Wednesday, December 12, 2018

DHAGEYSO: Maxamed Xasan Fiqi “Waxaan joojineynaa colaada Marko” August 16, 2017 ( Biimaal Mahe Dir)

Baydhabo-(SPO)- Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu sheegay in uu wado qorshe ku aadan sidii wax looga qaban lahaa colaada iyo dhibaatada ka taagan magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasiirka Beeraha maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in ay wadaan Wasaaradaha qaar ee Koonfur Galbeed qorshe dib u heshiisiin loogu sameynayo shacabka Shabeellaha iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha Abaaraha.
Wuxuu kaloo sheegay Maxamed Fiqi dhibaatooyinkii ka dhacay Shabeellaha Hoose gaar ahaan Marka in ay sababtay in dadka qaar ay u barakacaan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo gabaadsi doontay, iyo nolol wanaagsan oo ay raadsadaan.
Maxamed Xasan Fiqi Wasiirka Beeraha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegay Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in ay qeyb ka yihiin xasilinta magaalada Marko iyo guud ahaan gobolka Shabeellaha Hoose.
Warbixin dhowaan ay soo saartay Hay’adda Human Rights Watch ayay ku sheegtay dagaalyahanada Al-shabaab in ay qafaasheen dad rayid ah, dhaceen xoolo, islamarkaana dab qabadsiyay guryo taasi oo keentay in dad ka badan Shan iyo Toban Kun ka barakacaan guryahooda.
Gobolka Shabeelaha Hoose oo ka mid ah gobolada ugu wax soo saarka badan ee Soomaaliya ayaa mudo dheer waxaa ka socday Dagaalo u dhaxeeya Maleeshiyo beeleedyo iska soo horjeeda, Ciidamada Dowladda Federaalka, Ciidamada AMISOM oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab, laakiin saameynta ugu weyn waxaa ku yeeshay Dagaalka laba beelood oo awooda gobolka iksu heysta.

No comments:

Blog Archive