Friday, August 17, 2012

Wasiiro Direed oo La Eedeyay :C/casiis Sheekh Yuusuf iyo C/laahi Sh. Ismaaciil. Siyaasiyiin Laga Reebay Liiska Baarlamaanka Soomaliya.


Dhageeyso Wareysiga VOA
http://www.voasomali.com/audio/Audio/203982.html


Guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka Soomaaliya ayaa wasiirro iyo siyaasiyiin hore ka reebay liiska xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka cusub.
Xubnaha la soo celiyay waxaa ka mid ah, C/laahi Sh. Ismaaciil oo soo noqday wasiirkii arrimaha dibedda, C/raxmaan Ibbi, wasiirkii kaluumaysiga iyo C/casiis Sheekh Yuusuf oo ah wasiirka caafimaadka.

Xubnaha ayaa lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen hoggaamiye kooxeedyadii dagaalka ee Soomaaliya, eedaasi oo ay si weyn u diideen.
Odoyaasha dhaqanka ee xubnaha la soo celiyay si weyn u diiday in dib u soo celinta waxayna guddiga farsamada ku eedeeyeen inaysan xaq u lahayn in xubnahooda ay soo celiyaan.
Hoos ka dhageyso wareysiyo ay VOA la yeelatay odoyaasha dhaqanka iyo C/casiis Sheekh Yuusuf iyo C/laahi Sh. Ismaaciil.

No comments:

Blog Archive