Sunday, December 9, 2012

Caleemo-Saarka Boqorka Beesha Magaadle oo ka dhacay Ceerigaabo.

March 8, 2010
By
 
 
Ceerigaabo(Qarannews) 14 Maddax-dhaqameedyo isugu jira Salaadiin iyo Boqorro ay hoggaaminayeen Suldaanka guud ee beelaha H/Yoonis Suldaan-Maxamed Xirsi Qani iyo Suldaanka guud ee Beelaha H/Yoonis-bari Suldaan-Rashiid Suldaan-Cali Ducaale, Madaxda laamaha dawladda heer-gobol iyo degmo, Cuqaasha, Guurtida, Waxgaradka kale, Aqoonyahanno, Haweenka, Marti-sharaf ka kala yimid gobollada Somaliland iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan ayaa isugu yimid munaasibaddan Caleemo-saarka Boqorkan oo ay yeesheen Beesha Magaadle Boqor-Maxamuud Sh-Cismaan Nuur (Timacadde) oo maanta lagu qabtay magaala-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.
Boqorkan oo ka soo jeeda Beesha faca weyn ee Magaadle ayaa dhowaan beesha uu ka dhashay kusoo doorteen in uu qabto xilka boqor-nimada ee maanta loo caleemo-saaray.
Munaasibaddan Caleemo-saarka Boqor-Maxamuud Sh-Cismaan Nuur (Timacadde) ee magaalada Ceerigaabo oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey ayaa waxa ugu horrayn ka hadlay halkaas Maayor-ka Ceerigaabo Ismaaciil X. Nuur, waxana uu Meeyarku ku dheeraaday taariikhda fog ee beeshani leedahay ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa “Taariikhda sida aynu ku hayno Boqor-Maxamuud maanta waa boqorkii 8-aad ee beesha magaadle yeelatay waxana ka horreeyey 7 boqor oo hore oo beeshani u soo talinayey”. Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi “Boqorkani waa mid guud ahaan beelaha reer Sh-Isixaaq gaarahaanna beelaha H/yoonis ixtiraam ka mudan, waayo waa beeshii Sh-Isaxaaq dhulka ugu yimid, kana guursadey Magaado oo boqorkii xilligaasi dhalay innaguna (Haba-Magaadle) aynu ka soo jeedno. Sidaas darteedna waannu soo dhowaynaynaa boqorkan”.
Chief-Caaqil-Axmed Xaaji Jaamac, Caaqil-Faarax Xaaji Cabdi, Caaqil-Jaamac Jibriil braahin iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Axmed Maxamed Axmed (Aaya-tullah) oo iyagu ka soo jeeda beesha soo dooratay boqorkan ayaa si aan kala leexasho lahayn waxay halkaas uga caddeeyeen beel ahaan shirar badan oo ay yeesheen kaddib in ay boqorkan soo doorteen, lana shaqayn doonaan, iyagoo Marti-sharafta munaasibaddan isugu timidna si weyn ugaga mahad celiyey sida wanaagsan ee ay uga ajiibeen marti-qaadkan iyo caleemo-saarka Boqor-Maxamuud Sh-Cismaan Nuur (Timacadde sidoo kalena Beelaha Reer Somaliland iyo Reer Sanaagba ay ka codsadeen boqorkan cusub in ay la shaqeeyaan.
Waxa iyaguna munaasibaddan ka hadlay xubno tiro badan oo isugu jira Cuqaal iyo Guurti ka soo kala jeeda dhammaan beelaha dega gobolka Sanaag, kuwaas oo iyaguna halkaas boqorkan iyo beeshiisaba uga soo jeediyey hadallo isugu jira bogaadin, talooyin, waano dardaaran iyo ducooyin intaba, sidoo kalena dhinacyadooda halkaas ka caddeeyey in ay boqorkan si buuxda ula shaqayn doonaan.
Intaasi kaddib, waxa Boqor-Maxamuud Sh-Cismaan Nuur (Timacadde) madaxa loo saaray duubkii (cimaamadda) boqornimadiisa oo ay si wada jir ah madaxa ugu geliyeen Suldaanka guud ee beelha H/Yoonis Suldaan-Maxamed Suldaan-Xirsi Qani iyo Suldaanka guud ee beelaha H/Yoonis-bari Suldaan-Rashiid Suldaan-Cali Ducaale.
Suldaan-Rashiid Suldaan-CAli Ducaale oo ku hadlayaye afka guud ahaan magaca salaadiinta safarka ku joogta gobolka Sanaag iyo madax-dhaqameedyada beelaha reer Sanaag ayaa hadal kooban oo uu halkaas ka jeediyey wuxu ku sheegey in ay boqorkan cusub kusoo dhowaynayaan guud ahaan golaha madax-dhaqameedyada Somaliland iyo gobolka Sanaag, isagoo suldaanku xusay in ay nasiib weyn u tahay boqorkan cusub tirade Salaadiinta iyo boqorrada faraha badan ee ka kala yimid dhammaan gobollada Somaliland ee ka soo qayb galay caleemo-saarkiisan, wuxuna sidoo kale suldaanku halkaas ka caddeeyey in ay boqorkan cusub si buuxda ula shaqayn doonaan, isagoo Eebbena uga baryey boqorkan cusub in uu u fududeeyo hawlaha loo igmadey.
Gebgebadii munaasibaddan waxa hadal kooban oo mahadnaq iyo ducu isugu jira ka soo jeediyey boqorka cusub ee lagu caleemo-saaray halkaas Boqor-Maxamuud Sh-Cismaan Nuur (Timacadde), wuxuna halkaas boqorkan cusubi ka sheegay in uu qaadan doono hadallada talooyinka iyo waanada ee halkaas looga soo jeediyey, sidoo kalena wuxu ballan qaaday in uu bulshadiisa ugu talin doono sinnaan iyo caddaalad.
Si kastaba ha ahaatee, munaasibaddan oo hadallo badan oo kaftan ahna laysaga tebinayey ayaa u muuqanaysey mid ay isugu yimaaddeen madax-dhaqameedyadii (Salaadiin iyo Boqorro) ugu badnaa ee lagu arko munaasibad noocan oo kale ah oo ka dhacda guud ahaan gobolka Sanaag.
Salaadiinta iyo Boqorrada Munaasibaddan ka soo qayb galayna waxay kala ahaayeen:-
  1. Suldaan-Maxamed Suldaan Xirsi Qani (Suldaanka guud ee Beelaha H/Yoonis).
  2. Suldaan-Rashiid Suldaan Cali Ducaale.
  3. Suldaan-Yuusuf Muxummad Xiirey.
  4. Suldaan-Nuur Faarax Xuseen.
  5. Suldaan-Aadan Yuusuf Nuur (Suul-cayn).
  6. Suldaan-C/raxmaan Cawaale Hurre.
  7. Suldaan-Maxamuud Cabdi C/laahi X. Aadan
  8. Suldaan-Cali Yuusuf Cabdi (Badda cas).
  9. Suldaan-Ismaaciil Nuur Wacays
10.Suldaan-Maxamed Axmed Cali-yare
11.Boqor-Axmed Cali Ducaale.
12.Boqor-Maxamed Nuux Aadan
13.Boqor-C/laahi Xaaji Xasan.
Source: Qarannews/Ceerigaabo
Comments are closed.

No comments:

Blog Archive