Saturday, May 19, 2012

Ururka Heraale Youth Alliance SUURE DIR SAWIRO

Ururka Dhalinyarada Xeraale oo ka dhisan magaalada Nairobi

Ururka Heraale Youth Alliance oo ka dhisan magaalada Nairobi .






Kulan ay ururkaani ku qabteen magaalada Nairobi ayaa sidoo kale lagu taageeray maamulka madaniga ah ee degmada Xeraale oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Macallin Maxamed Sheikh Xassan oo kamid ahaa odayaashii halkaas ka hadlay ayaa isna ku adkeeyay dadka deegaanka Xeraale inay ka shaqeeyaan maamulka deegaanka oo uu gudoomiyaha u yahay Bashiir Daahir.

“Waxaan ka codsanaynaa shacabka inay la shaqeeyaan maamulkooda”. Ayuu yiri Macallin Maxamed.

“Waligayo abaar waa arki jirnay ilaahay baanan baryi jirnay maahan in gaalo loo yeerto, waa inay ummada Soomaaliyeed isku tashataa”. Ayuu sii raaciyay mar uu ka hadlayay xaaladda abaarta.

Kulankan oo ahaa mid uu soo qabanqaabiyay ururka Heraale Youth Alliance ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay dadweyne isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada iyadoo sidoo kalana ammaan loo soo jeediyay guddoomiyihii hore ee degmada Xeraale Tahliil Cismaan.





Guddoomiyaha ururkan Maxamed C/rashiid Cismaan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay taageerayaan maamulka uu hormuudka u yahay Bashiir Daahir Yuusuf.
“Waxaan taageeraynaa maamulka degmada Xeraale, waxaan kaloo ummada Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay u gargaaraan dadka ay abaartu la dagtay ee ku dhaqan deegaannada gobolka Galguduud iyo guud ahaanba Soomaaliya”.Ayuu yiri Maxamed.





============================================================================












No comments:

Blog Archive