabiilka uu ka soo jeedo,Way adkaanaysaa dhaqan iyo hab loola shaqeeyaa oo waxaan ognahay in qabiil kastaba wax ku caanyahay,Sida qabiil beeralaya ah mid xoolaha dhaqata mid kaluulka dabata IWM,marka qofkii markaad ogaato meesha uu ka soojeedo waxaad garanaysaa dhaqankisa,shaqada uu aadka u yaqaan iyo ta aan lagula deg-degayn,Sidoo kale waxaad ogaanaysaa dabeecadaha uu caanka ku yahay reerkaasi.
Dowladaha caalamku way ilaashaan hidaha iyo dhaqanka qowmiyadaha ku nool dalkaas,hadaynu tusaale u soo qaadano dalka maraykanka,Waa la diiwaan geliyaa qofkasta asalka uu ka soo jeedo,Qaaradaha aduunka oo dhan dadka ka yimaada dalkasta dadka ka yimaada waxaa loogu qoraa warqadihiisa dalka u yaal sida dhalasha iyo baasboorka marka lasiiyo waad ku arkaysaa meeshaad ka timi.M/weyne Obama waxaa la soo ogaaday in aabihiina kenya kayimi hooyadiina ka soo jeedo tuulo yar oo kutaal Ireland,sida buugaagta diiwaan gelinta laga helay.
waxaa intaa kuudheer dadka markay soo gelayaan dowladaha reer galbeedka ee qofku isdhiibo shakhsi kastaaba qabiilka iyo gobolka uu ka yimi ayaa looqoraa,Walow ay in badan been ka sheegaan.
Hadaba aan u soo dhaadhaco dulucda qormadaydan maanta oo aan rabo inaan kaga hadlo arin mudo dheer soo noq-noqonaysay oo dadka qaarna ula kac ugu doodaan iyagoo dan gaara ka leh,Qaarna ay ka tahay aqoon la´aan iyo iyagoo rumaystay wixii ay maqleen uun,Baadhitaana aan ku samayn arinkan in kastoo ay maqlaan dadkii magacaa lagu sheegayay oo leh ma nihine iska hubso.
Waxaan rabaa inaan si qoto dheer u qeexo,Erayga DIR iyo meesha uu ka yimi iyo cida lagu sheego iyo cida lagu khasbo iyo ujeedooyinka laga leeyahay in cidaan ahayn ladu sheego iyo waxay iyada lafteeda cidani u diidantahay inlagu sheego:
1-Waa maxay magaca dir micnihiisu?
Dir wuxuu noqdaa mar Magac marna wuxuu noqdaa fal Marka sedexaadna wuxuu noqdaa Sifo(ama tilmaam).
Magac:waxaa Dir loo yaqaanaa qabiil ka mida qabiilada umada Somaliyeed,Qabiilkaas oo dega inta u dhaxaysa Magaalada Gaalkacayo Magaalada kismaayo
waa qabiil aad u da´wayn oo isugu jira xooladhaqato,Beeralay,inkastoo uu ubadanyahay dhanka koonfurta fog ee Somalia.
Fal(ficil):waxaad odhankartaa,dir hebel alaabta ha geeyee,xagaad ii diraysaa,hay dir san,Dire-diraale,ma ku dirsadaa IWM.
Tilmaam(sifo):kuwani waa Dir hebel,Dir badnaa dadkani,Isaaqba waa Dir e haduu duulan soo kiciyo,Dir cuno,Waa isku dir,Dir koodu halkaa ma yaal IWM.
2-Cida lagu khasbo inay yihiin:waa qabiilka reer sheikh Isxaaq oo runtii ah qowmiyad ku abtirsata qabiilada wayn ee Haashimiya,Sidaan cadaymahoodana aan hoos ku xusi doono.
3-cida ku khasabta ama had iyo goor ku dooda:waxaan u kala saarayaa laba kooxood:
a-Dadka dir ahaan ka soo jeeda oo iyaga lagaranayo ujeedadooda oo ah inay yihiin dad isu arka inay yaryihiin oo raba inay bataan,wayse ogyihiin inaan reer sheikh isxaaq la qolo ahayn,Sababta oo ah dee iyana waxay ku doodaan inay yihiin dadkii dhulka loogu yimi oo xitaa qabiilka Daarood oo reer sheikh isxaaq uga soo horeeyey carigan ah kuwii dhalay iyo Duriyada oo silsilada abtirsiimadooda iyo awowgood oo ay ilaa yoomunaa haadaa ay dul fadhiyaan iyo weliba magacyada abtirsiimadooda ku jira oo wada caraba,Kuwaas oo ay kaga gelisanyihiin qabaa´ilaadka kale ee ay wadaagaan Naanaysta Soomaal oo mar labaxay,Biyomaal,tumaal,muruqmaal IWM,cadaana tahay inay carab ku abtirsadaan.
b-Daarood:qoladani waxay had iyo goor ugu doodaan in Duriyadu tahay Qabiilka Dirta,Waxa weeye damac siyaasadeed oo ah mid weligiiba ka dhextaagnaa iyaga iyo reer sheikh isxaaq,Iyagoo doonaya inay cad wayn ka helaan xeedhada somali(waa hadiiba laysugu soo noqdee)Duriyadana bilaydh wax loo wada saaro dad aanay isku ab iyo sinji ahayn,Si walaalaheena Daarood u badsadan,Had iyo jeer,Sida hadaba ka muuqata shaxda 4,5.
4-muxuu reer sheikh isxaaq ku diiday in Dir lagu sheego;a-kamuu dhalan sidaan soo sheegnay,hada ka dibna aan sii qeexi doono.
b-waxaa lagu duudsiyayaa xaqiisa,Waxaa lagu wiiqayaa cududiisa iyadoo maanta aan qabiil Somaliyeed Ciisena ku dheh oo dowlada maanta aanu lahayn laba magaalo oo u gaara marka aad waxa kaleba oo dhan iska dayso{hargeysa iyo Burco},waxaa larabaa in jiilka jooga iyo kuwa soo socdaba lagurido aqoonsi la´aan iyo jaah-wareer lagaga luminayo Haashiminimadoodii.

Fariin warkan waxa uu gaar u yahay Shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.
wariyaha Shabakada ee Arimaha Siyaasada Dibada
Saciid Xaaji Cali Saciid/Saciid-jamaal
saciid-jamaal@hadhwanaag.org

Submitted By: Saciid-Jamaal




Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/SomaliPCtogahererwww.aminarts.com
©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved

No comments:

Blog Archive