Friday, November 23, 2012

WAA GOB, WAA GUN, WAA BOON, WAA BILIS! WAA BEER LAXAWSI!!!!



C/Rahman Eelay

eediran@yahoo.com







Abtirsiinyada iyo sheeko xariirtu waxay na baraysaa in Hawraarsame nafta ka jaray odaygii ardaa jiifka ahaa ee inta badan jiimbaar jiifka ahaa. Waxaa uu odaygaasi ahaa Maxamed Daa’uud oo Ilma Sade adeerkood ahaa. Odaygu wuxuu in badan Eebe ka baryey in uu u fududeeyo oo nafta uu ka qaado. Waxaa la yidhi Hawraarsame iyo nin kale ayaa ku dhibtooday wadwadidiisa iyo rati ku rarkiisa ka dibna Hawraarsame ayaa Odeygii dilay!. Markii uu Hawraarsame falkaas ku kacay ayaa walaaladiis u soo gogol fariisteen lagana codsaday in uu magtii bixiyo.



Markii laga waayey magtii ayaa waxaa go’aan lagu gaaray meesha lagu magacaabo Xanan Muruq in la dhaco xoolaha Hawraarsame marka ay 10 neef gaaraanba. Hawraarsame wuxuu u adkeysan waayey dhibaatada ka soo martay dhaqida xoolaha iyo iyagoo si sahal ah looga dhaco. Wuxuu go'aan ku gaaray in uusan ogolaan xoolo dhicid danbe isaga iyo dhashiisu. Intii kale ee walaalihiis ahaa ayaa isla Xanan Muruq ku shiray kuna soo gabagabeeyey in Hawraarsame la takooro oo isaga iyo firkiisu ay meel gaar ah degaan, waxna aan lagu darsan, lagana guursan.



Sheekadii Hawraarsame ee ahayd in la karantiilay oo cuna qabateyn lagu soo rogay ayaa la gaarsiiyey dhamaan degaanada Soomaalidu degto si beelaha kale ay iyaguna ugu bilaabaan takoorka. Waxayna ku yiraahdeen walaalkeen ayaanu goynanaaye nala ogaada oo nagu taageera maadaama uu sameeyey wax diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaalidaba ku xun oo ah dilkii adeerkeen iyo in uu diiday diyadiisii. Laakiin waxaan filayaa in aysan beelaha kale u sheegin intii ay dhacayeen xoolihiisii oo kaba badan diyadii 100 halaad ee ay raadinayeen!. Hawraarsame wuxuu gooni ahaadaba wuu tiro batay oo ilaa Mudug, Nugaal, Hawd, Galbeed, Gedo iyo Nagayle ayuu ku faafay, wuxuu Gobolka Gedo ka dhacsaday qowmiyada Booranta sidaasuuna meesha ku degay ilaa haddana uu ku degan yahay.



Wuxuuna Hawraarsame ka mid noqday qowmiyada la takooray laakiin wuxuu kuwa kale kaga duwan yahay isagoo leh dhul uu dego oo uu ku mitiday in kastoo aad laysugu deyay in laga fara maroojiyo haddana Eebe kuma guuleyn walaalihiis ka faanay ee gooyey in ay sal kiciyaan. Ajiga ayaa isweydiiya har iyo habeen: Sidee buu Hawraarsame dhul iyo xoolo u yeelan karaa ee uu Madhibaanka kale u yeelan waayey? Sidee buu Hawraarsame isugu kalsoon yahay oo aysan wax cuqdad ah ugu jirin? Sidee buu u yeelan karaa qabka iyo isla weynida Ajiga oo kale? Waa arrimaha uu Ajigu jawaab u la’ yahay buufiskana ku riday! Waxa ay la gami’ la'yihiin Ajigu waxayna doonayaan in ay mar kale isu bahaystaan sidii ay waa horeba sameeyeen sida uu soo qoray Abukar Ali. Halkan ka akhri Halkan...



Waxaa lagu yaqaanaa Hawraarsame in ay yihiin dagaalyahano aan laga maarmin xilliga colaadu timaado waana sabab ka mid ah sababaha loo yiraahdo Hawraarsame waa dhalad waa gob waa Mareexaan dhalad ah waxaanu isku nahay 4-ta Reer Amaan Reer. Laakiin marka la gaaro hawshii laga lahaa ama ay timaado guur iyo in guri cusub la dhiso oo uu Hawraarsame soo raadsado gabadh ay dhaleen walaalihiis waxaa si kaa argagixinaysa loo yiraahdaa: Boonaay, Boonaay! Boonaay! Boonaay! Boonaay! Boonaay! Boonaay! Boonaay! Boonaay! Boonaay! Boonaay! Boonaay! Boonaay! Boonaay!. Haddaba Mareexaanow laba afleynta daa: Labada af ee is burinaya keebaad raacdeen. Ma ka walaalnimada mise ka aflagaadada iyo cayda? Laakiin waxaan la yaabay reerkan marna leh waanu isnahay marna leh waanu kala nahay ee magta isku gooyey maxaa Soomaalida kale ka galay? Ma is gaashaanbuureygii 4-aad ee Ajigaa?!!!!!!!!!

Waxaa nasiib wanaag ah in Hawraarsame uu garab iyo gaashaan ka helay Reer Guriga (Reer Xasan, Soonfure, Talxe, Uur Midig iwm), waxaa kale oo ay garabsadeen Fiqi Yaaquub oo aan dakana gelin cidna dhicin cidna dilin oo la raaciyey Hawraarsme waana sababtaas aad Soomaalida uga maqlaysaa Hawraarsame iyo Harab Yaaquub!



Waxaa loo bixiyey magac yasid ah oo lagu caayo: Ilka yar! laakiin waxay ku hanweyn yihiin kuna dhaartaan magaca ay yihiin wax cuqdad ahna kama qabaan magacooda sida qowmiyadaha kale ee la takooro!.



Waxaa mudan in la xuso in beesha Mareexaan ay u soo guurtay gedo muddo hadda laga joogo 100 sano ku dhowaad iyagoo ka yimid Mudug waxayna sameysteen isbahaysi ka kooban Celi Dheere (oo la yiraahdo Booran buu ka soo jeedaa), Reer Axmed, Reer Siyaad, Reer Garaad iyo intii kale ee Mudug kala timid. Waxaa dagaalo aan kala joogsan lagu bilaabay Hawraarsame, Habar Yaaquub iyo intii la deganayd si looga qaado, deegaanadooda iyo dhulka beeraha iyo baadka ku wanaagsan biyahana leh. Maanta oo sanadku yahay 2004 waxaa dhul beereedkii uga haray Banaanay. Wakhti dheerba ha qaadato in ay maskaxda Ajigu furfuranto oo wax fahano, laakiin maanta wuxuu ogaaday Ajigu oo u bidhaamay in xiniinyaha raggu ka wada siman yahay isagoo xasuustay halku dhegyadii halyeygii Soomaaliyeed ee Wiilwaal iyo Dagaalyahankii Quudhsi diidka ahaa ee Ayax Dhowre Dagaal ee ahayd:



RAG HOOYADIINA U HAYO WALAALOW WUXUU KU DHAAMO LA WAA!!

QOODHAHA RAG WAXAA LOOGA SIMAY QEYR INUU YAHAYE!!!



C/Rahman Eelay eediran@yahoo.com



Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan



No comments:

Blog Archive