Tuesday, March 14, 2017

Caleemo Saarka Ugaaska Beesha Layiile Madaxweyn Direed Ee Dalka Ethiopia



ugaaska-beesha-layiile-ugaas-xuseen-cismaan-xasan

beesha-layiile
coofle111



caydaruuus-weeyaan



coofle3333333333333333333


Ugaaska Beesha LAYIILE Oo Si Meeqaam Sare Ah Loogu Caleemo Saaray Dalka Ethiopia Iyo Khudbadihii Laga Jeediyay. DAAWASHO-WACAN
September 12, 2016 - Written by Mustafe Jannaale
Diridhaba(Hayaannews):Ugaaska Beesha LAYIILE ee Direed Ugaas Xuseen Cismaan Xasan ayaa lagu Caleemo-saaray Magaalada Diridhaba ee dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Munaasibadii loo sameeyey Caleemo-Saarka ayaa si meeqaam sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qeybgalay Salaadiin,Garaado, Odayaal, Dhalinyaro, Ganacsato, Waxgarad,Haween iyo marti sharaf kale oo tiro baddan.
Dhamaanba dadkii ka hadlay Xaflada Caleemo Saarku waxay si weyn u taageereen Maamulka dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar,iyaga oo ku bogaadiyay horumarka, Nabad-gelyada iyo maamulka suuban ee uu ku hogaaminayo.

Ugaaska Beesha LAYIILE ee Direed Ugaas Xuseen Cismaan Xasan oo Munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu u u mahad-celiyay dhamaan-ba marti sharafatii ka soo qeybgashay Caleemo-saarkiisa.
“Waxaan halkan ka bogaadinayaa Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar, oo horumar muuqdaa gaadhsiiyay ismaamulka dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia,”.Ayuu yidhi.
HALKAN HOOSE KA DAAWO FIIDYOWGA.



1 comment:

DIRSAME said...

http://www.hayaannews.net/news/ugaaska-beesha-layiile-oo-si-meeqaam-sare-ah-loogu-caleemo-saaray-dalka-ethiopia-iyo-khudbadihii-laga-jeediyay-daawasho-wacan/

Si Fiican uga Akhriso

Blog Archive