Saturday, November 10, 2012

Dibadbaxyo Waaweyn oo ka Dhacay Qeybo katirsan Gobolka Jubada Hoose

                                                                                                                                    
Jimco, November 09, 2012 (HOL) —Dibadbaxyo waaweyn ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka Afmadow, Dhoobley, Badhaadhe iyo deegaano kale oo ku yaal galbeedka gobolka jubada Hoose.

Dibadbaxyadan oo ahaa kuwo waaweyn ayay dadku uga cabanayeen faragelin ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ku heyso Jubooyinka, iyadoona ay dadku ku dhawaaqayeen halku dhigyo ay ku cabirayaan dareenkooda.

Deegaanka Dhoobley oo kamid ah goobaha ay maanta dibadbaxyadu ka dhaceen ayaa waxa wadooyinka magaaladaasi isugu soo baxay boqollaal dadweeyne ah kuwaasoo sitay boorar ay ku xardhanyihiin hal-kudhigyo ay kamid yihiin “Dooni Meyno Maslaxa diidka, Danta Jubooyinka ninkii diida, inaguna tiisa doonimeyno” iyo halku dhigyo kale oo ay ku muujinayaan dareenkooda.

Masuuliyiin katirsan maamulka magaalada Dhoobley oo goob fagaare ah kula hadlay dadka ayaa sheegay in ujeedada dibaxyadan ay tahay in dadka ku dhaqan Jubooyinka ay muujiyaan dareenkooda ku aadan faragelin ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ku heyso gobollada Jubooyinka.

“Waxaan kasoo horjeednaa faragelinta ay dowladda Soomaaliya ku heyso gobolladan, Madaxweeynaha Soomaaliya in uu gobollada qaar dhaho aayahiina ka tashada, Jubooyinkana uu dhaho waan idiin talineynaa wax aan aqbali karno maahan,” ayuu yiri mid kamid ah dadkii dibadbaxa dhigayay oo HOL u waramay.

Dibadbaxyada maanta oo ahaa kuwo xooggan ayaa waxay ka dhaceen inta badan degmooyinka iyo deegaanada ku yaal galbeedka gobolka Jubada Hoose, waxayna dadka si isku mid ah uga soo horjeedeen dowladda Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen in ay faragelin ku heyso arimaha Jubooyinka.

Mudooyinkii u danbeeyay waxaa soo ifbaxayay khilaaf u dhexeeya maamulka KMG ee Jubooyinka iyo Dowladda Soomaaliya, wuxuuna khilaafkani ka danbeeyay kadib markii madax katirsan dowladda Soomaaliya ay sheegeen in aysan aqoonsanayn maamul la filayo in loo dhisayo gobollada Jubooyinka, kaasoo ay soo agaasimeen urur goboleedka IGAD islamarkaasina mudooyinkii u danbeeyay ka socday magaalada Nairobi balse la filayo in dhawaan lagu soo gabagabeeyo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.



Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya

No comments:

Blog Archive