Tuesday, September 27, 2011

Ugaas Gadiid Cabdillaahi Buux oo Geeriyooday

Ugaas Gadiid Cabdillaahi Buux oo Geeriyooday
09/21/00


21 September 2011

Diridhaba Waxaa maanta magaalada Diridhaba lagu aasay Ugaas Gadiid Cabdillahi Buux oo ahaa ugaas beesha Gurgure. Aaska Ugaaska ayay dad badan oo qaybaha bulshada kasocday kasoo qaybgaleen, waxaana kamid ahaa wafdi kasocday Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Ugaas Gadiid ayaa ugaasnimada beesha Gurgure hayay sodonkii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna ahaa nin aad looga yaqaano Gobolka Shiniile iyo magaalada Diridhaba. Sida ay dadka Ugaas Gadiid aqoonta uleh sheegayaan, ugaasku wuxuu ahaa nin nabaddoon ah oo bulshada deegaanka isukeena, danaha dadkana kashaqeeya. Ugaas Gadiid waxay inbadan soo wada shaqeeyeen ugaaskii hore ee beesha Ciise, Ugaas Xasan.

Wuxuu ugaasku ahaa nin wayne, waxayna dadka yaqaana Kilil5 usheegeen in da’diisu ahayd 52 sano. Ugaaska ayaa lasheegay inuu si caadi ah udhintay. Ugaas Gadiid ayaa lasheegay in uusan katagin wax ubad ah. Waxaanu hadaan nahay shaqaalaha shabakada kilil5 Allaah ugabaryaynaa inuu naxariistiisa kawaraabiyo,janadana guri wayn oo uu kunasto kasiiyo.Waxaanu sidoo kale leenahay ehelka garaadka,bulshawaynta Soomaliyeed iyo beelwaynta Gurgure kasiiyo sabir iyo Iiman.

Waxaa sidoo kale,halkan tacsi ugadiraya beelwaynta Gurgure iyo eheladii garaadka:

Cabdi M Muuse -Godcusbo
Maxamed Aden obyaal
C/xakiim Aden obyaal
Yuusuf Aden obyaal
Maxamed ismail obyaal
Dr. Redwaan ismail Obyaal
Eng- Abdirahman ismail obyaal
Xaaji Saalax siciid Adiiq
Yuusuf Cali ibraahim
Maxamed Xaaji Nuur
C/laahi xaaji Nuur
Maxamed Axmed sulux
C/qaadir Yuusuf Habane
Maxamed Axmed Habane
Nadiifo saalax Aden
Maryan siciid subagle
sahnuun Amin cismaan
Yuusuf ismaaciil Aw Nuur
Jamal Cali Yuusuf
Dr cismaan maxamed yoodh
Cali ismaaciil xaaji Nuur iyo Xaaskiisa
Mustafe ismaaciil xaaji Nuur iyo xaaskiisa
C/Laahi saleebaan cumar
Maxamed saleebaan cumar
yuusuf saleebaan cumar
ismahaan saleebaan cumar
c/salaan saleebaan cumar
ibraahim saleebaan cumar
Hinda saleebaan cumar
Gadiid maxamed Gadiid
yuusuf xaaji khayre
maxamed cabdi Aden- kulmis
Yuusuf cabdilaahi warancadde

Marxuumka waxan leenahay naxariistii jano eebe ha siiyo dhamaan ehelka iyo qaraabada iyo beelwaynta Gurgure waxan leenahay badal khayr qaba iyo samir iyo iimaan....

No comments:

Blog Archive