XILIBAAN XASAN ISAAQ  YACQUUB (GEESCADE):  
   BEESHA REER AWSACIID WAA BEEL DEEGAANO BADAN LEH BALSE WAXAAN KU 
   SABIRNAY IN QARANKA SOOMAALIYEED BADBAADO RABO MAANTA
   
Xildhibaan Geescadde
axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdule(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi

Xildhibaan Geescadde
Xilibaan Xasan 
   Isaaq Yacquub  Gees Cade oo isagu ku sugnaa shirka soomaalida ee 
   wadanka kenya Mudada ka socday ayaa sheegay in Beesha Reer aw Saciid 
   ay Saami Culus ku leedahay Deegaanada Soomaaliya, Xilibaanka oo sii 
   Hadlayana waxa uu Yiri Sidan , 
Beesha Reer 
   Awsaciid  waxa ay kala dagaan Gobolo kala duwan iyo Deegaanobalaaran 
   oo kukalo baahsan dalka oo dhan ku waas oo leh dagmooyin iyo 
   tuulooyin faro badan waana lala dagaa beesha deegaanadaas qaarna 
   iyada kaligeed ayaa dagta , 
Deegaanada beesha 
   reer awsaciid waxa ka mida , 
Gobolka Gedo
Dagmada 
   Baardheere gaar ahaana Tuulada Hureeyn tuulada Dhoobleey iyo 
   TuuladaDeqaani Tuulada Markableey waxaa daga beesha oo qurainta 
   kalle waa lala dagaa, 
Beesha waxeey ku 
   leedahay Dhulkaan dhul Daaqsin iyo Waraabka Beeraha labadaba waxaana 
   Saaran 12 Mator oo waraab ah oo ay ledahay beesha reer Awsaciid 
Gobolka Bay
Beesha Reer 
   Awsaciid waxay ka dagtaa Buur waxaana si gooniya udagnaa Tuulada 
   BuuloFulaay Dagmada Ufuroow waxaan ku leenahay Dhul Beereed xaga 
   Roobka iyo daaqsin wayn oo xoolaha Reer Awsacid Ku dhaqmaan, 
Gobolka Shabeelaha Hoose
Beesha Reer 
   awsaciid waxa ay  si xoogleh wax uga dagtaaDagmada Qoryooleey taas 
   oo Daaqsin ahaan si wayn aan ujogno xaga beerahana waxaan ku 
   leenahay dhul balaaran, 
Gobolka Jubada Dhaxe
Dagmada Saakoow 
   waxeey beeshu ku leedahay ama ka dagan dad aad u badan oo gaaraya 
   Boqolkiiba %40 Caanaha iyo Qoryahana anaga Keena  Tuulooyinka 
   BaroowDiinle Buulo Cadeey Baarka Muumin Dhooroow iyoDhakaajo waxaa 
   nala daga Soomaali kalle Balse  Aqlabiyada Anagaa Leh Tuulooyinkaas 
   oo aan ku leenahay Beero waween iyo Daaq Faro Badan TuuladaDhakaajo 
   oo qorshuhu ahaa in loo aqoonsado Dagmo Buuxda waxey la Kulantay 
   Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya Naafeeyay
Gobolka Jubada Hoose
Deegaanka 
   Qooqaani iyo Dhoobleey Waxaan ku leenahay Deegaan waynTuulada 
   BeerXaani waxaa si madax banaan udaga 40% kiiba beesha oo kaliya  
   inaga ayaana Keena Caanaha iyo Qoryaha Gobolka oo dhan Tuulada 
   BuuloGuduud iyoYoontooy waxaan ku leenahay Daaqsin iyo Beero 
   Labadaba iyo Lix Matoor 
Hiiraan
 Waxa ay Beesha 
   Reer Awsaciid Ka Dagtaa Deegaanada Soosocda,
Dagmada 
   Baladwayne Tuulada Kabxanleey waxaana noo saaran ilaa iyo Sideed 
   Matoor oo waraaba  Deegaan Daaqsined oo Baadxad Badan waan ku 
   leenahay, 
Banaadir
Beesha Reer 
   Awsaciid waxa ay dagantahay 30%kiiba  gaar ahaana Caasimada 
   Soomaaliya Ee Muqisho     
Waqooyiga Soomaaliya
Waxa ay beesha 
   Rer awsaciid ka dagtaa Dagmada Gibileey Gaar ahaana Tuulooyinka 
   sheek iyo meelo kaloo badan  
Marka anagu 
   waxaan nahay beel baaxad badan oolagu xisaabtami karo Waxana 
   Xilibaanada Soomaaliyed ka Helnay Hal Xilibaan waana is kaga 
   Qanacnay Maadaama Maslaxada Soomaaliya Laga Talinayo Maanta Ayuu 
   Yiri Xilibaanku 
Beesha Reer 
   Awsaciid Waxa ay ukala Baxdaa Sidan  
- 
    1- Abkeey Xaaji oo Aderkii Ah
- 
    2- Faarax Saciid
- 
    3- Abiikar Saciid
- 
    4- Sacdi Saciid
- 
    5- Nuur Saciid
- 
    6- Cali Saciid
- 
    7- Cismaan Saciid
- 
    8- Xuseen Saciid
- 
    9- Xasan Saciid
- 
    10- Cumar Saciid
axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdule(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi
 
 
No comments:
Post a Comment