Friday, February 24, 2012

Baro Xarfaha Labanlaabma oo hagaaji qoraallada aad sameyso ee afkaaga hooyo.

Baro Xarfaha Labanlaabma oo hagaaji qoraallada aad sameyso ee afkaaga hooyo. Qore: M. Aden Friday, February 17, 2012 Qoraalkan waa cashar yar (670 eray) oo waxtar u yeelan doona ama billad-daye u noqon kara qof kasta oo qora afka Soomaaliga oo ay mugdi uga jiraan Xarfaha Labanlaabma. Xarfaha Labanlaabma ee af Soomaliga waxa ay ka kooban yihiin toddoba xaraf oo ka mid ah shibbaneyaasha (B T J X KH ... ilaa Y). Toddobada Xaraf waxa ay ku jiraan hal eray oo lagu xusuusan karo. Ereygaasi waa "M A N A L A G A R A A D B A A." Haddaba sida ereygaas ka dhex muuqata xarfaha labanlaabmaya ama laba dhacaya waa shibbaneyaasha kala ah 'M N L G R D iyo B.' Sida Lagu Garan Karo Xarfaha Labanlaabma Xarfaha Labanlaabma waxaa lagu garan karaa si fudud. Qof kasta oo afka Soomaaliga ugu hadla sidii afkiisa hooyo ama af Soomaali ku soo barbaaray oo maalin walba ku hadla, ma dhibi karaan sida lagu garto labanlaabka, sababtoo ah qofkii oo si caadi ah isaga hadlaya ayaa dhawaaqiisa si aad u sahlan uga dhex garan kara xarfihii labanlaabmayey. Laba qodob oo muhiim ah: 1. Xarfaha labanlaabmaya marka lagu dhawaaqayo ayuu dhawaqoodu adag yahay, ama sida Qur'aanka Kariimka lagu yaqaan ayey u shidan yihiin oo carrabka ayey ku dhagaan. Haddaba sida aannu ka war hayno shibbeneyaasha 21-ka xaraf ah oo dhan ayaa dhawaqoodu adkaan karaa, laakiin XUSUUSNOW: waxa labanlaabmi kara waa toddobada kor ku xusan oo keliya; xarfaha kale ee aan ku jirin toddobadaas—sida uu dhigayo naxwaha afka Soomaaliga marna ma labanlaabmi karaan. 2. Xarafka dhawaqiisu adag yahay ee labanlaabmaya waa in uu u dhaxeeyo laba shaqal (shaqal dheere iyo/ama shaqal gaab), ama waa in uu shaqal ka soo horreeyo shaqal kalena ka dambeeyo. Hase yeeshee waxaa jira xaraf labanlaabmi kara kolka lagu dhawaaqo, sida 'r-da' dhexda ugu jirta ‘Awrta,’ laakiin maaddaama ay dhexda ugu jirto laba shibbane, sharcigii labanlaabka waa ay ka baxaysaa oo hal shibbane oo keliya ayaa la qorayaa. Sidoo kale sharcigaas waxaa soo hoos galaya xarafka kasta oo labanlaabmi kara kolka lagu dhawaaqo, laakiin haddii uu shibbane kale ka soo hormaro xarafkii labanlaabmi lahaa, kolkaas xarafkaasna lama labanlaabayo. Tusaale, bal ku dhawaaq: “Labanlaab, Raadraac” dhawaaq ahaan maxaa carrabkaaga ku dhegaya? Jawaabtu waa 'l-da' iyo ‘r-da’dambe, sababtoo ah dhawaqooda ayaa ah mid adag ama shidan, laakiin sharcigii labanlaabka ayaa loo cuskanayaa oo kolkaas lama labanlaabayo maaddaama uu shibbane ka soo hor maray. Tusaaleyaal Muujinaya Xarfaha Labanlaabma Ummad ama Cammuud; Sannad ama Waxaannu; Lallabbo ama Waxyeello; Xoogga ama Xarigga; Carrab ama Carro; Waddan ama Eeddo; Aabbe ama Ubbo iwm. Haddaba halkan waxaa ka soo if-baxeysa su'aal wanaagsan oo jawaab u baahan. Su'aashaasi waxa ay noqoneysaa: Maadaama ay jiraan 21 xaraf oo ah shibbaneyaal, maxaa tahay sababta lagu doortay toddobadan xaraf oo keliya? Waxaan u maleynayaa ujeeddada iyo jawaab lagu qanci karo waxaa laga heli karaa aqoonyahankii curiyey farta laatiinka Soomaaliga ah, Shire Jaamac Axmed iyo Guddigii af Soomaliga ee ay ka wada shaqeeyeen hirgelinta iyo horumarinta farta aannu maantta qorno. Nasiib xumo Shire Alle ha u naxariisto. Anigu shakhsi ahaan waxaan su’aashaas uga jawaabi lahaa su'aal kale oo waxaan oran lahaa: 'Maxay afafka kale oo dhan u labanlaabaan xarfahooda qaar ka mid ah oo keliya, ama maxay iyaguba u labanlaabi waayeen shibbaneyaashooda oo dhan?' Weliba labanlaabka afka Soomaaliga waa mid cilmiyeysan oo aad ugu sahlan qofkii si fiican u fahma. Waxaase ka sii fudud qoraalka farta Soomaaliga oo ku dhisan falsafad ama xikmad ah—wax kasta u qor sida aad ugu dhawaaqeyso adigoo shibbaneyaasha u dhaxeysiinaya shaqallo si loogu akhriyo. Fiiro Gaar ah (FG): Maskaxda ku hay afarta qodob ee hoos ku qoran: · Xarafka labanlaabmaya waa in uu ka mid yahay toddobada xaraf ee m,n,l,g,r,d,b. · Xarafka labanlaabmaya waa in uu dhawaqiisu adag yahay (sida kor ku qoran). · Xarafka labanlaabmaya waa in uusan ugu dambeyn erey ama kelmad uu ku jiro. · Xarafka labanlaabmaya waa in uu u dhaxeeyaa laba shaqal. Raadraac: 'Buugga Naxwaha Afka Soomaaliga.' Muqdisho. Shire Jaamac Axmed (Juge), 1973.’

No comments:

Blog Archive