Sunday, June 24, 2018

Bohol Garas Deegamada Surre Dir - Fiqi Muxummad / Gadsan ETC

Dhismaha Deeganada Qoomey iyo Boholgaras Deeganada Beesha Suure



October 20, 2012



Waxaa halkaan Idiinkugu Soo Gudneynaa In Walaalaha Beesha Fiqi Mahamed ee kala Joogo wadanka gudihiisa iyo dibadiisa Ay u istageen in ay wax ka qabtaan dhulkaas oo aan kor ku soo sheegney dadkii isku howliyayna ay ahaayeen dad ka soo jeeda degaankaas oo kala ah



1-Ing Abdullahi Arab (Somalia)



2-suldaan mahamed khaliif ( Kenya)



3-Ugaas gaarane aden (soamlia boholgarasle)



2-xildhibaan Abdinasir gaarane (somalia)



3-Ganacsade mahamed ahmed sahal (kenya)



4- Danjire Abdullahi Abdiaziz Hassan ( USA)



5-Abdirizaq Ali yare ( Canada)



6-Dahir Muhumed Omar Duqow ( Somalia boholgarasle)



Dadkaan oo u istaagey beeshooda si ay wax weyn ugu qabtaan kuna guuleystey in ay hirgeliyaan ceelal laga kala qodayo degmooyinkaas oo ay hadda howsheedii gacanta lagu hayo, waxaa kaloo jira xurumo caafimaad , iskuulo iyo golayaal xafiisyo ah oo ay ka hirgeliyeen degmada bohol garasle, waxaa kaloo oo qorshaha soo socda ugu jira marka ay ka soo dhamaadaan in degmada madhawey ay ka hirgeliyaan dhul beereed aad u weyn dhinaca ka saaran wabiga























waxaa kaloo Mahad u celinayaa hayadii nagala qeeb qaadatey ee uu Masuulka dibada uga yahay Ing Abdirahmaan huseen ( Almanhal)

wa mahad alle qofkii dad masaakiin ah wax u qabto in uu ka helayo ajar iyo xasanaad dadkaas aan kor ku soo xusnayna kheer alaaha ka sii yo howsha aad dadka u qabataana khey alaha diinka siiyo

Wednesday, May 23, 2012

Xaflad loogu Dabaaldegay Degmada Bohol-garas oo ka dhacday Mareykanka

Xaflad loogu Dabaaldegay Degmada Bohol-garas oo ka dhacday Mareykanka  



Xafladweyn oo lagu soo dhaweynayo Degmada cusub ee kusoo biirtay Gobolka Gedo oo lagu Magacaabo Bohol-garas ayaa maanta lagu qabtay Gobolo ka tirsan wadanka Mareykanka.
Xafladan ayaa waxaa isku soo qabanqaabiyay dhalinyarada, culu’maaudiinka iyo waxgaradka kasoo jeeda Degaanada Luuq, Qooneey iyo Boholgaras ee Gobolka Gedo.
Xaflad lagu qabtay Xarunta Villa Soomaaliya bishan todobadeedii ayaa Madaxweynaha Dowlada KMG Somaliya Mudane Shariif Shiikh Ahmed waxa uu Degmo cusub ugu dhawaaqay Deegaanka Bohol-Garas oo ahayd Deegaan qadiimi ah oo ku taala Gobolka Gedo.
Xafladkale oo lagu soo dhaweeyay Degmada cusub ee Bohol-garas ayaa lagu qabtay hotel kuyaala magaalada Muqdisho, xafladan waxaa kasoo qeybgalay wasiiro, wasiiro kuxigeeno iyo Xildhibaano katirsan Dowlada KMG soomaaliya, waxaa kaloo kasoo qeybgalay Ganacsato, Oday dhaqameedyo iyo waxgarad kasoo jeeda Gobolka Gedo. waxaa halkaa ka hadlay Xildhibaan Cabdinaasir Maxamed Gaarane oo si fiican u faahfaahiyay muhiimada ay leedahay Degmadan cusub ee bohol-garas.
Gobolka Gedo oo ka mid ah Gobolada ugu baaxadaweyn Soomaaliya ayna ku dhaqan yihiin Dad aad u tiro badan ayaan helin wax aqoonsi ah tan iyo intii ay Burburtay Dowladii Kacaanka.
Degmada Boholgaras ayaa ahayd Degaan istiraatiiji ah oo ay maraan gaadiidka u kala goosha Somaliya, Kenya, iyo Ethiopia 20kii sano ee lasoo dhaafay taasoo dhalisay in Degaanka uu yeesho horumar lixaadleh xaga dhaqaalaha, waxbarashada, iyo Deegaankaba, isla-markaana lagama maarmaan kadhigtay in ay noqoto Degmo caalami ah.
Gabagabadii Xafladan ayaa Waxgaradka kasoo jeeda Degmada Bohol-garas waxa ay balanqaadeen inay horumariyaan Degmadan cusub waxayna ku booriyeen shacabka reer Gedo inay gacan kusiiyaan kobcinta Degmada cusub ee Bohol-garas.
Mohamed Ali


Bohol Garas waa deegan Beesha Direed ay Dagaan dhaman Beelah Surre iyo Gadsan Siiba iyo Beelo kale.  Degmoyinka Gobalka Gedo oo beesha Direed ku badantahay ayaa durba loo qeybsaday ilaa 9 degmo oo sida tan loo burburshay:

 The town of Bohol Garas (a settlement described as 40 km NE of Luq town)




DEGMAYINKA
  1. GARBAHAREEY
  2. CEELWAAQ
  3. DOOLOW
  4. CEELCADE (CABDULAHI YUSUF)
  5. BUURDHUUBO
  6. BALADXAAWO
  7. BOHOL GARAS oo ku taal xadka Soomaaliya iyo Itoobiya .
  8. LUUQ



Boholgaras

Jump to navigationJump to search
boholgaras waa dagmo ka tirsan gobolka gedo dagmada boholgaras waxay caan ku tahay wax soosaarka beeraha iyo dhaqashada xoolaha gaar ahaan Loda waxaa magalada kuwareegsan banan xoolaha daaqaan iyo waadiyaal, bananka caanka ah waxaa kamid ah banka balay kabo kutacab banka awseero iyo ceelka durdurka ah ee guraajo dagmda waxay udhaxaysaa dagmooyinka doolow luuq iyo dagmada doolobaay ee ethiopia dagmadan dhaqaaleheeda waa wax soo saarka sida beeraha milixda xoolaha beeyada dagmada waxaa dago Beelaha Surre Dir sida  beesha fiqi muxumed.besha faqi muxumed waxay daganyihiin kalabar gobolka gado.sida deegmooyinka. Luuq, dolow,qooneey,boholgras,Baladxaw, iyo tuulooyin aad ufarabadan.

No comments:

Blog Archive