Sunday, July 8, 2018

Shir Ay Waxgaradka iyo Haweenka Beesha Surre Ku Yeesheen Muqdisho -Posted Date: 20 Dec 2014


Shir Ay Waxgaradka iyo Haweenka Beesha Surre Ku Yeesheen Muqdisho Oo Baaq Xasaasi Ah Laga Soo Saa‏ray

Posted Date: 20 Dec 2014

Ka dib kulan balaaran oo ay iskuuga yimaadeen Dumarka, Aqoon yahanada Beesha Surre oo ka mid ah beelweynta direed ayaa waxaa lagu qabtay hodheelka Wardheer ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa kulankaas ka qaybgaleen 5 xildhibaan oo Dumar ah oo ka soo jeeda Beelweynta Direed

waxayna kala ahaayeen:

1 Xildhibaanad Caasho Koos Maxamed Cumar

2 Xildhibaanad Duniyo Maxamed Cali

3 Xildhibaanad Faadumo Xassan Cali

4 Xildhibaanad Bishaarow Cabdi Diiriye Garabey

5 Xildhibaanad Zahro C/qaadir C/raxmaan

Waxaa madasha hadal kajeediyay 3 xildhibaan waa caasho koos,xildhibaanad duniyo maxamed cali, xildhibaanad faadumo xasan cali. Waxay balan qaadeen in ay la shaqeynayaan gabdhaha aqoon yahanada ah ee beesha sure dowlada federaalka soomaaliyana au ugudbiyanaan cabashada ay soo jeediyeen gabdhaha.

Intaas ka dib waxaa war saxaafadeedka ujeedadiisa aqrinaysa aqoonyahanad Safiyo Macalin Xasan

Mudanayaal iyo Marwooyin, Xildhibaanada Sharafta leh, iyo dhamaan gabdhaha sharafta badan ee naga aqbalay casuumada aan u fidinay maanta waxaan doonayaa inaan halkaan idin kaga soo gudbiyo ujeedada shirka aan u qabanay.

Walaalyaal sida aad ogtihiin beesha surre oo ka mid ah beel weyta direed waxa ay degtaa bartamaha iyo koonfurta soomaaliya sida gobolada hoos ku xusan:

  1. Gobolka Mudug: Toowfiiq,  Godob Jiiraan, Gal xagar, Jariiban, Dhinowda, Bacaad weyne, Baraag Ciise, Qeecad, Jiic Dheere, Labo Ceel, Qeydaro
  2. Gobolka Galguduud: Xeraale, huurshe, miirjiicleey, Mayeeran, Ari cadeys iyo hul ku jir
  3. Gobolka Hiiraan: Kabxanleey, Deefoow, Jeereey, Madiino iyo Buulo Banaan

degmada waa degmo aad u baaxad weyn waxaana hoos taga magaalooyin kale oo aad u badan sida Huurshe,Miirjiicleey,Lajiide,Dusmaaley, Aricadys,Mayeeraan,Bangeele iyo waliba Barkado Diirshe dadka dagan dagmada Xeraale waxaa lagu qiyaasay dad gaaraya 390,000 oo Qoys

No comments:

Blog Archive