Friday, October 5, 2012

Beesha Direed xiligan matahay mid ku haboon inay ku biiraan Maamulka Puntland?



Posted by Boosaaso on April 5, 2011 in Warar
2 Comments



Shalay ilaa iyo xalay warbaahinta soomaaliyeed nooc yadeeda kal duwan waxay baahinayeen warar sheegayay in qaar ka mid ah salaadiin iyo coqaal ka soo jeeda beesha Direed ay go’aan ku gaareen inay ku biiraan Maamulka Puntland.



Xaflad balaaran oo shalay ka dhacday Hoteelka Saylaan ee magaalada Galkacyo ayaa looga dhawaaqay in beesha direed ay ku biirtay Maamulka Puntland wxaayna sheegeen dadkii matalayay Beesha Direed inay kulamo looga hadlayay arimahaasi ay la sheeyeen Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Puntland Dr Cabdiraxmaan ‘’Faroole’’.



Intii ay socotay xafladii looga dhawaaqayay ku biiritaanka Beesha Direed Ee Maamulka Puntland ayaa waxaa khudbado kala duwan ka soo jeediyay qaar ka mid ah masuuliyiintii ka soo qeybgashay xaflada, balse sheekada la yaabka leh ee laga soo wariyay xaflada ayaa ahayd in laba oday oo kaliya oo ka tirsan beesha Direed ay khudbadahoodii ku soo bandhigeen hadalo muujinayay sida ay ugu faraxsanyihiin inay kusoo biiraan Maamulka Puntland.



Labada oday ee munaasabadii ka hadashay ayaa kala ahaa Suldaan Cabdinuur Xaaji Axmed iyo Khaliif Warsame Maxamed. Waxayna labadoodaba ay ku nuux nuuxsadeen inay go’aan ku gaareen dhammaan qeybaha kala duwan ee beesha direed sida Aqoonyahanada,waxgaradka,cuqaasha,salaadiinta.isimada iyo dhalinyaradaba inay ku biiraan maamulka Puntland.



Waxyaalaha kale ee aad ii so jiitay waxay hayad in Suldaan Cabdinuur Xaaji Axmed uu shaaca ka qaaday in beel waliba ay leedahay hormuud lagala xisaabtamo beesha sidaasi la adligeedna iyaga lagala xisaabtami doono beesha direed.wuxuuna hadalkani uu noqonayaa mid sumcad daro ku rida magaca beesha Direed maxaa yeelay beesha direed waxay ka mid tahay beelaha soomaaliyeed sida weyn looga qadariyo Dalka soomaaliya .



Waxa iska cad in hadalka ka soo yeeray labadaasi oday uu yahay mid iyaga u gaar ah oo ra’yigooda ku saleysan waxaana taasi ku cadeynaya in qeybihii kale ee beesha matali lahaa inaanan waxba lala socodsiin loona soo bandhigin ra’yigan ah inay ku biiraan Maamulka Puntland.



hadaba su’aalaha isweydiinya mudan ayaa ah,Aaway waxgaradkii,cuqaashii.Aqoomyahanadii,Siyaasiintii iyo qeybihii kale ee Beesha matalayay, ma waxaa ka haray labadan oday ee iyagu ku hadaaqaya inay ku biireen Maamulka Puntland? Beesha Direedse xiligan matahay mid ku haboon inay ku biiraan Maamulka Puntland?



W/Q:- Saciid Buule warsame

Email:saciidbuule@gmail.com



GalGalanews.com





No comments:

Blog Archive