Halkaan ka akhri
Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta ka warbixisay howl gal qabuuro bur burin ah oo ay ka sameeyeen degmada Kaaraan, iyagoo qabuuraha qaarkood faagey, isla markaana lafihii mashaa’iqda ku shubtay Jawaano.
Cali Maxaa Xuseen oo kooxda Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Banaadir ayaa sheegay in qabuuraha la qodaya laga soo faagayo lafaha Sheikhyada ku Duugan, kuwaasoo uu xusay in meel kale oo ay u qorsheeyeen ay geyn doonaan.
Cali Maxaa Xuseen waxaa kaloo uu ku tilmaamay in Mowlaca uu ahaa meel lagu caabudi jiray Sheikh Muxiyadiin Celi, isla markaana shirki ay ku jireen dadkii ku sugnaa Mowlaca, waxaana uu tibaaxay in ay soo faageen Qabriga, waa sida uu hadalka u dhigay.
Cali Maxaa Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri: “Sidaad ujeedaan maanta waxaa la qodayaa qabrigii Sheikh Muxiyadiin Celi, waxaa aragnay dad caabudayay, waxaan ka soo saarnay lafihii ku jiray”.
Qaar ka mid ah wariyeyaashii lagu casuumay goobta qabuuro faagista ka socotay ayaa waxay sheegeen in ay indhahooda ku arkeen Lafaha Sheikh Muxidiin Celi oo lagu shubayo Jawaano, iyagoona ku qaatay gaari ay wateen.
Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale qabuuro faagis ka sameeyay Masjidka Sheikh Axmed Jaamac oo ku dhex yiilay Masaajidka, waxaana la arkayay qabuuro kale oo dad Hindi ay ku aasnaayeen oo ay sheegteen kooxda Al-Shabaab in ay ahaayeen kuwo mar hore yimid oo halkaas lagu aasay markii ay dhinteen, hase ahaatee qabuurahaas ayaa ahaa qabuurihii Hindida oo xilliyadii nabada ay dalka joogeen lagu aasayay.
Si kasta ha ahaatee maaha markii ugu horeysay ee kooxda Al-Shabaab ay sameeyeen qabuuro faagis, waxaa goor hore ay ka soo faageen qaar ka mid ah gobolada dalka, hase yeeshee maalmo ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale ay u faageen qabrigii Sheikh Xasan Macalin oo ku yaalay deegaanka Barsa ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com Thursday, March 25, 2010
Al-shabab destroys a grave of another famous cleric
kooxda Shabaab oo saaka la baxay Lafihii Macalin Maxamed Biyamaalow.
QABRIGI SHEEKHA WEYN ALHUSUNNAH MACALIN BIIMAALOW OO LA BUR BURIYAY QABUURIHIISA
Waxaa saakay Ciidamada Al-Shabaab ay gudaha u galeen Mowlaca Macalin Maxamed Cabdi Biimaalow ee ku yaala Degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho , waxayna gabi ahaanba Bur bursheen Qabrigii uu ku aasnaa Sheekhaasi oo ahaa sheikh si weyn looga yaqiinay dalka Soomaaliya.
Ciidamada Al-Shabaab ee gobolka Banaadir ayaa sidoo kale maanta mar kale howlo qabri bur burin ah ka sameeyay Magaalada Muqdisho iyagoo bur buriyay qabrigii Macalin Max�ed Cabdi Biyamaaloow, kaasi oo ku yaalay Degmada Howlwadaag, waa maalintii sadaxaad oo ay Al-Shabaab howlo Qabuuro faagid ka wadaan gobolka Banaadir.
Saacid Karataay ayaa saxaafadda uga sheekeeyay qabuurihii maalmahaan uu ururkooda burburinta ku hayay qabuuro ay ku aasnaayeen Mashaai'kh magac weyn ku lahaa dalka iyo dibadaba faahin ka bixiyay howlgaladii qabuuro bur burinta ahaa ee sedaxdii maalin ee ugu dambeysay ay ka sameeyeewuxuuna sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalda Bur burinta Qabriyada ay ku aasan yihiin Culimada Diinta Islaamka dalka ku faafin jirtay.
Al-Shabaab waxay kaloo qirtay in qabriga macalin Biyimaalow uu yahay Qabrigii 7-aad ee ay bur buriyaan sadaxdaan maalin, iyadoo ay horay u soo bur buriyeen Qabuurihii Mashaaikhda kala ahaa : Sheekhi Muxudiin Celli, Sheekh Axmed Xaaji, Sheekh Cali Cabdullle, Sheekh Cali Muumin, Sheekh Aadan Dheere iyo Sheekh Biyamaalow oo ay maanta bur buriyeen.
Dhanka kale falkaasi qabuuro bur burinta ah ayaa waxaa si wayn u cambaareeyay Ahlu Sunna Waljameeca oo shaaca ka qaaday in falkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad diinta Islaamka ku lahayn, islamarkaan loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ka hor tagaan arrinkaasi.
INAA LILAAH WA INAA ILEEHI RAAJICUUN BAL AQRISTOO NALA DAAWO SIDA LOO GALAY QABRIYADA CULIMA�UDIINKA SOMALIYEED (SAWIRO) Views
Inaa lilaahi Wa inaa ileehi Raajicuun waxa Aroornimadi saakay ka dhacay Degmada kaaraan ee Magaalada Muqdisho fal argagax iyo uurkutaalo reebay kaasi oo ahaa bur burin loo geestay Qabuuro ay ku duugan yihiin Culuma�udiinka caanka ah ee Sheekh Muxyidiin Celi iyo Sheekh Axmed Xaaji Cabdi.
Sheekh Muxyidin Celi oo ah sheikh ku caan baxay Fidinta diinta islaamka isla markaana lahaa burhaan aad uweyn ayaa sidoo kale waxa lagu xasuustaa in uu kamid ahaa culimada ugu caansan ee soo mara culum�udiinka somaliyeed
Waa muuqaal kamid ah Masjidka Sheekha oo bur bur xoogan ka muuqdoSheekh muxidiin ayaa sidoo kale waxa uu halgan taariikhi ah laoso galay gumeestihi talyaaniga, isagoo sidoo kalena dodo kulul dhax mareen dowladihi dalka soo maray qaarkood kadib marki ay isku dayeen marar badan howlihiisa dacwada in ay ka horyimaadaan taasi oo sheekha dharaar cad meel saaray
Sheekh muxidiin oo lagu yaqiinay raganimo iyo alla kacabsi ayaa waxa eebe oofsaday taariikhda marka ay aheed 1980ki iyadoo maalinta alle oofsaday sheekha guud ahaan laga wada dareemay caalamu islaamka gaar ahaan gayiga somaliya iyadoo maalintaana aheed maalin madow oo soo martay shacabka somaliyeed.
waa muuqaal kamid ah Murugadi saakay ka dhacday Qabriga Sh: Muxidin
Sheekh Muxidiin celi alaah ka raali noqdee ma ahan taariikhdiisa iyo jiritaankiisa mid ay koox gaar ah baabi�in karto, balse tani waxa ay qeyb ka tahay masiibooyinka dhaca aaqiro samaanka oo ay lasoo baxayaan kooxahaan khawaarijta tan iyo dilitaanki sayidinaa Cali bin abii daalid ilaa maanta la jooga waxa ay sheegayaan in xaqa ay ku taagan yihiin
Dhanka kale sheekha labaad ee isna maanta la qabrigiisa bur burinta loo geestay ee Sheekh Axmed Xaaji Cabdi ayaa isna waxa uu kamid ahaa culimada sida weyn uga soo qeyb qaadatay fidinta diinta islaamka.
Sheekh axmed Xaaji Cabdi waxa uu xarumo diimeed oo badan ku leeyahay Dhamaan Degmooyinka Magaalada Muqdisho waxa uuna kamid ahaa culimada ilaahey ee ugo�doontay fidinta Diinta Islaamka.
Falkaan yaabka iyo argagax leh ayaa waxa fuliyay maleeshiyaadka alshabaab oo had iyo jeer caadeesta bur burinta qabuuraha saalixiinta iyadoo dad goob joogayaal ahi oo shabakada warsheekh uxaqiijiyay falkaani ayaa sidoo kale waxa ay tibaaxeen xataa lafihi Culimada ay hore usii qaateen maleeshiyaad haba yaraatee aan ku hadleenin luqada somaliga ah kuwaasi oo lagu tilmaamay in ay kujiraan rag cadiin ah.
Goob jooge magaciisa qariyay ayaa waxa uu yiri � Cid kasta oo ay maanta kudambeeso qiiro wadaniyad iyo mid islaam oo goob jog u aheed arinka ka socda degmada kaaraan waxa ay aheed mid indhaheeda ilmo kulul kasoo daadato�.
hadaba tani waxey cadeeneesaa naceebka xad dhaafay ee ilmaha caqiidadad duufsan loo soo dhiibay ee alshabaab waxa ayna fariin cad utahay Culuma�udiinka ahlusunnah waljamaac kuwooda nool bacdamaa aysan dhimashada la isku dhaafeen.
Muuqaalka hore ee Masjidka Caanka ah ee Sheekh Muxidiin Celi
Balse waxa si isdaba joog ah noo soo gaarayo baaqyo lagu cambaareen ah oo ay dirayaan culuma�udiinka ahlusunnah waljamaac iyadoo si weyna loogu canbaareyaya falkaan wuxuushnimada ah oo ay ku kaceen maleeshiyaad ka amar qaata alshabaab
Sidoo kale Culuma�udiinka Ahlusunnah ee ku sugan wadanka K/afrika ayaa sidoo kale qeyla dhaan ku wajahan arinkaani soo gaarsiiyeen shabakada warsheekh iyagoo dareenkooda ku cabiray falkaan guracan oo ay ku kaceen dhalin wadata caqiido xawilan.
Kooxda Al-Shabaab oo maanta markale burburin kula dhaqaaqay Mowlicii iyo Qabrigii Sheikh Muxiyadiin Celi…
Posted on March 23, 2010 by SomaliSwiss
Waxa maalinimadi Shalay Daafaha Caalamka Lagu qatimay Siyaaradi Weyneed ee Caalimka Islaamka ee Soomaaliyeed Sheekh C/raxman Sheekh C/llaahi �Sheekh C/raxman Suufi Almaqdishi�oo ku Magac Dheeraa (Qudbul Banaadir).
Dalalka Soomaaliya, Kenya, Tanzania, S/afrika, Suudaan, UK, Sweden,Norway, USA, iyo wadamo kale oo dhowr ah ayaa waxa shalay ka dhacay Ixtifaalooyin aad uwaaweyn kuwaas oo lagu qadarinayo Xuska Sheekheena Sheekh C/raxman Suufi iyadoo midka ugu balaarnaa ka dhacay Xarunta Sheekha ee Magaalada Muqdisho .
i"
Midig: Sh: Abashan Sh: C/man SH: Max'ed Sh: Suufi oo ah sheekha walaayada reer sheekh suufi hayo iyo Sheekh Sh: Suufi Sh: Cade
SH: iiker Sh: Max'ed SHeekh Suuf oo isna ah sheekha Haayo Qidmada reer Sheekh Sufi
midig: Shariif Badaa Qalifa, Dhaxda :Sh; Axmed Qudubka Qadariya,Bidix Sheekh SUufi Sheekh Cade
Xarun Diimeedka Sheekha ee Magaalada Muqdisho ayaa shalay waxa lagu dhigay Banaanbixi Ugu balaarnaa ee ka dhaca Magaalada Muqdisho,iyadoo dhamaan Ahlu Dariiqa oo dhana ay kasoo qeybgashay iyadoo la oogay Qeybooyin Dikri ah iyo Muxaadarooyin aad uqiimo Badnaa.
Qaadiriya,(Uweysiya,Seyliciya,) Axmadiya, Rufaaciya, ayaa maalinimadi shalay si aad ah usoo camiray Banaanka hore ee Masjidka Sheekh Suufi ee Magaalada Muqdisho Iyadoo ay ka muuqato Qiirooyinaka turjumaayo Xadaarada Fog ee Culumaa�u Suufiyah ee Soomaaliyeed.
Sheekh Abba iyo Sheekh Xusen sh: Max'ed Faqa Yuusuf oo uduceynayo Jameecadi Reer sheekh C/raxman ow Cumar ee kasoo qeybgashay Siyaarada Sheekh C/raxman Suufi
Sheekh Axmed Sh: Aweys iyo Sheekh Abba oo isla Taagan
Sheekh Diini Sh: Muxidiin Sh:Abukar Sh: Muxidiin Macalin Mukaram
Ixtifaalka Sheekha loo sameeyo Sanadiiba Mar ayaa waxa uu ka mid yahay Ixtifaalada ugu waa weyn ee ka dhaca Caalamu Islaamka iyadoo dhanka kalena aheyd maalinimadi Shalay Dhowlo Tus Balaaran oo ay ku muujinayan Ahludariiqa iyo Shacabka Soomaaliyeed sida ay uga foojigan yihiin Qolooyinka Bidcada ah ee la dirira qeyraadka iyo Ducooyinka Maqbuulada ah ee laga helo Goobaha lagu xuso Owliyada ilaahey iyagoo kala dirira in ay haleelaan Shacabka Muslimka ah Saacatu Ijaabada.
Qudubka Dariiqada Qaadiriyada � Sheekh Axmed Sheekh Aweys Sheekh Muxidiin Sheekh Aweys al Qaadiri) aya Ijaasada Dariiqada Qaadiriya halkaas ku bixiyay, Sheekha ayaa dhanka kale Caalamu islaamka iyo Gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed alle uga baryay in uu danbi Dhaaf ku siiyo Fadliga Sheekheena Sheekh C/raxman Suufi Al Maqdishi oo aan taaganahay Banaanbixiisa ayoo shiikha ku cel celiyay.
Midig : Sh: Da'ud Sh: Maxmed Sh: Cabdi iyo Sh: Ismacil Cali cumar
Sheekh Axmed ,Shariif Badaa Qaliifa, Shiikh Fadhiyo waa Xaaji Cabaas Sh: max'ed Faqa Yuusuf iyo Qaar ka mid ah jameecada sheekha
Sh: Cumar Sh: max'ed iyo Macalin Cabdulahi Mohamud iyo Jameecadi reer sheekh Cabdi oo ku wajahan Qabriga Sheekh suufi
Sheekha Abba oo isagana ka mid ahaa Culimada Waa weyn ee Ahlusuna Waljamaac Gaar ahaana ah Faraca Sheekh Suufi ayaa isagana dhamaan Kasoo qeybgalayaasha Siyaarada kula dar daarmay in la qabsado Xariga Ilaahey isla markaana lagu daydo Raadki Nabigeena Muxamad C/S/W. iyo nidaamka ay inoo jeediyeen Masha�iqda Soomaaliyeed gaar ahaan Sheekheena Sheekh C/raxman Suufi oo manta la joogo Xuskiisa ayuu sii raaciyay Sheekh Abba .
Shariif Badaa Qaliifa oo ka mid ahaa Asharaafti shalay kasoo qeybgashay Siyaarada Sheekha isla markaana eh Faraca shariif Calawi ayaa isagana si aad ah ugu duceeyay Magaalada Muqdisho oo ku tilmaamay in ay tahay Madaxa umada soomaaliyeed isla markaana aad ugu cel celiyay shariifka in alle oo ka dhigo Magaalo Nabadeed Bijaahi Musdafa ayuu shariifka ku cel celiyay isagoo dhanka kalena alle ka baryay in bidcada iyo inta xun ka qabto Umada Soomaaliyeed iyo guud ahaan Caalamu Islaamka, Islaamkana Towfiiq Caam ah alle siiyo.
Qaar ka mid ah xelqooyinki Dikriga ee Banaanbaxa sh: Suufi
Qaar ka mid ah Jameecooyinka Ahlu Qeyrkaa ah ee Dikirinayay
Jameecadi Axmadiyada ee oogtay Xelqadi Dikirga Axmadiyada
Sheekh Abashaan Sheekh C/raxman Sheekh Max�ed Sheekh Suufi oo ah Sheekha Wilaayada Sheekh Suufi haayo, iyo Suufi Sheekh Cade Sheekh Iiker Sheekh Max�ed Sheekh Suufi oo isna ah Sheekha haayo Qidmada Reer sheekh Suufi ayaa sidoo kale ducooyin qaas ah uduceeyay dhamaan Jameecooyinki Soo camiray Siyaarada Shiikhooda Sheekh C/raxman Suufi
Sidoo kale Ayaa waxa siyaarada kasoo qeyb galay Wafdi balaaran oo horkacaya Agaasimaha Wasaarada Arimaha diinta iyo OWqaafta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Sheekh Ali Sheekh Maxamud �SHeekh Cali dheere�, Sheekh Cali Dheere ayaa si aad ah uga hadlay Qiimaha ay leedahay Munaasibooyinka Nuucaan oo kale isagoo soo qaatay mid ka mid ah Karaamooyinka sheekh iyo Xiligi Gumeestaha.
Qaar ka mid ah Ahlukheryki kasoo qeybgalay Siyaarada Sheekha
Jameecadi Dariiqada Rufaaciyada oo iyana oogtay xelqadii Dikriga
Qisadaan oo ka mid ah karaamaadka Sheekha C/raxman Suufi ayaa dhacday Xiligi Gumeestaha iyadoo Gumeestihi Talyaaniga dadka Muqdisho weydiiyay Cida hogaamiso Culimada Diinta Islaamka iyagoo dadki usheegeen In sheekh C/raxman suufi Yahay sheekha Hogaamiyo Culimada Soomaaliyeed, Taliyihi Gumeestaha ayaa dalbaday in uu mushaaraad uqoraayo Sheekha isla markaana rabo in uu tago Xafiiska Gumeestaha.
Sheekh C/raxman Suufi raali alah Ka noqdee oo can ku ahaa la dagaalanka Munkarka oo ugu weynaa Naceybka oo qabay Gaaladi kusoo duushay Dalkeena oo gumeestaha Talyaaniga ah uhoreeyay ayaa si aad ah isaga fogeeyay in mushaaraad oo ka qaato amaba la kulmo Gaalada iyadoo marki danbe taliyihi Talyaaniga yiri aniga ayaa utagaayo oo taana ay muujineeso sida karaamada iyo mucjisooyinka sheekha,
Dikriga Seyliciyada iyo Jameecadi Reer Sheekh Cabdi ow Cumar
Rag dhalin yaro ah oo ay ka muuqato Xadaarada Islaamka oo Dikrinayo
Taliyihi ayaa booqday Guriga Sheekha iyadoo loo sheegay in sheekha uusan joogin una rawaxay dhanka Masjidka loo yaqaano Jaamacada ee Qadiimiga ah ee ilaa iyo hada ku yaalo Degmada Xamarweyne. Galaaki Marka uu tagay Masjidka ayuu kobaha iska siibay isagoo gudaha ugalay masjidka si uu ula kulmo sheekha ,
Taliyaha Masjidka ayuu ka baadi goobay isagoo xataa hurgufay ama qaad qaaday dhamaan dhabihi masjidka si shiikha oo u arko balse sheekha oo masjidka ku dhax jiro hadana uu arki waayay taana ay ka mid aheyd mucjisooyinki banaanka yiilay ee sheekheena sheekh c/raxman suufi ayuu sii raaciyay sheekh Cali dheere agaasimaha Wasaarada Diinta iyo Owqaafta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Xelqada Uweysiyada oo eheed Xelqadi Ugu weyneed Xelqoyinka Dikriga
Muuqaalka Hore ee Masjida Sheekh C/raxman Sh: C/lahi (Sheekh Suufi)
Waxa maalinimadi Shalay Daafaha Caalamka Lagu qatimay Siyaaradi Weyneed ee Caalimka Islaamka ee Soomaaliyeed Sheekh C/raxman Sheekh C/llaahi �Sheekh C/raxman Suufi Almaqdishi�oo ku Magac Dheeraa (Qudbul Banaadir
Qormo kaliya laguma soo koobi karo dhamaan Culimadi ka hadashay Banaan Baxa Sheekha iyadoo shalayna Magaalada Muqdisho aysan kusoo harin Sheekh Mudaris iyo talaamiidiisa .
Hadaba Shabakada Warsheekh oo markasta jecel in ay idinka haqabtirto soo gudbinta Ixtifaalooyinka ka dhaca Caalamka ee lagu weyneenaayo Owliyada Ilaahey ayaa hadana wax in badan jecelnahay in aan idin soo bandhigno sheekh waliba iyo sooyaalkiisa diinta Islaamka iyadoo aan rajeyneeno in tusaalooyin iyo waano ay u ahaan doonto dhamaan umada Soomaaiyeed ayna ku daya doonaan Taariikhda Ifeeso ee Culimadeena Soomaaliya iyo sida ay ugu soo dadaaleen in umadaani noqoto Umad Boqolkiiba Boqol Muslim ah isla markaana Hal Madhab iyo hal Caqiido heesata .
W/D: Abdirahman Sheikh Abdullaahi
Webmaster Shabakada Warsheekh
E-mail: farxad95@hotmail.com Ama webmaster@warsheekh.com
No comments:
Post a Comment