Sunday, December 9, 2012

Beesha Magaadle Maxamed-Xiniftire Mahe Dir iyo Deegamadooda

Xigasho laga soo Guuriyay
http://magaadle.blogspot.ca/2012/04/inta-lafood-ee-ay-kala-baxdo-beesha.html#!/2012/04/inta-lafood-ee-ay-kala-baxdo-beesha.html


Marka hore waxaan ku bilaabay magaca illaahay sareeyoon weenaaye
Marka xigta Magaadle waa Maxamed-Xiniftire waxuu ka sii yahay Mahe Dir waxuuna ka sii yahay Dir waxuuna kasii yahay Dir Irir waxuu ka sii yahay Irir-Samaalle waxuu ka sii yahay IJI waxuu ka sii yahay Inna Xaam(haam) Xaam na waa Inna Nebi Nuux (nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee).
Taariikhda beesha magaadle waxaa loo kala saaraa mid qadiim ah ,mid dhexe iyo xadiis ah ama waqtiga hadda la joogo.

Beesha Magaadle waxay degaan ahaan degan tahay guud ahaan Somaliland , gaar ahaan tuulooyin ka tirsan goboladda Sanaag iyo Togdheer.

Sida Godcaanood oo ka tirsan degmadda Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag iyo tuulooyinka Qurilugud, Coodanle, Wadaamo-goo oo iyaguna ka tirsan Degmadda Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.

waxay leedahay laba Caaqil iyo hal Boqor beeshu oo kala ah;

1.Caaqil Faarax Xaaji Cabdi Ow-Daahir

2.Chief Caaqil Axmed-Rashiid Xaaji Jaamac Ow-Maxamed

3.Boqor Maxamuud Shiekh Osman Nuur (Timacade).



 --------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

Ceerigaabo=Beesha Magaadle oo Dooratay Boqor.
Written by Qaran News
Mar 04, 2010 at 02:19 AM
Ceerigaabo(Qarannews) Shir ballaadhan oo ay maanta isugu yimaaddeen Cuqaal, Guurti, Aqoonyahanno iyo Waxgaradka kale ee Beesha Magaadle ayaa waxa halkaas beeshani shaaca ka qaadeen in ay beel ahaan isla garteen samaysashada boqorkan, sidoo kalena Maxamuud Sheekh-Cismaan Nuur (Timacadde) ay u garteen una magcaabeen in uu noqdo Boqorka Beesha Magaadle, iyagoo sidoo kalena sheegay toddobaadka soo socda in ay caleemo-saari doonaan kuna caano-shubi doonaan



Image


Maxamuud Sheekh-Cismaan Nuur (Timacadde)

Muddo bil iyo badh gaadhaysa oo beeshani gudaha dalka iyo debeddiisaba shirar kala is daba joog ah ku yeelatay waxannu beel ahaan marka hore isla garannay oo isla oggolaannay iskuna raacnay in ay beeshu samaysato boqor. Kaas oo aannu u garannay Maxamuud Sheekh-Cismaan Nuur (Timacadde) in uu noqdo Boqorka Beesha Magaadle". Sidaas waxa yidhi Caaqil-Faarax Xaaji Cabdi oo ah caaqilka Beesha Magaadle. Wuxuna caaqilku intaas kusii daray. "Boqor-Maxamuud Sheekh-Cismaan Nuur (Timacadde) waxa la caleemo-saarayaa laguna caana-shubayaa maalinta taariikhdu tahay 07/03/2010".

Waxana Cuqaasha iyo Guurtida kale ee iyaguna shirkaas ka hadlay ka mid ahaa

- Guurti Nuur Xaaji Cabdi
- Guurti-Aadan Siciid Cabdi iyo
- Guurti-Cali Cabdi Daahir.
Dhinaca kalena Boqorkan la doortay oo ah nin dhallin yaro ah ayaa taariikh ahaan ah mid kazoo jeeda boqortooyo hore (Magaadle) oo isir ku leh intooda badan beelaha waaweyn ee Reer Sheekh-Isixaaq.

Source.Qarannews/Ceerigaabo

No comments:

Blog Archive