Friday, January 27, 2012

Somali Galbeed mise Ogaadeeniya

Qabiilada Daga Dalka Somaali Galbeed iyo Cidey Kala Yihiin


Dhaq dhaqaaqa dib u xoreynta Somali galbeed waxaa baryahan danbe af gambi ku samayay beesha Ogaadeen oo dalkii Somali Galbeed u bixisay "Ogaadeenya" arrinkaan oo bilawday 1995 tii ayaa cajaaib ah in meel ay Somali weyn ku nooshahay loo baxsho magac beeled ma sax baa

Marka **** Salaan, salaan ka dib suáal aad u qiimo badan ayaad keentay. Dalkan Somali galbeed la yiraahdo waxaa daga dhamaan qabiilada Somaaliyeed oo dhan marka ma haboona in loogu yeero magac beel (Ogadeenya)ee waxaa haboon in loogu yeero Somali Galbeed. Saan ognahay cadoowga Somaalida wuxuu mar walba isku dayaa in la kala qaybiyo umada Somaaliyeed oo qas iyo casaabiyad qabiil lagu beero.

Anigoo sharaf weyn u haya beesha Ogaadeen ee Somaliyeed iyo doorka dheer ay ka cayarto xoreynta dalkaa Somali Galbeed hadana dadka ku nool dalkaa Ogadeenku kama badna boqolkiiba 20%.


Soomali galbeed waxaa ku nool:

1)Waqooyiga Somali galbeed Beesha Dir oo ay ka mid yihiin Ciise,Gurgure,Akisho,Isaaq,Barsuug,Gadabuursi,Jaarse,Gaadsan,Guure,Gariire,Fiqi Muxumad,Fiqi Khayre,Qubeys,Jiido,Obo,Mandaluug,Madigaan,Bajimaal iyo qaarkale oo badan.

2)Qaybaha Dhexe waxaa Dagan Daarood:
Abasguul, Bartire,Yabare, Ogadeen,Gilimeys,Dhulbahante,Mareexaan,Majeerteen(baciyahan),Harti gaab iyo beelo kale oo badan.

3)Waxaa daga dalkaa Gabooyo (Madiibaan-Midgaan)

4)Hawiye: Karanle Hawiye,Gaaljecel,Sheekhaal,Hiraab,Jajeele iyo beelo kale oo badan.

5)Beelaha /Samaale /Dir/Hawiye ayaa u badan Koonfurta iyo aaga Mooyaale oo ay ka mid yihiin: Gare, Dogoodi, Gadsan,Guure, Gariire,Bajimaal,Xawaadle,Ajuuran,Suure,Fiqi Muxumud.

6)Raxanweeyn fara badan oo ay ka mid yihiin Gasar guudo/Hadame iyo beelo kale oo badan ayaa dalkaa dagan.

7)Beelaha Shebeele,Reer baare, Kaboole,Duubo,iyo beeralay kale oo fara badan ayaa ku sii nool oo Ogaandeka barkii ka badan.

8)Ugu danbeen waxaa jira dad Muslimiina oo Somalida la dhaqan iyo af ah oo ka soo jeeda qowmiyada Oromada ayaa meel walba ku dhex baahsan oo dhex dagan Somalida oo ay ka mid yihiin Caruusada, Booranta,Gabrah, iyo Guuji.

Marka walaalo waa Khalad iyo gardaro in Ogaadeenya loo bixiyo dal loo wada dhan yahay. Beena ma fiicna Dir ayaa u qalanta in loo baxasho dalkaa intii Ogadeen la oron lahaa.


--- --- --- --- --- --- --- --- ---

Replying to:

Inta badan Saxaafadda Caalamka iyo Dadka ka warhaya Siyaasadda Soomaaliya waxaa ay ugu wacaan Gobolka Soomaalida ee dalkaasi Ethiopia (Soomali Galbeed ama Killilka 5aad) sababtoo ah waxaa ay ku dabaqayaan magaca Soomaalinimo iyo in dhamaan beelaha wada daga Gobolkaasi ay hal hadaf ah yeeshaan si looga gudbo dhibaatada gumaysiga ee Ethiopia.

Arinkaasi waxaa si wayan usoo dhoweeyay dhamaan soomaalida iyo inta jecel in laga ahortago kuwa wada qabiilka ee damiirkooda ku koobay in ay ku faanaan Beel ama waqtiga lagu lumiyo iyadoo aan la ixtiraamin dadka markaasi kula dagan oo iyagaba Beelo uun kasoo jeeda.
Dhulka Soomaalida ee Ethiopia waxaa dagan Beelo Soomaaliyeed oo ay kamid Yihiin Ogaadeen, Sheekhaal, Isaaq, Duubo, Dir, Karanle, dhulbahante, majeerteen iyo kuwo kale oo aad u fara abdaan oo ilaa 30 ka badan lagu qiyaaso oo dhamaantood ah Soomaali ka soo jeeda Beelaha Soomaalida oo dhan maadaama uu dhul soomaaliyeed yahay waana dhul aad u balaaran oo Malaayiin qof ay ku noolyihiin.

Hadaba Iyadoo taariikh ahaan la ogyahay dagaaladii ka dhashay Gobolkaasi ee dhexmaray Ethiopia iyo Soomaaliya si Gobolkaasi uu soomaali Weyn wax ula qaybsado ayaa waxaa hadana wax lala yaabo ah in Dhul Soomaali oo dhani ay dagantahay loogu magac daro Beel Magaceeda halkii magacii Soomaali uun la sii wadi lahaa.

Ururka ONLF ee uu Hogaamiye Maxamed Cusmaan ayaa waxaa ay dastuurkooda ku saleeyeen in ay Gobolkaasi ka badalaan Magaca Soomaalyeed loona bixiyo Magaca Ogadenia iyadoo Taliskii **** ee Ethiopia uu dhaqaale ku siiyay Ururkan in ay Magacaasi qaataan si uu ugu tuso dad qabiil ka doorbiday Soomaali.

Waxaana nasiib daro ah in ilaa hadda Ururka ONLF uu sheego in dhulkaasi ay Beeshooda leedahay isla markaana ay ka qaybgalayaan dagaal walba oo looga hortagyo cidii aan Magacaasi ka tirsanayan.

Mar aan la kulmay Maxamed Cusmaan waxaa aan waydiiyay maxaa idinku wata arinkaasi waxaana uu sheegay in ay ogyihiin in Qabiilo badan ay dagaan Gobolka hase yeeshee uu magacaasi hirgalay kuna dadaalayaan in ay ku badalaan mid aan ahayn Qabiilka.

hadaba waxaa Soomaalida lagu tiriyaa dadka ugu beenta badan aduunka maadaama Beel walba ay sheegato in ay xaq u leeyihiin waxyaabo xaq daro ah oo aan ku wanaagsnayn Islaamka

Waxaa kaloo aan la yaabaa sida Beelaha Soomaalidu ay ugu dhaqmaan qabiilka iyo in qof walba uu iska dhaadhiciyo waxyaabo aan jirin oo Jahli laga dhadhansanayo sida anagaa ugu badan iyo anagaa ugu xoog wayn.

Dhibaatada kale ee Soomaalida haysata ee jahligu uu kamid yahay waxaa iyana kamid ah in soomaalidu aanay waxba isku ogolayn isla markaana ay u fahmeen dagaalka iyo dhiiga la daadiyo mid sharaf lagu gaarayo , waxaana maanta la dhihi karaa waa Umadda ugu liidata caalamka marka la eego qaabka ay u fikirayaan.

No comments:

Blog Archive