Monday, August 27, 2012

Digniin: Beelah Direed ee Sh.Hoose iyo Jubboyinka

27 Aug, 2007

Waxaa Somalia ka socda isbadelo iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasiya oo ka socda  Jubba iyo Shabeele gobollad ku yaala ee beelaha Direed ay wax ka dagan yihiin iyo beelo kale. Waxaa dhici karta oo loo hub uruursanayaa haddi Al Shabab ay ka baxdo aaga Shabeeloyinka iyo Jubooyinka in beelo dibada ka dagan ay isku diyaariyaan in ay aaga qabsadaan.

Shirar ay yeelanayeen Dowladaha ku hawlan arimmah soomaliya in ay walaac ka muujiyeen in ay jiran ilaa 8 ilaa 9 urur beelood oo raba in ay ku looltamaan aaga labada wabi. Itoobiya iyo Kenya laba xibnood ee u dagalamaya iyo beelo iyo ururo ay ka mid yihiin iskashigii mamulkii Dhooxoyinka Jubba, beelo galgaduud ka iman doon, ururka Ras kaambooni iyo Gandhi iyo gaashanbuuro cusub oo hore aan u jirin in ay ku looltami doonan Shabeeloyinka iyo Juboyinka.

Sida cadna beelaha Qoryooley, Awdheegle, Afgooye, Baraawe, Jamame, iyo Jilib dagan in sidii horey u dhaci jirtay la doonayo in dib loo qabsado looguna taliyo. Ugu yaraan 8-9 kooxood ayaa dhidoonta in ay ku dul looltamaan sidii midba kaligiis in uu u hanto deeganadaas oo xukun sandula ugu soo dajiyaan beelaha deeganaa leh cidey doonan ha noqdaane.!!!

Hadaba ninkii meesha daga waa dagan yahay somaalo dhan laakin ninkii dibada ka yimaadee doona xukun shisheeye in uu dibada uga keena oon ku dhisneen si sharciyeeysan bal ee ku dhisan qori caaradii iyo maqal ama dhimo sidee looga xakameysan karaa?

Gidi ururada U.Nka, Igad, Uruurka Africa, dowladaha dariska, iyo dowladah galbeedka mid walba walaac iyo cabsi ayuu ka muujiyay hadii dhaqaq Al shabaab baxo in dagaalo afarta beyna jaho lagu soo qaadayo aagas wabiyada. Xitaa shirar iyo wada tashiyo qarsoodi ah ayaa Kenya iyo meelo kale lagu qabtay si looga hor tago dagaalada Kismaayona mudo ayaa dib loo dhigay. Waa arin cabsi leh oo ay dhici karto sidii 1990 in beelah dhoobeyda iyo wabiyada laysku dul dilo oo iyagana ay baabaaan sidii Baydhabo iyo Kismaayo iyo meel walba gobalaadaa ka dhacday.

Waxaa xitaa ka badan kooxii hore kooxa hada oo ilaa 8 kooxood gaari doona. Qabiil kooxo udagalama, kooxo urur dimmeda, kooxo Itobiya wadato, kooxo kenya wadato, iyo Al shabaab oo intaba ka dhex dagaaalanta iyo Kenya iyo Itobiya iyo Ugaandan cidamada dowlada iyo Ahl sunna iyo qaarkaleba la is wada dhexboodo.

Beelaha meesha dagan ee la yaqaano Raxanwey, Darood, Dir , Hawiye, iyo Somali Bantu iyo Beelaha kale maxaa u talo ah? Dir Maxaa u talo ah? Maxaa wada tashi ah aad sameyseen dhexdiina iyo beelah kale? Maxaase idiin diyaarsan hadii meeshasi isla qaraxdo? Xamar gashaanbuuro laba gaaraya oo horey aagas aan looga arag ayaa shirar wata mexey damacsanyihiin ?  Maxaa talo ah ? Isna nidaamsha oo hadii shar iyo kheyrba suu Alle ha dhigo isagaa yaqaane bal taxadara oo tashta??

No comments:

Blog Archive