Sidii Garre Quranyow Mohammed iyo Warday looga raray Jubbaland
Abdi Osman (KON) -
Aqriso Qeybta Koowaad
- Waxaa ku jirnay Qaybta ahayd Dhulka Jubbooyinka yaa u soo horreeyey,
bal eeg Turton oo hadalkiisa sii wata in qayb Garre ah meel Giumbo
(Jamaame) u dhow si isdaba jog ah dagaallo loogu soo caabiyey laguna
celiyey woqooyiga Marka.
Halka qayb kalana ay gudubtay wabiga Jubba oo ay ku dhex milantay jasiiradaha Baajuunta. SAHAL xaggey jirtay waqtigaan?

Taariikh yahanno kale waxay xuseen in Hawiyaha waqti hore intaan
ceelasha Afmadow la helin ay wabiga Jubba aagga Kismaayo ka agdhawaayeen
oo ay waliba geelley ahaayeen, eeg hadalkan Sekuye (nuuc Oromo ah) ee
soo socda ay uga sheekeyeen in Hawiye (ama Biyomaal) ay meel Kismaayo
agteeda ah wabiga Jubba ka soo tallaabeen iyagoo usoo talaabay dhanka
galbeed ayna geel sida geela Randiilla u eg lahaayeen, xitaa qoraagu
wuxuu ka sheekeynayaa sidii Afmadow- oo markaasi oon loogu dhiman jiray-
ceelasheeda ay ku aasaasmeen oo gabar afmadow(cirrid madow) inta bir
Qur’aan lagu akhriyey loo dhiibay la faray gabadha inay dhulka ku
dhufato iyadoo loo sheegay inay iyadu dhiman doonto Jannadana ay geli
doonto laakiin meesha ay biyo ka soo burqan doonaan oo reerkoodu uu
oonka dayn doono sidaasna ay ahayd sidii lagu helay ceelasha Afmadow,
taasoo tusaysa waqtiga Hawiyaha ay aagga Kismayo iyo wabiga Jubba
joogeen in ay tahay intaan ceelasha Afmadow la helin oo ah waqti aad u
fog: ka eeg qisadaas iyo hadalkan soo socda buugga
“Identities on the move:clanship and pastoralism in the northern Kenya” ee uu qoray profesoorka Jarmalka ah ee Günther Schlee.

Sakuye (qabiil oromo ah) waxaa wabiga laga jiiray Malkada Geela ee
bariga Kismaayo, waxa uu qoraagu weydiiyey oo miyaa laga cararay oo
wabiga la jiiray, haa, wabiga ayey kala bareen (asmo ayey isticmaaleen),
dadkaas waxay ahaayen Hawiye, anigaa arkay (Sakuye-yaha hadlaya
awoowayaashiisii markaas joogay ayaa anigaa arkay leh, ninka la
wareysanaya qarnigii tagay ayuu hadalkii awoowayaashiis profesoorka uga
sheekeynayaa) go’yaal tarash leh (farqo leh) ayey sida Randiilaha oo
kale wateen, xirsi-na (qardhaas) qoorta ayuu uga xirnaa.
Ogow waxa sidaas leh markaan ma aha turjubaan SAHAL ee hadalkii
Sakuye halkaan ka akhrista SAHALna turjubaan Sakuye ha raadsato, bal
xilligaas SAHAL-ow xaggeed jirteen?

Wuu sii timaamayaa Hawiyaha meesha ay ka yimaadeen iyo dhinaca ay
wabiga Jubba u jiireen, Professorka ayaa weydiiyey ninka Sakuye dadkaas
ma Soamaaliya ayey ku nool yihiin? Soomaalidaas Hawiyaha ee wabiga ka
shisheeya ayaa dhinacan usoo gudbay, xataa geeloodu wuxuu u ekaa geela
Raandiilaha. Marka Hawiyaha xilli hore oo ay ummado aan Soomaali ahayn
dhulka joogeen ayuu soo gudbay sida aad u jeeddaan, SAHALna buugaagta
caalamka ha jeexjeexdo ama ha ka tirtirto ereyadaan.

Waxaa Taariikhda ka muuqata in Ogaadeenku uusan Galla ka kicinin
aagga Kismaayo laakiin ay Hawiye iyo Biyamaal ahaayeen sida hadalka kore
ku cad.
Dhulka uu Ogaadeenku ka dagaallamay uu ahaa wixii Gedo iyo gobolka
Liiban u dhaxeeya, Jubbada Hoose Ogaadeen waxay ka soo galeen dhanka
Wajeer (sida ka muuqata hadalka soo socda) ee xagga Soomaaliya kama soo
galin, soonaha Afmadow iyo soona Badhaadhe ayuuna ku egyahay ilaa iyo
manta oo xagga Kismayo waxa ka xigay Hawiyaha iyo Dir-ta maadaama ay
iyagu dhankii ay ka galeen ee Kismaayo weli sidi u daggan yihiin si
fiican u dhuux qaybtan soo socoto.
Faah faahinta xaqiiqda dhabta ah iyo dagaalladii Galla
Halkan waxan rabaa in aan idiin soo koobo sida ay arrintu tahay oo
SAHAL beesha ay magacooda ku qaraabato markoodii hore Jubbaland ilaa NFD
ku tageen (qof kasta oo baaro arrintaan unbaa u caddaan doonto), si
aadan ugu wareerin -sababtoo ah arrintan waa arrinta ay SAHAL is daba
mariso- waxan ku qasbanahay inaan si fiican u caddeeyo, Ogadenka oo ugu
soo horreeyey beesha Daarood waxay ka yimaadeen Killilka 5aad aagga Yeed
ilaa Doolow ayeyna gobolka Gedo ka soo galeen, waagaas Gedo waxa
hadallada gaalada laga garan karaa inay joogtay Dir (Fiqimuxumed aagga
Boholgaras), Raxanwein (Gasaaragud aagga Luuq, Garre, Tunni iyo Macallin
Weyne aagga Baardheere ), markaas ayey Ogaadeenku sheegteen Raxanwein
oo markaas awood lahayd (waa arrinta Thesis-ka uu ku qoray wiilka
Ogaadeen).
Dhinaca Doolow, Beled Xawo ilaa dhulka hadda xuddudda Kenya xiga waxa
joogay Boran iyo Soomaali (Garre, Ajuuran, Dagoodi ) oo Boran (oo aagga
Garba Haarrey joogtay) xulafo la ahaa, markuu soo batay ayuu Ogaadeenku
dhulkii ay dadkaan joogeen ayuu isku fidiyey waana tan iyadi oo English
ah

Wardayda xarunteeda ugu wayn waxay ahay wajeer oo ceelal farabadan oo
laga biyo cabba ku lahayd, waxa kale oo ay Warday ku amar
kutaagleyneysay ceelasha Ceel Waaq, Boran iyadu waxay ka xumeyd Wardayda
isku duuban oo halkii ay is kaashan lahaayeen laga yaababa inay iyadaba
maquuniso, dadka xoolo dhaqatada siiba Boran iyo Ajuuran waxa kale oo
ay u ciil qabeen ku amar ku taagleynta Warday ee ceelasha Wajeer, Garre
isaguna wuxuu u ciil qabay ceelasha Ceel Waaq, hoos ka akhri English-ka.

Ogaadeen oo markan soo batay isagoo ay wehliyaan koox yar oo sheegad
woqooyi kala timid ah ayaa isku sii fidiyey dhulkii Tunnida, Raxaweynta,
Dirta iyo Wardayda, 1865 cudurkii Furuqa ee helay Warday ayey uga
faa’ideysteen Ogaadeen oo dhanka bari ka soo galay iyo Boran, Ajuran,
Garre oo ay wehliyaan qabaa’il yar yar oo dhanka Wabiga Dawa oo
Mandheera mara ka yimid ayaa iyaguna dhanka woqooyi uga keenay Warday.
Hoos ka akhri

Marka sida aad aragtaan dhulka ay Galla (Warday) Ogaadeenka iyo
xulafadiisa ka kiciyeen waa NFD-daas aan kor ku soo sheegnay hoos ka sii
akhri sidii loo qaybsaday dhulkii laga furtay Galla (Warday) ee min
Ceel Waaq, Wajeer ilaa Madheera oo 390km ka badan isu jira (aaway
Kismaayo):

Ogaadenku Jubbada Hoose in ay ka soo galeen dhanka Wajeer ayaa cad,
sababtoo ah waxaa qoraalka ka muuqdo inay ilaa Gaarisa gaareen, ka dibna
ay isku soo fidiyeen dhanka Wajeer, laakiin Boran iyo Ajuran marka
horeba hadafkoodu ugu weyn uu ahaa ceelasha Wajeer sidaasna ay toos u
abbaareen Wajeer, ka akhri hoos eeg kalmadda ah
“... and later expanded into Wajeer”
Kooxda SAHAL hadday ka muranto hadalladan kor ku qoran oo ay
tiraa mayee dhanka Kismayo ayaan ka soo galnay, lugta ayey iska
toogatay, sababtu waxay tahay tan koowaad gaaladi ayaa sidaas u
dhigaysa(waana meeshii aan isku ogeyn aan daliishanno), tan labaad qof
ka soo gudbay Killilka 5aad maxaa xeebta Jamaame ka tuuray aaway-se
tuulooyinkiinii Kismaayo, tan saddexaad ee uguba daran waa hadalka
gaalada ee oranaya meesha waxaa sii dagganaa oo uu Ogaadeen ugu yimid oo
lahaa dhulka uu isku sii fidiyey (eeg
who expanded at the expenses of other Somali) qabaa’ilkii Soomaalida ahaa (Hawiye, Dir iyo Digil-Mirifle) oo ay ka cararayeen oo dooddoodii oo dhanba way burburaysaa!
Professoor
Günther Schlee oo aan buuggiisa hadallada kore ka soo xigtay wuxuu uga
duwan yahay Elliott isagoo ah profesoor cilmiga Antropology-ga ah
(cilmiga asalka Bani Adam-ka iyo dhaqankooda), wareystayna Oromadii
dhulka laga kiciyey wareysigii oo afkoodi ah iyo af Ingiriis ayuu buugga
ku wada qoray, halka Elliott uu ahaa nin safar iska ah oo un Turjubaan
SAHAL ku tiirsanaa.
Su’aasha is weydiinta mudan waxay tahay
Hawiye iyo Daarood ma u sinaayeen dagaalladii Galla lala galay mise
Daarood kaligiis ayaa ceyriyey Galla oo Hawiye Hiiraan ayuu ka soo
hayaamay sida ay SAHAL sheegto, su’aashaas waxa ka jawaabaya IM Lewis
(illeen xaddiis nabi la daliishan maayee war gaal Ingiriis ah unbaa la
daliishanayaaye) ka eeg hoos hadalka IM Lewis ee oranaya in Hawiye iyo
Daarood dagaalka u dhamaayeen oo waliba hab u dhigma kan milatariga ula
dagaallameen Galla, maxay SAHAL u soo qaadan waayeen hadalkaan IM Lewis
ee iska cad? Sababtu waxay tahay Hawiye ayuu meesha keenayaa, marka waa
qalad IM Lewis wuxuu qoray oo dhan. Hadalka IM Lewis waxaan ka soo
qaatay buuggiisa la magac baxay
“Pastoral Democracy”

Sow halkaas kuma cadda in Galla la wada eryey oo ay qabaa’ilku u
dhmmaayeen, xaggey SAHAL ka keentay inay kaligood ceyriyeen Galla, waa
haddiiba aan dhahno Galla-ha Oromo ayuu ahaa.
In dhulka ay wada daggan yihiin Hawiye iyo Daarood ka sii akhri hadalkan IM Lewis:
“The Jubaland Somali were nomadic pastoralists who belonged almost exclusively to two clan-families, the Darod and the Hawiye” SAHALow ka gooya baalasha sheegaya arrimahaas buuggaas IM Lewis.
Akhyaarey waad arkeysaan waxa Galla lagu sheegayo waa Warday, Dir ah
sida ay gaalada caddeeyeen xataa ELLIOTT, su’aashu waxay tahay SAHAL ma
aqbalaysaa hadalka gaaladaas sheegaya Galla inay Warday ahayd, Warday-na
ay Dir tahay, sidaasna ay Dirtu dhulka uga soo horreysay SAHAL, tan
kale waxaad soo aragteen in qabaa’ilka Soomaalida ay xataa Galla-ha ka
sii horreeyeen haddiiba ay SAHAL gaalada warkeeda diiddo oo ay Galla ku
sheegto Oromo (xasuuso gaalo inaan daliishanno ayaan isku ogeyn), sow
qabaa’ilka ay gaaladu sheegtay inay Galla dhulka uga sii horeeyeen
SAHAL-na ugama sii horreyn meesha marka ma qirsan tihiin in Beesha 5aad,
Hawiye iyo Digil iyo Mirifle ay meesha idinkaga sii horreeyeen SAHALow?
Haddiibase Galla-ha ay SAHAL sheegato in ay dhulka ka kiciyeen lagaba
sii horreeyey oo sida aan kor ku soo sheegnay meesha ay afarta qabiil
ee kale ee Soomaalida sii dagganaayeen Galla ka hor, in Galla dhulka
laga kiciyaa maxay macno sameyneysaa? Haddiise Galla ayaa meesha laga
kiciyey dhulka lagu yeelanayo sow Galla gaaladu ma sheegin in ay
dagaalkiisa u sinnaayeen Hawiye iyo Daarood, maxaad ku yeelateen idinku
oo ay qabaa’ilka kale ku waayeen illeen gaalo unban daliishanaynaye?
Akhyaarey ma garateen qodobkii labaad ee SAHAL ee ahaa GALLA AYAAN KA
KICIYEY inuu yahay hal bacaad lagu lisay?
Waxaa ii haray inaan wax iraahdo arrin ay beryahaan caadaysteen oo ah
dhulka kaadi baan u soo cabnay oo waa usoo dagaalannay oo Al-shabaab
ayaan ka kicinay, taasna qaybtan ayaan uga hadlayaa.
Waan soo dagaallamay oo dad ayaa iiga dhintay
Arrinta kale ee ay SAHAL ku dooddo marka dhan kasta laga soo xirxiro
waxay tahay Axmed Madoobe wuu usoo dagaallamay dhulkaan oo kaadi ayaa
loo soo cabbay ragna waa ku dhintay, waa hagaag arrintaas waxaan uga
jawaabayaa saddex arrimood, tan hore dhulka horta Kenya oo taangiyo,
diyaarado iyo maraakiib dagaal wadata ayaa xoreysay oo ilaa hadda
haysata haddii aadan hal xabbo qush ka siininna Kenya way qabsan lahayd
kolleyba, hadda hadday baxdana, ciidan kiina ah oo ka haraya oo Soomaali
ah ma jiro oo waad raacaysaan marka aniguna waan la socday maxay
taraysaa.
Tan labaad waxaan ognahay markii ciidankii xoogga dalka la aruuriyey
xilligii Gaandhi hab qabiil ayaa loo kala saaray, ciidankii beelaha kale
waa laga tagay oo 2000 oo isku hal reer kaliya ah ayey Kenya tababar
siisay Isiyelow waxayna ahayd kaarto hadhow lagu dhaho aniga kaliya ayaa
usoo dagaallamay oo dad kale lagu faquuqo.
Tan saddexaad ee lugta idiinka tooganaysa waxay tahay haddii waan u
soo dagaallamay dhul lagu milkinayo isbahaysigii Dooxada Jubbaba way
usoo dagaallameen Kismaayo oo kaadi ayey usoo cabbeen, ragna waa uga
dhintay rag dhabtii Jubbaland u dhashayna waa ku jireen
isbahaysigaasi-sida ay idinkuba idinku jiraan rag jubbaland u dhashay-
ma u oggoshihiin inay Kismaayo maamulaan? Waxa aad ku diiddeen ayaa
idinkuna laydinku diidan yahay. Ma idin dhacay warkaas?
Annagaa majority ah inta kalena waa minority
Marar badan waxaad maqlaysaa SAHAL oo leh beesha SAHAL ayaa majority
ka ah Jubbaland dadka kalana waa dad laga tiro badan yahay. Dagmooyinka
aad tirsaneysaan waa tuulooyinkiini oo Siyaad Barre degmo idinka dhigay
ummadda kalena way idinla daggan tahay degmooyinkaas oo kaligiin kuma
tihiin, dadka kalana tuulooyinkoodii weli waa tuulooyin inta bandanna
iyaga kaligood ayaa daggan bal goormaad dadka soo tiro koobteen oo aad u
qaybiseen majority iyo minority?
Haddaad caddaalad rabtaan oo aadba hubtaan in ummadda kale ay
minority tahay aad idinku ka badan tihiin, maxaad u diiddan tihiin in
dalka la wada xoreeyo oo doorasho caddaalad ah laga galo Jubbaland si
sahlan ayaadba ku guuleysan kartaan illeen “majority” ayaadba tihiine?
Waxaad wax u dadajinaysaan sow ma aha inaad hadda xeer eex ku dhisan
oo hadhow lama dhaafaan noqda (sida madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa
weligood annaga ayey naga imaanayaan iwm) sii dhoodhoobtaan illeen
waxaad tuhunsan tihiin in doorasho caddaalad ah aadan ku soo baxaynine?
Somalida kale way idiinla fahamsan tahay kaartadaas mana soconeyso.
Gabgabo iyo Gunaanad
Haddaba haddii uu Hawiye Galla ka ceyriyey Jubbooyinka oo uu daggan
yahay (sida qoraalka kore ee IM Lewis iyo Map-kaba ku cad) maxay SAHAL
odayaashiisa Muqdisho uga dhigaan in ay denbi galeen oo ay tahay in ay
ka towbad keenaan haddiiba ay ka hadlaan arrimaha Jubbooyika maxaase
odayaasha Puntland xaq usiiyey inay Boosaaso oo 2000km u jirta Kismaayo
in ay si xor ah uga hadlaan Jubbooyinka oo aan dulmi ahayn SAHALow?
Tan kale yaa arkay Hawiye oo dhahaya Puntland ama Somaliland
qaybteyda ha la iga siiyo, muxuuse u dhihi waayey, sababta waxay tahay
dhulkaas deegaan kuma aha laakiin Jubbooyinka waa dhulkiisi cidna u daba
fadhiisan maayo, waxaa xusid mudan in la caddeeyo Muqdisho-da hadda la
leeyahay guryo ayaa laka haystaa iwm.
Sidan hadda Jubbooyinka ka jirta ayaa ka jirtay waagii dowladdii
Siyaad Barre, waxaa laga kari waayey dadkii waagaas joogay war dulmiga
iyo eexda ha laga dhaafo ummadda, hadday xafiis dan kaasoo gasho yaa
naag ka dhalatay reerka madaxweynaha qabo bal iyada ha noo soo dhamayso
danaheena ayey dadku ku joogeen xamar yacni second class citizen (dad
dhulkooda marti ku ah) qof walbana marqaati ayuu ka yahay arrintaas,
hadafkaygu ma aha in dadka guryaha dadka kale ku habsaday ee xaaraanta
ku dhex jiro aan qiil u raadinayo laakiin waxan ka wadaa haddii uu
dulmiga bato dadku hal mar ayey butaacaayaan taasoo keeni karto inay
iyaguna dulmi kale sii galaan, haddadaasna waa taas dadkan laga keri
la’yahay war dadka Jubbooyinka second class citizen-nimada ka daaya oo
idinka wax ha u yeerinina idinkoo xoog shisheeye isticmaalaya, waxa is
weydiin mudan dadku waxay ku diiddan yihiin in la sinnaado oo si
caddaalad ah meeshii lawada daggan yahay lagu qaybsado, cajiib!.
Haddii dhulka lagu milkinayo yaa daggan oo tuulooyin iyo dhul daaq
ahba ku leh, maqaal hore ayaan idiinku soo gudbiyey tuulooyinka Hawiye
ee Jubbada Hoose (eeg Xaqiiq iyo Caddeyn: Kismaayo Hawiye iyo Daarood
yaa dadka deegaanka ah?), tuulooyinka hawiye ee gobolka Jubbada Dhexena
waan idiin soo gudbin doonaa haddii uu eebbe idmo, haddii war GAAL
ingiriis ah uu qoray dhul lagu milkinayana waa kaa gaalka ingiriiska ah
caddeynaya in Hawiye deegaan ka yahay Jubbooyinka (eeg map-ka kore ee IM
Lewis deegaanka Hawiye ee Jubbaland).
Digil iyo Mirifle-na waa taas gaaladu leedahay Garre ayaa ugu
horreeyey Jubbaland waana kuwii uu Ogaadeen sheegat ku ahaan jiray
Jubbaland (sida uu ninka Ogaadenka ah jaamacadda u gudbiyey), Beesha
5aad-na Carab iyo Baajuun waaba dadkii kow dagay magaalada Kismaayo,
Jareer Weyne waa nimanka Gosha daggan oo gaaladoo dhan ay sheegeen.
Beesha Dir-na waa Biyomaalka iyo Wardayda daggan Jubbooyinka iyo warkii
Elliott ee sheegayey in Isaaq daggan yahay Jubbaland illeen waa warkaas
oo kale kan aad idinkuba meesha ku joogtaane. Akhyaarey sow dhulkaas
dhul ay 5 ta (ama 4.5) beelood ee soomaali ka kooban tahay ay wada
leeyihiin ma aha? Jubbooyinka waa dhul Daarood, xaggey SAHAL ka keentay?
Haddii
ay sheekadu boob iyo xoog shisheyaan wataa tahayna ma cid lagu baadi
karaa jirto? Hadday dowladda Soomaaliya burburtana- waa sida aad
rabtaane SAHAL-ow- meeshaad ka gashaan ayey Soomaalida kalena ka
galaysaa oo ah gun nimo iyo qaxooti. Hadda madaxweynayaal kala duwan
ayey qolo walba kaga dhawaaqday Jubbaland, SAHALow ilmaha iyo haweenka
qurbaha ceyrta ku qaata soo aruuriya ee TV-yada Soomaalida lacag siiya
kana alalaasa (waa filimkii maamul goboleedyadii feegga ahaa ee aan 2011
aadka u daawannay) xaqiiqda la iska indho tiraya waxay tahay “buun
ninkii xada meel uu ku yeeriyo ayaa la rabaa” ninna tuuladiisa cid kale u
daba fadhiisan maayo, ma u maleynaysaa in Kenya iska dhaafe Mareykan
iyo Ingiriis ay dadka deegaanka Jubbooyinka u sandulleyn karaan Axmed
Madoobe?
Waa sidaasoo ninka Axmed Madoobe ah ee aan manta 5ta xaafadood ee
Kismaayo ka talinin ay ku sii sugayaan Jamaame, Jilib, Saakow iwm
warkiisuna hadda uu ku soo koobmay “xaflad lagu taageerayey madaxweynaha
Jubbaland oo ka dhacday……ulululuuluulu.” Maxamed Ammiin C/llaahi waa
nin Ogaadeen, Maxamed Subeyr ah oo Waamo ku dhashay aabihiina uu Waamo
ku dhashay, Kismaayo ayey ku xayireen kooxda Axmed Madoobe ee Killilka
5aad ka timid isagoo Xamar ka yimid sababtu waxay tahay Maxamed Amiin
wuxu aaminsan yahay figradda ay dadka kale ee reer Waamo aaminsan yihiin
ee ah jidka kaliya ee ay Kismaayo ku dagi karto kaas oo ah in loo
laabto xeerkii reer Waamo ee 1971 lagu heshiiyey, 22 kii sano ee la soo
dhaafay Maxamed Amiin wuxuu ka qayb galay shirar badan oo Kismaayo loo
qabtay, wuxuu ogaaday in koox intay Kismaayo qabsato dadka iyada wax u
yeerisa in horey looga soo daalay oo aysan soconeyn laakiin yaa talo ka
dhagaysanaya, ayaan darrada Kismaayo haysata waxaa ka mid ah marba nin
cusub ayaa imaanaya.
Axmed Madoobe oo killilka 5aad Itixaad-nimo uga soo cararay ayaa
xilligii maxkamadaha loo dhiibay Kismaayo, wuxuu dhadhamiyey lacagta
Doollarka ah ee dekadda Kismaayo ka soo xeroota qorina wuu haystaa
(maxaad u maleynaysaa nin qaxooti weligiis ahaa oo laga yaabo inuusan si
fiican u dhargin oo hal mar doollar arkay) hadal ma ka dhagaysanyaa
Maxamed Amminn ilaa uu maro meeshii ay dagaal oogayaashii kale mareen,
wuxuu isku dayey Axmed Madoobe inuu is sharciyeeyo ha yeeshee waad u
jeeddaan oo way socon la’dahay, dadku ma is weydiiyeen waxa ay u socon
la’dahay dadkii reer Waamo sida Maxamed Ammiin ayaa dhulkoodii marti ku
ah oo ummad kale oo Killilka 5aad iyo Puntland ka timid ay dhulkoodii
qori ku haysataa annaguna waxan u qaylineyno waxay tahay war talada
Waamo gacanta reer Waamo ha lagu soo celiyo iyagaa is yaqaanna oo
weligood wax soo qaybsan jiray xeerarna leh, bal intaas maxaa ku jaban!
Dadku khiyaaliga iyo beenta ay isku maaweelinayaan ha iska dhaafeen,
daqiiqad kasta oo ay soomaalidu isku jeesato waxay ka go’an tahay
waqtigii loogu talo galay inay Soomaaliya cagaheeda ku istaagto, runta
ha loo soo wada laabto, gobollada ha la wada xoreeyo si ay dadka
wakiilladooda uga soo dooran karaan tuulooyinka, haddii markaas Axmed
Madoobe uu ku guuleysto waan u wada mashxaradeynaa anagoo ah 5ta beelood
ee ay Soomaali u qaybsan tahay, inta ka horreysa waxaan leenahay maamul
kama jiro kismaayo nin walbana xaafaddiisa way u xiran tahay.
Xoog inaan qabiil waxba looga qaadaynina si practical ah ayaan usoo
ogaannay 22 sano ee aan soo dhaafnay, Wiilwaal-na horay ayuu noogu
sheegay haddaan dhego leenahay oo wuxuu yiri “rag hooyadiina waan u
saariyey, laakiin walaalow wuxuu ku dhaamo la waa”. Soomaaliyeey caqligu
ha shaqeeyo.
Abdi Osman - adam2025@gmail.com
Keydmedia Online -
http://www.keydmedia.net