Sunday, May 27, 2012

Buugga XEER-CIISE (Madoobe Dir) daawo Video iyo Sawiro


Xeer-dhaqameed (Xeer Ciise)
Posted on Nov 10, 2010 22:22:19 by redsea | read 686 times

RSOL Book Review Xeer-Dhaqameed (Xeer Ciise), 2010
Cabdalla Xaaji Cusmaan, 236 bog, Jabuuti




Sannadkan 2010ka waxa Jabuuti ka soo baxay oo la daabacay buug cusub oo aad iyo aad u qiima badan oo magaciisu yahay XEER-CIISE. Buuggan sida magaciisu tilmaamayo waxa ku qoran XEER-CIISE oo ah ka keliya ee ka nool xeerashii Soomaalida. Waa buuggii u horreeyey oo af-soomaali ku qoran oo si faahfaahsan uga warramaya XEER-CIISE iyo qodobbadiisa.

Xeerka Ciisaha oo badhtamihii qarnigii 16aad loo fadhiistay isla qarnigaana la dhammays tiray ayaa ahaa tan iyo waagaa mid facba fac ka soo tebinayey sidaana nagu soo gaadhay.

Buuggu waxa uu ka kooban yahay 253bog oo xambaarsan 9 cutub oo kala ah sidan:



  1. Cutubka koowaad, oo ka warramaya bilawgii Xeerka,dhulka, maahmaahyada Xeerka iyo qodobbo kale.
  2. Cutubka labaad, oo ka warramaya qodobbada Dhiigga
  3. Cutubka saddexaad, oo ka warramaya xeerka Dheerta
  4. Cutubka afraad, waxa uu ka warramayaa xeerka Dhaqaaqil
  5. Cutubkaa shanaad,waxa uu ka warramayaa xeerrar qubane ah
  6. Cutubka lixaad,waxa uu ka warramayaa xeerka kab Ugaas
  7. Cutubka toddobaad, qabashadii Ugaaska cusub
  8. Cutubka siddeedaad,waxa uu ka warramaya garnaq la qaaday
  9. Cutubka sagaalaad,waxa lagu soo qaatay rag ka mid ah geesiyaashii hore ee nabadda iyo xeerka ku dhaadan jirey amma dadka wax taray.



Buugga waxa qoray Cabdalla Xaaji Cusmaan oo ka tirsan (R.T.D.) Golaha Raadiyooga iyo Telefishanka Jabuuti, waa kayd hayaha isla markaana qaabilsan dhaqanka iyo suugaanta. Inta badan qodobbada xeerka ee ku qoran buugga waxa uu ka qoray ruug-caddaaga la yidhaa Jaamac Muuse Miicaad.

U dambayn ciddii danaynaysa buuggan waxay kala xidhiidhi kartaa isla qoraaga buuggan XEER-CIISE, Cabdalla Xaaji oo cinwaankiisu yahay sidan:

Email: cabdalla_xaaj@yahoo.fr
Tel: guriga 00253355266
Mob: 00253 612331
Jabuuti (Jam. Jabuuti)





Video Part One Xeer Ciise (Beesha Madoobe Dir)
http://wn.com/xeer_ciise


Video Part Two Xeer Ciise (Beesha Madoobe Dir)
http://wn.com/xeer_ciise


Video PartThree Xeer Ciise (Beesha Madoobe Dir)
http://wn.com/xeer_ciise


Video Part Four Xeer Ciise (Beesha Madoobe Dir)
http://wn.com/xeer_ciise




Faalada martida

  1. Akhriste - 2011-06-06 00:46:33
    xuseewn yuusuf bade - bade144@hotmail.com
    fadlanlaakiin dhamaystira buuga
  2. Akhriste - 2011-06-06 00:38:31
    xuseen yuusuf bade - bade144@hotmail.com
    waxaan ahay in ku abtirsada beesha ciisaha waxaanan ku koray dalka somaliland oo aan wax ku bartay waxaa ii farxad ah inaan arko xeerka beeshaydu leedahay waanan idiinku hambalyeynayaa
  3. Akhriste - 2011-05-25 08:05:07
    Omar Yaraani Barrow - cumar_101@hotmail.com
    waxaan ahay arday somaliyed jecelna in uu wax ka bartao taariikhda somaliya
  4. Akhriste - 2011-05-23 07:20:46
    dayib maxamed hure - guroonjire@hotmail.com
    marka hore waxaan aad iyo aad u salamayaa qoraha buuga xeer ciise cabdala xaaji oo aan u qabo anigu inuu yahay halyaya dhaqanka iyo sugaanata soomalida aad iyo aad u ururiya isla markaana isku xidha somaliya iyo jabuuti waxan kale oo aad iyo aad u salmaayaa jaamac muuse jaamac oo ah aqoonyahan isla markaan ii macalin ahaa ,waxaan kale oo aan aad iyo aad u boorinayaa inay soo saraan bugaaga iyo waliba cilamaga degaanaka somaliyeeda dhaman qorayaasha dadka intiisa kalena waxaan ku boorinayaa inaya badiyaan akhrisaka iyo waliba iibsiga bugaagta si aya dhiirina ugu noqoto qorayaasha wabilaahi toofiiq
  5. Akhriste - 2011-04-20 11:16:45
    riham - mesaid10@hotmail.com
    waxaan donaya faalo koobaan buugan xeer cisse aad bu xisabadan u leyahay
  6. Akhriste - 2011-01-15 03:38:36
    CKgaruun - ckgaruun@hotmail.com
    marka hore waxaan salaan diiran u dirayaa dhamaan bahda redsea-online, oo uu ugu horeeya Jaamac Musse Jaamac, u guntade , kobciye, iyo waliba u heelene suugaanta iyo dhaqanka soomaalida ah. Intaa kadib waxaan si gaara u salaamayaa qoraaga soomaaliyeed ee Cabdala Xaaji Cusmaan, waxaan leeyahay Adeer waxaad soo kordhisay ilaahay ha kuugu kaalmeeyo, wax baad soo biirisay anaguna waan kugu bogaadiyaynaa. waa dhaxal umad oo u baahan in la dhawrto, waxna laga dheefto. waan kaa mahadinayaa sida wanaagsan ee aad ugu jirto hanti dhawrka dhaxalka dhaqanka umada soomaaliyeed. Waxaan kaga baxayaa "Ha daalin ee dadaal ha lagugu daydee". Allow samirka noo daa intuu sadku noo laaban yahay
  7. Akhriste - 2010-12-30 02:51:24
    ismaaciil cabdi axmed - sitixeer@hotmail.com
    waxaan aad ugu hanbalyaynayaa Xaaji Cabdalla xaaji Cismaan oo ah masuulka kaydka RTD jabuuti iyo Aabbo Jaamac Muuse Miicaad sida ay ugu guulaysteen soo saaridda buuggan cusub. waxa kale oo ammaan mudan Jaamac muuse Jaamac oo daneeya kaydinta magacyada buugaagta afka hooyo ku qoran waxan leehay Jaamac ha daaline dadaal
  8. Akhriste - 2010-11-11 00:32:44
    aden cali jibriil - xamaas05@hotmail.com
    waxan doonayaa inaan faalo kooban ka dhiibto buugan ku saabsan xeerka ciisaha oo uu inoo diyaariyay cabdala xaaji ama ninka ah buundada suugaaneed ee u dhexaysa Somaliland Iyo Jabuuti. waa buug qiimo ugu fadhiya umada afka somaliga ku hadasha ayna wax badan oo ku saabsan xeerka somalida iyo ka ciisahaba ka faa'iidi doonaan sidaas daraadeed waan ugu hambalyaynayaa qoraaga dadaalka uu ku soo kordhiyay umada waxana u soo jeedinyaa qoraayada somaliyeed oo ku caan baxay wax ka qorista taariikhaha somalida inay sidan oo kale u soo saaraan dadka buug ku saabsan xeerarkii iyo dhaqankii somaliyeed iyadoon loo eegayn gobol, iyo degmo toona ee si guud loo wada eego dhaqamada iyo xeerarka umada somaliga ku hadasha oo dhan waana mid loo baahanyahay oo waxay waajib ku tahay inay xil iska kaasaaraan qofkasta oo somali ah gaar ahaan qorayaasha somaliyeeed .......... Mahadsanidin.
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!










 

http://oodweynenews.com/news/44581-hargeysa-madal-il-yartu-isqabatay-oo-loo-sameeyey-daahfurka-buugga-xeer-dhaqameed-%E2%80%9Cxeer-ciise%E2%80%9D-sawiro.html

5 comments:

Osmanbouh1991@Gmail.com said...

Waxan nahay niin reer jabuti oo ku barbarey runtii waxan kaa soo jeda beel weynta ciise qarahanvqabilka qabilka wardiq oo reer saleiman ah waan ku farax sanahay aad iyo aad tarixda xeer ka ciise waxan aan hambalyenaya cabdalla xaji cusman allah kaa jaza isuyo ee runtii waxa nahay jilka dhambey ee badalidona inshallah beel weynta ciisaha

Osmanbouh1991@Gmail.com said...

Waxan nahay niin reer jabuti oo ku barbarey runtii waxan kaa soo jeda beel weynta ciise qarahanvqabilka qabilka wardiq oo reer saleiman ah waan ku farax sanahay aad iyo aad tarixda xeer ka ciise waxan aan hambalyenaya cabdalla xaji cusman allah kaa jaza isuyo ee runtii waxa nahay jilka dhambey ee badalidona inshallah beel weynta ciisaha

Unknown said...

waxaan rabey inaan helo buug aan biirsado wixi iga dhiman xeerkeyga

Ismail Sheikh Mustafe said...

بسم الله الرحمن الرحيم
Anigow ah walaalkiin misana u baahan caawinaad dhanka qabiilka (ciisaha)
Waxaan ahay qof qabiilkiisu ilaa sedex oday aan ka war hayn ,
Qabiil keegu waa beelwaynta ciise laakiin in mudda ah waanu kala maqan nahay ,

Magaceegu waa Ismacil Sh Mustafe Sh Salah Sh Abuu Bakar (abuukar ama xaaji abuukar) Maxamuud Mire

Awoowgay xaaji abuukar waxaa nagula yidhi wuxuu ka yimi dalka ethopia wuxuu ahaa sheekh suufi ah ,

Waxaa kalow nagula yidhi isaga iyo reerkiisa yacnii beeshiisa waxaa u dhaxayday dirir ama dagaal (ilma adeertiisa)
Sidaa dartayd waa uu isaga sow tagay deegaan sii ahaa ethopia ,

Wuxuuna yimi somalia gaar ahaan deegaan lagu magacaabo buur,heybe,bay,somalia

Ee ilma adeeroyaal waxaad inagu saacidaan saan ku heli lahayn reer kanaga ,

Waxaad igala sow xidhiidhi kartaan gmail kayaga
Cuthmaansalafi@gmail.com ama facebook geeyaga

Ibnu sheikh mustafe ama telephone keeyaga +252615269194
Mahadsanidiin .

Anonymous said...

Waan idiin salamy dhamantin

Blog Archive