Sunday, September 12, 2010

TACSI Zakiya cabdisalan Caalin

Mid ka mid ah haweenka xildhibaanada ah oo ku geeriyootay Nairobi

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Waxaa xalay ku geeriyootay Nairobi xildhibaanad Zakiya C/salaan Caalin oo ka mid aheyd xildhibaanada baarlamanka ee ka soo jeeda beelaha Direed, waxaana la sheegay xildhibaanada inay muddo dhowr cisho ah ku xanuusaneysay Nairobi.
Marxuumada oo ka mid ah aheyd gabadha baarlamaanka kuwooda ugu firfircoon, waxeyna aheyd Zakiya C/salaan xubnihii ururrada bulshada rayidka ee ka mid noqda baarlamanka, iyadoo dowladdii Cartana ka aheyd xubin baarlamaan.
Marxuumada ayaa galabta lagu aasay magaalada Nairobi, waxaana tacsi u diraya xildhibaanada kala ah Caasha Xaaji Cilmi & Caasha Axmed Cabdalla
Nairobi:- Xildhibaan Zakiya C/salaam Caalin oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka DFGM ayaa saaka ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Nairobi
Marxuumad Zakiya ayaa waxay ku geeriyootey 13:30 waxaana la sheegay inay mudo xanuunsanaa ALLE ha u naxariistee Zakiya C/salaan ayaa waxa uu ka mid ahaa Baarlamankii lagu soo dhisey shirkii Carta ee dalka Jabuuti oo uu madax ka ahaa Dr:C/qaasim Salaad Xassan
Waxaa lagu wadaa in isla maanta lagu aaso Qabuuraha Islaamka ee magaalada Nairobi.
Al-Tawxiidonline
A/Cawale
Nairobi






1. Zakiya cabdisalan Caalin
2. Qamar Aden Cali
3. Mahad Cabdala Cawad
4. Cabdulaahi Sheekh Ismail
5. Cabdi Warsame Isaaq
6. Cabdiraxmaan Aaden Ibraahin Ibbi

44- Hon. Qamar Aadan
45- Hon. Zakiya Sh. C/salaam

No comments:

Blog Archive