Sunday, May 27, 2012

Xeerka Beesha Ciise Madoobe Dir iyo Ogaaskooda








Hiddaha soojireenka ah Caleemasaarka Ugaaska Ciisaha

Mooge Dirir Samatar, Jabuuti, 1995

Ismaaciil Cabdi Axmed

« Dhacdooyinka waawayn ee ummadaha ka dhex dhacdaa waxay horseedaan baraarug ku haga dariiqa toosan iyo habsocodka habboon. Haddiise ummad waaya-aragnimada xasuusteeda kobcisaa ay dhaawacanto ummaddaasi waxay qarka u saaran tahay burbur ku soo foolle iyo kala jajab. »
Odhaahdan dhaxalgalka ah ayuu Mooge Dirir Samatar ku bilaabay hordhaca buuggan uu af-Carabiga ku qoray tarjumadda magiciisuna af-Soomaaliga ku noqonayso Hiddaha soojireenka ah Caleemasaarka Ugaaska Ciisaha, buuggan oo, sida ciwaankuba inna tusayo, waddada loo maro boqridda ama caleemasaarka Ugaaska Ciisaha. Qoraha buuggan, Mooge Dirir Samatar, waa siyaasi diinta iyo xeerkaba aad u yaqaan oo reer Jabuuti ah wuxu jagooyin kala duwan oo illaa heer wasiir gaadhey ka soo qabtay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, sida buugga ka muuqatana arrintaasi waxtar ayay u yeelatay qorista buuggan iyo hodonaynta arrimaha uu xambaarsanyahay.


Buuggan oo soo baxay 1995tii qoraagu wuxu ku bilaabayaa hordhac uu ku soo bandhigay dhibaatooyinka aqoon la’aaneed iyo ku milanka dhaqannada shisheeye oo burburisay sooyaalka taariikheed iyo habkii ay u dhaqmi jirtey beesha ciise, kaas oo ku dhisnaa kala danbayn iyo is-ixtiraam.

Isaga oo qoraagu taa ka dhaqaaqaya ayuu si cilmiyaysan u soo bandhigayaa sababihii keenay inuu wax ka qoro Ugaaska iyo habka loo caleemo saaro. waxa kale oo uu faahfaahin ballaadhan ka bixinayaa garaadka iyo bislaanshaha indheer-garadkii asaaska u ahaa dejinta xeerka iyo nidaamka kala danbayneed ee ay gaarka u lahayd beesha Ciise oo qayb ka ah dhismaha ballaadhan ee Ummadda Soomaaliyeed.

Qoruhu wuxuna farta ku fiiqayaa in tijaabadaasi ahayd mid ay ka dheegteen dhacdooyinkii iyo isbedelledii siyaasadeed iyo dhaqaale ee bulshadu xilligaa ku noolayd iyagoo cadaadis iyo nidaam shisheeye oo dibad uga yimaadda ka madax bannaan. Waxa kale oo qoraagu hordhaca ku tilmaamay in inta aanay odayadu qabashada ugaaska go’aan ka gaadhin ay horta dhigeen Xeer u adeegaya isla markaana fududaynaya xulidda hoggaanka beesha, xeerkaas oo waliba loo dhigay sidii loo joogtayn lahaa walaalaynta iyo waarinta xidhiidhka beesha oo ka kooban lix dab oo mid waliba u sii farcamo laba dab. Dabadeedna iyagoo qodobbo (dhagaley) iyo kabo la isku ogyahay ka dhaqaaqaya ayay magacaabaan Ugaaska oo u taagan astaan midnimo dhaqan iyo siyaasadeed, oo ay beeshu ku midaysantahay. Mooge wuxuu midaysnaantaas ku matalay in ugaaska iyo xeerku yihiin sida teendho hagoogga sare uu yahay ugaaska tiirarka iyo udbaha hagooggu ku taagan yahayna yahay xeerka, cidda hadhsanaysina tahay bulshadii oo niyad sami iyo farxad ku maalaysa dadaalka iyo wax soo saarka ka soo baxay maskaxda indheer-garadka ah ee duqayda beesha; waxayna noqotay dhaxal ma-guuraan ah oo facba fac u tabiyo.

Buuggani wuxu ka kooban yahay afar cutub. Cutubka koobaad wuxuu qoraagu ku qaadaadhigayaa qaabdhismeedka ismaamulka beesha Ciise iyo is bedelladii siyaasadeed ee beesha soo maray xilliiyadii kala duwanaa. Wuxuu u qaybiyay laba qaybood. Ta hore waa qaab-dhismeedka guud ee beesha iyo xidhiidhka ka dhexeeya qaybaha ay beeshu ka kooban tahay. Ta labaadna waa kobocii aragtida indheer-garadka iyo horumarkii lagu abuuray xeerka Ciise, iyadoo la tixgelinayo qaabdhismeekaa an soo sheenay oo ka koobnaa lixda aqal.

Cutabka 2aadna wuxu qoraagu ku qeexayaa martabadda Ugaasku ku leeyahay nolosha beesha, ha ahaato xag siyaasadeed oo uu ugaasku ahaa hoggaanka ugu sarreeya ee hurmuudka u ah midnimada iyo isku duubnaanta beesha, ama ha ahaato dhinaca bulshada oo uu ahaa tusaalaha habboon

ee ay beeshu daba socoto ee qof waliba uu u hayo qadarin iyo tixgelin dheeraad ah isagoo u siman dhammaanba beesha meel kasta ha jootee. Waxa kale oo uu qoruhu cutubka 3aad ku soo qaatay habka loo caleemo saaro ugaaska iyadoo la marinayo xeer iyo nidaam beeshu

« Dhacdooyinka waawayn ee ummadaha ka dhex dhacdaa waxay horseedaan baraarug ku haga dariiqa toosan iyo habsocodka habboon. Haddiise ummad waaya-aragnimada xasuusteeda kobcisaa ay dhaawacanto ummaddaasi waxay qarka u saaran tahay burbur ku soo foolle iyo kala jajab. »

heshiis ku tahay, dhinaca qabashada, caleemasaarka, guurka, baridda xeerka iyo ku wareejinta dhammaanba goobaha ay beeshu deggen tahay. Qaybta afraad wuxu qoraagu si gaar ah diiradda ugu saaray noloshii iyo haybaddii uu lahaa Alla ha u naxariistee Ugaaskii 18aad ee beesha, Ugaas Xasan Xirsi oo dhintay bishii 8aad1994 oo ahayd xilligii buuggani soo baxay. wuxuna marxaladdan ku tilmaamay marxalad aad u adkayd, waayo waxa is beddeley hab-nololeedkii siyaasadeed iyo bulsho ee Geeska Afrika . Waxaa yimid gumaysi, waxaa burburay nidaamkii iyo habkii ay u dhaqmi jireen beeluhu - marka beesha Ciise laga reebo.Waxaa xornimo qaatay Dawlado waxaana soo baxay teknoloojiyad iyo horomar wayn oo ka duwan kii horay loo yaqaanay, iyadoo waxaas oo dhammi jireen ayuu Ugaas Xasan ku guulaystay in uu ilaaliyo isku xidhnaantii iyo dhaqankii beesha. Wuxu qoraagu buugga ku soo gabagabeeyay gunaanad uu kaga hadlayo xaaladda beeshu ay ku jirto iyo dhibaatooyinka ka hor iman kara xilliga soo socda marka laga dhaqaaqo isbedellada waawayn iyo xasaradaha ka aloosan Geeskan Afrika, gaar ahaan beesha oo uu ugaaskii ka dhintay walina mid kale dooran.

Haddaba malkooyinka muhiimka ah iyo aragtida qoraaga ee buuggu si gaar ah u eegayaa waa:

a) qoraagu wuxu soo bandhigayaa aragti sheegaysa in nidaamka xeerka iyo qabashada Ugaasku ay timid markii isku duubnidii iyo jihaadkii diiniga ahaa ee ka dhexeeyey muslimiinta gaar ahaanna soomaalida iyo kiristaanku uu hakad galay ee nin waliba reerkiisii iyo hantidiisii ku noqday ayaa la arkay baahida loo qabo nidaam dadka haga oo lagu kala danbeeyo waxaana taas lagu bilaabay in curadku noqdo ninka hoggaanka reerka u haya, ha yeeshee taasi baahidii ma daboolin oo waxa bilaabmay danaysi gaar ah iyo amar ku taaglayn waxana loo baahday hab kale oo lagu kala danbeeyo.

Muddo ayaa guux iyo baraarug socday oo laga fikirayay jid kale oo kan curadnimada dhaama, wuxuse is beddelkaasi hir galay markii waxgaradkii la odhan jirey Xasan Gadiidshe, oo ah tafiirtii Sacad Muuse, uu ku baaqay shir guud oo beeshu isugu timaaddo meesha lagu magacaabo Siti (eeg bogga 22) si looga tashado mustaqbalka. Shirkaas waxa ka soo baxay tiirarkii asaaska u noqday nidaamkii markii danbe lagu magacaabay Xeer-Ciise oo lagu dhaqmi jiray ilaa afartanndii qarnigii 20aad markaas oo uu Gendihii ama guddigii sare ee beesha Ciise baabi’iyey boqorkii Etoobiya ee Xayle Sillaase. Waxana shirkaa Siti markii ugu horraysay ka soo shaac baxay halhayska Ugaas, waxana halkaa lagu doortay Ugaaskii ugu horreeyey.

b) Fikirka iyo garaadka cuqaasha Ciise ayuu qoraagu u arkaa inay waxyaalo badan kaga duwan yihiin ta ummadihii iyo shucuubtii xilligaa caanka ku ahaa degmada iyo guud ahaan qaaraddaba, wuxunau marag ahaan soo qaadanayaa labo tusaale : ka koobaad wuxuu leeyahay ummadihii xilligaa

joogay waxay fikirkooda iyo garaadkooda saarayeen dhinaca suugaanta iyo muujinta cududda geesinimo ee beeshooda, halka cuqaasha Ciisuhu ay dadaalkooda ku jeediyeen dhinacyada ku saabsan nolosha qofka iyo xidhiidhka uu la leeyahay bulshaada inteeda kale, waana ta keentay in cuqaashu is waydiiyaan hab-nololeed iyo nidaam kala haga, sugana kala danbaynta iyo nabad ku wada noolaansha beesha.

Tusaalaha labaad : xeerka ciisuhu waa natiijada dhacdooyin iyo fikrado la ururiyay oo diraasadiisa loo daayo xeeryaqaan iyo indheer garad u gaar ah aqoonna u leh, halka xeerarka dadka kale uu ku tilmaamayo cadooyin aan habaysnayn oo dhaqan iyo hidde ah oo cid aqoon gaar ah u lihi jirin.

c) Ugaaska ciisaha waxa laga doortaa beesha wardiiq oo ku caan ah diinta iyo hoggaan wanaagga, kolka Ugaaska la doortana waxa dhammaada ku xidhnaantii beesha wuxuna noqdaa nin ay u simanyihiin bulshadu oo ah hoggaamiye ruuxi ah oo shaqadiisu tahay ducada iyo maaraynta danta guud iyo ka talo bixinta arrimaha asaasiga ah ee la wada wadaago. Fulinta arrimaha joogtada ah iyo habaynta nolol maalmeedka waxa u xilsaaran Gandaha, waana ta keentay in ugaaska lagu magacaabo aabbo oo uu noqdo hadi cid waliba hadhsato.
d) ugu danbayn ugaaska waxa la casili karaa haddii ay yimaaddaan sababahani :

1. karti la’aan uu Ugaasku ku fashilmo midaynta beesha.

2. marka talada beeshu farihiisa ka baxdo cadaadis dibadda

ka yimid darteed .

3. marka ay dhacaan abaaro iyo dhibaatooyin beeshabacad joojiya.

Qoraagu caleemasaarka ugaaska arrimaha ku saabsan wuxu ka bilaabay bogga 43aad ee buugga wuxuuna sheegay in bulshada Ciisuhu shaqada iyo habka caleema-saarka Ugaasku u yahay wax ay awaw ilaa awaw iska soo dhaxli jireen wuxuna marxaladaha qabashada iyo caleema-saarka u qaybiyay sidatan: marka la go’aamiyo in ugaas la doorto waxa la war geliyaa lana guubaabiyaa dhammaan labiyo tobanka dab (lafood) ee beesha oo dhan. Gendaha oo ah golaha sharci-dejinta iyo fulinta ayaa magacaaba 144 nin oo ka kala socda labiyo tobanka dab ee Ciise. Waxaa lagu magacaabaa guddiga qabashada Ugaaska. Guddigani wuxu xaddidayaa oo dib isku xasuusinayaa shuruudihii ugaaska looga baahnaa wuxuna fulinta hawshan u xil-saarayaa 12nin oo gudiga 144ka ka mid ah. 12 kaa nin waxay beesha Wardiiq gaar ahaanna Buug Daalacsho labada jilib ee kala ah Guntiweyne iyo Cabdalle u gudbinayaan codsi ah inay soo xulaan 7 nin oo diin iyo dhaqanwanaag lagu yaqaan, iin iyo in xunba ka fayayw, kana soo jeeda qoys xalaal miirad ah oo Ugaaska laga dhex doorto.

Wada tashi iyo fiiro dheer oo eex iyo ujeeddo gaara lahayn ka dib xubnuhu waxay toddobadii ka dhex dooranayaan Ugaaska waxayna magaciisa u tabinayaan xubnihii kale iyo Gendaha. Waxa halkaa ka bilaabmaysa u hoggaansiga Ugaaska iyadoo beelaha Sacad Muuse, Hawlaqaade, iyo wardiiq oo Yeesif ahi ay leeyihiin soo dhawaynta iyo marti gelinta ugu horraysa ee ugaaska loo samaynayo. Waxa Ugaaska la soo marinayaa labiyo tobanka dixood ee Ciisaha waxaana lagu soo gebagebeynayaa dixda arraabbi halkaa oo loogu meherinayo gabadh Odaxgub reer Geeddi ah. Intaa dabadeed Ugaaska waxa la gaynayaa magaalada Saylac gaar ahaanna maqaamka Sheekh Ibraahim Saylaci halkaas oo lagu samaynayo caleemasaarka rasmiga ah. Waxaa la huwinayaa dhar aad u qurxoon iyo cimaamad u qalanta haybadda Ugaaska. Waxaa loogu damaashaadayaa xaflado iyo ciyaaro soconaya toddoba cisho oo is daba-joog ah si loo cabbiro farxadda iyo soo dhawaynta Ugaaska. Waxa ugu danbayn lagu soo gebagebaynayaa xaflad lagu qabto meesha la yidhaa Dixda Habaqo halkaas ugaaska waxa loogu sheegayaa inuu iska ilaaliyo isla wayni, xadgudub iyo kelitalisnimo, waxana la barayaa inuu ilaaliyo caddaaladda, sinnaanta , diinta iyo guud ahaan dhaqanka beesha iyo kala danbaynta.

Haddaba kolkaan buuggan si wanaagsan u akhriyay, waxa ii soo baxay in buuggan ay ku kaydsan yihiin xog, fikrado iyo aragtiyo dhaxal-gal ah oo ka tarjumaya aqoonta iyo garaadka Eebbe ku mannaystay qoraaga ee buuggan ku kaydiyay falsafado in diraasaad iyo cilmi baadhis qoto dheer laga sameeyo ku habboon. Waxaan gartay sida uu qoraagu u muujiyay in danta guud oo laga shaqeeyaa ay tahay ta ummaddu ku heshiin karto. Waxa taas ka markhaati ah ixtiraamka iyo qaddarinta intaa le’eg ee ugaaska loo hayaayaa waxay ku timid sababo ay ka mid yihiin sida aanu ugaasku ugu abtirsanayn qolo gaar ah ee uu u yahay aabbo loo wada siman yahay, sida ay beeshu ula dagaallamayso dulmi iyo isku dulnoolaansho keena caddaalad xumo iyo xumaan aakhirka horseedda isnacayb iyo dagaallo sokeeye.

Waxaa buugga iiga soo baxay in diintu ay ayahd asaaska laga dhaqaaqayo ee beeshu ku dhisayso garaadkeeda iyo aqoonteeda siyaasadeed iyo bulsho ahaaneed. Waxaa taas marag u ah ugaaska ducaa lagu soo qabtaa, maqaamka sheekha ayaana lagu caleema saaraa. Hadal iyo dhammaanti Ciisuhu wuxuu abuuray nidaam aan boqortooyo ahayn kelitalis ahayn, eex iyo qaraaba-kiil ku dhisnayn, caddaaladda iyo sinaantuna tahay udubdhexaadka uu ilaaliyo. Waxaa hal-hays u ah : “Ciise waa wada Ciise oo ninna caara ma dheera.

Ugu danbayn, in kasta oo buuggani uu soo bandhigay hidde iyo taariikh aad u qiime badan iyo falsafad aragti dheer, haddana dhanka kale waxaa iiga muuqday dhaliilo dhawr ah oo aan jeclahayn inaan u tilmaamo qoraageenna indheer-garadka ah. Dhaliilahaas waxaa ka mid ah:

1) qoraagu ma sheegin maraajic ama ilo laga soo qaatay oo loogu noqdo macluumaadka ama xogta qiimaha leh ee uu buuggan ku soo bandhigay; 2) mawduuca uu xambaarsan yahay cinwaanka buugu, waxa uu buugga kaga jiraa in ka yar saddex bog; 3) Waxaa jira qaladaad xagga daabacaadda

ah oon meella lagu sheegin sixiddooda; tusaale ahaan waxaa ka mid ah “Ina Yoonis” oo uu u qoray “Ina Yarnis”; “Siti”oo uu u qoray “Sinti”; “Xeer”oo uu u qoray “Jabrak”iwm.

(Eeg bogga 22-23). 4) Wuxuu xagga danbe ka raaciyay buugga maanso cidda qortay aanu sheegin, miisaankeeda iyo xaraf-raaceeduna ay jaban yihiin.

Gunaanadka, waxaan hoosta ka xarriiqayaa Mooge Dirir Samatar inuu sameeyey dadaal aad u weyn uuna muujiyey xeel-dheerenimo iyo indheer-garadnimo qaddarin weyn mudan, buuggiisanna shaki kuma jiro inuu yahay dhaxal qaali ah oo wax weyn ku soo kordhiyey aqoonta iyo cilmi-baadhista ku saabsan Soomaalida iyo dhaqankeeda.
“XEER CIISE'' ADEN BELELO PDF Imprimer Envoyer

Murtida Xambaarsan Qodobbada Xeerka Qaar ka mid ah

Kolka laga yimaaddo qiimaha iyo mahuraannimada Xeerka, waxa jira murti fara badan oo lagu kaydiyay qaybo ka mid ah qodobbada Xeerka. Qaybta aad mooddo in si gaar ah loogu fara yaraystay waa xuquuqda qofka iyo bulshada oo lagu tilmaami karo qodobada dustuurka ama ‘constitution’. Waxa murtidaa ugu caansan midda tilmaamaysa sinnaanta, midnimada iyo xuquuqda la wada leeyahay. Waxa ay murtida ‘Ciise waa wada Ciise ninna caaro ma dheera’caan ka dhex noqotay Beesha Ciisaha iyo bulshada Soomaaliyeed oo dhan.Waa mid qoto dheer oo aad uga horraysay dhigaalka Xeerka caalamiga ah ee xuquuqda aadmiga ee la dhigay sannadkii 1948kii. Waa murti iyo Xeer ay dadka soomaaliyeed ay ku wada faani karaan. Waxa innoo xoojinaya oo marag u noqonaya murtidaas qotoda dheer tan kale ee ‘Ciise marti ma ahee magan ma laha’. Waxa murtidan ku cad in uu Ciisuhu magan isku lahayn ee uu is marti geliyo. Waa run oo waxa la magan geliyaa cid shisheeye ah oo aan meeshaa la joogo ku tol la’. Waxa ay muridu tibaaxaysaa in uu Ciisuhu yahay tol isku tolane ah oo walaalnimo aawadeed ay ceeb tahay in uu midkood ku kale magan gelyo weydiisto meeshii uu doono ba ha joogee. Nolosha aadamuhu marna kama madhnaato wax cakira oo kolkol na keenta dhimasho iyo dhaawac dhan walba yeelan karta. Arrimahaa iyo raadka ay keenaan ba, waxa ay odayadu u dhigeen dhegeleyo lagu kaydiyay murti qaafiyadaysan. Tusaale haddaan u soo qaadanno, waxa murtidaa ka mid ah: ‘Dirir haku gegdegin, tu sokeeyana haba ku darin’. Waxa murtidan ka muuqata aqoonsiga ay diriri tahay lamahuraan, hase yeeshee ay haboontahay in laga fiirsado oo aan lagu degdegin. Taasi waxa ay qofka ama kooxda ku khasbaysaa in ay mar walba raadiyaan wejiyo kale oo lagu furdaamin karo colaadaha. In kaste oo ay colaadi tahay wax reeban oo laga gaashaanto, haddana waxa ka sii reebnaansho badan oo la adkeeyay tan xigtada ka dhexooganta. Siday doonto ba ha ahaatee, haddii ay colaad ama diriri noqoto mid aan la furdaamin karin, waxa la daba dhigay in lagu dhameeyo aqoonsiga gefka dhacay iyo geedkii lagu ala baxayay. Tani waa mid la isku hor taagayo aano iyo colaad sii socota, sidaa aawadeed na ‘Ciise Boqol amma Buullo maahee Biili ‘Aano’ ma leh’. Dhanka kale, waxa ay odayadu ka hadleen qaabka ay guddidu garta u galayso iyo sida waajibka u tahay in ay caddaaladdu lagamamaarmaan tahay ‘Gari Allay taqaan’. Sidaa aawadeed na waxa la innoo dhigay ‘Walaalkaa maragga ku fur magta na la bixi’. Haybadda iyo sharafta golaha lagu goynayo garta in la ilaaliyo ayaa laga hadlay oo waxa laga reebay in meeshaa wax lagu cuno ama wax la mid ah lagu mashquulo, ‘Guddi raamsanayaa gar ma goyso’ ama ‘Guddi faadhyoomaysi hadal kama fiirsato’.
Sida uu qabo Sh. Mooge Dirir Samatar, Ciisuhuu kolkii ay dejinayeen Xeerka, waxa ay ahayd xilli ay bulshadu soo gaadhay bislaasho dhanka garashada iyo aqoonta ah oo ay isku tashan karto13. Sidaa aawadeed, waxa halkan ku xusan murti lagu kaydiyay dhagarta iyo wixii la xidhiidha. Run ahaantii, dhiiggu waa denbi ugu xun ee uu aadamuhu kala galo, wax uu ka taliyana ugu adag. Waa afeefe, waxa ay odayadu dhagarta iyo aargoosigeeda ku gudbeen in la garnaqsado oo geedka loola dhaco. Sidaa aawadeed, ‘Waxaad Geed ku helaysid Geeddan ha ku doonan’ ama ‘Waxaad Geed ku helaysid, Guluf laguma doono’. Waxa hubaal ah inuu inta badan dhiiggu ka yimaaddo gef iyo adiyad la geystay oo ay gar iyo geed ka furan yihiin. Hase yeeshee, haddii dhabdaradii lagaga jawaabo addin oo ay dhagari ka danbayso, waxa laga taliyaa waxa uu noqonayaa uun dhiigga ee qofku kuma dacwin karo wixii uu dhabdarro tirsanayay. Kolkaa, waxa ay odayadu ku soo duubeen, ‘Dhiig hadduu yimid dhabdarro hadhay’. Si aan loo moodin in uu dhiigga iyo dhagartu dhex mari karto oo keli ah dad kala fog, waxa ay odoyadu tilmaameen in dhiigga ciqaabtiisa aan cid na laga dhaafayn.
Waa mid muujinaysa sida looga digay in la dilo qof aadame ah, kolkaa ma bannaana in aad qof u disho in uu yahay ehelkaa aan lagug qabsanayn waayo:
‘Dhiig dhawaanshoma leh’.
Tusaale kale oo aan u soo qaadan karno murtiyaynta Xeerka waxa ka mid noqon kara dhegaleyda biri-mageydada. In kaste oo ay odayadu si ballaadhan uga hadleen dadka biri-mageydada ah ee ay waajibka tahay in la dhawro oo aan wax la yeelin xilliyada colaadda, halkan waxa aan meel dhow ka tilmaamaynnaa labo kuwaas ka mid ah; waa dadka tamar ay ku dagaallamaan lahayn iyo kuwa maganta ah. Waxa ay kooxda hore sumad uga dhigeen canugga iyaga oo weliba raaciyay sababta ay tahay in loo badbaadiyo oo ah in aanay carruurta iyo ciddii la mid ahi colaad alkumin. Murtidu ‘Cunug col ma alkumo’, Waxa ay noqon kartaa sal adag oo cuskan karo Xeerka biri-ma-geydada.
Kooxda labaad oo uu Xeerku ilaaliya waa maganta oo ay dilkeega na sharafi ka maqan tahay diimaha adduunkoo idil na ilaaliyeen. Xeerashii uu adduunweynuhu meel mariyay qaybtii hore ee qarnigii 20aad, waxa aad uga horreeyay hawraarta soomaaliyeed ee ‘Meel aan magani ku bixin, magac ma yaallo’.Marka uu Xeerku ka hadlayo xil-wadareedka iyo masuuliyadaha wadaagga ah waxa uu ku soo ururshay dhegaleyda dadka waalan. Waa qodobbo fara badan oo ku saabsan sida kolba ay bulshadu iskugu xidhxidhantahay, guud ahaanse ‘Ninka waalan walaalkii baa u fayaw’.
Waxa mid lala yaabo ah in uu Xeerkeennu dhigay dhegeleyo lagu kala baxo haddii dhibaato timaaddo ciyaaraha dhex mara labo qof ama kooxood. In aanu Xeerku waxba ka tegin ka sokow, waxa farxad innoo ah sida ay aqoonyahankii Xeerka dejiyay ay u faahfaahiyeen Xeerasha ku saabsan ciyaaraha. Dhegeleyda gocosta ama kubbadda haddaan soo qaadanno, waxa lagu ciyaarta ba lagu bilaabaa weedh ah ‘Yaa il iyo oof la’?’. Su’aashani dhan kale waa ogaysiis cad oo dadka la soo hordhigayo in aanu isku gelin gegida ciyaarta qofkii wax sheeganayaa. Si kale haddii aan u dhigno, qofka meeshaa lagu ciyaarayay wax ku noqdaa ma laha magdhaw iyo Xeer uu ku ashkatoodo oo geed loogu fadhiisto.Waxa dooddaasi xoojinaya weedha kale ee ciyaarta lagu soo afjaro oo ah ‘Ninba boogtii ha dhaydo’ oo si aan cad saarnayn meesha uga saartay in ciddii wax ku noqotay goob ciyaareed Xeerku magayn mawlaxana u goyn. Shaki kuma jiro in bulshada meel degta ama beelaha oodwadaagta ah ay dhex mari karto colaad iyo aano keeni karta dhiig data. Waxa kale oo aanu shaki ku jirin in ay dhiilla walba odayo ka taliyaan. Iyada oo ay sidaa tahay, Xeerku waxa uu ku nuuxnuuxsaday sida ay lagamamaarmaan u tahay in colaadaha lagu dabbaalo nabadayn. Xeerkaa dhegelaydiisa murtiyaysan waxa ka mid ah, ‘Oday dhiig ka tallaabsaday dhabar ma noqdo’. Waxa intaa dheer in ay beelaha colloobaa heshiisyo gaadhaan colaadaha dhexdooda iyo dabdood ba. Sidaa aawadeed na, waxa uu Xeerku dhigayaa in ballamahaa la dhawro oo aan la jebinin waayo ‘Wacad jabiyow jab baa la yidhi’. Si ay bulshadu ugu noolaato nabad la mahadiyo oo looga hor tago colaadaha iyo nacaybshaha, waxa uu Xeerku reebay in la isku tiriyo gabayo isku dir, cay iyo xumaan sheeg ah. Waxa ay odayadu taasi na u cuskaday murtida ‘Af baa billaawe baxsha’.
Dhinaca siyaasadda dibadda, Xeerka Ciisuhu waxa uu asal ka dhigay in ay dadku wada walaalo yihiin oo ay haboon tahay in ay nabad iyo wanaag ku wada noolaadaan. Taasi waxa ay odayadu u cuskadeen murtida odhanaysa ‘Ciise waa wada Ciise, ninna nin caaro ma dheera’. Waxa la is weydiin karaa meesha ay dadka kale ka soo galayaan murtida aan kor ku xusnay. Jawaabta waxa aan ugu
tegeynnaa hawraarta caanka noqotay ee ay Ciisuhu mar walba iyo meel walba oo ay joogaan ba ku doodaan in uu dadka Ilaahay uumay Ciise wada yahay: ‘Gaalku ba Ciise ayuu ahaaye camalkiisa14 ayaa caddeeyay15’. Iyada oo ay sidaa tahay haddana Xeerku waxa uu dhigay dhegeleyo lagula dhaqmayo ciddii beesha ku soo xadgudubta. Odayadu waxa ay dhigeen murti lagaga gaashaaman karo gefka iyo xadgudubka ka iman kara dibadda sida:
‘Nin dalkaaga doonaya dawyadaada lama baro’.
‘Nin hantidaada doonaya hubkaaga looma dhiibto’.
‘Nin bakhtigaaga jecel baylahdaada looma sheegto’.
Gunaanad
Gebegebada, waxa haboon in farta lagu adkeeyo in ay Soomaalidu guud ahaan ku caan baxday suugaanta iyo murtida qotada dheer ee ay dunidu kale u aqoonsantahay ku na qiimayso. Hantida kale ee ay Soomaalidu wada leedahay waxa ka mid ah Xeerkaa soo jireenka ah oo ay wada lahayd welin wada leedahay haba ku kala danbeeyaane ama haba u kala lexejeclobadnaadaane. Sida aan horeba dooddeenna ugu soo caddaynnay, waxa si layaab leh la iskugu dhafay suugaantii iyo xeerkii oo ay ka dhalatay murtida markii la maqlo ba madaxa loo lulo. Murtidan xeerka xanbaarsan looguma xisho oo keli ah quruxda suugaaneede waxa dheer qiimaha xeerka ay siddo oo la ilaashanayo.
Dhanka kale, haddii soomaalida maanta nool, gaar ahaanna aqoonyahankeegu ay ku bixiyaan ilaalinta hantidaasi dedaal ku filan, waxa hubaal ah in ay da’da yare e soo kacaysa iyo kuwa ka sii danbeeyaa ba ku faani doonaan dhaqankeenna lagu ilaaliyay Xeerka iyo suugaanta is huwan.
Ugu danbaynna, nolosha cusub ee magaalo iyo qaab-dhismeedka dawladnimo ee maanta, waxa lagama maarmaan ah in lagu daleeyo kalsoonidii aan ku qabnay Xeerkeenna sida uu gabyaagu yidhi:
Xeerkii awowgey hadduu xerada ii yaallo
Xamdi mahad Allahayow hadduu xoog ba soconaynin.
Tixraac :
1. Axmed F. Cali ‘idaajaa’, Murtida Maahmaahda Soomaalida, ‘
Qaahira 2005’, p. 9
2 Maxamed Baashe, Hal ka Haleel, Baashe publications,
‘London 2004’, p.200.
3 Ibid bogga 15aad
4 Cabdillaahi Sh. Axmad Buux, Ugaasnimada ku Salaysan Xeerka
Ciisaha, maqaal aan weli la faafin.
5 Axmad Sh. Cali Buraale, Xeer Soomaaligii Hore, ‘Addis Ababa 2008’,
qaybta ingiriiska, bogga 17aad
6 Puntland Development Research Centre, Somali Customary Law
and raditional Economy, Garowe, Somalia, 2003, p. 25
7 Eeg Cali Muuse Ciye, Le Verdict de l’Arbre, international Printing
Press, Dubai, p. 129. Waxa kale oo aad eegtaa Juurnaalka Sahan,
Diridhabe, Mey sannadkii 1993
8 Puntland Development Research Centre, Somali Customary Law
and Traditional Economy, Garowe, Somalia, 2003, pp. 18-19
9. Akhris intaa dheer waxad ugu laabataa, Sheekh Mooge Dirir Samatar,
Al-Ciisaa, Shacbun wa Taariikh, daarul dibaacati wannashri
al-islaamiyah, Qaahira 1995, pp. 163-164
10 Odayada, waxa loola jeedaa halkan aqoonyahankii iyo filasoofyadii
dejiyay ama wax ku soo kordhiyay Xeerka.
11. Filasoofiintii hore ee Giriigga iyo Muslimiintu ba, kolkii ay qeexayeen
aadmiga, waxa ay isku raaceen in uu yahay xayawaan hadli yaqaan
‘fikira’.
12. Xoolaha halkan loolama jeedo oo keliya duurjoogta la dhaqdo e, waxa
looga socdaa nafleyda aadamaha aan ahayn oo dhan, sida dugaagga,
dabjoogta iyo duurjoogta ba.
13. Sh. Mooge Dirir Samatar, Al-Ciisaa.. p. 161
14. Camalka gaalka caddeeyay, waxa ay ula jeedaan in uu Ilaahay ka
gaaloobay, isna uu kaga aargoostay in uu baras ku riday oo uu
midabkiisa geddiyay.
15. Eeg Mooge, p. 161-163


“XEER CIISE'' ADEN BELELO PDF Imprimer Envoyer


Aden hassan aden (Belelo) qaytii 2aad
Murtida Guud ee Xeerka laga Yidhi
Waa mid la isweydiin karo sababta uu Ciisaha oo ku baahsan saddex dal (Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobita) noloshiisa casriga ahna uu dhaqanka Reer-Galbeed wax badan ka hadheeyay uu ilaa maanta oo la marayo qarnigii 21aad ugu mintidayo jirashada Xeerka iyo ku dhaqankiisa. Runtii Xeer-dhaqmeedka Soomaalidu guud ahaan, waxa uu kaga duwan yahay Xeerasha la dhashay dawladda casriga ah ee ay Reer-Galbeedku salka u dhigeen, in ay u hayaan kalsooni aan xad lahayn oo ay u arkaan mid aan weligii duugoobaynin. Waxa arrintaa innooga marag ah in ka dib burburkii dawladdii Soomaaliya bilawgii sagaashameeyadii ay dadku u baxsadeen dhankii Xeer-dhaqmeedkii laga tegey. Deganaanshaha ku soo noqday gobollo fara badan oo Soomaaliya ka tirsan sida Somaliland iyo Puntland iyo nabadda laga alkumay ba waxay ka dhasheen u noqoshada Xeer-dhaqmeedkaas8. Aqoonyahankii iyo filosoofyadii Ciise ee dhigay Xeerku waxa ay ku dedaaleen in ay Xeerka ku saleeyaan qodobbo murtiyaysan oo u dhigan qaab sugaanaysan. Sugaanta ay adeegsadeen, waxa ay u badan tahay tiraabta qaafiyad iyo xarafraac leh oo aad mooddo in ay tahay tixo maanso. Dhinaca kale, waxa ay xoogga saareen in ay ilaaliyeen xurmadii uu Xeerku lahaa oo aanay wax ka dhimin murtiyayntu iyo in ay ereyadaa kookooban qaadsiiyeen inta ugu baaxad ballaadhan ee Xeerar ah. Inta aanay ka hadal dhigaalka Xeerka, waxa ay filasoofiinta Xeerka dejisay isa saareen labo qodob oo isku dhafan, dhinac kale na loo akhrisan karo. Waa wax runtii adduunuyada ku yar in ay abwaannada iyo filasoofyadu isku dhafaan labadan arrimood ee ku dhex duugan murtidan ‘Eebbahay Xugun buu iga abuuray, Aabbahayna Xeer buu ii dhigay’. Waa midda koowaade, waxa ay aqoonyahankaasi tibaaxeen sida ay aqoonta aadamaha iyo abuurka Ilaahay iskugu xidhan yihiin. Tan labaad na, waxa ay tilmaamaysaa in ay bulsho kastaa ba marto labo marxaladood oo is xiga; tan hore waa marxaladda ay umaduhu dhashaan, laga bilaabo kolka ay lab iyo dhedig yihiin ilaa inta ay bulsho ama beel meel degan ka noqonayaan. Marxaladda labaad na waa kolka ay umaddu is garato oo ay dir ahaan iska soocdo umadaha kale ee deriskeega ah, iyada oo ay u caddaadeen waxa ay la wadaagto iyo waxa ay kaga duwan tahay ba. Sidaa daraaddeed bay odayadii Xeerka ilaalinayay ee danbe ugu doodeen in ay leeyihiin Xeer iyaga ka dir sooca dadka kale sida ay murtida kor ku xusani caddaysay9.

Intaa dabadeed, waxa ay odayadu10 ka hadleen oo ay qaab murtiyaysan u dhigeen hordhac tilmaamaya qiimaha Xeerka iyo sida uu lagama maarmaanka ugu yahay bulsho kaste oo rabta in ay yagleesho nolol aayo leh. In kaste oo ay adagtahay in la soo koobo murtidaas ku nuuxnuuxsanaysa mahuraannimada Xeerka iyo waxtarkiisa, waxa aan ka soo qaadanaynnaa dhawr aan is leenahay waa kuwa ugu macne fog. Murtida odhanaysa ‘Xeer la'aan waa la xooloobaa’, Waxa si quman loogu hubsaday falsafadda ah in ay fikirka, talada iyo hab-dhaqan lagu tashadaa aadamaha ka dir sooco nafleyda kale ee Eebbeheen dunida innagula uumay11. Kolkaa, si da’da yari ay u ilaashato Xeerka iyo dhaqanka soo jireenka ah, waxa loo laqimi jiray ilaa maanta ay Xeer la’aantu la macne tahay in loo guuray bahda xoolaha12 ee aan xil saarrayn. Kolkaa, haddaan Xeer la dejisan ama la ilaalin oo aan haybaddiisa la dhawrin, waxa iman in uu aadamuhu xoog iyo xeelad ba isku adeegsado si uu u kala xaq baxo. Isla murtidaa hore macneheega, waxa si qayaxan u macnaynaya murtiyaha kale ee ay ka midka tahay: ‘Xeer waa dayr iyo dallad’. Murtidan xeesha dheer leh waxa lagu daleeyay sawir iyo humaag soo jiidasho leh oo nolosha aadamuhu ka maarmin; waa deyr iyo dallad la hoos galo.
Xubin kaste oo ka tirsan bulshadaa Xeerka dhigatay, waxa uu dareemayaa amaan iyo nabad gelyo anf iyo maal ah. Dhanka kale, Xeerku waxa uu daawo u yahay dadka inta ay naftoodu beenta u sheegto oo iskula haasaawa in ay muruqooga wax walba ku gaadhayaan. Sidaa aawadeed baa loo yidhi: ‘Xeer waa xakame’. Sawirka suugaaneed ee isna halkan lagu qurxiyay waa xakamaha ee looma qaadan oo qudha xarafraaca, waxa se loo doortay oo kale macnaha ah in uu xakamuhu yahay qalab loo adeegsado dabbaalidda faraska ee aan loogu talo galin in uu dhaqaaqa uga ba’o.
Xeerku, haddaba ma aha kadar adag oo bulshada u diidaysa dhaqaaqa iyo dhaqanka, balse waa xakamaha ka waabinaya gefka iyo galista dabinnada fawdada iyo jaantaaroganta!
Kolka labadaa lagu daro midda kale ee odhanaysa ‘Xeer waa ciidankaaga oo aan casho kaa dooneyn’, waxa la ogaan karaa sida ay lagama maarmaanka u tahay in bulshada laga raarido haybadda Xeerku leeyahay iyo qiimaha cadaaladda. Iyada oo dhabtaa ku salaynaysan, waxa ay bulshada Xeerka lihi si xasilloon oo aan welwel lahayn uga adeegataa deegaanka ay kolkaa joogan. Si kale oo qurxoon waxa looga arkayaa qiimaha Xeerka murtida soo socota ee ‘Xeer iyo xariirba waa la huwadaa’. Waxa halkan lagu tilmaamayaa sida ay bulshadu ugu faani karto Xeerka iyada u gaarka ah ee ay kaga duwan tahay umadaha kale. Faanka iyo dareenka qiimaha ay bulshadu ku yeelanayso Xeerkeega waxa dheer kalsoonida aan ku qabaynno nolosheenna iyo hantideenna kolka aan Xeerkaa hir gelinno. Taasi na waa midda ay ku qotomiyeen murtida ‘Xoolo way ku gabaane Xeer kuma gabo’. Si ka sii xeel dheer, waxa qiimaha Xeerka tilmaamaysa murtidan isbarbardhigtay Xeer iyo xumaan oo innoo tustay in Xeer la’aani tahay xumaan dhamaanteed. Murtidu waxa ay tidhi:
‘Xeer waa lagu tarmaa xumaanna waa lagu tirmaa’. Sidaa aawadeed, bulshadii ilaashata Xeerka iyo caddaaladda ayaa nabad ku taranta oo tanaadda. Saddexleydan ‘Xeer ninkii dhigay waa u darajo, ninka ku dhaqmana waa u deyr, ninka ka danaystana waa ku denbi.’ oo ka mid ah murtida kuwa ugu xeesha dheer, waxa ay odayadu innagu tusaaleeyeen inta qaybood ee uu
bulshada Xeerku saamaynta ku leeyahay ifka iyo aakhro.
Waa deelley la miisaamay oo lagu xusay duulkii tegey ee Xeer-dhaqmeedkan dejintiisa Eebbe Weyne ku ikraamay oo ilaa inta ay ifka joogaan duulku abtirsadaa ay ku faani doonaan, abaalka aakhira na hay Ilaahay ku baryi doonaan. Waxa kale oo anay murtidu a tegin cid kaste oo ku dhaqanta Xeerkan in uu yahay deyrkii iyo daladdii aan hore u soo xusnay. Qaybta ugu danbaysa oo ah midda ugu
culus waa ciddii Xeerka garanaysa oo eex iyo ogaan u garamarta dan ay leedahay na ku fushata oo cid kale ku duudsida.
Qaybta ugu danbaysa ee murtidaa sare ku xusan, waxa ku cad in uu Xeer-dhaqmeedkani ku salaysan yahay Diinta Islaamka iyo cabsida Eebbe. Dooddaa waxa xoojinaya murtida soo socota ee si toos ah u caddaynaysa xaqiiqda ah in ninka Xeerka ka boodaa uu godob ka galay Ilaahay iyo Diintiisa Islaamka. Sidaa aawadeed, ‘Xeer_diid waa Alle_diid’ ama ‘Xeer wax ma dhaafo lama na dhaafo’!


“XEER CIISE'' ADEN BELELO PDF Imprimer Envoyer

Aden belelo (qaybtii 1 aad)

Murtiyaynta Xeer-dhaqameedka Soomaalida
“Xeer Ciise” Tusaale ahaan
Aadan Xassan Aadan
Hordhac
Raggu waa:
_ Didiye iyo Dabbaale.
_ Aayo_reeb iyo Eela_reeb.
_ Soof_eeg iyo Suul_eeg.
_ Bogsiiye iyo Belaliye.
_ Hedlade iyo Hurde.
_ Xeer_la_joog iyo Xoolo_la_joog
_ Talo_keen iyo Talo_raac.

Sidii Soomaalida caadada u ahayd, murtidaa suugaanaysan ee kor ku xusan oo kale ayaa Xeerka lagu kaydiyay. Waa murti ay falaasifada iyo indheergaradku ku waariyeen ereyo kooban oo xanbaarsan macne qoto dheer oo kala saafaya qaybaha ay ka koobantahay bulshadu. Labada erey ee kala ah murti iyo Xeer waxa uu mid walba iskiisa u tilmaamayaa hanti ballaadhan oo ay soomaalidu lahayd welina aan ka sal guurin. Si kale haddii aan u dhigno, Soomaalidu waa dad lagu yaqaanno Xeer-dhaqmeed soo jireen ah kuna caan baxay murtiyaynta dhaqdhaqaaqyada nolosha iyo dhigaalka maahmaahda. Iyada oo uu Xeer-dhaqmeedku yahay dhab la wada ogyahay oo ay ka marag kaceen dadkii soomaalida la dhaqmay, waxa hubaal ah oo aan weli loo fiirsan in uu Xeerkaasi soo-jireenka ahi ku kaydsan yahay weedho-murtiyeed suugaanaysan oo maalin walba loo cuskado dood iyo dardaaran, labada ba. In kaste oo dadka in badani ay isku qaldaan murtida iyo maahmaahda oo ay si mid ah u wada qeexaan, maahmaahdu waa diiwaan ka mid ah diiwaannada ay soomaalidu murtideeda ku duugtay oo leh tix iyo tiraabba. Sida uu sheegay Axmad Faarax Cali ‘Idaajaa’, maahmaahdu “waxay ku timaaddaa ereyo kooban oo murtida ay ku hulluban yihiin darted loogu xisho, loona adeegsado.”1 Sidaasi mid ka sii qoto dheer waxa u qeexay maahmaahda Maxamad Baashe kolkii uu lahaa: “Maahmaahdu waa isir run ah oo ka soo jeeda nolol run ah,waxana loo adeegsadaa doc kasta oo nolosha ka mid ah, dhacdo kasta waxa loo heli karaa maahmaah ku habboon oo qabanaysasi fahamkeedu u fududaado.”2 Sidaa aawadeed, aragtidayda, maahmaahdu waa weelkaasi lagu kaydiyay inta ugu badan ee murtida Soomaaliyeed; si kale haddii aan u dhigno na, maahmaahdu waa murti, murti kastaase maahmaah ma aha. Haban ku sii durkee, waxa hubaal ah oo an marag iyo daliil iiga baahnayn in ay murtidu ku timaaddo suugaanta inteeda kale na sida gabayga, geeraarka, jiiftada iyo badaha kale ba. Haddaan u soo noqonno dhanka Xeerka, waxa lagu qeexaa in uu yahay qodobbo iyo qaynuun ku salaysan dhaqan lagu heshiiyay. Kolka laga yimaaddo qeexidda Xeerka iyo salka dhigaalkiisa, waxa ay qoraallada iyo aqoonyahanka soomaaliyeed badhkood sheegaan in uu ahaan jiray Xeerka soomaalidu mid aan qornayn oo ay da’iba da’da ka danbaysa dhaxalsiiso.3 In kaste oo ay dooddaasi jirto, waxa ka sal adag doodda ah in uu Xeerka maanta aan ka hadlaynnaa ahaa mid qornaan jiray oo ay duruufaha taariikhiga ah; sida qaxa magaalooyinka iyo colaadihii deganaansho-la’aanta ka abuuray deegaannadeennu ay keeneen in qaabka maanta uu u yaallo ee kor-ka-xifdiga lagu ilaaliyay. Tusaale ahaan, waxa aan soo qaadanaynnaa ‘Xeer Ciise’ oo ah Xeerka maanta uu Ciisuhu ku dhaqmo, mararka qaarkood na loogu yeedho ‘Xeerkii Siti’ iyada oo loo tiirinayo meeshii lagu dejiyay ama loo fadhiistay ugu danbayn. Haddaba, sadarrada soo socda ee qormadeennan waxa aan ku eegi donnaa sida quruxda badan ee loo murtiyeeyay looguna ilaaliyay Xeer-dhaqmeedka Soomaaliyeed guud ahaan, tusaale ahaanna ka Beesha Ciisaha.
Xeer Ciise mise Xeer Soomaaliyeed?
Inta aynaan gudagalin nuxurka maqaalka, waxa ila habboon in aan wax ka ifinno weydiinta kor ku xusan. Su’aashan waxa dhaliyay magaca meesha fog ku dhacay ee (Xeer Ciise) iyo xaqiiqda ah in uu Ciise xubin ka yahay bulsha-weynta Soomaaliyeed. Waa mid haddaba la isweydiin karo Xeerku in uu yahay waxyi si gaar ah ugu soo da’ay Beesha Ciise iyo in uu ahaa hanti ay la wadaagaan Soomaalida inteeda kale. Waa midda horee, isaga oo aan Ciisuhu Xeerka lahaanshihiisa u diidin Soomaalida inteeda kale, waxa ay iyagu –waa Soomaalidee- Beesha Ciisaha ku xurmeeyaan Xeerka iyo kala danbaynta.4 X. Cabdalle X.Cismaan oo aan ka soo werinnay waxa uu arrintaa u cuskaday dhawr maanso oo uu ka soo guuriyay suugaanley soomaaliyeed oo ku abtirsada soomaali kale oo aan Ciise
ahayn. Waxa uu raggaa ugu hoarraysiiyay Gurraase Xaaji Cali Xirsi oo Reer Qorraxay ahaa:
Tawfiiq Ciise Madoobiyo
Talyankii Faranjaa leh
Teendho reer Berberaad iyo
Turkigii xukumaa leh
Tuhun Shuunka Amxaariyo
Nin la soo tashadaa leh.
Waxa kale oo uu soo qaatay Abshir Faarax Nuur oo ku magac dheer ‘Abshir-Bacdle’ kana hadlayay shirkii Carta ee dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed:
Yaan la is xaqirine beenta waa, laga xishoodaaye
Ragga noo xanuunsaday dunidu, nama xasuusnayn dheh
Xeerbeegti Geeska Afrikay, xul u ahaayeen dheh
Garta xubinta lala eegto waa, ku xuddunnaayeen dheh
Waxa uu ku sii biirshay raggaa hore gabayaaga iyo af-yaqaanka caanka ah ee Saalax Xaashi Carab oo yidhi:
Sabankii horoo tegey
…….
Soomaalida tastuuriyo
Sida talada Ciisaha
Tiir Xeerka dhaabiyo
Rag tanaad ah baa jiray
Tol_hoggaamis baa jiray
Tixahaa aan kor ku soo xusnay, waxa ay xoojinayaan sida Xeerku ugu caan baxay magaca ‘Xeer Ciise’ Soomaalida inteeda kale na ugu ogolaatay. Iyada oo ay sidaa tahay, Xeerasha laga tix geliyo Soomaalida deegaannadeeda qaar ka mid ah waxa loogu yeedhaa: “Xeerkii Cakaaro, Xeerkii Gaddoondhawe iyo Xeerkii Yaaqle”5 oo ah tilmaanta meelihii lagu dejiyay Xeerashaas. Haddii aan garawsannay in aanay deeggaannadani ahayn dhulka Ciisuhu dego, waxa innoo caddaan karta sida ay Soomaalidu uga sinnayd Xeerdhaqameedkan. Dooddeennan, waxa marag u noqon karta oo xoojinaysa dhacdo taariikhi ahayd oo ku sinnayd dhammaadkii lixdameeyadii qarnigii 20aad oo ka dhcday Soomaaliya.Ka dib kolkii ay isla qabsan kari waayeen mabaadi’dii dawladda cusub ay ku salaysnayd iyo Xeer-dhaqmeedyadii salka ku hayay Shareecadda Islaamka ee ay Soomaalidii hore ku dhaqnayd, ayay xukuumaddii madaxa uu ka ahaa Maxamad Xaaji Ibraahin Cigaal -Alle ha u naxariistee- ku dhawaaqday guddi wadani ah oo laga soo xulay gobollada dalka oo dhan, kala na taliya arriaha khuseeya Xeer-dhaqmeedka Soomaalida6. Han u soo noqdee, waxa hubaal ah inta la ogyahay in aanu jirin qoraal sugan oo caddaynaya taariikhda dhabta ah ee Xeerka Ciisaha la dejiyay7. Waxay iigu muuqataa in Xeerka Ciisaha dejiyay badhtamihii iyo dhamaadkii qarnigii 16aad. Xilligaasi, waxa nolosha Ciisaha iyo Soomaalida ba guud ahaan ku soo kordhay labo arrimood oo geddiyay habnololeedkii isbedello laxaad leh na ku sameeyay dhan walba; waa burburkii ku dhacay dawladdii Harar ee Adal iyo imaanshaha qaxii weynaa ee Gaallada (Oromo) iyo dhanka kale, isballaadhintii ka bilaabantay Yurub ee ay Boortaqiisku hormuudka ka ahaayeen oo guud ahaan Geeska Africa aad u saamaysay gaar ahaan na Soomaalida. Labadaa arrimood iyo dhiillooyin kale oo ka sii dhashay waxa ay keeneen qax ballaadhan iyo barakac aan xad lahayn oo dadkii u ceshay nolol adag oo reer guuraannimo. Kadib kolkii ay noqotay in nolol cusub la yagleelo oo ay meesha ka bexeen haybaddii dawladeed iyo kala danbayntii ay wadatay, waxa ay talo ku iba beeshay in Xeerkii wixii laga xusuusto waayaha cusub looga faa’iideysto oo la waafajiyo. Xeerasha la dejiyay iyo mabaadi’da guud ee lagu saleeyay waxa inta badan loo dhigay si suugaanaysan. Sababaha sidaa loo yeelay waxa ugu miisaan culus in aanay haysan qalab wax lagu qoro oo waariya Xeerka lagu na ilaaliyo. Sidaa aawadeed, waxa loo baahday ereyo kooban oo murtiyasan si da’da joogtay iyo dadka iman doona ba uu ugu fududaato kor-ka-qabashada Xeerku. Arrintaa waxa fududeeyay Soomaalida oo ah bulsho murtida ku abtirsata, suugaanta na hodan ku ah oo kalsooni badan ku qabta. In kaste oo uu Xeerku sidaa wada ahaa, haddana suuragal ma aha in aan halkan ku soo wada koobno. Sidaa aawadeed waxa aan soo qaadan doonnaa tusaaleyaal badan oo sugaya suugaanaynta iyo murtiyaynta Xeerka.
Gunaanad: Intixaanka waqtiga PDF Imprimer Envoyer

Qaybtii 4aad
Dr Afrax
4. Gunaanad: Intixaanka waqtiga
Gorfayntii an ku soo falanqaynay ubucda qoraalkan, ilaa imminka arrimaha waxaan ka abbaarayney dhanka wanaagsan. Hayeeshee taa micneheedu ma aha inay meesha ka maqan yihiin dulduleello iyo dhinacyo welwel iyo walaac leh. Faraq weyn ayaa u dhexeeya dhawr iyo siddeetan sano horteed markii la boqray Ugaaskii Xasankii ku xigey ugaaska dhawaan la caleema-saaray, Mustafe MaxamedIbraahim. Isbeddelka xilligu xilka ugaaska maanta wuxuu ka dhigayaa mid aad uga culus kii ugaasyadii hore. Sida Soomaalida kale, Ciise wuxuu ku jiraa xilli kalaguur ah, kala-guur wajiyo badan: kala-guur miyi iyo magaalo, kala-guur qabiilnimo iyo qaranimo, kala-guur qolonimo iyo qofnimo. Qofkii shalay haybta qudha ee uu iska dhex arkaa ahayd bahda (reerka) maanta waxaa ku soo biirtay hayb qaranimo oo ay ku wada abtirsadaan dad ka kala yimid qabiilooyin iyo qowmiyado kala duwan. Taa waxaa ka sii daran xubnihii reerka ee shalay ahaa isku dan, isku dabaqad, isku degaan, isku dowlad (dowlad-hiddeeddii an soo tilmaannay), maanta inataba way ku kala tageen amase way ku kala duwan yihiin. Magaalowga iyo dowladnimada casriga ah ayaa ugu weyn arrimaha soo biiray ee gilgilay habhiddedkii iska degganaa. Hal tusaale haddaan soo qaadanno, mabdi’ii ahaa saddexda Ciise wadaago, dhulkii Ciise manta wuxuu noqday dhul ay dowladi leedahay, waliba saddex dowladood oo kala gaddisan kalana xuduud ah. Xeerkii Ciise waxaa garab yimi xeer dowladeed oo lagu khasban yahay in loo wada hoggaansamo.

Duruufahaas adag ee soo kordhay ayaa ah sababta weyn ee ay shan iyo toban sano u qaadatay in la boqro ugaas cusub. Bilmatal, waraysi aan la yeeshay Maxamed Macallin Cismaan, Guddoomiyihii Guddida Qabanqaabada boqridda Ugaas Mustafe, wuxuu ii sheegay inay muddo qaadatay dood ay isku mari waayeen laba aragtiyood oo kala gaddisan, kuwaas oo qolo soo jeedinaysey ugaaska cusub in laga qabto miyiga qolana magaalada, halka berigii ugaasyadii hore aaney jirin magaalo miyiga la tartanta.
Labadii aragtiyood waxaa adkaatay tii magaalada. Waxaa la doortay wiil reer magaal ah oo ku dhashay magaalada Diridhabe.
Ugu dambayn, sida ay qortay Suzanne Lilius, “Ciise ilaa iyo imminka wuxuu ku guulestey inuu ku fara adaygo haya’dihiisii hidde ahaaneed … haseyeeshee mustaqbalka inay awood u sii yeelan doonaan inay u sii jilib dhigaan duruufaha kala-guurka ee ku sii fara-adaygaan maamul-hiddeedkooda ku dhisan wada lahaanshaha dhulka, xeerka iyo ugaaska, waa la eegi doonaa. Hadday taa ku guulaystaan markaa waxay noqon doonaan dad ay dunidu wax badan ka barato.” (Lelius, 2010.).
Qeexid :
1. Dib ayaan ka micnayn doonaa sababta aan u doortay cinwaankan isaga ah.
2. Jeerinku waa geed aan laga boodi karin lagana dusi Karin. Micnuhu wuxuu yahay, xeerka dhinacna lagama mari karo, sina looma jabin karo.
3. Hoggaamiye, la higsade.
4. Micnaha, Xeerka ciise wuu mamnuucayaa aar-goosiga, ciddii ku kacdana waa godob iyo dambi weyn.
5. Xeerka waxaa laga soo qaadaa kab qodobbadiisana dhagaley oo ah xargaha isku xira dhinacyada kabta.
6. Ugaas Xasan Xirsigii ugu dambeeyey wuxuu wariyey inuu cararay oo uu dhuuntay markii uu ka war helay in loo soo socdo.
Wuxuu ahaa wiil yar oo reer miyi ah. Sidii loo baadi-goobayey ayaa markii dambe laga dhex helay geed caday ah, kolkaas ayaa la
qabtay sida ugaadha! (Ali, 2010).
Ilaha la Tixraacay:
1. Abdisalam M. Issa-Salwe, The Collapse of the Somali State, HAAN Publishing, London: 1996.
2. Aden Xasan Aaden, “Murtiyaynta Xeerka”,
Halabuur, Vol. 4.1&2. 2009.
3. Ahmed Sheikh Ali Burale, Trans. Mohamed Mohamed Sheikh,
The Somali Customary Laws - Xeer Soomaaligii Hore,
Somali Community Literacy centre, Addis Abeba: 2008.
4. Ali Moussa Iye, Le Verdic de l’Arbe (Go’aankii Geedka),
published by the author, Djibouti: 1990.
5. Ali Moussa Iye,Trans. Suzanne Lilius, The Search for the Ugaas in
the Xeer Tradition, DCOM, Djibouti: 2010.
6. Ali Moussa Iye, “The Issa Xeer …,” Halabuur, 4, 1&2, 2009.
7. Cassanelli, Lee V., The Shaping of Somali Society: Reconstructing
the History of a Pastoral People, Philadelphia: University of
Pennsylvania Press, 1982. Somali Customary Law and Traditional
Economy, (2003)
8. Kapteijns, Lidwien “ Women and Somali Pastoral Tradition:
Corporate Kinship and Capitalist Transformation”, Paper
Presented at The Annual Meeting of The African Studies Association,
Baltimore, November 1-4, 1990.
9. Lilius, Suzanne, Politics and Ethics, Tradition and Renewal,
Halabuur, 4, 1&2, 2009.
10. Mooge Dirir Samatar, Ataqlid Al-Mutawarith Fi Towliyat Al-Ugas,
Djibouti: 1995.
11. Somali Customary Law and Traditional Economy, PDRC,
Garowe: 2003.



Salka uu ka soo jeedo ismaamul-hiddeedka Ciisuhu PDF Imprimer Envoyer

Qaybtii 2aad ee Dr Afrax
2. Salka uu ka soo jeedo ismaamul-hiddeedka Ciisuhu
Ismaamul-hiddeedka Ciisuh wuxuu ku abtirsadaa tusaale cadna u yahay hiddaha soo-jireenka ah ee ummadda Soomaaliyeed. Ummadaha ifka ku dhaqan mid waliba waxay leedahay hidde iyo dhaqan u gaar ah. Astaamaheeda gaar ahaaneed waxaa u yeela baya’dda ay ku dhaqantahay, habnolleedka ay adeegsato iyo duruufaha waaweyn ee soo mara taariikhdeeda. Soomaalidu ma aha sidaa si ka duwan. Waxaa la hayaa wax badan (sida luqadda iyo raadka dhulka ku haray) oo muujinaya Soomaalidu inay tahay ummad fac weyn oo qarniyo badan lahayd hab pulsho-siyaasadeed oo ay isku maamusho. Sida ummadaha kale, wuxuu ahaa hab ka dhashay saddexda shay ee kor ku xusan. Waxaa udub-dhexaadu ahaa xeer aan qornayn haseyeeshee la wada xafidsanaa yahay lana wada ilaalin jirey. Wuxuu ahaa “xeer taabbagal ah oo dhan walba ka dhammaystiran” sida uu qoray Ahmed Sheikh Ali Burale “Wax kasta oo jirey qodobbo ku aaddan ayaa xeerka ku jirey. Waxaa dajin jirey duqeyda iyo waxgaradka bulshada waxaana lagu guddoomin jirey shirweyne ay isugu yimaadaan dadweynaha degaanku” (Ahmed, 2008, p.1).

Qodobbada Xeerku waxay ahaayeen wax muqaddas ah oo ay u wada hoggaansan yihiin xubnaha bulshadu iyagoon cidna ka baqayn cidina khasbayn, ‘Gardiid waa Alle-diid’ ayaa la wada aamminsanaa. Waxaa lagu dhaqmi jirey kala dambayn xeerkaas ku salaysan oo looga dambeeyo guurtida beesha ama gar-wadeenka bulshada (Cassanelli,1982).
Taasi waxay beeninaysaa dadka ku andocooda Soomaalidu ina inay ahayd dad aan hidde u lahayn sharci loo hoggansamo iyo kala dambayn.
Cilmibaaris ay samaysay Xarunta Horumarinta iyo Cilmibaarista Puntland, PDRC, oo ku soo baxday bug magaciisu yahay Somali Customary Law and Traditional Economy, (2003) waxay hubisay Soomaalidu inay lahaan jirtey laba nooc oo xeer-hiddeed ah. Kan koowaad wuxuu ahaa xeer guud oo ka dhexeeya beelaha iyo bulshooyinka kala duwan. Wuxuu ahaa mid ku dhisan mabaadi’ iyo halbeegyo la wada dhawro, lagu xisabtamo, la isku qaddariyo la isku Dunta Ismaamul-hiddeedka Ciisaha... kaashado, laguna xalliyo khilaafaadka, colaadaha iyo dhibaatooyinka dadka dhex mara. Arrimaha lagu maarayn jirey waxaa ka mid ahaa mag-dhowga iyo kufsiga.
Nooca labaadna wuxuu ahaa xeer gaar ahaaneed oo ka kooban qodobbo ku kala aaddan arrimaha ka soo if-baxa dhinacyada badan ee nolol-maalmeedda daka (ipid, p. 20).
Xeerkan oo loo dajiyey arrimaha bulsho-dhaqaale, wxuu lahaa xeer-hoosaadyo loo kala dajiyey qaab-nololeedyada kala duwan ee Soomaalida, kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin xooladhaqasho, qodaal iyo bad-ku-nool. Marka Soomaalida laga hadlayo ama la darsayo waxaa la caadaystey in looga hadlo sidii ay wada yihiin reer guuraa xoola-dhaqato ah; ambaqaadkaasi ma aha mid ka run-sheegaya xaqiiqda jirta. Way jirtaa Soomaalidu inay u badnaan jirtey xooladhaqato, taa micneheeduse ma aha inay sidaa wada ahayd ama imminkaba wada tahay.
Ka dib markay diinta Islaamku ku faaftay gayiga Soomaaliyeed waxay raad-reeb weyn ku yeelatay fekerkii Soomaalida iyo xeerarkii la isku maamulayey oo noqday kuwo ay si weyn uga dhex muuqato caqiidada Islaamku.
Xilligii ay gumeyteyaasha reer Yurub soo galeen gayiga Soomaalida, dabayaaqadii qarnigii 19aad, Soomaalida waxaa u dhisnaa ismaamullo kala gaddisan oo ka kooban saldanado, beelo, bulshooyin iyo magaalooyin, kuwaas oo ay mid waliba lahayd xeer ay isku maamusho. Badankoodu waxay isku
maamuli jireen xeer-hiddeedyadii aan kor ku soo sheegnay.
Waxaa kaloo jirey ismaamullo ku camal-fala iyo meelo looga camal-falo shareecada Islaamka (eeg buugga kor ku xusan).
Quwadihii gumeysiga reerYurub markii ay yimaadeen waxay soo kordhiyeen xeer saddexaad: sharciyada casriga ah ee dowladaha maanta jira. Hannaankas cusb ee soo kordhay iyo sharciyadii uu la yimid ee lagu hirgaliyey xoog iyo awood dowladnimo wuxuu si weyn u wiiqay labadii sharci ee hore loogu dhaqmi jirey: xeer-hiddeedkii iyo shareecadii Islaamka. Intaa uun ma ahee wuxuu kala daadiyey guud ahaanba ismaamul-hiddeedkii soo jireenka ah. Wuxuu kala furfuray duntii isu xajinaysey ismaamulhiddeedkaas (eeg Issa-Salwe, 1996). Wuxuu qiima tiray qiyamkii la tix galin jirey iyo halbeeggii lagu kala sooci jirey xumaha iyo samaha. Wuxuu kala daadiyey tiirarkii waxtarka lahaa ee qaab-dhismeedka ismaamulka beelaha. Arrintan maamulladii gumeysigu way ku sii kala xag jireen. Waxaa ugu darraa kii Talyaaniga. Wuxuu xoojiyey reernimada dhinacyadeedii dhibaatada lahaa. Tusaale ahaan kaalintii hoggaamiye- dhaqameedka wuxuu u rogey xiriiriye dowladdu mushaar siiso una adeegsato danaha ay ka leedahay beesha dhexdeeda (Kapteijns, 1990).
Soomaaliya markay xornimada qaadatay dowladihii hoggaanka qabtay iyana waxay ku sii socdeen uun waddadii maamulkii gumeystuhu u jeexay la-macaamilka beelaha iyo hoggaamiyeyaashooda. Sidaa ayuu ku wiiqmay ismaamul-hiddeedkii soo jireenka ahaa, laguna illaawey wax badan oo ka mid ah qodobbadii xeer-Soomaaliga, haybaddii hoggaamiye-dhaqameedka iyo habkii la isu maamuli jirey hidde ahaan.
Kolkii uu dagaalka Sokeeye burburiyey dowladdii Soomaaliya, 1991kii qabiilkiina dib loogu laabtay ayay meelo badan waxay beelihii dib u bilaabeen inay boodhka ka tumaan hab-hiddeedkii ay mashaakilkooda ku xallin jireen iyo xeerarkii ay ku dhaqmi jireen wixii laga xasuusan karey.
Taasi meelaha qaar (sida Somaliland iyo Puntland) waxay wax ka tartay soo celintii wadajirka iyo kala dambaynta, waxayna caawisay in la bakhtiiyo dabkii colaadaha lana dhisto ismaamul dowladeed marba intii is oggol. Hayeeshee taa micneheedu ma aha inuu soo noolaaday is-maamulhiddeedkii “beri-samaadka” maxaa yeelay dadku dadkii ma aha, milaygu milaygii ma aha, meeshuna meeshii ma aha. Waa weel la isku dayayo in lagu rido saab aan saabkiisii ahayn. Wax badan lagama xasuusto sidii uu u ekaa saabkiisii dhabta ahaa, inta xasuusanna kuma badna inta daacadda ka ah in lagu rido, halka berigii hore daacad laga wada ahaa!
3. Ismaamul-hiddeedka Ciisaha
3.1. Tilmaantiisa Guud
Haddaba, ismaamul-hiddeedka ay gaarka u leeyihiin dadka Soomaaliyeed ee ku abtirsada tol-weynaha Ciise, waa mid ka yimi tubtaas dheer ee ay soo qarda-jeexeen geeddi-socdka taariikhda ummadda Soomaaliyeed iyo habkii ay ku soo dhaqmi jirtey. Gaar ahaan wuxuu tusaale wacan u yahay ismaamul-hiddeedka reer guuraaga Soomaaliyeed – waa is-maamul xoola-dhaqato, Haddana waa hannaan habka uu u shaqeeyo iyo dhumucda ay leedahay falsafadda uu ku dhisan yahay cid kastoo u fiirsataa ay arki
karto inuu yahay mid la tartami kara, meelaha qaarna ugaba horreeya, hababka casriga ah ee maamulka bulsho-siyaasadeed, sida aan ka arki doonno qaybaha soo socda. Wuxuu muujinayaa inay been sheegayaan kuwa ku andacooda inay guud ahaan xoola-dhaqatadu, gaar ahaanna Soomaalidu
yihiin bulsho dambaysa oo aan awood u lahayn inay hirgaliyaan ismaamul hore u marsan. Tusaale ahaan Xeerka Ciisaha halkudhegyadiisa murtiyaysan ee ay ka midka yihiin ‘Ciise waa wada Ciise, ninna nin caaro ma dheera’ iyo qodobbada ka yaal dadka lagu magacaabay ‘Biri-ma-geydo’ waxay muujinayaan sida awooweyaashii hore ee Soomaaliyeed ugu baraarugeen aqoonsiga iyo ilaalinta mabaadi’da sinnaanta iyo xuququul-insaanka boqollaal sano ka hor qoritaankii Axdiga Geneva ee caalamku maanta ku dhaqmo.
Waxaa xusid mudan, marka arrimahan wax laga qorayo ama laga hadlayo badiyaaba waxaa si gaar gaar ah loo abbaaraa Xeerka iyo Ugaaska Ciise; waxaa soo raaca guddiyada ku lug leh, sida Gendaha iyo Guddida. Halkan waxaan jeclahay inaan farta ku fiiqo inuu jiro dhisme guud oo haya’dahaasi ka yihiin tiirarka uu ku dhisan yahay. Waa dhisme u samaysan qaab dowladeed. Haddii si kale loo dhigo, waa hab bulsho-siyaasadeed oo ay isku maamusho bulsho leh degaan u go’an iyo dan midaysa. Sababtaa awgeed ayaan u doortay halqabsiga ah ‘Ismaamul-hiddeedka Ciisaha’ ee hal-ku-dhegga u ah qoraalkan. Ujeeddadaydu waxay tahay inay caddaato in arrintani ay tahay ismaamul dowladnimo oo hidde-raac ku dhisan, kaas oo aan loo baahnayn in lagu dhudhumiyo halbeegga dhismaha dowladaha casriga ah ee maanta dunida ka jira. Waxay ahayd dowladnimo ku sargo’an milaygeeda iyo meesheeda, ka jawaabaysa baahida dadkeeda, ku guulaysatey inay maarayso arrimaha bulshadeeda iyo iny si joogtaysan u hesho kalsoonida dhammaan dadka ay khusayso, guul in badan ka weyn tan ay isla arrimahaas ka gaadhaan badi dowladaha casriga ah ee maanta jira. Waa taa sababta aan u leeyahay waxaa jira wax badan oo ay dowladdaas reer-guuraaga ka baran karto dowladnimada casriga ahi.
3.2. Fasafadda iyo mabaadi’da asaasiga ah ee Ismaamul-hiddeedkan
Qof kastoo yare eega dunta uu ka samaysan yahay ama nuxurka ku duugan ismaamul-hiddeedka Ciisha, waxaa si fudud ugu muuqanaysa qota dheerida dhumucdiisa falsafadeed.
Waxaa kaloo u soo baxaya mabaadi’da uu ku dhisan yahay inay yihiin kuwo ay ku dhan yihiin mabaadi’da asaasiga ah ee lagu diiwaan-galiyey xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah ee halbeegga u ah ilbaxnimada casriga ah e maanta, iyadoo habkani uu ahaa mid in badan ka horreeyey xeerarkan casriga ah. Falsafaddaas iyo mabaadi’deeda waxaa ka mid ah kuwa hoos ku taxan:
3.2.1. Talo-wadaag. ‘Ugaas ma gooyee wuu guddonshaa”.
Waa dimoqraaddiyad loo maro waddo ka duwan kana daacadsan tan loo maro “dimoqraaddiyadda” casrigan lagaga dayday reer Galbeedka, taas oo ku dhisan is-tustuska codaynta shicbi-weynaha, u tartanka baarlamaanka iyo ku tartanka axsaab dadka indha-sarcaadisa. Taa beddelkeeda, halkan waxaa yaal talo-wadaag dhab ah. Si uu tal-wadaaggu u noqdo wax sugan oo aan lahayn daldaloollo, uuna u fududaado, ugu horrayntaba dhismaha waxaa laga bilaabay in la xaddido laba iyo toban Aqal ama Dab (lafood) oo uu ka koobmo Ciisuhu. Go’aaminta wax kasta oo wada khuseeya beesha waxaa la hubiyaa inay u dhan yihiin laba iyo tobankii dab. “Ciise ma u dhan yahay” ayaa hal-hays ah. Gole ay ku dhan yihiin duqey uu waxgaradnimo u soo wakiishay mid kasta oo ka mid ah 12ka aqal ayaa isla gaadhaya dhammaan arrimaha muhiimka ah ee is-maamulka, sida dajinta xeerka, doorashda Ugaaska, dhisidda Gendaha (Golaha xeer-dajinta) iyo doorashada guddiyada, sida guddida xulidda Ugaaska oo ka kooban 144 iyo guddida hawl-fulinta ee ka sii farcamaysa guddidaas ballaadhan. Gendaha oo ka dhigan baarlammaankii matalayey 12ka aqal iyo guddi ay sii xilsaaraan ayaa ka baaraandegaya go’aannana ka diyaarinaya dhammaan arrimaha muhiimka ah ee beesha khuseeya, ka dibna Ugaaska ayaa la hor dhigayaa, asaguna wuu ansixinayaa kuna ducaynayaa. Faahfaahinta sida la-yaabka leh ee uu u shaqeeyo tala-wadaaggani ka eeg buugaagta Mooge Dirir Samatar (1996) iyo Ali Muse Iye (1990). Waxaad kaloo ka eegtaa qoraallada Cabdillaahi Sheekh Axmed iyo Ismaaciil Cabdi ee ku daabacan isla wargeyskan.
3.2.2. Sara-marinta sharciga.
Mabda’a halkudhegga u ah dunideennan casriga ah ee la yiraahdo sarraynta sharciga’ (supremacy of the law) waxaa muuqata fekereyaashii Ciise inay si weyn ugu baraarugeen una go’aamiyeen boqollaal sano ka hor. Xoogga ay arrintaa saareen waxay ku caddahay sida ay u tira badan yihiin murtida iyo maahmaahyaha dadka maskaxdooda iyo xasuustooda loogu daabacayo mabda’aas asaga ah. Waxaa ka mid ah:
Xeer waa geed jeerin ah.2
Xeer_diid waa Alle_diid.
Xeerla’aan waa la xooloobaa.
Xeer wax ma dhaafo lamana dhaafo.
Eebbahay xugun buu iga abuuray aabbahayna Xeer buu ii dhigay.
Xeer ninkii dhigay waa u darajo,
Ninka ku dhaqma waa u deyr,
Ninka ka danaystana waa ku denbi.
3.2.3. Caddaaladda iyo sinnaanta.

Sida saramarinta xeerka, hiddahan an darsayno tixgalinta weyn ee uu siiyey sinnaanta dadka iyo caddaaladda bulshada dhexdeeda waxaa laga garan karaa murtida suugaanaysan ee ku soo aroortay, sida:
Ciise waa wada Ciise ninna nin caaro ma dheera.
Walaalkaa maragga ku fur magtana la bixi.
Gartu Ilaaheeday taqaan.
3.2.4. Nabad.
In kastoo uu Ciisuhu la dego qowmiyado aan Soomaali ahayn oo had iyo jeer colaado ka dhex oogmi jireen, sida Cafarta iyo Orommada, darisna uu la yahay beelo kale oo Soomaaliyeed, haddana xeerkooda iyo hab-dhaqankooda hidde waxaa ka muuqata inuu yahay mid nabadda si weyn u qiimeeya, si weynna uga door bida dagaalka. Dagaalka waxay u arkaan wax la galo marka laga fursan waayo uun. Taas waxaa astaan u ah xeerka oo dhigaya Ugaasku inuu noqdo aabbe nabadeed. Waxaa ka reebban inuu dagaal guddoomiyo, marka laga reebo xaalado aan caadi ahayn, sida marka beesha lagu soo duulo ayna weydo xal aan ahayn inay sharafteeda difaacdo. Tan kale oo muujinaysa dhaqankani inuu yahay dhaqan ay nabaddu u tahay mabda’ sare oo la ilaaliyo waxaa weeyaan murtida badan ee lagu diiwaan-galiyey mabda’an. Murtidaas waxaa ka mid ah:
Waxaad Geed ku helaysid, Guluf laguma doono’.
Oday dhiig ka tallaabsaday dhabar3 ma noqdo.
Colaad ha ku degdegin, tu sokeeyana haba ku darin.
Dagaal Ciise waa mar oo mar labaad ma leh.4


Dunta Ismaamul-hiddeedka Ciisaha iyo Duruusta laga Baran Karo PDF Imprimer Envoyer

Dunta Ismaamul-hiddeedka Ciisaha iyo
Duruusta laga Baran Karo (qaybtii 1aad)
Maxamed Daahir Afrax
  1. Gogoldhig
Waynaan dhaagine dadyohow
Abkeen dhaqan buu lahaa
Xeer uu dhigtay buu lahaa
Hab uu dhawrtuu lahaa
Ku_dhaqan sharci buu lahaa
Caqiido dhabuu lahaa
Dhammaan gacal buu ahaa
Dhaxdiyo dhalashuu ahaa
(Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube)

Dadka magacoodu yahay ‘Soomaali’ ee uu tixdan kore kula hadlayo abwaan Shube, marka uu leeyehay “dadyohow”, ma run baa in ay “abkood” iyo awooweyaashoodii hore lahaan jireen arrimaha uu tirinayo: “dhaqan” xuma-diid ah, “xeer” ay “dhigteen”, “hab” dhisan oo ay isku maamulaan oo la wada “dhawrto”, “caqiido” diini ah oo u jahaysa dhanka samaha?
Eray kooban, ma run baa Soomaalidu hidde ahaan inay lahayd hab bulsho-siyaasadeed oo ku dhisan wadajir, talo-wadaag, ku-dhaqan sharci la wada ilaaliyo laguna kala dambeeyo; mise waxaa run ah tilmaanta taa ka horjeedda ee ay warbaahinta reer Galbeedka iyo wax-ka-qorayaal ajnabi u badan ku celceliya Soomaalidu hidde ahaan inay tahay raacato aan waxba isku raaci karin, dhaqankooduna ka arradan yahay “hab” iyo is-maamul wadareed oo ku dhisan “xeer” iyo “ku-dhaqan sharci” lagu kala dambeeyo loona wada hoggaansamo? (eeg Ali, 2010). Labadaa aragtiyoo ee iska horjeeda tee baa run ah? Jawaabtu waxay tahay, labada waxaa run ah tii loo helo markhaati ku dhisan xaqiiq la wada arki karo ama la taaban karo. Si ay jawaabtu noogu fududaato, bal aan u fiirsanno arrinta aan kaga xog-warramayo sadarrada soo socda.
Waxaa jira hawgal baaxad weyn oo waayadan socdey, kaas oo muddo sannad ka badan ay u guntanaayeen qayb weyn oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed. Sida laga wada war-hayo, waxaa muddo lagu hawllanaa geeddi-socod lagu xulayey laguna boqrayey ugaas cusub oo ay yeelato bulshda Ciisaha oo ugaasla’aan ahayd muddo 15 sannadood ah, ka dib geeridii, Allaha u naxariistee, Ugaas Xasan Xirsi oo geeriyoodey 1994kii.Geeddi-socodkan dhaqaaqiisii waxaa ka soo baxday arrin la-yaab leh, arrin aan hore u soo marin Soomaalida maanta: hawlgalkan habka loo ambaqaaday, hiddaha loo cuskaday, hilinka loo maray, hawsha dadka u guntaday tiradooda iyo tayadooda, hawl-kalkaalka ka baxsan beesha ee meel walba ka soo gurmadey, warfidiyeenka mikrofoonnada la daba yaacay, wax-qorayaasha qalinka haabhaabtay, waxgaradka Geeska Afrika ee hambalyada iyo bogaadintu kala goi’ weydey, beelaha Soomaaliyeed iyo xitaa qowmiyadaha kale (Orommo, Cafar, Amxaaro Adari) ee wufuudda, lacag-ururinta, xafladaha iyo hadiyadaha sawaxankoodu isu baxay, dowladaha ku tartamay damaashaadka lagu soo dhaweynayo Ugaaska la boqray; intuba waxay noqdeen wax aan hore u dhicin, wax soo jiita indhaha dunida danaysa Geeska Afrika. Su’aal baa halkan ka soo boodaysa: arrintani maxay ku mutaysatay xiisaynta heerkaa gaadhey?
Maxay uga duwantahay hoggaamiyedhaqameeddada Soomaaliyeed ee bil kasta qaar cusub lagu caana-shubo laba Calina is weydiin, ama warkoodu cidhifka dhaafin? Haa, tani way ka duwantahay caleema-saarrada kale ee waqtigan xaadirka ah loogu cimaamado hoggaamiyedhaqameeddada ay beelaha Soomaaliyeed marba qaar hor leh sii kala sarrifayaan. Haa, waa arrin mudan intan oo xiisayn ah iyo waliba in ka sii badan. Jawaabtani sida ay sax u tahay waxay noo caddaan doontaa marka aynu gaadhno qaybaha soo socda ee qoraalkan iyo qoraallada kale ee uu xambaarsanyahay tirsigan gaarka ah ee wargeyska Halabuur.
Eray kooban oo hordhac ah, in kastoy arrintani salka ku hayso hidde iyo dhaqan Soomaaliyeed, xeerka Ciisuhuna yahay xeer Soomaaliyeed (Aaden 2009), haddana waxaa jira wax badan oo Soomaalida kale ka lumay oo Ciisuhu weli hayo iyo dhaqan-hoosaad aad u qiima badan oo Ciisaha u gaar ah, xeerkiisu ka tarjumayo, in lagaga daydana mudan, sida aan ku arki doonno faahfaahinta dambe.
Intase aanan taa u galin halkan waxaan u soo socdey, anigoo ka mid ahaa qalinleydii uu soo jiitey dhaqaaqan la-yaabka leh, waxaan in muddo ah u fiirsi iyo u kuurgal ugu jirey dunta uu ka samaysan yahay, falsafadda uu cuskan yahay iyo qaabka uu u dhisan yahay ismaamul-hiddeedka soo jireenka ah ee bulshada Ciisaha. U fiirsigaas waxaa iiga soo baxay wax aad u xiisa badan. Wax beeninaya sawirka ay Soomaalida iyo Afrikaanka kaleba, ka bixiyaan warfidiyeenka iyo qalinleyda an kor ku soo xusay, kuwaasoo hidde-raacaya tilmaantii maskax-maalkii gumeysiga reer Yurub ka bixin jireen Afrika, sida uu farta ku fiiqayo Ali Musa Iye (2010).
U fiirsiga Xeerka Ciisah, u kuurgalka dhumucda falsafadeed ee ismaamul-hiddeedkooda, iyo la-socodka waddadii dheerayd ee loo marayey xulidda iyo boqridda ugaaska cusub, Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim (eeg qaybta dhacdooyinka) intaba waxaa iiga muuqdy wax markhaati cad u furaya erayada Cabdulqaadir Cabdi Shube maansadiisa ku sheegayo: Soomaalidu inay tahay ummad lahayd xadaarad dheer iyo hab-dowladeed sharcigu cid walba ka sarreeyo, kaas oo ay dajiyeen indheer-garad aqoontooda iyo adduun-araggooduba aad u sarreeyaan. Waxaa ii muuqatay Ciisaha manta joogaa inay ka soo jeedaan awoowayaal aad u maskax badnaa aadna u dadaalay. Waxaa cad Ciisuhu inay ku fara adaygeen dhaxal qaali ah oo Soomaalida kale ka lumay, haddaan ku baraarugnana noo wada noqon kara wax aan ku faanno, ka tilmaan-qaadanno, isagana difaacno magac-dilka xilligan burburka loo kala ordayo fool-xumaynta magacan“Soomaali”.
Qoraalkan waxaan isku dayi doonaa inaan akhristayaasha kula wadaago dhinacyo muhiim ah oo ka mid ah wixii iiga soo baxay u fiirsiga arrinkan aan siinayo cinwaanka guud ee ah ‘ismaamul-hiddeedka Ciisaha’1; Waxaa kaloo qoraalka laga dhex heli doonaa jawaabta su’aashii an ku furay ee ahayd, run ma tahay tilmaanta uu Soomaalidii hore ka bixiyey abwaan Shube.
Arrimaha ku saabsan xeerka iyo Ugaaska Ciise waxay nasiib u yeesheen ururin iyo darsid aaney helin hiddaha ka jira dhinacyada kale ee Soomaalida. Waxaa dadaal weyn sameeyey aqoonyahanno ay hormuud u yihiin Dr. Cali Muuse Ciye, Mud. Mooge Dirir Samatar, marxuum Cumar Macallin iyo rag kale. Qalinley iyo aqoonyahan kale ayaa iyana dhawaan curiyey qoraallo cusub oo ku daaban isla wargeyskan aan gacanta ku haynno.
Sidaa awgeed qoralkan looma baahna inuu ku celceliyo wax looga hadlay qoraallada kale. Taa beddelkeeda wuxxuu diiradda saarayaa gorfaynta iyo iftiiminta dhinacyo aan weli laga hadlin ama wax ku filan laga qorin, kuwaas oo ay ka mid yihin tilmaanta guud ee ismaamul-hiddeedka Ciisaha, falsafadda uu ku hirto, mabaadi’da asaasiga ah ee uu ku dhisan yahay, tiirarka dhismihiisu ku taagan yahay, xikmadaha u gaarka ah ee uu ku mudan yahay in lagu qiimeeyo lagana faai’daysto, iyo duruusta ama casharrada ku habboon inay ka barato kagana dayato Soomaalida kale iyo kuwa ay ka baran karto ama kaga cibrad-qaadan karto dunida inteeda kale. Hayeeshee intaas oo dhan ka hor, waxaan guudmar koban ku samaynaynnaa muuqaalka guud ee ismaamulhiddeedka Soomaalida, siiba xeer-hiddeedka ama waxa loo yaqaan ‘Xeer-Soomaaliga’ ee uu cuskan yahay ama tusaalaha u yahay Xeerka Ciise.

Munaasibad Lagu Daah-Furey Buugg Cusub Oo Laga Qorey Xeer-Dhaqameedka ‘Xeer-Ciise’ Ayaa Lagu Soo Bandhigay magaalada Hargeysa PDF Imprimer Envoyer

Sunday, January 23rd, 2011 | Posted by goulled
Xafladan lagu gar-daadinayey Buugan cusub ee Xeer-Dhaqameedka ‘Xeer-Ciise’ waxa ka soo qeybgalay Abwaano, ay ka mid yihiin, Abwaan Axmed Aw Geedi, Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdule Yuusuf Shaacir, Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, prof Aadan Xaaji Cali, Boobe Yuusuf Ducaale, aqoonyahano, haween, dhalinyaro iyo marti-sharaf kale.
Buugan Cusub ee ka hadlaya Xeer-dhaqameedka ‘Xeer-Ciise’ waxa qoray oo isku soo uruuriyey Qoraaga reer Jabuuti Cabdalla Xaaji Cusmaan Ceeleeye.Prof Aadan Xaaji Cali oo ka tirsan Jaamacada Hargeysa oo soo akhriyey buugan ayaa waxa uu dadweynihii nasiibka u helay ka siiyey sharaxaad, inta uu ka kooban, waxa uu ka hadlayo iyo arrimo kale Mar uu Prof ka hadlayey cutubyada uu Buugani ka kooban yahay ayaa waxa uu sheegay inuu Buuggani ka kooban yahay Sagaal Cutub oo is barkan, isla markaana uu yahay Buugg si farshaxanimo leh loo qoray, waxaanu ku dooday in Buuggan Xeer-Dhaqameedka ‘Xeer-ciise’ uu yahay Buuggi ugu horeeyey ee ku qoran Af-Soomaali, isla markaana si mug leh oo faah-faahsan uga hadlaya Xeer-Ciise, waxaanu yidhi “Buuggu waxa uu ka kooban yahay 253-Bog oo xambaarsan 9-Cutub oo kala ah; Cutubka koowaad, oo ka warramaya bilawgii Xeerka, dhulka, maahmaahyada Xeerka iyo qodobbo kale. Cutubka labaad, oo ka warramaya qodobbada Dhiigga. Cutubka saddexaad, oo ka warramaya xeerka Dhaarta. Cutubka Afraad, oo isna ka warramayaa xeerka Dhaqaaqilka. Cutubkaa Shanaad,waxa uu ka warramayaa xeerrar Qubane ah. Cutubka Lixaad,waxa uu ka warramayaa xeerka kab Ugaas. Cutubka toddobaad, qabashadii Ugaaska cusub. Cutubka siddeedaad waxa uu ka warramaya Garnaq la qaaday. Cutubka sagaalaad waxa lagu soo qaatay rag ka mid ah geesiyaashii hore ee nabadda iyo xeerka ku dhaadan jirey amma dadka wax taray.”
Waxaanu Aadan Xaaji Cali ku tilmaamay Buugan Xeer-Ciise mid aad u qiima badan, isla markaana ay ku duugan yihiin Xeerka-Ciisaha oo uu ku tilmaamay inuu ka mid yahay Xeerkani hanaan wanaaga xeerka Soomaalida.
Qoraaga Buugga Xeer-Dhaqameed “Xeer-Ciise” Cabdalla Xaaji Cusmaan Ceeleeye, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Buuggan qoritaankiisu waxa uu Igu qaatay muddo lix sannadood ah. Inta badan Qodobbada xeerka ee ku qoran Buugga waxa aan ka qoray ruug-caddaaga dhaqan-yahanka ah ee la yidhaahdo Jaamac Muuse Miicaad oo hadda ku nool magaalada Jabuuti.”
Mar uu Qoraagu ka hadlayey Xeerka Ciisaha waxa uu yidhi “Xeerka Ciisaha ayaa badhtamihii qarnigii 16aad loo fadhiistay, isla Qarnigaana la dhammeys-tiray, iyada oo tan iyo waagaa facba waliba uu fac kale u soo tebinayey sidaana inagu soo gaadhay.”
Qoraaga Buuggan Cabdalle waxa uu ka sheekeeyey cutubyada uu buuggani ka kooban yahay oo uu tilmaamay Qodobada uu ka kooban yahay waxa ka mid ah Qabashada Ugaaska Ciisamaha.isla markaana waxa uu ku dhiirigeliyey dhalinyarada inay si qoto dheer u akhriyaan Buugan
Intaa Kadib Waxay dadweynihii madashaasi ka soo qeybgalay su’aalo weydiiyeen Qoraaga Buuggan, isaga oo isna kawada Jawaabay.
Abwaan Axmed Aw Geedi iyo Sacdiya Sheekh Muuse, ayaa iyaguna si weyn uga hadlay Qiimaha uu buugan u leeyahay dadka, gaar ahaan Jiilasha da’ayarta, waxaanay mahadnaq iyo bogadin u jeediyeen Qoraaga Buugan
Sunday, January 23rd, 2011 | Posted by goulled
MAASADA OGAASKA 19 ee CISSAHA PDF Imprimer Envoyer

MOUMIN BOUH WAIS, Arta
BEESHO HUMAGSIYO


HIRAANSI DHAQAN KALEY


HEELADA U TUMATOO


HOOSIIS HADH MOODOO

HAYBADAY LAHAYD IYO


MIDNIMADII HILMAATO

HURGUMADA QABIILKIYO


HABAAS U KU DHOWDO

JIHADIIBA KA HALOOSAN


DIRIIR BAA HILAACO

DHALIYARO IS HAYSO


HIRDIMO AY DHEX OOLO

HADAF QUDHA WADAGO


HUFAN OO AQOON BADAN

IYO ILAAHAY HORWEIN BU


KU HANUUNSHAY KHEYRKO

KHALADKII HELO SAXAY


EE HALYEEYADA U SAARA KACAY

HAWLAHAY LA HAAYEEN


HEEROHOODI U KA BAXAY

CIDLA HARIGA GEYSTEE


ALLE HOOS FADHISTEE

LA HASAAWAY YEE YIDHI


ADIGAA HADEEYA AH

ADIGAA HANUUN BADAN


WAXA DUNIDA HADHIYEE

HOS IYO KOR KEE YAAL


WAXAY SAMADU HASIYO

WAXA SOO HAMEEN DHIXI EE


DHULKA WALI KU SOO HOYAN

WIXII HORAY U TAGEY IYO


WAXA MAATA HOWLGALI

WAX KASTI BA HALKUU YAAL


ADIGAA HANTOO GARAN

WABA KAA HALAABEEN


EE HOGAAMIYE HALYEY OO

HAYBAD IYO KARAAMADLE


BOQOR NOO HEEL EEBOW

KU HADADAQAAYE


HADH GALMEED DHARAAREED

HAMEEN SEEXAD DIIDE


BILO HEEGANAYE

HEERYADU DUL SAAREYD


ISAGOO HILMAAMEEN

KOLA HOOWL KU MUDANEYN


ISAGAA KA HUFAN CEEBE

HOROW GARASHADIISII


HAGOOGTII DULSARAYD

HAGARLI I ILAAHAY

UGA QAAD MIDKUU HUBAY


HULADII BANAANEYD

BOQOR HAYBED LA YIMID


MUSTAFAA ALKII DAGEY

HAMUTII IYO HARAADKII


HIKII MAATA NAGA DUUL

CUMAR HA U HOREEYE


DURBA HEESO LOO CURI

BEESHUNA HALKAY JOOGTO

HABAYIYO SALAAN IYO


CIYAARTA U MA KALA HADHIN

ANIGUNA DUCAAN HURAY



DEEQ TI U HABOONAY

EE ABAYAAL HANUUN HELA


HAGAR DAAMO IYO CIIL

IFKA HOOG HA MUDANINA


QABRIGANA IFTIIN HELA

MARTI LO HANWEIYAHAY


LA HAREERO JOGOO

HORDHACII JANADA IYO



HURDO RAXA BADAN HELA

JIDKANA SIDA HILAACIYO


HINTAAQ LI I KU KUUD MARA

HADOW GIYO CACEEDANA


HARADII RASUULKIYO

HADHKA EEBE JOOGSADA


OO XISABLI I JANADA HELA

BOQOKANA MID HIBI IYO


HAYBAD IYO KARAMA LE

HAMEEN DHALAD AYAAN BADAN


HAYIN AANA DHEELIYIN

HA KA DHIGO ILAAHAY


ALLAH GARAD LA AMINO

AQLI IYO AQOON BADAN


IMAAN KU BUXOO

UDGOONO RASUULKII


SUNIHIISA OGOO

DADKU WADA ADEECAAN


HAKA DHIGO ILAAHAY

ABAABULE BULSHEEDO


EEXIYO INGAAR IYO

XUMMO LAGA ILAASHO


BURHAANTIISU IIFTO

GEESKA WADA ILEYSOO


INQILAAB SHISHEEYIYO

AFADA DAGAALKIYO


QOLOQOLADA ASOO

MIDNIMADA ADKEEYO


DHIDIBADA U AASOO

DUCADIISA LA AQBALO

HAKA DHIGO ILAAHAY



ALLEY MIDUU CISEEYO


CIDAN AWLIYAAD IYO

CUDUD U KU XOOJOO


CAWADIISA AWGEED

CIRKU U DAROORO


DHULKU U CAKAROO

CADOWGIISU SHIIQOO


CIMRIGIISU RAAGA

HAKA DHIKO ILAAHAY




AMIIN MID LA AQBALO




MOUMIN BOUH WAIS ,Arta



Hiddaha soojireenka ah Caleemasaarka Ugaaska Ciisaha

Mooge Dirir Samatar, Jabuuti, 1995 Qaybtii 1aad
« Dhacdooyinka waawayn ee ummadaha ka dhex dhacdaa waxay horseedaan baraarug ku haga dariiqa toosan iyo habsocodka habboon. Haddiise ummad waaya-aragnimada xasuusteeda kobcisaa ay dhaawacanto ummaddaasi waxay qarka u saaran tahay burbur ku soo foolle iyo kala jajab. »
Odhaahdan dhaxalgalka ah ayuu Mooge Dirir Samatar ku bilaabay hordhaca buuggan uu af-Carabiga ku qoray tarjumadda magiciisuna af-Soomaaliga ku noqonayso Hiddaha soojireenka ah Caleemasaarka Ugaaska Ciisaha, buuggan oo, sida ciwaankuba inna tusayo, waddada loo maro boqridda ama caleemasaarka Ugaaska Ciisaha. Qoraha buuggan, Mooge Dirir Samatar, waa siyaasi diinta iyo xeerkaba aad u yaqaan oo reer Jabuuti ah wuxu jagooyin kala duwan oo illaa heer wasiir gaadhey ka soo qabtay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, sida buugga ka muuqatana arrintaasi waxtar ayay u yeelatay qorista buuggan iyo hodonaynta arrimaha uu xambaarsanyahay.
Buuggan oo soo baxay 1995tii qoraagu wuxu ku bilaabayaa hordhac uu ku soo bandhigay dhibaatooyinka aqoon la’aaneed iyo ku milanka dhaqannada shisheeye oo burburisay sooyaalka taariikheed iyo habkii ay u dhaqmi jirtey beesha ciise, kaas oo ku dhisnaa kala danbayn iyo is-ixtiraam.
Isaga oo qoraagu taa ka dhaqaaqaya ayuu si cilmiyaysan u soo bandhigayaa sababihii keenay inuu wax ka qoro Ugaaska iyo habka loo caleemo saaro. waxa kale oo uu faahfaahin ballaadhan ka bixinayaa garaadka iyo bislaanshaha indheer-garadkii asaaska u ahaa dejinta xeerka iyo nidaamka kala danbayneed ee ay gaarka u lahayd beesha Ciise oo qayb ka ah dhismaha ballaadhan ee Ummadda Soomaaliyeed.
Qoruhu wuxuna farta ku fiiqayaa in tijaabadaasi ahayd mid ay ka dheegteen dhacdooyinkii iyo isbedelledii siyaasadeed iyo dhaqaale ee bulshadu xilligaa ku noolayd iyagoo cadaadis iyo nidaam shisheeye oo dibad uga yimaadda ka madax bannaan. Waxa kale oo qoraagu hordhaca ku tilmaamay in inta aanay odayadu qabashada ugaaska go’aan ka gaadhin ay horta dhigeen Xeer u adeegaya isla markaana fududaynaya xulidda hoggaanka beesha, xeerkaas oo waliba loo dhigay sidii loo joogtayn lahaa walaalaynta iyo waarinta xidhiidhka beesha oo ka kooban lix dab oo mid waliba u sii farcamo laba dab. Dabadeedna iyagoo qodobbo (dhagaley) iyo kabo la isku ogyahay ka dhaqaaqaya ayay magacaabaan Ugaaska oo u taagan astaan midnimo dhaqan iyo siyaasadeed, oo ay beeshu ku midaysantahay. Mooge wuxuu midaysnaantaas ku matalay in ugaaska iyo xeerku yihiin sida teendho hagoogga sare uu yahay ugaaska tiirarka iyo udbaha hagooggu ku taagan yahayna yahay xeerka, cidda hadhsanaysina tahay bulshadii oo niyad sami iyo farxad ku maalaysa dadaalka iyo wax soo saarka ka soo baxay maskaxda indheer-garadka ah ee duqayda beesha; waxayna noqotay dhaxal ma-guuraan ah oo facba fac u tabiyo.
Buuggani wuxu ka kooban yahay afar cutub. Cutubka koobaad wuxuu qoraagu ku qaadaadhigayaa qaabdhismeedka ismaamulka beesha Ciise iyo is bedelladii siyaasadeed ee beesha soo maray xilliiyadii kala duwanaa. Wuxuu u qaybiyay laba qaybood. Ta hore waa qaab-dhismeedka guud ee beesha iyo xidhiidhka ka dhexeeya qaybaha ay beeshu ka kooban tahay. Ta labaadna waa kobocii aragtida indheer-garadka iyo horumarkii lagu abuuray xeerka Ciise, iyadoo la tixgelinayo qaabdhismeekaa an soo sheenay oo ka koobnaa lixda aqal.
Ismaaciil Cabdi Axmed
WAX KA BEDDELKA GANDE UGAAS
Écrit par Aboubaker Farid
gande1- Sida la ogyahay qof kasta oo Ugaaska hawl u qabtaayi wuxu xubin ka yahay Gandaha, sidaa daraadeed reer ka mid ah reeraha Ganduhu ka kooban yahay hadduu dhibsado hawshii ay ka qabanayeen Ugaaska waa laga beddeli karaa , waxana ka marakacaya Sacad Muuse oo Reer Makaahiil ah, waxay ka xiiri jireen Ugaaska balse way ka cudur daarteen oo waa laga beddelay, Waxana kaalintii buuxiyey Shariifaan oo ka xiiray Ugaas Wacays iyo Ugaas Xasan Xirsi.



2- Sidoo kale wax waa laga beddeli karaa hawl ay beeli qaban jirtay amma dibbaa loo dhigi karaa tusaale waxa noogu filan, Yoonis Muuse oo Reer Geeddi ah waxaa looga dhisaa gabadha u horraysa ee loo guuriyo Ugaaska. Haddaba Ugaas Xasan Xirsi waxaa guurkiisii ugu horreeyey looga dhisay Reer Ashkir, iyada oo aan Reer Geeddina kaalintoodii la waysiinaynna waxaa looga dhisay mardanbe. Lamase waysiinayo waayo ma jiro codsi iyaga ka yimid oo ay ku codsanayaan in kaalintaa laga beddelo.
3- Tusaalaha saddexaad sida la ogyahay curadka Yoonis Muuse waa Reer xuuble, Gandahana isagaa furi jiray,ha yeeshee curadnimadii waxa lagu wareejiyay Reer Macallin oo qaatay xilkii furidda Gandaha.

FASAXYADA XUBNAHA GANDAHA
Xubin Gandaha ka mid ah waxa la fasixi karaa xaaladahan soo socda:-
1- Geeri ku timaadda Abdhawihii, fasixiisuna waa siddeed cisho
2- Dhagar ku timaadda reer uu Aabbe ka yahay, waxana loo ogol yahay shan iyo toban cisho
3- Arooska xigtada, wuxuu maqnaan karaa sidded cisha ah.
4- Xiisaha haweenku ay u xiisoodaan ehelkooda waxaa loo ogolyahay muddo siddeed maalmood ah inay la soo joogaan.
Ruuxa uu gallinkiisu fogyahay muddada fasaxa waa loo biirin karaa .

FURDAAMINTA ISMAANDHAAFKA GANDAHA
Kolka la furo Siddeedda Aqal ee caadada ah, ee Ganddaha kalana la soo furo, waxaa loo jeediyaa waano loogu sheegayo xilkooda iyo waxa ay ka caaggan yihiin,taas oo lagu tusaayo Ganduhu inuu yahay Biri ma geyday laga ilaaliyo shaasho. Khilaaf kuna waa wax yaalaha uu Ganduhu ka caaggan yahay, ha ahaado khilaafkaasi ku u dhexeeya oori iyo saygeeda amma nin iyo nimanyaalba.
Haddiise uu khilaaf dhaco habka loo furdaamiyaayi waxay tahay in laga war-geliyo Curadka oo ah shir-guddoonka Gandaha. Wuxuna iskugu yeedhaa xubnaha Gandaha isaga oo ku dhawaaqaya ereygii ahaa Heeraayoow! Cidwalba oo maqashaana waxay soo beegsataa halka laga dhawaaqaayo. Ka dibna waxa uu bandhigaa dhibta jirta ,waxana si degdeg ah loo abbaaraa utunta, iyada oo ruux walba ay ka dhawrsanayso dhawda iyo habaarka Gandaha. Ka dibna waxa la dhex galaa labadii dhinac ee dhibtu dhextaallay, waana la kala gar siiyaa, fadhigana waxa lagu soo xidhaa duco iyo gacan qaad. Hadduu khilafku yahay mid u dhexeeyo nin iyo ooridii waxa loo xilsaaraa xigaalaha,
WAX KA BEDDELKA GANDE UGAAS
Écrit par Aboubaker Farid
gande1- Sida la ogyahay qof kasta oo Ugaaska hawl u qabtaayi wuxu xubin ka yahay Gandaha, sidaa daraadeed reer ka mid ah reeraha Ganduhu ka kooban yahay hadduu dhibsado hawshii ay ka qabanayeen Ugaaska waa laga beddeli karaa , waxana ka marakacaya Sacad Muuse oo Reer Makaahiil ah, waxay ka xiiri jireen Ugaaska balse way ka cudur daarteen oo waa laga beddelay, Waxana kaalintii buuxiyey Shariifaan oo ka xiiray Ugaas Wacays iyo Ugaas Xasan Xirsi.



2- Sidoo kale wax waa laga beddeli karaa hawl ay beeli qaban jirtay amma dibbaa loo dhigi karaa tusaale waxa noogu filan, Yoonis Muuse oo Reer Geeddi ah waxaa looga dhisaa gabadha u horraysa ee loo guuriyo Ugaaska. Haddaba Ugaas Xasan Xirsi waxaa guurkiisii ugu horreeyey looga dhisay Reer Ashkir, iyada oo aan Reer Geeddina kaalintoodii la waysiinaynna waxaa looga dhisay mardanbe. Lamase waysiinayo waayo ma jiro codsi iyaga ka yimid oo ay ku codsanayaan in kaalintaa laga beddelo.
3- Tusaalaha saddexaad sida la ogyahay curadka Yoonis Muuse waa Reer xuuble, Gandahana isagaa furi jiray,ha yeeshee curadnimadii waxa lagu wareejiyay Reer Macallin oo qaatay xilkii furidda Gandaha.

FASAXYADA XUBNAHA GANDAHA
Xubin Gandaha ka mid ah waxa la fasixi karaa xaaladahan soo socda:-
1- Geeri ku timaadda Abdhawihii, fasixiisuna waa siddeed cisho
2- Dhagar ku timaadda reer uu Aabbe ka yahay, waxana loo ogol yahay shan iyo toban cisho
3- Arooska xigtada, wuxuu maqnaan karaa sidded cisha ah.
4- Xiisaha haweenku ay u xiisoodaan ehelkooda waxaa loo ogolyahay muddo siddeed maalmood ah inay la soo joogaan.
Ruuxa uu gallinkiisu fogyahay muddada fasaxa waa loo biirin karaa .

FURDAAMINTA ISMAANDHAAFKA GANDAHA
Kolka la furo Siddeedda Aqal ee caadada ah, ee Ganddaha kalana la soo furo, waxaa loo jeediyaa waano loogu sheegayo xilkooda iyo waxa ay ka caaggan yihiin,taas oo lagu tusaayo Ganduhu inuu yahay Biri ma geyday laga ilaaliyo shaasho. Khilaaf kuna waa wax yaalaha uu Ganduhu ka caaggan yahay, ha ahaado khilaafkaasi ku u dhexeeya oori iyo saygeeda amma nin iyo nimanyaalba.
Haddiise uu khilaaf dhaco habka loo furdaamiyaayi waxay tahay in laga war-geliyo Curadka oo ah shir-guddoonka Gandaha. Wuxuna iskugu yeedhaa xubnaha Gandaha isaga oo ku dhawaaqaya ereygii ahaa Heeraayoow! Cidwalba oo maqashaana waxay soo beegsataa halka laga dhawaaqaayo. Ka dibna waxa uu bandhigaa dhibta jirta ,waxana si degdeg ah loo abbaaraa utunta, iyada oo ruux walba ay ka dhawrsanayso dhawda iyo habaarka Gandaha. Ka dibna waxa la dhex galaa labadii dhinac ee dhibtu dhextaallay, waana la kala gar siiyaa, fadhigana waxa lagu soo xidhaa duco iyo gacan qaad. Hadduu khilafku yahay mid u dhexeeyo nin iyo ooridii waxa loo xilsaaraa xigaalaha,

DHALLINYARARADA IYO GANDAHA
Écrit par Aboubaker Farid


waxaa la yidhi: “bulsho Odayo lahayni waa bulsho aan xigmad lahayn, bulsho dhallinyaro lahaynna waa bulsho awood la”.
Sidaa aawadeed dhallinyarada waxaa laga ilaalin jiray wax kasta oo u keeni kara curdan dhadh. Waana laga celin jiray meelaha lagu kulmo sida: geedaha lagu baano, axanka aaska dabadii la cuno iyo meelaha ay Duqaytidu joogaan. ha yeeshee waxa la sheegey in dhallinyaru ka qayb galeen Ganddihii u danbeeyey ee la furay Gunburta cas, kaas oo lagu magacaabay “Qurux-la joog”sababtuna aya ahayad inay ku jireen dhallinyaro badani. Sidoo kale Ganddihii Waaruf 1947kii waxaa ku jiray dhallinyaro uu ka mid ahaa Xaaji Xasan Cali oo ahaa Wardiiq Reer Xasan ah oo Reer Cabdalla ah oo loo yaqaanay “Xasan gandde”. Waxana laga soo wariyay inuu yidhi: (waxaan ahaa dhallinyaro, wayna is le’ekaayeen dhallinyarada iyo Odayada Ganddaha ku jiray .)

jeunes de Af Cassé
Bulshada Af Casse


DHIISHA DHIIBARAARI
44ka Aqal ee Ganduhu waxay leeyihiin Dhiil lagu ururiyo dhawrtada oo la yidhaa Dhiisha Dhiiba raari. Dhiishaa Waxa laga soo qaadaa Yoonis Muuse oo Cabdi Macallin ah oo Muuse Cadde ah. Waxa la dhigaa Aqalka Curadka waxa lagu ururiyaa dhawrtada oo loo yaqaano Oolsha. Salaadda subaxa marka la tukado ayaa dhiisha caanaha ah la soo dhigaa irridda, waxayna ku riddaa Oorida Aqalkaa lihi Galci oo ah kan canaha lagu dhamo. Kolka uu salaadda Arooryaad ka soo boxo Curadku waxa uu ku dhawaaqaa Ereyga ah , Heeraayow! Gandde khayroow! Gandde Rooblow! Gandde Guullow! Isaga oo ku celcelinaya. Ereygani waxaa uu ogeysiis u yahay Gandaha oo uu u sheegayo in la gaadhay xilligii dhiisha daboolka laga qaadayey. Baaqaa ka dib waxaa la iskugu yimaaddaa dhiisha guudkeeda. Waxaana laga darsadaa Caanaha meel mida.ciddii halkaa iman weyda waa la birdeeyaa(ganaaxaa), waayo dhiishan oo dusheeda la iskugu yimaaddaayi waxay ugaysiis u tahay tirakoobka xubnaha Gandaha iyo bilawga hawlqabadka maalintaas.

GANDE KU DHALAD
Wareegtada nolosha Aadanaha ayey u caada tahay dhimasho iyo dhalasho. Geerida oo ah mid laga tiiraanyoodo lagana murugoodo marka ay qof ku timaaddo, waxaa iyana ka soo horjeedda dhalashada. Maxaa yeelay waxa qoyska ku soo biiray Aadane wata nasiibkiisa. Sidaa aawadeed waxa si gaar ah loogu farxaa ilmaha ku dhexdhasha Gandaha, waayo aragtida bulshada ayaa ah inuu la socdo khayr iyo nasiib wanaagsan, waxana ilmahaa ka wanqala Gandaha. Maxaa yeelay Cunugga soo biiray Aabbihii waxa uu u guntaday danguud, isaga oo dhulka dhigay tiisii gaarka ahayd.Danta uu Bulshada u hayo oo aan laga siinayn wax mishaara ah. Sidaa darteed sabigu waxa uu farxad u yahay bulshada guud ahaan. Magaciisana waxaa lagu lammaaneeyaa oo lagu ladhaa ereyga Gande sida: xasan Gande, cilmi gande, casoowe gande…..

MAXAY KU KALA DUWAN YIHIIN LABADA GANDE
Labada Gandde waxay ku kala duwan yihiin:
1- Gande Ugaas tiradiisu waa 144, gande duca-yeella waa 44 xubnood
2- Gande Ugaas hawshiisu waa Talo oo waa xulida iyo daryeelka Ugaaska, Gande duca yeella shaqadiisu waa Tag oo wuu duceeyaa
3- Ugaaska waxa doorta 144 xubnood oo Gande Ugaas ah waxayna u kala baxaan Gandde-Guddi iyo Geed-joog.
4- Gandde Ugaas wuu guuri karaa Gandde Ducayeella waa ma guuraan
5- Gandde Ugaas waxaa ku jira Raggan soo socda oo nin iyo hawl gaar ah qabto.
(a) Faaliye.
(b) Farreeye.
(c) Xeeriye.
(d) Xaraf-jir (Qur’aan ruug).
6- Gandda Ugaas waxa ku jira reerahan soo socda oon ku jirin Ganda duca-yeel:
(a) Sacad Muuse oo Reer Makaahiil ah oo u qaabilsan xiiritaanka iyo sahanka.
(b) Wardiiq Yeesif ah oo Geeddi Cali ah oo u xilsaaran caleemasaarka. oo saara Go’a shaalka ah.
(c) Sacad Muuse oo Reer Guulane ah oo Reer Axamed ah iyo wardiiq Yeesif ah oo u xilsaaran ololaha iyo ku dhawaaqidda.
(d) Sacad Muuse oo Dhabbac ah oo Reer Siciid ah, waxa uu u xilsaaranyahay u lisitaanka caanaha hasha Goda.
(e) Reer Guulane Reer Axamed ah oo u xilsaaran u lisitaanka caanaha Saca layidhaa Leefa.
(f) Mamaasan Xasan ah oo Abtisama ah oo u xilsaaran u lisitaan caanah Laxda layidhaa Dharo. Waxaana wadaag kula ah lisitaanka laxdaa Reer Xasan Gaddidshe oo reer Cabdille oo bah-fuurlabe ah. Waxaa kaloo wadaag kula ah Walaaldoon Cali Gadiid ah oo reer Axamed ah.
(g) Sacad Muuse oo Xasan Gaddiidshe ah oo reer Aadan Xasan ahi Gundhatihiisa ayaa lagu fadhiisiyaa marka la caleemasaarayo
REERAHA UGAASKA LOOGA DHISO
Ugaaska waxa looga dhisaa :-
(1) Reer Geeddi oo Reer Buraala ah.
(2) Reer Waadhowr oo Reer Ashkir ah.
(3) Mamaasan cawl ah oo Badaraxaan ah oo reer Faarax ah.
(4) Sacad Muuse reer Guulane ah oo reer Waraaba ah.



No comments:

Blog Archive