Saturday, July 28, 2018

Riyaale Xaamud- Founder of Issa Tigers Association (ITA) and Issa and Gurgure Liberation Front (IGLF).




Riyaale wuxuu ku dhashay magaalada Diridhabe 1959kii. Wuxuu Somaaliya yimid isaga oo yar. Wuxuu dugsiga hose/dhexe ku dhameeyey Muqdisho,Dugsiga Maxamud Xarbi

Kadib sannadkii 1976-dii wuxuu aaday dalka Sudan oo uu ku qaatay waxbarashada dugsiga sare.

Kadib wuxuu Sudan ka aaday Sacuudi Carabiya 1978dii halkaas oo uu Jaamacadda kaga soo baxay. Markii uu jaamacadda dhameeyey wuxuu shaqo macalinimo ka helay dalka Jabuuti oo uu 1982 ilaa 1992 bare ka ahaa.Wuxuu Riyaale ku soo laabtay dalkii hooyo 1992gii . Wuxuu markiiba aas-aasay ururka lagu magacaabi jiray Isa Tigers Association (ITA). Muddo kadib, isla 1992 ayuu Guddoomiye u noqday Isa Tigers ; Issa and Gurgure Liberation Front (IGLF).

Riyaale Xaamud waa halgamaa weyn oo caan ku ah geyiga Soomalida Itoobiya gumeysato. Riyaale wuxuu ka soo jeedaa qoys halgamaa ah. Riyaale aabihii, Xaamud Axmed (Xaamud Laangadhe) wuxuu ahaa halgamaa weyn oo ka mid ahaan jiray madaxdii Jabhaddii WSLF. 16kii Juune 1990 ayey gumeysatada Itoobiya dishay Marxuum Xaamud Laangadhe, Riyaale aabihiiWuxuu muddo dheer xidhiidh la lahaa halganka hubaysan ee ay hogaaminayso Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadenya (JWXO).

Wax yar ka dib isaga oo u arkayey in xal lagu gaadh karo balan qaadka Cahdigii ku meel gaadhka ahaa ee caddaynayey aayo ka talinta shucuubta la gumeysto ayuu ka qayb galay dawladii Kililka sannadkii 1993dii oo uu ka noqday wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Wuxuu mar labaad noqday wasiirka dal Xiiska.

Halgame Riyaale Xaamud Axmed, sannadkii 1995 wuxuu ka qayb-galay baarlamaakii kililkak. Markii uu habka gumesigu ula dhaqmayo shacabka ka soo horjeedsaday laguna tuhmay inuu xidhiidh la leeyahay halganka hubaysan ayaa isla 1995kii 10kii October la xidhay. Halkaas ooh al sano xidhnaa. Maadama ay ku tuhmayeen inuu xidhiidh hoose la leeyahay JWXO ayaa loo dortay ergay dhexdhexaadin Itoobiya iyo JWXO 1997kii.

Dhamaadkii 1997kii ilaa 1998ki wuxuu ahaa Madaxweyne ku Xigeenka Kililka. Wax yar kadib waa laga qaaday xilkii Madaxweyne ku Xigeenka. Markaas ayuu bilaabay inuu dib u hababeeyo Ururkii Xisbiga Dimoqraadiga Somali Galbeed (WSDP) oo ka soo dhex baxay ururkii WLSF. Waxaa Riyaale loo doortay Hog-hayaha Guud, oo ilaa iyo haatan matalayo.



1 comment:

Blog Archive