20th Jan, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 
Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaalka nabadda iyo dib u 
heshiisiinta ku maraya deegaannada ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug 
ayaa gaaray Degmada Cabudwaaq.
Madaxweynaha oo saaka kasoo ambabaxay magaalada Guriceel
 ayaa isaga iyo wafdigiisa waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay Degmada 
Balanballe, Xeraale iyo Huurshe oo ka tirsan gobolka Galguduud.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u mahadceliyey dhammaan 
shacabkii isugu soo baxay deegaannada uu socdaalka ku soo maray, 
isagoona kula dardaarmay in ay ilaashadaan midnimadooda iyo wada 
jirkooda.
Madaxweyne Farmaajo oo goob fagaare ah kula hadlay 
shacabka ku dhaqan magaalada Cabudwaaq ayaa yiri “Waxa uu socdaalkeennu 
yahay nabadeeyn iyo dib u heshiisiin taas oo ay calaamad u tahay midowga
 Ahlu Sunna iyo Dowlad Goboleedka Galmudug. Waxaan ku faraxsanhy sida ay
 labada dhinac isugu tanaasuleen. Runtii taas waa wax lagaga dayan karo,
 ayna tahay in ay magaaladan ka bilaabato.”
Madaxweynaha oo safar kusoo maray Degmada Balanballe, 
Xeraale iyo Huurshe ayaa u sheegay shacabkii isugu soo baxay soo 
dhaweyntiisa in horumar kasta oo laga hirgelinayo deegaannadan uu ku 
xiranyahay sida ay uga wada shaqeeyaan nabadda iyo dib u heshiisiinta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane 
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labadii toddobaad ee u dambeysay waxa 
uu socdaal ku marayey qeybo ka mid ah Goballada Nugaal, Bari, Mudug iyo 
Galguduud, isagoona u kuur galayey baahiyaha nololeed ee bulshada ku 
dhaqan gobolladaas.
Socdaalka maanta waxaa Madaxweynaha ku wehlinaya 
Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweyne 
Kuxigeenka Mudane Maxamed Xaashi Carrabeey, Madaxa Golaha Xukuumadda ee 
Dowlad Goboleedka Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan, Xildhibaanno 
heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Wasiirro iyo masuuliyiin heer 
gobol iyo heer degmo.
 
  
  
  
  
  
  
  
 
PUNTLAND POST
 
 
No comments:
Post a Comment