The aim of this project by Terra Nuova is to increase production efficiency in the Turkana area. It aimed to enhance the slaughterhouse's capacity to operate as a profitable venture, thereby ensuring the sustainability of the slaughterhouse as an independent entity.
Somali livestock industry at crossroads: traditional exporters meet contemporary importers
Sheikh Technical Veterinary School and Reference Centre (STVS) is a regional institution located in Sheikh, in the highlands of the Sahil region (Somaliland). Its aim is to provide pastoralists in the Region of the Horn of Africa with better veterinary services. STVS began as a project in 2002 with international funding from (European Union, Danish Government, Italian Cooperation) implemented by Terra Nuova, under the auspices of African Union, Inter-African Bureau for Animal Resources. Now, a well-established tertiary education Institution, it operates a fullyfledged regime with modern academic facilities within a state-of-the-art socially interactive environment. Affiliated to Makerere University (Uganda), STVS has built strong institutional and academic links with peer institutions of higher learning both within the region and at international level. The School is currently in the process of being adopted by the Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) as one of its regional institutions.
Maxaad kala Socotaaa Sheikh Technical Veterinary School ? | |||
Sheekh(OWN)- Kuliyada Xanaanada Xoolahe ee Sheekh ama STVS waa kuliyad Goboleed ka dhaxaysa dhamaanba wadamada Geeska Africa, taas oo xarunteedu tahay Magaalada Sheikh oo ka mida Gobolka Saaxil (Somaliland ) waxay bixisaa sadex sanadood oo boodhan ah taasi oo ardayda dugsiyada sare dhamaysata lagu barayo culuumta xoolaha.
Hadafka College ka STVS
Ujeedada Machadkani waa in uu kor uqaado adeegyada xanaanada Xoolaha ee wadamada Geeska Africa
STVS waxa maal galiyey Midowga Yurub, Dowlada dhaniska, iyo Italian Co-operation Waxaana hirgaliyey Haayada la yidhaa TERRA NOUVE
STVS xarunteedu waa magaalada Sheikh Waxaaney la Mataano tahay Jaamacada Caalamiga ah ee MEKERERE UNIVERSITY (Uganda)
Kuliyadani waxa ay leedahay dhisme ka kooban dhamaanba qaybaha looga baahan yahay College caalimiya oo soo saari kara arday tayo leh.
Shuruudaha ardayda Gasha Machadkan
Si uu ardaygu u Codsado inuu ka mid noqdo ardayda wax ka barata machadkan waxa looga baahan yahay:-
koobi Shahaado dugsi sare, ama waraaq cadaynaysa inuu dugsi sare dhameeyey
in aaney da daadu ka waynaan 25 jir
warqad muujineysa inaad rabto inaad ku soo biirto STVS
Ka dib dhamaan ardayda soo codsata waxa laga qaadaa imtaxaanka galitaanka (entrance exam)
Machadkan Sheikh Technical Veterinary School waxa ilaa hada ka qalin jabiyey Sadex daf cadood Kuwaasoo ka howl galaan wadamo ku yaal Geeska Africa,
Waxa College kan Ilaa Hada ka qalin jabiyey Sadex dafcadood oo marka la isu geeyo tiro ahaan ahaa 34 qof, ardaydan ka qalin jabisey STVS waxa ay hada ka howl galaan haayadaha dowlada iyo kuwa caalamiga ahba, ee inta badan wadamada geeska africa.
Waxii faahfaahin ah kala soo xidhidh:
The aim of this project by Terra Nuova is to increase production efficiency in the Turkana area. It aimed to enhance the slaughterhouse's capacity to operate as a profitable venture, thereby ensuring the sustainability of the slaughterhouse as an independent entity. Somali livestock industry at crossroads: traditional exporters meet contemporary importers
Sheikh Technical Veterinary School and Reference Centre (STVS) is a regional institution located in Sheikh, in the highlands of the Sahil region (Somaliland). Its aim is to provide pastoralists in the Region of the Horn of Africa with better veterinary services. STVS began as a project in 2002 with international funding from (European Union, Danish Government, Italian Cooperation) implemented by Terra Nuova, under the auspices of African Union, Inter-African Bureau for Animal Resources. Now, a well-established tertiary education Institution, it operates a fullyfledged regime with modern academic facilities within a state-of-the-art socially interactive environment. Affiliated to Makerere University (Uganda), STVS has built strong institutional and academic links with peer institutions of higher learning both within the region and at international level. The School is currently in the process of being adopted by the Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) as one of its regional institutions.
Email: stvs@stvs-edu.org
Tell: 002522730118
|
- SDWO (Sheikh 10/09/07) Munaasibad aad u balaadhan ayaa shalay lagu qabtay isla machadka SHEIKH TECHNICAL VETERINARY SCHOOL ka dib markii dufcadii u horaysay ay ka qalinjebiyeen dugsigan. Dufcadan qalinjebisay oo ka kooban lix iyo toban arday bartayna cilmiga caafimadka xoolaha, ayaa la gudoon siiyey shahaado ah Diploma oo ay wadeen muddo sedex sanno ah.
Ugu horayntii waxaa munisibadaas ka hadlay Madaxa Hay’adda mashruuca fulisay ee Terra Nouva Cipren Biao oo kalmado soo dhawayn iyo mahadnaq ah u jeediyey dhammaan marti sharaftii meesha timid iyo dhammaan cidkasta oo gacan ka gaysatay hirgilinta mashrucan wuxuuna hambalyo gaara u diray ardayda qalinjabisay.
Intaa ka dib waxaa microphoneka lagu soo dhaweeyey Badhasaabka Gobolka Saaxil, Mohamed Abdillaahi oo sheegay in aanu hadli karaynba farxad darteed isla markaana erayo soo dhawayn ah u jeediyey dhamaan madaxdii Dawladda iyo Hay’adihi fuliyey iyo cid wal oo cawisay mashrucan iyo dhammaan marti sharaftii ka soo qayb gashay qalinjabintan isagoo sheegay in dadbani shaki ka qabeen in aanu iskuulkanii shaqayn karayn duruufo badan oo ku xeernaa darteed, waxuu sheegay in uu ka xunyahay ardayda maanta qalinjabisay oo aan hablo ku jirin amaba aany ka dhex muuqan isagoo sheegay in qolyaha danbe ee dhawaan la qaatay ay jiraan qaar kale oo baddan ay insha allaah iman doonaan wuxuu yidhi waxaan rajaynayaa in aynu heli doono Xoolo Caafimaad qaba.
Wasiirka Xananada Xolaha mudane Idiris Ibraahim Abdi ayaa hadalkiisa ku bilabay “ aad baan ugu faraxsanahay in aan kaso qaybgalo Xafladan qalinjabintan loodkii u horeyey, waxa marka hore xusid mudan in aan u mahadceliyo dhammaan Hay’adii fulisay mashrucan Terra Nuova iyo cid wal oo ka qaby qadatay. waxaan ka xumahay in aan habo ka muuqan ardayda manta qalin jabisay, waxaan ku aad ugu faraxsanahay in arday yar yar oo Cilmigan baratay manta soo baxaan waayo dalka ma jiraan cid anaga naga danbaysay oo Cilmigan baratay haddaad eegto Wasaaradayda manta nin aad Cirro lahayni ma jiro waxaanan u sidaa ardayda bishaaro ah in aan intooda badan shaqalayn doono waxaa kale oo jira deeq waxbarasho (Scholarship) aanu ka helnay qaar ka mid ah wadamada jaarka ah inta badan waxaan siin doona ardaydan manta qalinjabisay .
Gudoomiyaha Xisbiga UCID mudane Faysal Ali Warabe oo isagana halkaa ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu kaso qaybgalo xafladan qalinjabinta dufcadii u horaysay ee macadkan, wuxuu u mahad celiyey dhammaan Hay’adihii maal galiyey iyo kuwii fuliyeyba mashrucan wuxuu hambalyeyay Wasiirka Xananada Xolaha oo uu shegay in uu yahay wasiirkii u horeeyey ee bishaaro sheega waxuna intaa ku daray waxaan rajaynaynaa in Madaxwaynaha iyo ku-xigeenkiisuna ku dayan doonaa wuxuu sheegay in uu xaflado badan oo qalin jabin ah ka qaybgalay taasina ay tahay ayuu yidhi Dawladnimadii oo aanu la soo noqonay xorna noqonay wuxuu ardayda ku dardaaray in ay cilmiga sii wataan umadana uga faa’iideyan wuuna ku hambalyey dedalka ay sameyeen.
Ugu danbayntii waxaa Shahaadoyinkii la gudoonsiiyey 16 lix iyo tobankii arday ee dhamaystay Cilimigan caafimadka Xolaha oo farxad badani ka muuqatay wajigooga, waxaa halkaa ka hadlay mid ka midda ardaydii qalinjabisay oo u mahad naqay marti sharafta kala soo qayb gashay xafladan, ardayda ka danbaysana dardaaran u diray in ay dedaalka halkaa kasii wadaa.
No comments:
Post a Comment