Tuesday, March 14, 2017

Caleemo Saarka Ugaaska Beesha Qubeys (Surre Beesha Direed)

Daawo Sawirada Caleemo Saarka Suldaanka Beesha Qubeys iyo Gudomiye ku Xigeenka Barlamaanka Galmudug oo ka Qeyb Galay’



Degmada Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug Waxaa lagu soo Afjaray Caleemo Saarka Suldaanka Cusub ee yeelaneyso Beesha Qubeys ee kamid ah Beelaha Dega Galmudug,
Xaflada Ayaa ka Dhacday Bartamaha Magaalada Waxana ka Qeyb Galay Gudomiye ku Xigeenka Barlamaanka Galmudug Xareed Cali iyo Madaxweynihii Hore ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo Wasiirka Waxbarasha galmudug Sidoo kale Waxaa Qeeb ka ahaa Wafdi Balaaran oo Xildhibaano ah,
Goob Banaanka Magaalada ayaa lagu soo Dhaweeyay iyadoo Soo Dhaweyntooda Wafdiga ay Ka Qeyb Qaateen Arday iyo Shacabka Magaalada,
Soo Dhaweyn kadib Waxaa Bilaabatay Xaflada Waxana Halkaasi ka Hadlay Madaxda kala Duwan ee Goobta ku Sugneyd kuwaasi oo Hambalyo u Diray ugaaska Cusub iyagoo ale ugu Baryay in uu Noqdo Mid Shacabka isku Mideeya kuwa Galmudug iyo Kuwa Beesha uu Matalo,
Dhanka kale Masuuliyiinta Gobolka iyo ugaaska Cusub Ayaa Dhankooda Goobta ka Hadlay Waxayna ugu Horeyn u Mahadceliyeen Masuuliyiinta Waqtigooda u Horay iyagoo intaasi kadib Jeediyay Hadalo ku Aadan Soo Jireenka Ugaaska iyo Hanaanka uu soo Maray,
ugaaska oo Dhankiisa Hadlay Waxa uu Balanqaaday in uu Noqondoono Ugaas Guud oo Waxweyn ka Badala Hormarka iyo Wada Jirka Shacabka Galmudug Gaar Ahaan Beesha Qubeys,
Halkan Hoose Sawirada
suldan1 suldan2 suldan3 suldan4 suldan5 suldan6 suldan7 suldan8 suldan9 suldan10 suldan11 suldan12 suldan13 suldan14 suldan15 suldan16 suldan17 suldan18 suldan19 suldan20 suldan21 suldan22 suldan23 suldan24 suldan25

No comments:

Blog Archive