Maayarka cusub ee Magaalada Gabiley oo ka qayb galey Mu naa sabad Beesha Akisho ku Maamuustay xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka Gabiley. xildhibaan ka tirsan golah guurtida somaliland oo kasoo jeeda beesh Akisho Gabiley (TNN)- Xaflad balaadhan oo dabaal dag ah oo loo qabtey Xildhibaan mahdi maxamed xa ashi oo ka mid ah golaha deegaanka Degmada gabiley,ayaa waxaa kasoo qayb galey xildhibaan ada golaha Deegaanka,madax dhaqameed,masuuliyiin ka socdey xisbiga ucid iyo Maayarka maga alada gabiley iyo kuxigeenkiisa. Ugu horeyn waxaa xafladaasi ka hadley xildhibaan Mahdi maxamed Xaashi oo sheegay inuu casuumay maanta xildhibaanada golaha Deegaanka gabiley iyo marti sharaftaba waxaana ka mid ahaa kalmidihii uu madasha ka jeediyay ‘’waxaan umahad Naqayaa dhamaan dadkii isoo doortey ee ilaa midka cadceed ii Taagan.maantana xafladana iisoo diyaariyey waxaan idin lee yahay Meel kasta oo aad joogataanba guuleysata xilkaa aad ii doorateen aan sifiican uga soo bixi doono’’ Waxa kale oo halkaasi ka hadley xildhibaan Cali dulduul oo ku dheeraadey sida ay diyaar ugu yihiin horumarka gobolka kana dhabeeyaan balan qaad yadii ay umada uqaadeen wakhtigii olalaha waxaanu yidhi ‘’waxaanu idiin balan qaadey haddii aanu nahay golahii degaanka ee aad doorateen inaanu isbarabar taagno baahida ka jirta gobolkeena iyo dhibaatada haysata dadkeena,dadkayga waxaanu leenahay hadii aan garataan waxa xaqla idiinku leeyahay anakana waxaydin naga heli doontaan waxaad xaq uleedihiin ee itaalkayaga ah,maantana waxaanu diyaarunahay waxqabad iyo taariikh wanaagsan ka tagno. Waxa kale oo halkaasi ka hadley Suldaanka Guud ee Beesha Akisho suldaan maxamuud sh.cumar waxaanu ku dheeraadey ahmiyada uu horumarku uleeyahay gobolka,waxaanu la dardaar may xildhibaanada golaha deegaanka waxaanu yidhi ‘’waxaa la idinka rabaa inaad sinaan iyo calaada kumaamushaan dadkiina,inaad muujisaan horumar isku duubni,wada tashi si aad u gaadhaan himilada aad hiigsaneysaan.si,aad taariikhda meel wanaagsan uga gashaan’’ Waxakale oo halkaasi ka hadley gudoomiyaha golaha dhexe,xoghaya arimaha gudaha iyo gudoomiyaha gobolka maroodijeex waxaaney xildhibaanada kula dardaar meen wada jir iyo horumar gobolka , oo ay ka sheqeeyaan horumarkooda. Waxa kale halkaasi ka hadley xildhibaan ka tirsan golah guurtida somaliland oo kasoo jeeda beesh Akisho waxaanu mahadnaq iyo dardaraan u jeediyey xildhibaanada golaha deegaanka iyo marti shafta kale ee ka qayb gashay waxaanu yidhi ‘’waxaan u mahadnaqayaa dhamaan xildhibaanadii hore iyo xildhibaanada cusub labada waxaan leeyahay hambalyo,xildhibanadii hore waxaan leeyahay waxa wanaagsan baad qabateen. Kuwan cusubna waxaan leeyahay waxa dhiman idinka ayaa la idinka sugayaan,inaad umadan u horseedaan horumar iyo himilo wanaagsan’’ Gabagabdii waxaa xafladaasi soo afmeeray gudoomiyaha golaha deegaanka degmada gabiley shucayb maxamed muuse waxaanu ku dheeraadey sida ay ugu heelan yihiin horumarka gobolka oo ay gaadhsiiyaan gobolada kale,waxaanu u mahadnaqay xildhibaanka oo qabtey xafladan balaadhan waxaanu yidhi ‘’Aniga oo kuhadlaya afka golah deegaanka gabiley waxaanu idiin balan qaadeynaa inaanu gacmaha isqabsano oo aanu iskuqabsano midnimadooda,wada jirkooda,horumarkooda. Oonu gaadhsiino horumarka aynoo soo doorteen ,dadka reer gabiley ee nasoo doorteyna waxaanu leenahay waadnaga helaysaan hawshii aad noo soo doorateen haddii aad idinkuna sifiican noola shaqaysaan,hadii aad na tilmaan taan oo aad si wanagsan noo tilmaantaan ,anaguna sifiican oo waxku oola ayuunu idiinku shaqaynaynaa . golahii hore waxaan udirayaan hambalyo.talada iyo rayga fiican waxay ku jirtaa maskaxdiin ,gacmihiina , wixii qaldan naga qabta oo na tilmaam wixii wanaagsan nagu taageera . waxaanu ku farax sanahay walaalkayo oo qiimo weyn nagu leh ee ay beeshani soo doorato sida qiimaha badan ee aad noosoo dhaweysaan,waxaan kusoo gabogabaynayaa in aynu gacmaha isqabsano,oo ay horumarka ka shaqayno C/raxmaan Xaaji Timacade News Desk Gabiley ,Somaliland
Maayarka cusub ee Magaalada Gabiley oo ka qayb galey Mu naa sabad
Beesha Akisho ku Maamuustay xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi oo ka
mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka Gabiley.
xildhibaan ka tirsan golah guurtida somaliland oo kasoo jeeda beesh
Akisho
Gabiley (TNN)- Xaflad balaadhan oo dabaal dag ah oo loo qabtey
Xildhibaan mahdi maxamed xa ashi oo ka mid ah golaha deegaanka
Degmada gabiley,ayaa waxaa kasoo qayb galey xildhibaan ada golaha
Deegaanka,madax dhaqameed,masuuliyiin ka socdey xisbiga ucid iyo
Maayarka maga alada gabiley iyo kuxigeenkiisa.
Ugu horeyn waxaa xafladaasi ka hadley xildhibaan Mahdi maxamed
Xaashi oo sheegay inuu casuumay maanta xildhibaanada golaha
Deegaanka gabiley iyo marti sharaftaba waxaana ka mid ahaa
kalmidihii uu madasha ka jeediyay ‘’waxaan umahad Naqayaa dhamaan
dadkii isoo doortey ee ilaa midka cadceed ii Taagan.maantana
xafladana iisoo diyaariyey waxaan idin lee yahay Meel kasta oo aad
joogataanba guuleysata xilkaa aad ii doorateen aan sifiican uga soo
bixi doono’’
Waxa kale oo halkaasi ka hadley xildhibaan Cali dulduul oo ku
dheeraadey sida ay diyaar ugu yihiin horumarka gobolka kana
dhabeeyaan balan qaad yadii ay umada uqaadeen wakhtigii olalaha
waxaanu yidhi ‘’waxaanu idiin balan qaadey haddii aanu nahay golahii
degaanka ee aad doorateen inaanu isbarabar taagno baahida ka jirta
gobolkeena iyo dhibaatada haysata dadkeena,dadkayga waxaanu leenahay
hadii aan garataan waxa xaqla idiinku leeyahay anakana waxaydin naga
heli doontaan waxaad xaq uleedihiin ee itaalkayaga ah,maantana
waxaanu diyaarunahay waxqabad iyo taariikh wanaagsan ka tagno.
Waxa kale oo halkaasi ka hadley Suldaanka Guud ee Beesha Akisho
suldaan maxamuud sh.cumar waxaanu ku dheeraadey ahmiyada uu
horumarku uleeyahay gobolka,waxaanu la dardaar may xildhibaanada
golaha deegaanka waxaanu yidhi ‘’waxaa la idinka rabaa inaad sinaan
iyo calaada kumaamushaan dadkiina,inaad muujisaan horumar isku
duubni,wada tashi si aad u gaadhaan himilada aad
hiigsaneysaan.si,aad taariikhda meel wanaagsan uga gashaan’’
Waxakale oo halkaasi ka hadley gudoomiyaha golaha dhexe,xoghaya
arimaha gudaha iyo gudoomiyaha gobolka maroodijeex waxaaney
xildhibaanada kula dardaar meen wada jir iyo horumar gobolka , oo ay
ka sheqeeyaan horumarkooda.
Waxa kale halkaasi ka hadley xildhibaan ka tirsan golah guurtida
somaliland oo kasoo jeeda beesh Akisho waxaanu mahadnaq iyo
dardaraan u jeediyey xildhibaanada golaha deegaanka iyo marti shafta
kale ee ka qayb gashay waxaanu yidhi ‘’waxaan u mahadnaqayaa dhamaan
xildhibaanadii hore iyo xildhibaanada cusub labada waxaan leeyahay
hambalyo,xildhibanadii hore waxaan leeyahay waxa wanaagsan baad
qabateen. Kuwan cusubna waxaan leeyahay waxa dhiman idinka ayaa la
idinka sugayaan,inaad umadan u horseedaan horumar iyo himilo
wanaagsan’’
Gabagabdii waxaa xafladaasi soo afmeeray gudoomiyaha golaha
deegaanka degmada gabiley shucayb maxamed muuse waxaanu ku
dheeraadey sida ay ugu heelan yihiin horumarka gobolka oo ay
gaadhsiiyaan gobolada kale,waxaanu u mahadnaqay xildhibaanka oo
qabtey xafladan balaadhan waxaanu yidhi ‘’Aniga oo kuhadlaya afka
golah deegaanka gabiley waxaanu idiin balan qaadeynaa inaanu gacmaha
isqabsano oo aanu iskuqabsano midnimadooda,wada
jirkooda,horumarkooda. Oonu gaadhsiino horumarka aynoo soo doorteen
,dadka reer gabiley ee nasoo doorteyna waxaanu leenahay waadnaga
helaysaan hawshii aad noo soo doorateen haddii aad idinkuna sifiican
noola shaqaysaan,hadii aad na tilmaan taan oo aad si wanagsan noo
tilmaantaan ,anaguna sifiican oo waxku oola ayuunu idiinku
shaqaynaynaa . golahii hore waxaan udirayaan hambalyo.talada iyo
rayga fiican waxay ku jirtaa maskaxdiin ,gacmihiina , wixii qaldan
naga qabta oo na tilmaam wixii wanaagsan nagu taageera . waxaanu ku
farax sanahay walaalkayo oo qiimo weyn nagu leh ee ay beeshani soo
doorato sida qiimaha badan ee aad noosoo dhaweysaan,waxaan kusoo
gabogabaynayaa in aynu gacmaha isqabsano,oo ay horumarka ka shaqayno
C/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland
No comments:
Post a Comment