Tuesday, August 1, 2017

General Abdi Kariim Yusuf Adan Dhagabadan iyo Aaskiisi












Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh  Cali Diini, ayaa maanta ka qeyb galay aas Qaran oo loo sameeyey Abaanduulihii hore ee Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed Marxuum C/kariin Yuusuf Aaden (Dhegabadan) oo gelinkii danbe ee maanta lagu aasay deegaanka Xeraale ee Waqooyiga Galgaduud, waxana ka hor intii an laga qaadin Maydka Marxuumka magaalada Muqdisho waxaa salaadda Janaasada ku tukadey madaxda ugu sareysa dalka.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in marxuum Dhegabadan  uu ahaa wadani geesi ah oo dalkiisa u soo shaqeeyey xili adag oo dalka laga xoreynayay cadowga soo duuley ee Al-shabaab.
“Ilaahay Samir iyo iimaan ha inaga siiyo Marxuum Dhegabadan oo ahaa geesi waqti badan galiyey la dagaalanka kooxda Argagixisda ah ee Alshabaab iyo sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxdaas shar wadayaasha ah ee baneystay dhiigga dadka Soomaaliyeed.


Image result for general dhagabadan
Masjid ku yaallo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Salaada Janaasada lagula dukaday Marxuum C/kariin Yuusuf Aadan Dhaga badan oo shalay ku geeriyooday weerarkii Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.
Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa ka qaybgalay Salaada Janaasada, waxaa dhamaantood ka muuqatay sida ay kaga xun yihiin geerida Jeneraal Dhaga badan oo ahaa nin aad u shaqo badan.
Meydka Marxuumka ayaa loo qaaday Degmada Xeraale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud si halkaasi loogu aaso.
Abaanduulihii hore ee ciidamada Xooga dalka Somaliya, ayaa lagu xasuusan doonaa Dagaalkii adkaa ee Shabaab uu la galay iyo markii Shabaab laga saaraayay magaalada Muqdisho dagaaladii uu hogaaminaayay Dhaga badan.
Saraakiisha ciidamada Milateriga Somaliya ayaa si qiireysan uga tacsiyadeeyay geerida Generaal Dhaga badan.
Hoos ka Daawo Sawirada:-
2 3 4 5 6 7 8

Khudbadii General Dhegabadan

https://www.youtube.com/watch?v=KoUK0VcGvX4


https://www.youtube.com/watch?v=U2sYG-hnX6c

Image result for general dhagabadan

Image result for general dhagabadan xeraale

No comments:

Blog Archive