Saturday, September 8, 2012

Mahad Cabdalla oo loo doortay G/ku-xigeenka 2-aad ee baarlamaanka (Sawiro)



Afhayeenka Dowladda Soomaaliya


Doorashadii Afhayeenka Baarlamaanka iyo Ku/Xigeenadiisa oo Goordhow Dhamaatay

Posted by admin on Aug 28th, 2012 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.



Waxa la soo gabagabeeyay doorashadii guddoonka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, oo ka dhaceysay dugsiga tababarka ciidanka ee General Kaahiye.



Waxa doorashadii ugu dambeesay ay ahayd tii guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, waxana isku soo taagay ilaa afar musharax oo kala ah:



1- Cabdulaahi Cismaan Sugule waxa uu helay 48



2- Maxamed Cabdulaahi Xasan waxa uu helay 22



3- Cusmaan Cilme Boqorre oo helay 19



4- Mahad Cabdalle Cawad oo helay 122 cod



Markii lagu dhawaaqay natiijadda dooradhada koobaad ee guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, ayaa gudigga doorashada waxa ay u sheegeyn musharixiinta in ay jiraan wax tanaasulay, maadama wareeg labaad la galaayo, intii aan wareeg labaad lagalin ayaa waxa musharixiinta ay sheegeyn in ay uga taansuleen xilka ninka ugu codbadiyay qeybta koobaad oo ah Mahad Cabdalle Cawad.



Waxana meesha ku soo dhamaaday doorashadii guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka.



Intaas kaddib waxa goobta lagu dhaariyay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, waxana markii dambe la hadlay xildhibaannadda iyo marti sharafta kale afhayeenka cusub ee baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxa uu sheegay in dadka ay daalan yihiin, shirkana uu xiran yahay.



Wuxu sheegay in maalinta bari la nasan doono, laakin khamiista toddobaadkan la qaban doono kullan, markaas oo la shaacin doono wax yaabaha ay qaban doonaan guddoonka cusub ee baarlamaanka.



Waxa sidaas ku soo dhamaaday munnaasabadii saaka barqadii soo bilaabatay ee lagu soo dooranaayay guddomiye baarlamaan iyo ku xigeennadiisa.



Waa markii ugu horreysay ee doorashada baarlamaanka ay ka dhacdo Soomaaliya muddo ka badan 20 sanno.



Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com



2012/08/29, 06:21 am



Khaanad: Gobolada, Muqdisho, Wararka Lifaaqyo: Baarlamaanka, guddoomiye ku-xigeenka labaad, loo doortay, Mahad Cabdalla.



Mahad Cabdalla oo loo doortay G/ku-xigeenka 2-aad ee baarlamaanka

Tartankii doorashada guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ku guuleystay Mahad Cabdalla Cawad kaddib markii Afar musharrax ay xilkaasi u tartameen.



Xubnaha xilka guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka u loolamayay ayaa waxay kala ahaayeen Mahad Cabdalla Cawad, Cismaan Cilmi Boqorre, Cabdullaahi Cismaan Ducaale iyo Maxamed Cabdulle Xasan.



Doorashadaas ayaa waxaa codeeyay 201 xildhibaan, 112 cod waxaa helay Mahad Cabdalla Cawad iyadoo markii loo gudbay wareegii labaad ay tanaasuleen saddexdii musharrax ee kale, waxaana qofka ugu soo dhowaa codadka uu ahaa Cismaan Cilmi Boqorre.



Gabagabadii, waxaa goobta lagu dhaariyay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad.



Afhayeenka cusub ee baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in barito ay tahay nasasho, isla markaana xildhibaannada baarlamaanka ay isku imaan doonaan maalinta Khamiista ah.



No comments:

Blog Archive